Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

khaliif shiikh

falaanqaynta gabayadii khaliif

Gargaar iyo Dhawr


Nin fiilasoof ah oo magaciisa la yiraahdo Xirsi Magan Ciise ayaa mar uu ka hadlay gumaysiga wuxuu hadalkiisa ku daray ereyo sidaan ahaa: ”Dadka in ay dad kale gumaystaan wax uga daran lama arko, laakiin shacabka soomaalida gumaysigii caddaa baa u dhaamey gumaysigii madoobaa”. Gumaysiga cad wuxuu uga jeedaa caddaankii Yurub ka yaacay oo gumaystey ummado badan, gumaysigii madoobaana wuxuu uga jeedey jenneraal Maxamed Siyaad Barre, oo ay asaga isku qabiil ahaayeen.

Waxaannu dhawaan internetka ku faafinnay gabayo ka mid ah maansooyinkii laguna diriray gumaysigii caddaa, waxaana hubaal ah in ay soomaalidu isku raacsan yihiin in ay caddaankii gumaysi ahaayeen, laakiin gumaysigii madoobaa ay qaarkood jecel yihiin! Haddaba su’aashu waa ”Maxaa gumaysi ah?”. Waxaa laga yaabaa in aan ereyga macnihiisaba jawaabta ama doodda lagu salayn ee lagu saleeyo aragti gaaban oo aan cilmi iyo caqli midna cuskanayn.

Soomaali aad u badan baa in gumaysigii madoobaa laga xoroobo af iyo addinba kula dagaallamay, waxaana shaki la’aan ah in markii dagaalladaas la soo xasuusto uu qof kastaa garwaaqsanayo kaalintii muuqatey oo uu ka qaatay Khaliif shiikh Maxamuud Saciid, oo kummannaan erey oo ciilqab xanbaarsan iyo kumannaan xabbadood ku aaddiiyey gumaysigii madoobaa.

Wuxuu Khaliif asaga oo dhallinyar ku geeriyoodey dagaalladaas, wuxuuna ahaa nin soomaali ah oo gabayo caro iyo gubaabo xanbaarsan tiriyey ninkii ugu darnaa. Codkiisa waxaa ka muuqata in ay qiirada iyo dhiillaada uu Khaliif qabaa ahaayeen wax aan la cabbiri karin, isla markaas wuxuu ahaa nin ay ku yarayd dabeecadda ”istustus” loo yaqaan.

Gabayadii badnaa oo uu Khaliif ku dagaallamay waxaa ka mid ahaa labadaan gabay, oo uu ku guubaabiyey qolyo ka mid ah qabiilka dhawaan Puntland la baxay. ”Gargaar” waa erey la wada yaqaan, laakiin ”Dhawr” waxaa laga yaabaa in aan la wada ogayn in ay tahay baqdinta nooc ka mid ah. Ereyga dhawr iyo faallooyin kale, oo kooban waxaa la daalacan karaa markii ay maansada labaad dhammaato.



Gargaar

Gargaryahay Biciidyahan shalaad, naga geddoodeene
Niman gudacolloobaa mar bay, kala godqaataane
Ha la wada garramo maanta waa, geed maxkamadeede

Ilma Calow giraamaha waqtigu, godolba waa cayne
Soddon iyo sagaal gocoshaloo, nagu gunaadoobey
Oo maanta gabaygaygu yahay, nagu gargaarsiiya

Col gadaansan gaasas is hardiyey, gumuc hinraagaaya
Guutooyin la isku harbiyoo, galowgu ooyaayo
Waxa labo gar la isugu ridoo, gubato qiiqdaaba

Genbi kulul gadaalaha haddii, la isku soo gaaro
Gurmad waa la weydiisan jirey, gacal sokeeye ahe
Tolnimaan idiin soo galnaye, nagu gargaarsiiya

Taariikh gun dheer baa jirtoo, laysu soo guraye
Gobol laga xishoodaan ahayn, gaafihii hora’e
Magaceenna saan loo gumayn, nagu gargaarsiiya

Garaad buu Ibraahiim ahaa, gooshkan ka horow’e
Ninba gaadihii waalidkiis, gabal ka saameeye
Guddoonkii adoogeen lahaa, nagu gargaarsiiya

Walaalkaa gu kaa weyn ducaa, laga gunnaystaaye
Kol hadduu habaar kugu gilgilo, waad ku gubataaye
Inaannaan guhaan idinku layn, nagu gargaarsiiya

Gubni aabbahaa dhalo mar baad, kala gidaaddaane
Hiil la isu geystiyo bah baa, xoologooyo lehe
Golkanuujintii hooyadeen, nagu gargaarsiiya

Caloo gaban ah shiikh Maxamed baa, soo gardaadsadaye
Gaadiidka uma quuri jirin, maalingaallaha’e
Garbuhuu ku soo qaadi jirey, nagu gargaarsiiya

Bari wanan gaboobiyo wuxuu, galax ku quudshaaba
Markuu yare gabaangabis noqdoo, muruqu giigbeelay
Golxobta iyo warankuu u tumay, nagu gargaarsiiya

Kablalaxa isganayiyo Sedaa, loo gudboon yahaye
In uu gaanka reer Diini xigo, Celi garwaaqsoone
Facayaha Gadiid ku abtirsaday, nagu gargaarsiiya

Isgaashaamo buursade innana, layna kala geeye
Geeddiga carruurtaan aqoon, geeska loo raraye
Garka idin caddaadiyo cirrada, nagu gargaarsiiya

Howraarsamaha Gedoba waa, soo gulfahayaaye
Gargarbeela yaan idinku oran, oo itaalgaba’e
Tollalla’aydayada goor walba ah, nagu gargaarsiiya

Geyraha ku soo fool leh buu, galow ka ooyaaye
Anna waxaan la geylamahayaa, geyrta aan qabo’e
Sida geel u ugaankayaga, nagu gargaarsiiya

Ku go’aansey ciribgoyntayada, gebi Marreexaane
Wax ma galabsannine waa faduul, loo goolleeyahaye
Gardarrooyinkaas Wagardhaceed, nagu gargaarsiiya

Haddii gacan la jaro tii kalaa, garab bannaanaane
Midigtoo gungunman bibixdu waa, ginifsi caalwaaye
Sida gobo’da maahmaahdu tahay, nagu gargaarsiiya

Kabaalgeeska iyo caynka waa, la isku giijaaye
Midna gooni looguma rarmeen, geeddi fiidnimo’e
Gumuc leeb la’aan kuma qarxee, nagu gargaarsiiya

Gurya dumey galaayuuska iyo, go’ayda yeeraysa
Gurboodkiyo haweenkay ilmadu, gababaxleynayso
War naagaha dumaalguursiga ah, nagu gargaarsiiya

Gabaahiirta nala dhoobay iyo, gegida leelleelka
Geyraha xagaagoo docaha, naga garaacaaya
Idinkaa gabbaad noo xigee, nagu gargaarsiiya

Ganbo kama duwana koofidaan, ii ganboolaniye
Gelindhiida mooyee wax kale, nala geyaysiiye
Gacmodhigadkayagu waa xujee, nagu gargaarsiiya

Haantiisa awrkii gabaa, gawrac wow halise
Cayaar uma gannoodsado dhufaan, gaaddo buuxsadaye
Dan baa gooha iga yeerisaye, nagu gargaarsiiya

Cayraha gorfaha loo sidii, ganato yaacaaya
Oo guuyadoodii rag kale, galab ka weydaarshey
Gaajada na haysiyo fakhriga, nagu gargaarsiiya

Gawaan weeye Gaalkacayo iyo, gude Nuugaaleede
Waxii aqallo gawriiri jirey, waa gelgelintaase
Geyigiyo baraagaha gubey, nagu gargaarsiiya

Gabdhaha waa la maamuusi jirey, tii gashaanti ahe
Gabayoox aroos lala hurdaa, waa gawaadnimo’e
Garoonshiidka la isugu galmado, nagu gargaarsiiya

Geyaan beele inamihii dorraad, ganacda waallaaye
Hablihii geela laga qaadan jirey, harag ma gooyaane
Guumaysahaa idin hortuban, nagu gargaarsiiya

Guuntoobe dumarkii raggana, goosan baa haraye
Idinkaa gurbood dhalahayoo, naago guursada’e
Inaan eebbahay idin gablamin, nagu gargaarsiiya

Ishayada galaalani wax bay, gulucsanaysaaye
Geeskaad xigtaan araggu wuu, labogardaymoone
Gamiindhugadkayaga eegmada ah, nagu gargaarsiiya

Godobboqorkiqabe khayrka waa, laga gullaalaaye
Inaad garasho noo dayriseen, Guullahaa arage
Si aan samada la idiinka gurin, nagu gargaarsiiya

Rag aan ficil galiilyoon dhulkaa, lala gariirshaaye
Ehelkiin guh iyo ciil qaboo, goomman baan ahaye
Inaan ciidda la idiin geddiyin, nagu gargaarsiiya

Gob salaaftey baan nahaye yaan, saa naloo geline
Rabbigii gahayr naga dhigaa, goolka noo dhaline
Sheekadu gadaal waxay ka noqon, nagu gargaarsiiya

Gar xifaalo gaaf lagu kaftami, geeljire iscaayey
Abtigaa wuxuu kuu gasbaad, goosan subaxaase
Waxa wiilka gabadhiinnu oran, nagu gargaarsiiya

Hal galgalatay weeyoo adduun, galabba waa cayne
Haddaad nabad u gaballaaxsateen, goosh kalaa xigine
Sida gelinba geed hooski yahay, nagu gargaarsiiya

Raggayaga godoobkiisii buu, haadku gigayaaye
Gorgorkiyo waraabuhu ka dhereg, gudurkii reeraa’e
Geerida na haysiyo cidlada, nagu gargaarsiiya

Go’doon noqonnay waagaan sidii, geri ugaareede
Waxaa goonijooggaa na baday, gaanka reer Caliye
Garabkiinna kama maarannee, nagu gargaarsiiya

Ergo lagama guuriyo qabiil, guun ah oo cabane
Odayaal gondaha idin hayaa, soo gannoodsadaye
Gacal iyo walaalowdayada, nagu gargaarsiiya

Caro igu garoortaan qabaa, dhowr gu oo tegaye
Baryadaan la gooraamayaa, waa gartay dhab ahe
Marti goor xun socotaan ahaye, nagu gargaarsiiya

Gallad laguma waaroo xilligu, wuu isgurayaaye
Waxaad goorta goorteeda mudan, garanba maysaane
Nabsaa idinku gaafmeerayee, nagu gargaarsiiya

Nacas guufannaysaan fakarin, maalin kala guure
Gedda loo ordaayiyo naxwuhu, waydin geesmaraye
Biyo galac leh gawraarta dhaw, nagu gargaarsiiya

Siyaasada gurracan oo Gedood, moodde guguc roobe
Gabbacyaynta reer Diini waa, gunud khayaamaahe
Gaadmada shisheeyuhu rabaan, nagu gargaarsiiya

Haddii nala gumaadoon annagu, gaangunnoo maranno
Gadowgiyo waxaa idinka jabin, saab gandaallada’e
In xaggiinna loo ciidan guran, nagu gargaarsiiya

Gorayaduba ugaxdeeda way, baallogelisaaye
Ganka iyo dufkeeday sidii, go’ ugu awdaaye
Wax ka garasho dheer aadnigee, nagu gargaarsiiya

Isgawraca iskala gaabiyoo, gororna yuu fiigin
Iyo gamaska dhiigaysan baa, kuu abaalgudid ah
Waa labagarseeg iyo naxdine, nagu gargaasyiiya


Dhawr

Ilaahay Dhulbahantow wuxuu, noola kiin dhaliyey
Dhubbad iga yaraayow waxaan, kuu dhidhiinsanayey
Dhamastii shisheeyaha waxaan, kaaga dhicinaayey

Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey
Haddaydnaan ka dhiidhiiyin gun baan, ficil dhalaaloone
Walaalkay dhabeedow maxaan, kuugu dhololaayey

Waa udubdhexaad iyo xigtadu, xarig dhufeecaahe
Dhafar soohan weeyiyo sidii, hoosin dhaacle ahe
Haddaan caynka la isku dhifteen, lama dhaqnaadeene

Waxaa dhaxalwadaag looga dhigay, ha isku dhaateene
Dhaqaale iyo ”ii hiilli” way, naga dhexaysaaye
Bal isdhugo Shirshoorow tolkay, kuma dhegaysteene

Dhudhubaha bal jeedaaliyoo, dhaayo furan yeesha
Bal dhexmara Majeerteen dulliga, dhabarka loo saaray
Dharbaaxada naloo geystey iyo, foolka dhacay eega

Dhadhan beele inamihii gabdhaha, xubinta dheeraaye
Waataad dhismaha reerkayaga, dhab u jeclaydeene
Hablahaw ardaa dhigi jirteen, dhume raggoodiiye

Dhosoglow midgaan baa ku helay, meel dhexdhiinna ahe
Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude
Dhalandoorsan guurkood kuwaa, qaar idiin dhaxa’e

Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad guda’e
Dhaddig iyo haddaad naga rabtaan, xidid isdhaafdhaafsi
Dhudub kama helaysaan aroos, dheelmatiin wacane

Dhallintii Ibraahiim sidii, dhuguca loo boobye
Sidii geel Dharoor loo horoo, dhooddi ka cabbaaya
Nin kastaa ku soo dhababacee, dhiigga Talareere

Dhuuxii adoogeen haddaan, habari dhaandhaamin
Amaan hooyadiin dhega adkayn, nama dhasiigteene
Isku dhidid inaan nahay wax baa, noogu kiin dhimane

Dhayal ma aha hadalkaygu iyo, dhaadhac wiilnimo’e
Hadduu maydkayagu dhooban yahay, dhagidii Boohoodle
Asaydnaan dhirfayn waa inaan, idin dhalliilaaye

Labo dhoonhoraad oo Ilaah, dhaayday baan nahaye
Faradheeri mooyee si kale, waysu dhigannaaye
Haddaan qoloba qolo tiir ka dhigan, waynu dheelliyine

Ku dhegsadaye qaylada waxaan, kor ugu dheelaasay
Dhadhab ha iga moodina nin dhii, laysan baan ahaye
Noo soo dhaqsada waxaynu nahay, oday dhacaankiise

Idinkoon rag dhumuc weyn leh oo, dhalada noo waayin
Dhaawiciyo geerida haddii, nalagu sii dhawrto
Ilaahii dhammays idinka dhigay, haydin buux dhimo’e

Dhaantada ragyohow tumanayaa, dheeshu noo darane
Hadduu cood idiin dhalay annagu, dhacannay waagaane
Agoomaha u dhawrteeya waa, xeer inoo dhigane

Ku dhammaade aakhiro raggii, dheemmanta ahaaye
Dhalanteed carruuriyo wax aan, dhaamin baa haraye
Noo dhiciya maatada nabsigu, waa habeen dhixide

Dhinbilihii ”Murgumo” maansadaan, hore u soo dhiibey
War i dhaafsanaa iyo qurjiga, caro dhagsiisaaba
”Maangaab!” dharaartaan lahaa, waydin dhaagsadaye

Waxse dhaadaddaydiyo runtii, dhab u caddaynaaya
Annagoo dhufays idin bidnoo, dhagaxa Hawd joogna
Oo idinku soo dhuumannaad, naga dhaqaaqdeene

Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane
Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye
Hohey! Dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane

Haddaad dhaaban tahay ood lugaha, dhiiqo ku istaagtid
Dhashii aabbaha oo quraa, dhuubta kaa qoda’e
Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye

Qofkii gacalki dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e
Inkastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane
Dan wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jiraye

Dhoys ina adeerkaa ahoo, dhoohan baa badane
Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane
Dharka soo qallaylsada biyaad, dhabacsanaysaane

Dhallaankiyo haweenkay ilmadu, dhabanka yaacayso
Dhafoorrada madoobaadey iyo, dhogor xumaantooda
Dhaddigoodka wada ooyayaa, way dhursugayaane

Waxaan dhoocanaynaa intaan, dhalad wadaagnaaye
Yaa nooga kiin dhow wax baa, laysku dherershaaye
Mase waad na dhiibteen? su’aal, dhaygag laa timide

Haddaan qooro dheeriya lahayn, nalaka dheereeye
Idinkoo dhabaalada arkiyo, waran kudhaabdhaabka
Haddaad hilib dhanaan leedihiin, maal ma dhaqateene

Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye
Daarood dhammaantiis wuxuu, noogu wada dhaartay
Kelinimada noo law dhigtaay, soo dhudhumiyeene

Dhammaw Khaalid iyo Tuuryar baan, dheehin qiiraduye
Barkad baan na dhinac joogsan iyo, dhudo Qayaadeede
Celi dhebi ma yeesheen Hayaag, soo dhakoobsadaye

Duni dhabaqday Maxamuud Garaad, waad isdhigateene
Dhafantii ugaasyadayadii, looma dhaadhicine
Yaxyow dhebedka fooryahaya oo, dhawle waad maqale

Garaad Faarax waa dhool gu oo, dhays la foorara’e
Sahamo u dhakuungalay haddaan, dheegtey wararkooda
Sidkoodii dhawaayaye inay, dhicinse ma aqaane

In kastoo dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay
Mar haddaan dhalaalo aad farteen, dhiishayada gaarin
In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine

War dhiiqdhiiqsi gabay maalintay, talo ka dhoocaarto
Cali-Dhuux haddii iil la dhigay, dhaaxa soo tiriye
Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuub xiraye

Ayagana dhaqaaqjoogsi iyo, dhuukis baa galaye
Labaduba i dhaafsade sariir, daabac dhiina lehe
“Dhamas” seexde duulkaan lahaa, way dhifsanayaane

Gubaabo kuma dhiirradaan, dhuunte reer Hagare
Lafaha kuma dhaqaajaan tixihii, loogu naasdhigaye
Odayaal! dhitaysiga murtidu, waa dhabcaalnimo’e

Dadku kuma dhacaayaan waxaad, dhihi karaysaane
Haddaydnaan dhawaaq iyo hayaay!, igula dheeraysan
Magaceennii dheeraa dib baa, loo dhaqdhaqayaaye

Rabbi baa dhulkiisa cammirtoo, dhuunya aadniga’e
Dhiggiis loo calaacali karoo, dheef baxshaan jirine
Waxba yaanan hoosdhigan gacmaha, nimanka dhuuhayne

In kastaan dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine
Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine
Dhugatadu mar uun bay idlaan, dhiida fuushaniye

Dhirta gubatey dhuxulaha kulhamay, dhumar dhallaandooxa
Dhaleecadiyo ceebaha wajiga, igu dhammaajaysan
Dhabayaco Ilaah lehe mar uun, bay ka fool dhaqane

Ma dhantaalmo qoonkuu Raxmaan, dhinac istaagaane
Rasuulkaa na dheegsoconayiyo, dhawr kun oo malage
Hartiyow abaal dhigo adduun, dhaymo siima lehe


Ereyada iyo ujeeddooyinka gabyaaga laguma wada faallayn karo halkaan, laakiin ”Dharbaaxada na loo geystey iyo, foolka dhacay eega!” kama uu wado ”fool” ilig ee wuxuu ka wadaa ”waji”, isla markaas wajiga kama uu wado waji caadi ah ee wuxuu ka wadaa muuqaalka guud oo bulshada.

”Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye” dhibta kama uu wado waxyeello ama shiddo ee wuxuu uga jeedaa ”xil”. ”Hashii jabtaa ninkeeday dhibtaa” waxaa laga wadaa qofkii lahaa bay xanuujinaysaa.

”Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane” dharab kama uu wado qoyaanka aroortii dhirta saaran oo ay gabaddanadu ku reebto ee wuxuu uga jeedaa lacag yar!

Seetada ama dabarka awrta waxaa ugu daran qaabka ”dhuuxyayn” loo yaqaan oo ah in labada jeeni inta mid kor loo qaado kan kale xoog loogu xiro. Ratigii la dhuuxyeeyo waxaa loogu talogalay in uusan daaqin ee uu fariisto, wuxuuna Khaliif aamminsanaa in uu Maxamed Siyaad ummadda soomaaliyeed dhuuxyeeyey ”Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey”.

”In kastuu dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay. Mar haddaan dhalaalo farteen, dhiishayada gaarin” dhirindhir iyo dhalaalo midna macnihii loo yaqiin loogama jeedo. ”Dhirindhir” waa geedka gaaraggooga loo yaqaan oo ah geedka markii uu dhulku doogsado ugu bixi og oo geedaha kale oo weli qaawan buu dhirindhirku laacaa. ”Dhalaalo” waa caano yar oo weel salkiis ku jira, oo sida badan markii uu dhirindhirku laaco weelasha waxaa ku dhibka xoogaa caano ah (dhalaalo). Laacitaanka dhirindhirka markii uu Khaliif dhalaalo ku waayey buu dhiishiisii oo maran inta uu eegay wuxuu asaga oo caraysan yiri ”In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine!”.

”In kastoon dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine” waxaa la wada og yahay in dhaqanka soomaalida aan aad dab loo shidan xilliga doogga, oo ”dhardhaar” waxaa laga fakaraa waqti abaar ah, haddana markii ay abaartu dheeraato dhagxanta ama dhardhaarrada si kasta oo uu dabku dusha uga cuno lama rog ee dhardhaarrada jiilaal waxaa la geddiyaa markii la doogsado, Roobkuna Alle xaggiisa ayuu ka yimaadaa. U fiirso in uu ku xijiyey ”Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine. Dhugatadu mar uu bay idlaan, dhiida fuushaniye”. Sida ay biciid abaari u dishaa aad bay u adag tahay! ”Dhaayin” waxaa la yiraahdaa daaqa aan cawska ahayn sida caleemaha. ”Dhukaan” iyo ”dhugato” waa cudurro geela ku dhaca, waxaana in laga biskooda ay fog tahay dhukaanka, oo hasha dhukaanka ahi muddo dheer bay silic ku jirtaa, weliba xilliga abaarta ah dhukaanku khayr ma uu laha!

Sababta ay gabaygaan ereyadiisu dhammaantood u yihiin kalmado miyiga laga adeegsado, oo aan ”sariir daabac dhiina leh” ma aha ee erey magaalo loogu arag waxaa laga yaabaa in ay tahay in uu Khaliif dareemayey in uu reer miyi soocan la hadlayey. ”Sariir” lafteeda ujeeddo ayuu ka leeyahay, isla markaa qoriga ”dhoonbir” laguma tilmaami karo in uu alaab magaalo yahay, ”Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane. Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye”!

Wuxuu ku xijiyey ”Hohey! dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane”! Baqdinta ama cabsida oo dhan ”dhawr” lama yiraahdo ee qofka aad dhawrta macneheeda ugu dhuun daloolaa wuxuu og yahay in ay baqdin khaas ah tahay. Tusaale ahaan meel la og yahay in ay bahallo dugaag ah leedahay, laakiin aan la ogayn ama aan la saadaalin karin bahallada ku nooli noocyada ay yihiin oo aan xoolaha iyo dadka in libaax laga ilaaliyo iyo in shabeel laga ilaaliyo la kala aqoon baqdinteedu waa ”dhawr”, weliba markii ay meeshu cidla tahay buu macnaha dhawrtu buuxsamaa! Markii hore oo aysan soomaalida siyaasadda midaysani ka dhexayn baqdinta ay kala baqaan ”dhawr” lagu tilmaami karin, laakiin siyaasadda wuxuu Khaliif u qaatay in ay ”dhawr” leedahay, oo aysan dadka badankoodu lahayn garasho ay duleedkeeda ku daalacdaan.

”Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuubxiraye”. Nin baa inta uu hal meel waddo ah ku qashay wuxuu yiri: ”Nin caqli lehi hilibkeeda i weydiisan uu mayo, doqonna aniga ayaan iska siinayn”! Sababta uu Khaliif ereyga ”dhabtar” xagga gabayga Aadan-Carab ugu aaddiyey oo uu oran waayey ”Dhabtar Samatar iyo Aadan baa, loogu dhuub xiraye” nin gabay yaqaan loo sheegi mayo nin aan aqoonna lagama dhaadhicin karo.

Gabaygu markii uu guubaabo yahay oo uu yahay gabay uu ninka tirinayaa yahay dadka dareenka ka hadla waxaa dhammaadkiisa si dadban looga ogaadaa danta uu ka lahaa ninkii tiriyey. Guubaabadu waxay leedahay wajiyo badan, oo ay ka mid yihiin xogwarran sida badan caaradka gabayga lagu daro, canaan, cabasho ama eedsheegasho iyo dhaar. Haddaba dhammaadka gabayga haddii ay quusi ku badan tahay gabaygaasi waa guubaabo xujo ah oo uu ninka tirinayaa og yahay in uusan ciidan ku helayn, ee uu hagar laga galay taariikhda gelinayo.

”Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye” inta ka danbaysa wuxuu Khaliif ka degayaa buur dheer oo uu u fuulay xogwarran, canaan, cabasho iyo waxyaalo kale oo uu siyaalo qurxoon isugu shaandheeyey. Inta uu buurta ka soo deganayo oo dhan wax aan quus ahayn dareenkiisa laguma arko, waxayna muujinaysaa in uusan gabaygu ahayn gabay ciidan lagu doonayey.


Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se

Enter supporting content here