Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

XASAN GANEY

XASAN GANEY

Abwaan Xasan Ganey iyo Habeen Xiiso Leh."Buuga uu Qoray Axmed Faarax Idaajaa waa Ribo iyo Been
Abwaan Xasan Ganey iyo Habeen Xiiso Leh."Buuga uu Qoray Axmed Faarax Idaajaa waa Ribo iyo Been,Waxaanan leeyahay Taliskii wafaaday maanta Hiilimaad kaagama baahna". (Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi-Xasan Ganey.


Xasan Ganey iyo Habeen Xiiso leh waa barnaaji suugaaneed xalay lagu soo bandhigay Huteelka Ming Sing ee magaalada Hargeysa,Barnaajkan oo ka mid ah barnaamijyo taxane ah oo lagu soo bandhigo suugaan kala gadisan oo ay soo qaban qaabisay hay,ada Havayoco,waxaa Xalay marti ku ahaa Abwaanka weyn ee hal abuurka ah,waa abwaan maanse yahan ah oo alifay Riwaayado badan oo halkan lagu soo koobi karin,waa kuma? waa Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi (Xasan Ganey)cimrigii haraagee.

Hadaba ugu horayn waxaa barnaamijkan uu Abwaan Xasan Ganey ka sheegay taariikh nololeedkiisa waxaanu yidhi, “anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bulaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil,waxaanan filayaa da,daydu inay tahay ilaa 6o Sano waayo markii aan dhashay meel miyi ah ayaan ku dhashay laakiin isma yaraynayo in aan wax isku daro mooyee,anigoo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imid miyiga Bulaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada sida Hudheelki Cumar Isteeri,markii dambana waxana u soo wareegay Hargeysa oo xiligii inqilaabkii Xasan Kayd iyo ay wadeen waxaan ka shaqaynayay hudheelka Union ka, markii la odhan jiray Bakayle Qalad waxaan ahaa Baayac Mushtari oo waxaan ka shaqaynayay meherado aan lahaa oo ku yaalay Xero dhifta,laakiin sanadkii 1966 ,ayaan hadana u wareegay dhinaca Geerash-yada oo waxaan ka shaqayn jiray Geerashkii Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe ay wada lahaayeen, 1967 kii ayaan ku biiray Ciidamadii Xooga Dalka markaas ilaa 1970 kii waxaan ku jiray Ciidamadii Kamaandoosta ahaa oo aan ka soo wareegay xiligaas oo aan ku soo biiray kooxdii Baamboyda iyo Kooxdii Janandaa,uud , Hees ayaan sameeyay waxaa ugu horaysay oo qaaday Sacaada Alaale,waxaana la odhan jiray Caashaqu Shib Maygu riday, waxaan sameeyay sanadkii 1977 Riwaayadii la odhan jirar Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga, 1978 waxaan sameeyay Riwaayadii Galbeed waa la xoreeye Waarsaa Gaagixisay, iyadoo aan 1980 kii sameeyay riwaayadii la odhan jiray Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa,1983 kii waxaan sameeyay Riwaayadii Masiibadu Aduunyada iyadaa u Macalin ah,1988 kiina waxaan alifay riwaayadii lagu magacaabi jiray Doojiya,waxaa ugu dambeeyay Riwaayad aan sameeyo dhaqankeena iyo dhalinta casriga taas oo aan lagu soo bandhigin tiyaatar ee aan hayo iyadoo cajalad ah”

Abwaan Xasan Xaaji C/laahi Xasan Ganey,waxaa uu sheegay in fanaanka uu ugu jacel yahay uu yahay Axmed Nuur Jaangoo, waxaanu yidhi Axmed Nuur Jaango waxaa uu codka u sameeyay heestii ugu horaysay ee aan sameeyay iyo heeso badan oo aan leeyahay.waxaanu Abwaanku intaas ka dib wax ka tiriyay qaar ka mid ah suugaanta cosobka ah ee uu abuuray.

Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi waxaa halkaa uu madashaa ka tiriyay oo ay Goobtaa fadhiyeen dad badan oo ku faraxsan lakulanka Abwaanka ay Qiimeeyaan (Abwaan Hassan Ganey)wuxuu Abwaanku soo bandhigay Masooyin dhowr ah oo ay kamid ahayd Sayla “Sayla oo Guyaal badan” waxaanu sheegay in markii uu heestaa tiriyay oo ay ku luuqeeyaan Fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar iyo Fanaanada wayn ee Caanka ah Sahra Ahmed Jaamac oo ay Reer Sanaag ku qabsadeen waxaa uu sheegay inuu xaal ka bixiyay oo uu tiriyay Maanso taas uu ku dabaqayo,lakiin waxaa uu xusay in cabashadu ay hadana soo noq-noqon jirtay taas oo ay Reer sanaag ka biyo diideen baydka ah “beel Sanaag iyo ku surmiday saraar godan saadaalinaysoo bal halkuu kusimo iyo sugayaan inuu helo.....”.laakiin Abwaanku waxaa uu sheegay in uu u jeeday Roobka oo guga ka curta dhinaca Galbeed,dayrtana ka curata dhinaca Bari ay suugaantiisu ku qotontay taas iyada ah.

Abwaan Xasan Ganey,waxaa uu madashaa ka tiriyay Maansada yaabka leh ee Gorgor oo ku xidhiidh sanayd sheeko dhab ah oo ka dhacday Magaalada Hargeysa-xaafada Goljano,taas oo ahayd Caruur agoon ah iyo hooyadood Riyo ay lahaayeen waxaa ilaalin jiray Gorgor,meel uu ka yimid aan la garanayn kaas oo uu Abwaanku sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay riyaha caruurtaasi u dhaceen Beer,ka dibna ninkii beerta lahaa oo xaraystay riyihii,isla markaana uu gorgorkii dhirbaaxo dhabanada kala dhacay ninkii oo uu ka soo xereeyay Riyaha,Gorgorkaasi waxaa uu dhirta ay gaadhi waayaan u googoyn jiray riyaha,waxaanu ku maydhan jiray biyo saxni ku jira,subaxiina markaay tahay shanta subaxnimo ayuu ku soo wareegi jiray Hargeysa oo dhan,Gorgorkaas oo ay dadka qaar yidhaahdeen waa caruurta aabahood oo weli ahaa,qaarna si kale ku sheegeen, ayaan anigu cagahayga ugu tagay si,aan u hubiyo waxaan dhagahayga ka batay oo ay dadkoo dhan isla dhex marayaan markaan arkay siduu u dhaqmayo Gorgorku ayaan tiriyay Maansadan Gorgor ,laakiin ujeedada maansadu waxay ahayd mid lid ku ah maamulkii markaas talada hayay.

Abwaan Xasan Ganey waxaa kale oo uu tiray Maanso ka mid ah maansooyinkii Deelaydii taas oo lagu macneeyay in uu si gaar ah ugu riday gantaalka Dr.Maxamed Nuur Shareeco,laakiin waxaa uu sheegay Abwaan Hassan Ganey in aanu ninkas ula jeedin ee uu ula jeeday Abwaan C/Laahi Sangub,maansadan Deeylayda ah oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen “Ma Digriiga madhan ee isu qaba Digtoorka” kana mid ahayd silsiladii deenlayda ayaa uu Abwaan Xassan-Ganay ku tilmaamay in aanay ahayn mid gaar ku ahayd Digtoor ku sheegii Shareeco,

Abwaan Xassan Ganey waxaa uu sheegay in wixii uu odhan lahaa iyo wax ka badan ba uu yidhi Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdi Iidan Faarax kasoo xusay Erayyada ah Afaray ku daahe iyo Diktoor beene sheegte.....,waxaanu sheegay in Abwanada ay isku dhinaca ahaayeen ee ka soo horjeeday Taliskii Siyad Bare ay ku gacan sareeyeen Maansooyinka Deelayda,laakiin waxaa uu Abwaan Xasan Ganay si aad ah u cambaareeyay Buuga uu qoray Axmed Faraax Cali (Idaajaa) oo ka hadlaya maansooyinka deelayda,isla madashaasi oo lagu soo bandhigay Buugaas Idaajaa qoray oo uu halkaa ka akhriyay Weriye Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sida ka muuqatay buugaasi uu Idaajaa ku dhaleeceeyay Abwaan Xasan Ganey oo uu sheegay inuu weerar gaar ah ku qaaday Dr.Shareeco oo ahaa Masuul uu maamulkiisa hoos imanayay Abwaan Xasan Ganey laakiin waxaa uu Abwaan Xasan Ganey yidhi “ Buugaas uu qoray Axmed Faraax Cali (Idaajaa) waa ribo iyo been waayo waxaa uu meesha ku qoray gabayo uu badh ka bedelay iyo qaar uu wax ku daray,waxaana uu ku soo daray rag aan laba maqal oo aan ku jirin Maansooyinka Deelayda sida nin lagu magacaabo Mire,taasina waxay meel ka dhac ku tahay qorista buugaagta suugaanta"

Abwaan Xasan Ganey waxaa uu ku yidhi Idaajaa "Inanku aabihii mar buu hiil uga baahan yahay waa marka uu hooyadii guursanayo, Erayguna marbuu hiil kaaga baahan yahay waa markaa run ka sheegto manta hiil kaagama baahna taliskii wafaaday waxaanad dabada sii haysaa hiil aad siinayso taliskii aad eedayn ee wafaaday”


Abwaan Xasan Xaaji C/Laahi (Ganey) waxaa kale oo u madasha ka tiriyay gabayo kala duwan oo ay dadku si asluuble u dhagaysanayeen, intaas ka dibna waxaa loo gudbay Su,aalihii dad waynuhu waydiinayeen,taasi oo aan inyar idiin kasoo qabanay waxaana kamid ahaa su,aalaha Abwaanka la waydiiyey.

S.>Waa kuma Abwaanka aad ku hirato ee aad majeerato ?

J.>Waxaan ku hirtaa oo aan suugaantiisana jecalahay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

Inan dayarta soo koraysa ka mid ah ee reer Somaliland oo goobta fadhiyay ayaa waxa uu Abwaanka waydiiyay Su,aal ay dadku aad ugu Qosleeyn Su'aashaasi oo ahayd

S.>Maxaad had iyo jeer heesahaaga ugu dhiibtaa Xasan Aadan Samatar ?

J.>Abwaan Xassan ayaa isaga oo qoslaya ayaa ugu Jawaabay "waxaan ugu dhiibi jiray wuxuu ahaa Fanaan i qanciyay oo aan ku aaminay heesaha,suugaantuna ma leh qolo iyo qabiil".

S.>Waxaa jira gabayo lagu murmo oo la yidhaahdo hebel baa sameeyay iyo hebel kale ayaa sameeyay markaa ma noo sheegi karaysaa cida samaysay gabayga “ Marwo hadal xun maangaab ninkeeda maqashaa oo adigu maamushaa dhaanta, muslinimo ninkan kugu maamulayn muumino khaasa gaal maxasta kuu koriyoo adigu magasataa dhaama)

J.>Anigu waxaan u maqlay inuu gabaygaas tiriyay Gabayaagii Cali jaamac Haabiil (Ala ha u naxariistee).

Waxaa Xafladasi ka qayb galay oo soo gidbiyay Wariyaha Sanadka Xuseen Cali Dhuux

Enter supporting content here