Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

qaraami

QARAAMI

(Muddo nus qarni ah markii ugu horreysay oo ay soo if baxaan midho ku abtirsada Dugsiga QARAAMIGA)
Qallinkii Xassan Cumar Hoorri 

Inta la ogyahay heesta Somaaliyeed waxay ka soo alkuntay or iyo sacab, jaan iyo jiib iyo hannaankii herwo iyo shirbadii dhaqanka ka soo jeeday. Qaraamiga waxa lagu asteeyaa fiintii ugu sarreysay oo ay halabsatay heesta Somaliyeed. 
Gilgilashada hab nololeedka iyo hor u marka bulshadu ku tallaabsatay markii miyi laga soo bara kacday loona hayaamay xaggaa iyo tuulo, ka dibna magaalo, waxa soo if baxday baahida iyo xiisaha loo qabay in dhallinyaradu oogto kullamadii caweys iyo jaan dheertii. Malaha taasi waxay fool xumo ku noqotay reer magaalkii, arrintuna waxay ka fursan weyday in la curiyo qaab iyo hannaan nafta loogu raaxeeyo, isla markaana, looga fogaan karo boodadii miyiga. Ogow arrintu kama madhnayn dhaqanmo shisheeyaha laga soo ergistay, ilbaxnimo la soo bowsaday iyo dhegtooda oo xiisaynaysay heesha carbeed iyo hindiyeed oo si gaabis ah u soo gaadhayey. 
Sannadahii afartameeyada, waxa soo shaac baxay “KABACAD” oo ahayd koox filyar ah oo ka hana qaaday degaanka Hargeysa, kuwaas oo is bedelka dhaqan dhaqaale u horseeday in ay isu eekaysiiyaan wiilasha aynigooda ee shisheeye, kana soo dheegtay in ay xidhtaan dhar isku joog ah, kana sinnaa kabo caara dhuub ah oo midabkoodu cad yahay. KABACAD, durbaba, waxa loo aaneeyay in ay bud dhigeen, gardaadiyeen, bulshadana u iftiimiyeen qaab loo magaaleeyey oo salka loogu dhigay ortii iyo sacabkii. Jibbadu waxay gaadhaysay heer uu qofku miyir doorsoomo ilaa uu ka dildillaaciyo huga uu xidhan yahay. 
Dugsiga labaad ee QARAAMIGA waxa lagu magacaabaa BELWO oo sida la sheegay ka soo aasaasantay wadaayaalshii baabuurta oo xilligaa ahaa farsamo yaqaannada iyo xeeldheereyaalsha dalka ugu magaca iyo dhegta roon.
Dugsiga saddexaad iyo fiinta u korreysa buuralayda qaraami waxa lagu suntay magaca Heello. Haddaba, iyada oo dulucda qormada aanay foolka ku hayn in aan ku qaadaa dhigo waayahii iyo hebelodii QARAAMIGA, ujeedadu kama fogeyn in aan qeexo biyo dhacii QARAAMIGA iyo waayahiisii berrisamaad oo ku sinnaa tan iyo dabayaaqadii kontomeeyadii iyo xilligii ay kacaameen, isla markiibana, tamariyeen kooxdii Walaalo Hargeysa. 
Run ahaantii, curinta dugsiga QARAAMIGA waxay ku kooban tahay dabayaaqadii kontameeyada iyo bilowgii lixdameeyadii. Hase ahaatee, taas macnaheedu ma aha in mudadaas tobanka sano ah uu ku xidhmay Dugsigii QARAAMIGA oo weli jiil klasta oo Soomaali ah waxa dhegahoodu la fil yahiin Madiix, Aroor, Laac, Kaar, Ciil, Burcaawi, Xaafuun iyo heesha qaraami ee Subcis naqtiinka u ahayd.
Tan iyo waagaas oo ku siman qarni badhkii waxa la haybinayey cod iyo erayyo cusub oo ku soo biira Dugsiga QARAAMIGA, isla markaana, dardar gelin, soo kaclayn iyo dib u cusboonaysiin u noqon lahaa dugsigaas faca weyn. Haddaba, ugu danbayntii, waxa farta lagu fiiqay abwaan isku deyey in uu curiyo midho cusub oo QARAAMI ah.
Abwaan CISMAAN ABBOKOR DUCAALE (BERBERAAWI)waxa aan kula kulmay Hargeysa bishan August 2005 isaga gacanta iga saaray curintiisa erayyada cusub ee QARAAAMIGA kuwaas oo gaadhaya ilaa siddeetan tuduc. Muran kama taagna erayyadan cusub in ay ehel u yahiin QARAAMIGA oo waxa baadi goobka iyo baafinta igu weheliyey Dhammaan dadkii ka soo jeeday Dugsiga Qaraamiga iyo inta taageerta kuwaas, oo malahayga kuunyaya in erayyadaasi gacanta u galaan qof aan mudnayn. Erayyda waxa tifaftiray Abwaan Hadraawi, waxana farta iigu fiiqayey Ismaaciil Cagaf, Saxardiid Jebiye, Maxamed Yuusuf, Guduudo Carwo, Xuseen Cali Kaahin, Dararamle iyo Faysal Cumar mushteeg. Haddaba aniga oo aan ka masuugayn murtida in ay ila mugaabiyaan inta ila wadaagta, waxan halka ku soo bandhigayaa qayb ka mid ah midhaha cusub ee Dugsiga QARAAMI. 
Waan hubaa oo erayyada cusub waxay aradtir iyo cusboonaysiin u noqon doonaan heesaahii QARAAMI oo maanta aan ku dhegaysan karno erayyo cusub. Isweydiintu se waxay tahay erayyadan ma horseedi doonaan curinta codad cusub oo la bah ah Dugsiga QARAAMI. Jawaabtu waxa ay u taal heesaaga iyo  cod abuuraha Somaaliyeed iyada oo abwaanku xiltiray midho abuurahii Somaaliyeed oo waayo iyo waayo gabay in uu nooleeyo curinta Dugsigii QARAAMI.

QARAAMI- Erayyadii Cismaan Abbokor Ducaale


    1) 
Haddaanad ii ogeyn sidaan kuu ahaa
      il dheerna ku eegin aayaha
      Alleylehe waa af-kala-qaad.

    2)  Asaaggay ka irdhoobey awgaayoo
    aydaan u baxaa ilmeeyaa.


3) 
Ilmadu kama iman halkaad aragtee
  aad bay u fogtee ogsoonow. 

4) 
Haddaanu ubaxuba urtaada lahayn
ILaahay hortii ma eegeen.

5) 
Jacaylkaad abuurtay bay ambiyoo
Eebaha igu yaal u aabbo ah.

6) 
In'aan ku illaabey kuula egtee
Afkaba kama dhigo amaantaadoo
Sidaan kuu ahaa ayaan ahay. 

7) 
Haddaan Amaraneey arooryada hore
Indhahaan kala Qaaday ay ku arkayn
Maxay anfac iigu filnyihin.

8) 
Buurtaad isku qaadday way ba’antee
Maxaad uga biqi bannaannada.

9) 
Haddii ballanteenni loo baxay
Marnnaba haka biqin Bariidada.

10) Intaad ballan qaadday way badatee
Badheedh iigu sheeg waxaan boxo.

11) Taariikhda jacaylkee soo taxan iyo
Tabtaan ahay waysu tegayaan .! 

12) Waxaan ka tix-raacay taadiiyoo
Waxay taladii isugu timi
Inaan cagta tiiriyoo tago.

13) Tiraab kulul baa I tuuraysee 
I taabataye haygu talax-tegin.

14)Talooy anigaa wax tabanaayee
Maxaa igu taagey tiir adag...?

15) Haddaan go’o geeri waan u dhashee
Goobtaad I dhigteen guracnaa.

16) Geel iyo adhibaan gabbaati wadee
Gugaa di’i waayey bay gabay.

17) Garaadka indhahaa lagaa geliyoo.
Way kugu gaabantay wax-garashadu.(1)

18) U dayrshay kuwii I doonaayoo
Ku daaley midaan la’ ii diran.

19)Waxaad doonto daacad baan ka ehee
Hay daalin, adna debedda hays dhigin

2
0) Haddaad damacdeen inaad I dishaan
Ku deyra jacaylka daah adag.

Edited by - Aftahan on September 08 2005 08:33:30

Enter content here

Enter supporting content here