Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

NAAKHUUDE

NAAKHUUDE Q1AAD

Naakhuude 

Sheeko Cusub oo taxane ah 
Waxaa Qoray

Shaafici Xassan Maxamed

mi99mosh@chl.chalmers.se 

Waxaa lagu baahiyay AllPuntland Feb 09, 2003

 

Hordhac: Sheekadaani waa qiso maaweelo ah, oo ay sababta loo curiyey tahay in ay dadka afka soomaaliga ku hadlaa ku madadaashaan. Waxaa hab falsami iyo farshaxan ah looga xalladaynayaa markab weyn, oo asaga oo badweyn maraya, inta naakhuudihii madaxda ka ahaa la isugu tegey maanyada moolkeeda lagu tuuray. Wuxuu isku deyey in uu inta dabaasho gurada ku soo laabto, hase ahaatee waa loo diidey, wuuna haftay oo wuxuu nafbaxay markabkii oo weli taagan.

Dabadeed dadkii rakaabka ahaa kooxo iyo gaballo ayey u kala qaybsameen oo horin kasta waxaa hormuud u noqday nin aad u muhanaya in uu hoggaamiyeyaasha kale uga hormaro shukaanta markabka. Xilli aad u dheer baa meeshii la taagnaa, oo cuntadii iyo cabbitaankii markii ay yaraadeen bay intii xoogga isbidayey dadkii saboolka ahaa ka xigsadeen. Gaajo iyo macaluul baa danyar badan xaaqay, balse kuwii madaxnimada isku haystey dan kama ay lahayn rafaadka badda dusheeda ka jirey ee qaar kastaa waxay u mintidayeen in uusan markabku socon ilaa ay ayagu dhaqaajiyaan. Waxaa dhacay xiisado iyo dagaallo badan oo loo kala xuslinayey midka uu noqonayo ninka hagi doonaa. 

Waa sheeko taxane ah oo haddii uu Alle idmo si joogto ah ugu soo bixi doonta bogga ”Allpuntland”, waxaana dhalliil iyo dhiirigelin lagala xariiri karaa
Shaafici Xassan Maxamed oo ah ninka curiyey. Waa qoraa maadoole ah oo horay u soo saaray labo sheeko oo dalka Masar lagu daabacay oo kala ah ”Sirmaqabe” iyo ”Guur iyo geeri”, iyo labo buug oo kale oo la kala yiraahdo ”Danyarkalkaal” iyo ”Hooyooyin iyo hablo kadeedan”. Qisadaan magaceeda waxaa la yiraahdaa ”Naakhuude”. 

Naakhuude 

Intay waraaq dhowr bog ka kooban u dhiibtey bay teermuus hortiisa yiil gacanta saartay oo, ayada oo wajigiisa ballaaran oo duuduubka leh, eegaysa xoogaa dhoollocaddaysay si ay u kala ogaato bal in uu kafeega cusub in loo shubo ku faraxsan yahay iyo in uusan danaynayn.

Marka ay qoslayso ninkii arka dareenkiisa farxad iyo himad baa buuxiya, waana sababta keentay in ay ka shaqayso qolka markabka laga hago.

Wuxuu milicsi naxariis leh ku jalleecay indhaheeda waaweyn, bushumeheeda culayga ah iyo ilkaheeda cadcad oo fanaxda leh. Timaha jilicsan oo aad u madow dhawaan baa loo jaray, wajigeedana waxaa la moodaa in uu ku habboon yahay in ay naakhuudaha qalbigiisa dejiso.

Shaati gaduudan oo khafiif ah bay xiran tahay, oo laba naas oo ay rajabeeto ku xajisey buu naakhuuduhu indhaha la sii raacay. Laabteeda kor ka bannaan waxaa ka dhalaalaysa silsilad bidhaamaysa oo ka soo raaracda luqunteeda dheer oo cas. Wuxuu asaga oo weli qoslaya araggiisa ku celiyey wajigeeda furfurnaata weyni ku dheehan tahay.

Qosol aan sharqan lahayn ayuu asaguna dhoollaha qaawiyey, hase ahaatee ilkihiisu sida kuweeda uma cadcadda ee waxaa madoobeeyey mukhaadaraad uu bartay ayada oo aan dhalan. Malaha xataa aabbaheed ma dhalan waagii uu tubaakada bilaabay, jaadka iyo maaweelada kalena wuxuu xiisaynayey xilli dheer oo uusan laftiisu xasuusan inta sano oo uu ahaa. Madaxa intiisa hore waxaa diiratay bidaar, hareerahana waxaa ku meegaaran timo yar oo saaka daawo khaas ah loogu madoobeeyey.

Gabadha wuu ku faraxsan yahay, dhanbaalka ay hor dhigtayse wuu ka didsan yahay. Inkasta oo uusan warka waraaqda ku qoran moogayn haddana in lagu gafey buu tirsanayaa, wuxuuna asaga oo la dareemayo in uu gabadha kafeegeeda xiisaynayo yiri:

- Indho macaan badan iyo waji ilwaad leh baa kaa muuqda, la’aantaana adduunku xiiso ma laha, maxaa yeelay anigu waxaan ahay naakhuudihii markabkaan, adiguna waxaad tahay naakhuudihii noloshayda.

Ereyadaas iyo hadallo la mid ahi waa haasaawe uu naakhuude Kediye Bulxan caadaystey si uu uga farxiyo oo ula saaxiibo hablaha shaqaalaha ah oo asaga u dhowdhow. Wuxuu hadda, intuu ookiyaalo waaweyn gacanta midig isaga bixiyey oo gadaal u dhacadiidsadey lugahana is dul saartay, sii eegayaa Batuulo Xaange oo inta hortiisa ka dhaqaaqday tarbiib iridda xaggeeda u sii hadaafaysa, oo goonno lawyaha u joogta qabta.

Kubabkeeda bilicda leh iyo barideeda quruxda badan ayuu Kediye Bulxan xoogaa ku dhaygagay, wuxuuna dhab ugu marqaamay socodkeeda xashaashka iyo xarragada leh iyo dhexdeeda yar oo uu daawanayey ilaa ay libirtay.

Markaas ayuu soo qaaday oo hoos u fiiriyey dhanbaalkii baas oo la moodo in uu imaatinkiisa aad u kahanayo. Waraaqda dheer oo uu hadda, asaga oo weli kursiga jilicsan jirjir ugu jiifa intuu dhabtiisa saaray, eegayo wuxuu warkeedu soo gaarey intii aan qoraalkeeda la bilaabin. Dadka markabka ka buuxaa waa umad afka ka wada falan oo hadal kuma dhex qarsoomo, isla markaas ragga aragtidaan soo abaabuley qaar baa naakhuudaha qarsoodi ula xariira oo u sheega debin kasta oo loo qoolayo iyo xan walba oo lagu baahayo.

Horay baa loo yiri: ”Oday arigiisa mana maalo mana mooga” Haddii uusan rakaabka saaxiibbo badan ku lahayn waa hore ayaa afka ciidda loo gelin lahaa. ”War la qabaa xiiso ma leh” ayuu qalbiga iska yiri.

Miiska hortiisa ah waxaa hadda saaran koob gaduudan oo ay wax madoobi ka buuxaan oo uu qaac caddi ka mulufaadayo, telefoon modow, waraaqo iyo labo qalin oo kala nooc ah. Qolka gudihiisu ma kulula oo waxaa ku daaran qalabka wax qaboojiya, waxayna aqalka iyo alaabta taalliba ku habboon yihiin in uu naakhuude ka soo dhex jeesto.

Markii uu waraaqda ciwaankeeda kore akhriyey buu inta bogaggii ugu horreeyey ka boodey wuxuu baaritaan ku bilaabay baalasha ugu danbeeya oo ay ku taxnaayeen nimankii aragtidaas yaabka leh kula soo dhiirradey magacyadoodu.

Ninka liiska ugu horreeyaa wuxuuba ahaa mid waa hore markabka naakhuude ka aahaan jirey, kuwa ku xigaana waxay noqdeen dad markabka dushiisa caan ka ah oo muddo ka soo shaqeeyey. Qaar ka mid ahi waaba Kediye Bulxan saaxiibbadiis qaali ah, laakiin saaxiibtinnimo laguma xisaabtamo markii siyaasad la isku hayo ee danaysi iyo afgobaadsi baa lagu socdaa.

Awalba wuu ogaa in naakhuudenimada lagu haysto, haddase wuxuu baarayaa dadka hunguri-xumada iyo indho-adaygga la soo bareeray kuwa ay yihiin. Badankooda horay baa intii uu abaabulku socdey loogu soo jaajuusay, qaarna ayagaaba u soo dhuuman jirey. Aad uguma uu baahna in uu waraaqda nacasnimada xanbaarsan oo dhan akhriyo.

Ookiyaalihiisii buu intuu gashaday……………. 

U taagnaada Naakhuude waa, sheeko taxane ahe!


Ookiyaalihiisii buu intuu gashaday oo waraaqdii miiska ku tuuray ayuu dhudhumadiisii waaweynaa miiska ku cuskaday, oo calaacalo faro buurbuuran leh dhabanno saaka harreeddo cirro ah laga xiiray ku qabtay. Wuxuu iskula hadlay ”Markii aan filoobey oo jilcay bay habar kastaa waraaq xun ah soo qoratay. Ma kuwaas oo kalaa ila hadli jirey rag baa xaniinyaha i qabtaye!?”

Telefoonkii baa dhacay, haddana mar kale ayuu dhacay, mar saddexaad buu dhacay, wuuna qabtay:

- Halow.

Cod dumar baa ka soo baxay, markaas ayuu xoogaa farax ahi dareenkiisa saameeyey, waxayna leedahay:

- Maalin wanaagsan jaalle naakhuude waa Udgoon Halac.

Telefoonka dhegtiisii buu si wanaagsan u qabsaday, wuxuuna asaga oo qosol dhixdhix ah cirka ku shareeraya inta soo kaankaansaday yiri:

- Marxabba, marxabba Udgoon. Wallaahi billaahi tallaahi haddeer ayaad maskaxdayda ku wareegaysey, maxaa yeelay waxaad tahay wadnihii nolosha umadda rakaabka ah. Anigu naakhuudihii markabka ayaan ahay adiguse waxaad tahay naakhuudihii dadka saaran oo dhan.

Wuxuu ogyahay in ay aad u faan jeceshahay, ayaduna waxay taqaan in uu gabdhaha u roon yahay, waxayna ayada oo qosol macaan dhegtiisa midig nuugsiinaysa tiri:

- Mudane naakhuude waraaqdii aad habeen afraad kolkii aynu xoogaa gaar u sheekaysannay ii sheegaysey waa la qoray, waxaana xalay ii dhiibey Shuuriye Magan oo hadda gacanta ayaan ku hayaa. Qalqaalo xooggan baan u galay in aan aniga iyo Shuuriye wada qayilno, oo waxaan hawshaas keli ah ku bixiyey lacag aan boqol kun oo doollar ka yarayn….

Markii ay halkaa hadalkii marinaysey buu wuxuu uurka iska yiri: ”Iimaanka Alle kaa qaad, been badanaa! Ma Shuuriye ayey lacag intaas la’eki ku bixi kartaa? Haddii ay cirkaas u booddo waxaa kaga baxay toban kun oo doollar. Waraaqdase ma aniga ayaaba u baahan, sow tan hortayda taal ma aha?”. Afkana wuxuu ka yiri:

- Boqol kun risiq ma ahee warka isii.

Aad bay ugu faraxday in uusan boqol xoolo u qabin, waxayna inta xoogaa codkeeda hoos u dhigtay tiri:

- Ma xasuusataa in ay boorsadii yarayd oo markii aynu aroortii kala tegayney aad ii dhiibtey siddeed boqol oo kun oo dollar ku jirtey?

Intuu sidii nin aan lacagta danaynayn ee warka ay soo heshay iyo ragga ay siyaasadda markabka xaggiisa u soo dabtay ka sugaya iska dhigay buu wuxuu yiri:

- Kolba waxaan garanayaa in ay wax aan malyan dhammayni ku jireen, mana xisaabiyo wixii aan adiga kuu dhiibo, maxaa yeelay danta guud oo markabka adigaa halbowle u ah, isla markaas waan ku jeclahay oo nafsaddayda ayaaba kugu xiran.

Run ahaantii wuu xasuustaa in ay lacagtu ahayd siddeed boqol iyo sagaashan kun oo uu Udgoon gacantiisa ugu dhiibey. Hal malyan oo boorso xafiiskiisa tiil ku jirtey buu boqol kun oo ka mid ah inta waraaq ku duubay Batuulo Xaange gabar kale oo markabka ka shaqaysa ugala ballamay. Markii uu la ballamayey buu inta Batuulo-Caddey afka ka dhunkaday oo cabbaar ammaanay wuxuu siiyey toban kun oo doollar. Intii kale wuxuu ku wareejiyey Udgoon Halac oo ay habeen dhan ka sheekaysanayeen arrimo ay ka mid tahay waraaqda hadda hortiisa taalli.

Udgoon Halac way uga qaadatay in uusan xisaabin lagacta uu mar kasta u dhiibo, waxayna isku ciilkaambiday in ay lacagta ay u sheegtay badisay, oo ay xisaabta guud ku fiicnayd in ay ”Shan boqol oo kun oo doollar” tiraahdo iyo in ay u sheegto in ay Shuuriye Magan ku soo dabtay labo boqol oo kun oo doollar. Si kastaba ha ahaatee ayada oo ay kalsooni iyo farxadi qalbigeeda buuxiyeen bay waxay tiri:

- Mudane naakhuude Shuuriye Magan xalay qolkayga ayuu waagu ugu baryey, wuxuuna safka hore kaga jiraa ragga waraaqda ku saxiixan oo gaaraya boqol iyo dheeraad. Hadde Shuuriye aad ayaan u soo dhaweeyey isaguna wuu ii xog warramay.

”Aad ayaan u soo dhaweeyey” markii ay tiri wuu ka naxay, maxaa yeelay naakhuude Kediye Bulxan iyo Udgoon Halac siyaasadda markabka keli ah iskama kaashadaan ee waa gabar iyo nin gashaan ah oo ay haasaawuha iyo halaasigu isugu baxaan. Inkasta oo ay arrimo culculus soo qabatay haddana Shuuriye Magan in uu qolkeeda waagu ugu baryey oo ay habeen dhan soo dhaweysey raalli kama uu noqon karo.

Markii ay kala war dhammaysteen oo uu telefoonkii isi saaray………. 

U taagnaada Naakhuude waa, sheeko taxane ahe!

 

La Soco Qaybta xigta idan EEBBE

xigasho allsomali.com

SHEEKO TAXANE AH