Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

ANWAR MAXAMED

QORAALLO WAXTAR LEH

Magac & Muuqaal: Mayricidda Hab-dhigaalka Magac Soomaaliga!

 

Anwar Maxamed Diiriye 

Magac waa eray ama tix, qof ama wax kale astaan looga dhigo oo loogu yeero; waa war wanaagsan oo qof ama ummad guud u meel mara; waa wax qof, ummad, dal ama dadyow ay caan ku yihiin oo lagu asteeyo. Magacu waa summad; waa baadisooc; waa astaan wax kala hagta oo muujisa sida dad, dalal, dhulal & ashyaa’i u kala soocan yihiin una kala gaar yihiin, wax waliba oo abbuurani adduun & aakhiraba waxay leeyihiin magac u khaas ah oo looga garto waxyaalaha kale. 

Intaa marka looga gudbo dulmaridda tafaasiisha erayga magac iyo xikmadda uu xambaarsan yahay, waxaa mudan in la xuso halka ay qotomaan magacyada Soomaalidu. Magacyadeenu sida ummadaha kale waa kuwo inaga inoo gaar ah ama aynu la wadaagno dadyow kale oo ay xadaarad, dhaqan ama caqiido isku kaaya toshay ayna naga dhexeeyaan dano gaar ahi ha badnaadaan ama ha yaraadaane. Magacyada ay Soomaalidu la baxdaa way noocyo badan yihiin waxaase ugu muhiimsan laba qaybood oo kala ah magac guri asal ah ‘dhalad’ oo ku abtirsada afka Soomaaliga sida (Samakaab, Dhool, Warsame, Diiriye, iwm) iyo kuwo noogu yimmid habab kale sida kuwa diinta ama dunida Carabta nooga soo gudbey oo aan ugu yeeri karno ‘magacyo dool ah oo ay dani keentay’ sida (Cabdiraxmaan, Cawad, Cali, Salmaan, Zuhayb, Maryan, iwm).  

Waa lagu doodi karaa in la yiraahdo magacyadan dambe waxay bara-kiciyeen kuwii dhaladka ahaa oo iyagaa maanta hoggaanka u haya sansaanka magac-bixinta Soomaalidda, marka dhulka Soomaalida laga eego dhanka kala qoqobnaanta uu saan-caddaalahu sababay waxaa la oran karaa magac Soomaaliga asalka ah wuxuu si xoog leh uga suulayaa intii laysku oran jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya halka uu meelaha kale sida Jibuuti, NFD & Ogaadeeniyaba ay kaga fiican yihiin xafididda la bixidda magacyaddii dhaladka ahaa, waxaana sabab u ah bay ila tahay arrimahan hoose: 

-          Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dhulweynaha Jamhuuriyaddu inta badan tartan kulama jiraan qowmiyado kale halkaasna habacsanaan iyo waayo aragnimo la’aan ay keentay keli ahaanshuhu ayaa ka timid; halka shacabka Soomaalida ah ee ku nool mandaqadaha kale ay har iyo habeen madaxa iskula jiraan ummado kale oo ka badan, ka dhaqan iyo afba duwan oo ay kula jiraan tartan iyo iska ilaalin xoog lihi mar walba si aan waxa u gaarka ahi (magaca, afka, dhaqanka & diintu) ayan uga lumin ugana milmin deedna uga suulin. Cabsida caynkaa ahina waxay sababtay in ay mar walba digtoonaadaan. 

-          Aarradii iyo irabkii afkii hore ee asalka ahaa oo ka sii guraya dhanka Jamhuuriyadda halka uu ku sii xoogeysanayo dhanka mandaqadaha kale sababna ay u tahay isku xirnaanshaha jiilasha oo weli qiime sare ka leh gobolada ka baxsan dhulweynaha midoobey ee Soomaaliya.  

-          Dagaaladdii sokeeye ee ka dhacay dhanka dhulweynaha oo wiiqay in badan oo xikmaddii dhaqanka & afkaba ah abuurayna dib u dhac xaga beekhaaminta murtida ah. 

-          La bixidda magacyada qalaad oo u badan kuwa Carabta oo dad badan oo reer Soomaaliya ahi u arkaan mid barakaysan oo ka fadilan kuwa Soomaaliga ah iyagoon u aabba-deyin macnaha iyo taariikhda magaca ee u arka in magac walba oo Carbeed Islaamka ka turjumayo, taas oo aan xaqiiqatan run ahayn una baahan in laga feejignaado si loo kala barto kan diiniga ah iyo kan iska magac Carbeedka ah si looga digtoonaado muhiimad siinta magacyada shisheeye ee aan diinta dadka ku xirayn la bixidooduna ay geesaha ku riixayaan magac kale oo Soomaali ahaa kuna habboonaa in la xafido si aanu u dabar-go’in. Ogow magac walba oo dool ah lalana baxaa wuxuu booskiisii ka saarayaa mid isaga ka horeeyey oo dhalad ah. 

Magacyadeenu waa kuwo ku qotoma macnayaal aad u murti iyo qiimi badan waana kuwo aynu astaan ahaan ama summad ahaanba aan aad ugu faani karno, muujin karana dhaqankeena iyo dadnimadeenaba, ilamana ahan in ay jiraan magacyo ka wanaagsan oo booskooda inoo beddeli karaa laakiin waxaa foolxumadooda loo tegayaa marka loo dhaadhaco dhanka hab dhigaalka oo muujinaya sida aynu u dayacnay magacyadaas mudan daryeelka ahna astaanta ugu horeysa jiritaankeena ee aynu sharafka iyo muuqaalka dadnimaba ku leenahay. 

Astaanta ama summadu waa wax aan isbedelin inta badan waxayna ka dhigantahay wejiga qofka oo kale ama kaar aqoonsi oo kale oo haddii qof isku khaldo si sahlan dhegta loo soo qaban karo. Waxay Soomaalidu tiraahdaa “summad awoowiye sinji waa ma guuraan” taas oo muujinaysa sida ay astaamaha hidde-sidayaashu uga dhex muuqdaan dadka isku dhiigga ah oo layskugu soo sinji sooci karo inan iyo aabbihii ama inan iyo hooyadeed. Waxaa hubaal ah in haddii summdda awoowe uu sinji-guur ku dhaco in habkii sinji-sooca iyo is-aqoonsiguna halkaa uu ku baaba’ayo, astaantaas cirib-xumada leh ee magacyadeena ku dhacdayna waa mid maanta la arki karo lana milicsan karo inkasta oo dareenkeedu waa hore dadka qaarkii ku soo kordhay ayse weydey daryeelkii iyo habeyntii ay mudnayd. 

Sinjiguurka ku socda hab dhigaalka magacyadeena waxaa sabab u ah baa la oran karaa afar arrimood oo intooda badan ay bulshadeenu mas’uul ka tahay, inta soo hartayna ay ku qabsatay tahay, waxayna kala yihiin: 

-          Daahitaankii ay naga soo daahday far matasha oo xafidda dhigaalka afkeena oo aan jirin ka hor 1972kii.   

-          Saan-caddaalihii & dhul-mareenaddii kale ee shisheeyaha ahaa oo dalka yimid oo magacyadeena u hikaadiyey una qoray sidii ay carrabkooda iyo dhuuntooda uga dhex sanqarayeen dhegohooduna u maqlayeen.  

-          Inagoo aan ku baraarugin mushkiladdda ku dhacday hab dhigaalka magacyadeena goor hore oo markii farta la qoray la seegay fursad qaali ahayd ayna ahayd in fartii ugubka ahayd lagu dabbakho laguna sharciyeeyo hab dhigaalka magacyadeena halka la habaabay oo hab dhigaalkii qalaad ee la dhaxlay uun laga dhigtay dhaqan inkasta oo mas’uuliyad weyn gadaalse ka dhicisowdey la muujiyey  . 

-           Iyo halka ugu daran oo ah in ay dadkeenii xilliyadaas aqoonta higsanayey iyo intii kale ee iyaga ku raad xigtayba ay carrab la’aantii saan-caddaalaha ay u sacabba tumeen ayna isticmaalkeedii ka dhigteen wax muqadas ah oo aan wax laga beddeli karin ayna tahay in lagu boggaadiyo loogana daydo iyaga taas oo dhaxalkeedii jiilal isdaba taxan uu marin habow ku ridey. 

Magaca turjumaad waa lagu sameyn karaa macnahiisa laakiin hab dhigaalkiisa oo la beddelaa waxay ka dhigan tahay tiiyoo inta ruux haraga kore laga fiiqay wejigiisa lagu dhejiyey ruux kale astaantiisii oo markaa ruuxaas la dhalanrogey uu kaga faraxsan yahay abbuurtiisii hore midda lagu kabay ee been abuurka ah.  Bal aynu tusaale u soo qaadano toddoba nin oo magacyadooda Maxamed la wada yiraahdo oo mid waliba carrab is tirkiisu god la galay oo magacyadooda u kala hikaadiyey marka ay qorayaan: Mohamed, Mohammad, Mahammad, Muhammad, Muhammed, Muhamed, Muhamad ama Cali loo dhigay Ali ama ‘Ali, ma jiraa Soomaali carrabla’ oo aan karin xarafka ‘cayn’?  Waxay ila tahay waa maya ama ma badna waxaase lagu qancinayaa caynka & xa’da carrabka laga maroojiyey qofka aj-nebiga ah. 

Way adagtahay in aad aragto qof magaciisa ‘George’ la yiraahdo oo si kale u hikaadinaya si uu u qanciyo qof aan isaga la qowmiyad ahayn, wuxuuse kugu khasbayaa in aad magaciisa si saxan u qorto oo aad weliba ugu dhawaaqdo; maxaa inaga laynookaga waayey dhiifoonaanta ninkaas oo kale? Caalimkii weynaa ee B. W Andrzejewski markii uu ka soo haajirey Poland ee uu carro England yimid waxaa caddeyd in magaciisu uu aad ugu dhib batay dadkii Anglo-Saxon-ka ahaa ee uu soo dhexgalay, laakiin magaciisii uma bah dilin hab qalliban si uu u qanciyo bulshadaas cusub ee inta sidiisii u daayey ayuu la baxay mid gaaban oo naynaas ah una sahlan dadkii uu la noolaa kaas oo ahaa (Gosh). Tusaale kale waa Arnold Schwarzenegger-ka immika guddoomiyaha ka ah gobolka California ee carrigan Mareykanka oo uu magaciisu ka soo jeedo Slavs-ka reer Austria oo aan isaguna magaciisa bah dilin si uu u qanciyo dadka uu la nool yahay ee aan asalkoodu ka iman bariga Yurub. U maleyn maayo in Cabdinuur & Cabdisalaam ay ka adag yihiin Schwarzenegger & Andrzejewski. 

Bal u fiirso Chinese-kan magaciisu yahay ‘Xiong’ oo hab dhigaalkaas aan waxba laga beddelin oo aan loo dhigayn magaciisa ‘Hiong’ si loogu qanciyo ummaddaha aan karin X-da xarafka H-da oo u sahlan halka inaga ‘Xasan’ uu ka noqday ‘Hassan’, waana hubaal in arrimahaas oo dhami ay mudan yihiin ku dayasho si loo badbaadiyo astaantaamaheena ayna tahay in magacyadeena loo qoro sida ay codadkeena ku yihiin dhegeheenana ay ugu dhacaan iyadoo aan cid kale loogu hiillinayn laguna qancinayn nabaad-guurka aynu gacmaheena ku sababayno ee aanu la beegsanayno summad-qowmiyadeedkeena. Bal aynu isla eegno waallida magacyadeena: 

Asal                                                                            Dhalanrog

Cabdiraxmaan                                                          Abdirahman

Wacays                                                                      Wais

Xalan                                                                          Halan

Qamar                                                                        Kamar

Xareedo                                                                     Haredo

Geelle                                                                         Guelleh

Xarbi                                                                          Harbi

Cabban                                                                       Abban

Colhaye                                                                     Olhaye

Baxsan                                                                        Bahsan

Gurxan                                                                       Gurhan

Xiddo                                                                         Xiddo

Xulbado                                                                     Hulbado

Xaali                                                                           Hali

………………………………………………………………….. 

Immika waxaan tusaale u qaadanay magacyada dadka laakiin dhammaan magacyada Soomaaliga ahi waxay qarka u saaran yihiin dabargo marka laga eego dhanka dhigaalka waayo midkoodna ma badbaadin oo carrab-la’aan aynu inagu buun-buuninay ayuu la liitaa, bal u fiirso kuwa magaalooyinkana sida:

Asal                                                                            Dhalanrog

Muqdisho                                                                  Mogadisho

Gaalkacyo                                                                 Galcio

Burco                                                                          Buro or Buroa

Hargeysa                                                                   Hargeisa

Kismaayo                                                                  Kismayu

Qarsho                                                                       Kardo

Baydhaba                                                                  Baidoa

Luuq                                                                          Luk

Xalin                                                                           Halin

Ceeri Gaabo                                                              Eri gavo

Xudur                                                                       Hudur

…………………………………………………………………. 

Haddaba gundhiggu wuxuu yahay in hab dhigaalka magacyada Soomaalida oo ah mid laga ilduufay agloolidooda intii goori goor ahayd dib loogu laabto looguna baraarugo xasilintooda iyadoo la kala araareynayo is hirdiga uu kula jiro afafka ka faca weyn iyo ummadaha carrabkooda loogu hiillinayo in summadeenii lagu sabaaliyo. Afku waa Soomaali, dhaqanku waa Soomaali, ummaddu waa Soomaali, magacuna waa summadoodii waana Soomaali ee waa in hab dhigaalkiisa lagu mayracaa maskax caafimaad qabta, digtoon oo ay indhaheedu arkaan marka hore waxa ay iyagu leeyihiin ka hor inta ayan u hanqal taagin waxa toobal-caarada ku ah. Magac waliba wuxuu leeyahay muuqaalka bulshadiisa; ummad walibana waxay u egtahay magaceeda! 

N.B. Si aad u fahamto xikmadda qormadan gaaban bal u fiirso magacyada Soomalida marka lagu dhigayo warqad af kale oo Latin ah ku qoran, sida marka la turjumayo waraaqaha dhalashada, kuwa socdaalka iyo kuwa dugsiyadaba; waxaad arkaysaa dhanka Soomaaliga oo soomaaliyeysan iyo dhanka afka kale lagu turjumay oo carrabla’! Ma qabo in ay jirto dood-cilmiyeed qabta in magaca dhigaal ahaan la turjumi karo, laakiin in xikmaddiisa iyo murtidiisa af kale lagu sheegaa waa biyo kama dhibcaan, haddii la doonayo in nuxurka magaca la fahamsiiyo cid kale oo aan aAf-Soomaaliga ku fahmaynin! 


Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@usfamily.net

 

xigasho somalitalk

Enter supporting content here