Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

ABBAAN WARRIHII REER GUURAAGA

Abbaanwarrihii Reerguuraaga

Hadduu dheregsan yahay wiil yar bay taladu dhaaftaaye.
Wax dhallaanka lagu seexiyaa dhaasasiyo beene:
Dhalanteedka layguma sasabo dhacaya maantiiye.
——Salaan Carrbeey. Baane.



Nin ugaas ahaa ayaa ku mihiyay in uu bixin lahaa inan gabdhihiisii ugu heemaal badnayd. Meel madal ahayd ayuu wacad ku qaaday: meehaalad, ballan aan yeelan lahayn cago iyo raad toona. In cabbaar ahayd haddii uu indhaha ku kuurayay wiil baaluqay xaggiisii, sow ku yeen:

"Maandhe, gabadhayda Carro ah ayaan kuu dhisahayaaye, war ka dheh!"
"Adeerkayow, hadday gabadhu Carro ahayd, kaa yeelay!"
"Maandhe, arooskiinnu waa gu'ga iman doona."

Golihii sacab, mashxarad, iyo reynreyn ayaa ekeeyay. Dad oo idil, waa loo wada guuxay.

Gu'gii na yimi. Gu' kale na yimid. Warkii ugaasku na, isma soo tarin uu. Wiilkii na raagsiinyo aan dhammaad ba lahayn bay ula ekoonatay. Maalin nool ba na, waxa uu uurka uga cataabi jiray:

"Dharar badanaa! Carro igu dheeraa; Carro iga dheeraa. Abbaaye kuma waayo!"

Dabadeed na, wiilkii waxa uu la tashaday oday waayeel ahaa; asii garyaqaan na ahaa: si uu u bilkeediyo waxa adeerkii uu ka maagganaa arrinkii Carro. Waanadii uu waayeelkii ka helay isaga oo maanka ku sii haystay, ayuu wiilkii na la daleeyay ugaaskii:

"Adeerow, see wax u jiraan? Mee warkaagii? Meeye' guurkii? Meeday Carro? "
"Maandhow, war illeyn warmoog baad ahayd! Carro sow t' ku diidday!"

Haddaba, wiilkii waxa uu codsaday, isla geedkii warka laga sheegay kalhore, ugaasku in uu mar kale ka sheego: "gabadhiisii Carro ahayd in ay diidday guurkii". Ugaaskii na yeel, sidii uu wiilkii codsaday.

Golihii na sacab, mashxarad iyo reynreyn ayaa ekeeyay. Dad oo idil, waa loo wada guuxay.

Saa ayuu wiil kii na ku goblamay; saa ayuu guumeysoobku na Carro u helay: Taloxumi! Ugaas ku se, haddii uu ama wacadfuliyo ama wacadfuro, labaddaraadle, guurto okobban ayuu mar kasta, meelo ha ka heli jiray. Gef kiisa iyo gar tiisa na, loo guuxi jiryaa!
La soco qeybaha soo socoda .

A. M. Yusuf"

wayeel@operamail.com

Enter content here

Enter supporting content here