Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

darbadaaley iyo doogkiciye

shaafici xasan maxamed

Darbadaaley

Qorraxdu cirka kalabarkiis ayay xoogaa dhaaftay, waxaana dhabanaysay layr fudud oo dhanka deexeed markaas ka soo bilaabatay, oo uu qabowgeedu dejiyey kulaylkii gabbalka maalintaas ka soo haadayay, kaas oo ay Maxamed iyo tuldaha uu la joogaba tan iyo barqadii la dhididayeen. Waxay naacawdaasi ruxaysay kob leh geedo waaweyn oo cumur ah, halkaas oo ay daaqayeen neefaf ka badbaadey dhacii ugu dambeeyey oo lagu qaaday geelashii dhawaan la weydaariyey, inta raggii dhaqay badankoodii hilibkoodii haadda loo waray.

Dabaysha duhur kolkii ay dhacdo wuxuu geelu qabatimay in uu dhirta waaweyn uu isagoo habeedinaya harsado oo hoosteeda ka daqaqamo, caws ama dhaayin afka la raadiyo. Waxaa, hase ahaatee, intaysan halihii cadceedsi u dareerin orday Maxamed oo u sii jeestey gurigii adeerkiis Aw-Muuse Ismaaciil oo ay da’diisu kolkaas toddobaatan sano ka badan tahay. Wuxuu labaatan jirkaas halaha barqa maalay duhurkii xaafadda ugu rooray waa jacayl uu u qabay in uu maqlo gabay uu ka malaynayay in uu wadaadka adeerkiis ahi ka tiriyo geeridii iyo cayrayntii loo geystey xoolohooda iyo xigtadooda.

Geed weyn oo aqalka hortiisa ah ayaa waxaa falag ku hawlanayd bahdii ugu yarayd ooriyaha odayga oo aan madaxa kor u qaadin ilaa uu Maxamed oo matoobbo sitaa soo dul istaagey oo yiri: ”Maxaa lagu harsaday?”

Araggiisa ugama ay nixin in aysan jeclayn ee waxay mooddey in uu dhiillo hor leh la dhalandhoolayay oo geelii yaraa oo haray uu col kale ulaha isugu dhuftay. Markii uu argagaxa wajigeeda saaqay dareemay buu inta qoslay wuxuu yiri: ”Odaygii ma joogaa?”

Waxayna ayada oo naxdintii ka yaraatay, hase yeeshee weli yaabban tiri: „Hadda ayuu baxay“.

Maxamed xoogaa ayuu dul taagnaa duqdii oo falagteedii duubashida ahayd ku maqan, wuxuuna ka calool xumaaday in uusan wax gabay ah meeshaas ka helin. Ugu dambayntiina wuxuu asaga oo qalbi jaban yiri: ”Ma gabyay maanta?”

Markaas ayay toos u garatay sababta uu duhurkii u soo wirwiray waxayna ayada oo hawshii ay haysay u kaadisay oo dhoollocaddaynaysa tiri: ”Maandhow, kani damiinowye haddii aad gabyeysid gabay!”

Duhurkaas midkii ku xigey ayuu Aw-Muuse tix dheer oo gabay ah wuxuu ka mariyey fagaare ay beeshu isugu yeerteen si ay abaabul ay Darbadaaley udubdhexaad u tahay uga tashadaan, wuxuuna odaygu tixda ugu luuqiyey qaab xallad leh oo aan laga filayn in uu nin da’daas joogaa maansada uga dananiyo.

Inkasta oo uu ahaa ninkii ugu horreeyey oo gabay dheer afka Soomaaliga ku tiriyey, haddana waxaa tixda ka muuqata in ay lid ku tahay qaar ka mid ah tiirarka ugu waaweyn dhaqanka Soomaalida. Waxaa maansooyinka iyo maahmaahaha ku badan in aysan dumarka iyo dhallintu garasho fiican lahayn; hase yeeshee wuxuu gabyaagaani ku nuuxnuuxsaday in ay dhallinyaradu hayaan maskaxdii iyo muruqii bulshada lagu horumarin lahaa iyo in hawl kasta ayaga loo daayo, halka ay dadka filoobey nasniin iyo taakulayn u baahan yihiin oo aan waxba laga sugayn, waxaana tusaale buuxa ah meeriskakan: Daalicii markaa baxay nakhliga, boqol ka doorroone. Wuxuu kale oo darbad dhan ku guubaabiyey dumarka oo uu hab qurux badan u dhiirrigeliyey, isla markaas wuxuu kaga dabeecad duwan yahay maansooleydii hore in madaxda la canaanto oo aan hadalka lagala gabban.

Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye

Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye

Durdurkiisii adigaa ahiyo, daristii [1] weyneyde.

Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye

Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii [2] baase

Duq baad tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine.

Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilasha u daaye

Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay

Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye

Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode

Kol haddaan dariiqiisa furo, wayga soo degine,

Waxeer labada daar [3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo:

Madfacaan diyaarsaday miyuu, derejku ii fuulay

Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey

Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daadhay;

Awal maanso waataanan dumin, toban diraacoode

Dibnahayga waataan ka jaray, tan iyo Dayrwaaye

Dannigayga waataan is iri, Aakhiraa darane.

Dariiqayga waataan ka dhigay, diinta Nebi raace,

Doqontiyo haweenkaa is yiri, kani damiinnowye.

Dig dhehoo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh!

Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh!

Dawladaha is waafaqay habeen, dacawigoodii dheh!

Dirirtii Miskoo iyo rash iyo, dab iyo baaruud dheh!

Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh!

Murtidaan dambaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh!

Xarafyada ma kala dooriyee, Do’ iyo Daalkeed dheh!

Dadow xalay hurdana maan damcinoo, doob isugu waayay

Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey

Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey!

Dacas [4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo [5] i saaqday

Waan wada deddadey [6] sida laxmiga, la iga diifaayey

Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay.

Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey

Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey

Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey

Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayay!

Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey

Ma waxaan diidayaa uumiyuhu, dib uga rayn waayay,

Dacartaan hortii xiray miyaa, la iga soo daayay?

Ciil iyo hammi aan dugin [7] miyaa, la igu daardaaray

In aan diir qadhaadhnahay miyaa, uunka laga daahay

Dagaalka inaynnu qoob dhigin miyaan, dad ina moodaynnin?

Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay [8] ,

Darbabna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday,

Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya,

Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga,

Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugo;

Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay

Tan iyo Qaw [9] adaa daadsan iyo, ceelkii Dabarowe [10]

Ogaadeen cabsi buu uga dan baqay, dooggii Himirowe

Dangudban iyo Dhudhubo-Hawd hartigu, kaaga soo durugye

Dacal kale Kax iyo buu degaa, dooxadii Dhudube [11] .

Dadka yaroo cadad ah damac lahayn, lagugu sii daaye [12]

Kolse haddaydin dirirtaan khalqigu, amarka waa dayne

Nuur Maxamed geeluu dalbaday, tuludna loo diidye

Ergo daran kacaysoo dulli ah, dooxadii timide,

Laye wuxuu la soo duday bahdiis, inay daweysaaye

Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waaye

Ogaalkaan dareen qabo mindhaa, uma dadaashaane.

Dayacanow delleganow [13] sidii, doog Alle cid siiyey

Diigdiigsadow [14] sida biciid, cid uma daardaare

Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana kama diide

Duqowdiyo ikhyaartii la diley, kama digriiryaade [15]

Duunyada haddii lagala tago, dib uma raacdeeye.

Iyagaa isku duullane cid kale, deyiba maayaane

Haddaa duulba duulkaan u guran, dab iyo baaruude

Koo kale dantiye keenna dega, deexda bariyaysa

Dayn iyo dukaan baad gashiyo, damac magaalaade

Dadaalkaagu wuxuu saaran yahay, diiro saraciiye

Darxumaad u wada liidataan, duunyaseegyahowe [16]

Candho-diiranley duul nin [17] lihi, cid uma daayeene

Dudiyo Xiito [18] nimaan loo lisayn, duni ku leeleelye.

Diihaalku geel inuu ku ba’o, idinka diimoonee

Duhurkii haruubkii ahaa, kibis ka doorroone,

Kolse haddaad dariiq wada madhaan, waysu soo dumine,

Inshaa Allaahu duulkaad gashaan, waa dulliyayaane.

Waxsaan lagu dambaabayn dad Bari, haatan boqor diidye

Iskaga daalid mooyee guddoon, haatan damashowye

Waxsaad kaga daliil qaadataan, beeni duug ma lehe

Haddii dooyadaad [19] shalay dhigteen, Udan ku daaduumay

Kolkuu soo dunmoo soo durkoo, dirir la dhawraayay,

Inuu soo dabbaaldego hadday, dani geyaysiisey.

Ammaantii beryahaa nalaga diray, dahab hadduu keenay

In aan boqorka laga dayn haddii, dhaartii lagu duugey

Markaad socodkii diideen haddii, duco laguu oofshey

Darmaanihii [20] dilkii Hagar haddii, duudsi laga yeelay

Doolliyo hadduu Irir warkii, haatan wada doojey

Iiddoorka Dix jira hadduu, diririgtii sheegey.

Dalal iyo Ugaas iyo Wacays, duulka bah Xawaadle

Duud Magan Warfaa reerahaan, damac walaalowney

Libintuu ku diirsaday ninkii, wax ila doonaayey

Nin mowdkiisa laga daahayoo, dilayo mooyaane,

Dib baan wacad Allee geelayaga, cidi u daardaarin.

Darbadna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday

Dabdacallaad [21] ahayd waaxidaan, dabo u noolayne

Dilkaagii la doon laguna farax, sida dad gaalaade

Debinkaas lugaha kuugu jira, lagugu sii daaye

Naftaada u dadaal wacad Allaan, duulna kuu rabine.

Adamihii [22] maroodiga damcoo, waayo daba joogey

Hadduu dagantidii rabay hadduu, boqonta doonaayey

Uu diday daleeshana u baxay, damacna dhiilloobey

Intaan dhowrihii [23] dirirba holin, duruga mooyaane

Durba qalanjaa [24] soo dadbee, da’a dambaan waayay.

Duflihii libaax dhalay hadduu, duqu mar weynaado

Digta iyo dagaalkiyo hingada, duulistiyo xoogga

Dariiq baa Ilaah wada marshaa, doqon ma yeeshaane.

Daalicii [25] markaa baxay nakhligu [26] , boqol ka doorroone

Qabiilana duryaadka u kacay, door ku noqotaaye

Ayaxuba hadduu meel ku dego, doogga ka idleeye

Dawacaduba ari bay gashaa, labo ka dooxdaaye

Waraabuhuu ma daahiro waqiis, duhurka maalmeede

Wuxuu duud habeenimo u gelin, daganti un dhawre.

Naagiba nin ay dahatey [27] baa, lagu dangiigaaye

Rabbi amarki waa duqe maxaa, doorshey faraceenna

Kun nin oo aan dab hurin karin maxaa, duul ka wada beeray

Maxaa dog [28] iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey

Hohe nimaan ku diirsado maxaa, duge idiin diidey!

Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune

Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe

Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale.

Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye

Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye

Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan [29] xeebeede.

Ilma Yuusuf qaar wax u dilaa, kama danbeeyaane

Dacar boowayaashiis shalay, sarac ka doorteene

Kuwii Faarax diley eebbahay, deeq isaga siiye

Alla reer Xirsoo wada dug yiri, damashi weeyaane.

Danab kulule goortuu is dhayo, dab iska nooleeye

Darxuma weyne weligiis hurdada, daa’in kama toose

Ninkii ina adeerkiis dulmiya, dib u xanaayeeye

Diradiriyo muran iyo xisdi baa, dilay naftaadiiye

Sidii dumar nin wada qabo xan baan, la iska daynayne

Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug wallee ma lehe.

Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguna daaqeene

Dabqaxa Dhirindhireed madaxyadaan, abidan duugoobin

Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey

Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne

Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane

Haddaan diin la dhigan oo ninnimo, daabka la adkaysan

Dulli baa lagu socdaa wacad Allee, labada daaroode.

Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya

Korkiinnoo dallaayada raggii, daahirka u shuufey

Laabtiinna ninmankii ku daxay, shayga dananaaya

Gacmihiinna nimankii u dumay, lacagta duuduuban

Daclihiinna nimankii ka lulay, dahabka laalaada

Durrihimida khayliga [30] raggii, duuddiin [31] idin saaray.

Nimankii degdeg u keeni jirey, xidid wuxuu doono

Durdur sidi raggii caano geel, idin dabaalsiiyey

Dacaamkiinna nimankii ka dhigay malab la soo diiqay

Diggooniyo ikhyaartii kaloo, deyrka idin keentay

Intaan duugta lagu aasin baa, daahyo rogateene.

Dad wada cajab oo waxaa la yiri, naago door ma lehe

Shalay waxay ka dalangaynayeen, danaf cayaareede

Durbaan bay layeen tumanayeen, damac la’aaneede

Inaan dumar kalgacalkiis wax gelin, diirka ka caddayde.

Orda doomahaas raaca oo, Doy [32] isaga dhoofa

Ama kaca Hartigu waa duddee dawlad kale aada

Ama kaca raggaa Saaxil [33] dega, suuqadda [34] u danansha

Balse inaad na diir dhawrataan, waaba doqonniimo.

Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga

Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin

Daaraha cidla ah iyo guryaha, igu dabayloobey

Dalanbaabigaygiyo lugaha, diifka socodkayga.

Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane

Alla dumar hangaalan [35] baa ku badan, dawyadaan marine,

Wallee ama dan li’i nooga baxe, labada duubduubni

Ama dumar rag kale qabo annana, weer [36] ku daa’imminey.

Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugay;

Eebbow dambaabaye maqfiro, adigu hay diidin,

Eebbow cisyaankaan daldalay, derejo ii dhaafi,

Eebbow waxaan hor u dulmiyey, ha igu daymaynnin,

Dabka belelka naaraha Allow, derekadaa hoose

Ebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho,

Eebbow kuwii lagu derbiyey, hayga dacal yeelin,

Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede,

Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye,

Eebbow ma duudsidid xaqa oo, Daayin baad tahaye,

Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri!

Maansadan aad ayay intatan uga badan tahay. Sidii hadba tuducyo u lumayeen ayaa intaasi ka soo hartay, waana arrin aan la yaab lahayn. Waayo qoraal iyo cajalad midna gabaygakani ma gelinnin muddo qarni iyo badh ah oo afka ayaa laysugu tebin jirey.

Waxay Soomaalidu weligood isu sheegi jireen in markii uu Aw-Muuse Ismaaciil tixdaan mariyey uu raaciyey in aan Darbadaaley nin qarnigaas nooli ka jawaabi karin; haddiise uu nin qarni dambe iman doonaayi ka jawaabo in uu horay ka geeriyoon doono, waayo waa gabay sun halis ahi ku qarsoon tahay oo ay in laga gabbadaa habboon tahay.

Doogkiciye

1979kii ayaa waxaa maalin harkii jiq Walwaal u dhow ka soo baxay gaari gaashaaman oo uu rinjiga marsanaa u ekaa dharka ay xirtaan ciidamada difaacu oo tuutaha lagu magacaabo. Cirka waxaa ku hilnaa daruuro gibillo waaweyn ah oo xagga koofureed haddaayay ka soo gurmay, laakiin markaas la moodey in aysan soconayn oo ayaga oo heego ah isku gudbey afarta goonyood idilkood. Dhulka waxaa ka muuqatey abaar ku raagtey oo toontii uu gaarigu ka soo baxay geedeheeda iyo meeshii dhirta gaagaaban lahayd oo uu asaga oo weli guuxaya taaganaaba waxaa saarnaa tilmaamo jiilaal. Caleen kutaal ah mooyee mid doog waayadaas aagga laguma arag, waxaana abaarta ka darnaa colaaddii kharaarayd oo ay xudduudda dheer oo Itoobiya iyo Soomaaliya noqotay goobo dhiillo oo ay meydka iyo fuuqyadu dhagxantii ka bateen, dad iyo duunyana laga kala qaxay oo ay habeen iyo maalin isku hardinayeen guutooyin uu galowgu ooyey.

Haddana wuxuu baaruurkii u sii dhaqaaqay dhanka koofureed oo geedo waaweyn oo teelteel ahi ka muuqdeen, waxaana ka soo daba baxay dhawr gaarii oo kale. Xoogaa yar ka dib wuxuu soo dhex maray ciidan qoryo yaryar ku hubaysnaa oo ay badankoodu kadalloobeen. Hareeraha oo dhanna waxaa ka soo funaanay ciidan, waxaana jihadii uu gaariga gaashaamani ka yimid isi soo daba joogey baabuurro kala jaad ah.

Geed weyn hoostiis buu gaarigii istaagey waxaana ka soo degey saddex nin oo ay mid ka mid ah sii gaar ah ciidanku u eegayeen. Wuxuu ahaa wiil dheer oo aad caato u ah, oo indho godgodan leh, kaas oo filkiisu soddonka galay. Timihiisii adkaa way ku baxeen garkana intuu maalmo ka hor xiiray ayuu xoogaa foodda keenay oo curtiisii dheerayd baa toos loogu jeedey. Wuxuu dhexda hayey oo laalaadsanayey qori faalgurey ah kabo madmadow iyo tuutana wuu qabey.

Waxaa meel dhow ka hoortay hogol, ciidankiina waxay degdeg u taagteen teendhooyinkoodii. Isla markiiba waxaa isu ekaaday cirkii iyo dhulkii oo kabihii ciidanku waxay quusayeen daad xaafood dul sabbaynayey. Dhibcihii darbaallada darandoorriga ugu dhacayey iyo ufadii dhirta iyo dhismayaasha liiliijinaysey waxaa lala maqli waayey onkodkii badnaa oo ay ragga qaarkood dhegaha faraha geliyeen, waxaana xareeddii dhulka dulundulcaynaysey if qurxoon ku bixinayey biriqdii aan hakasha lahayn oo indhaha lagala gabbanayey.

Sagaal iyo labaatan jirkii timuhu ku baxeen bulaankii ciidanka kama uu qayb gelin ee aamus buu teendhadii ku jirsanayey, wuxuuna mar danbe kor daadkii uga qaaday faalgurayga kursigiisii si aysan birta biyuhu u gaarin. Kolkaas ayaa nin garabkiisa fadhiyey intuu jalleecay wuxuu ku yiri:

- Khaliif maxaad la fekereysaa?

Baxaalli ahaan Khaliif Shiikh-Maxamuud wuxuu ahaa nin aamus badan oo go’aan adag. Wuxuu ka fakaday ciidamadii booliska Soomaaliya oo uu asaga oo yar ku biiray, wuxuuna dhuumasho ku galay dalka Yemen oo uu ka dib ka sii aadey waddanka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka helay shaqo fiican.

Asaga oo galab casarkii shaqo ka soo rawaxay buu wuxuu soo maray niman soomaali ah oo ku maadaysanayey saraakiil maalintaas Soomaaliya lagu toogtey oo afgenbi ay dawladdii ku samayn lahaayeen lagu qabqabtay, wuxuuna galabtaas goostay in uu u kicitimo dalka Itoobiya si uu ugu biiro mucaarad waayadaas la abuuray. Galabtaas habeenkeedii wuxuu cajalad ku duubay gabay isla markiiba gaarey dhulal badan oo markii hore ay xukuumaddii Soomaaliya in uu tiriyey u maleeyeen nin la oran jirey Cali-Afyare Aw-Cilmi, kaas oo markii uu labo toddobaad xirnaa la siidaayey, maxaa yeelay idaacaddii mucaaradka ayaa markiiba oodda ka soo qaadday gabayo kale oo codkii Khaliif ah; waxaana markii Cali xabsigii laga soo daayey lagu khasbay in uu ka jawaabo gabaygii Hurgumo oo ahaa tixdii ugu horraysey oo Khaliif.

Maalintaas  roobabawda ahayd, markii jirkii qaaday oo daadkii qaarna guray qaarna gudbey waxay ciidan sayax farfadhiyaa habsami u dhegaysteen luuqdii Khaliif Shiikh Maxamuud oo uu ku mariyey Doogkiciye oo uu kaga jawaabayey Darbadaaley. Markii uu sheegay in uu gabaygii sunta ahaa faragelin ku samaynayo ayaa raggii qaar u digeen, wuxuuna ku jawaabey:

- Geeri iyo nololba Eebbe ayaa ii haya.

Aw-Muuse Deelleyda gabay, adi laguu daaye

Adigaa dabuubtiyo [37] tixaha, soo dabaal baraye,

Deelqaaf la’aan waadigii, daaddahayn jiraye.

Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay

Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray

Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey.

Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode

Oo derejo dheer iyo ku saar, dadab sariireede,

Ku dangiigso meel roon adaan, diinta caasiyine!

Denbidhaaf lagaa yeel wadaad, daahiraad tahaye

Durdurkii firdowsiyo ku waar, daar naciimo ahe,

Duddadii Rasuulkiyo la shawr, duul malaa’ig ahe.

Dulinkii cadaabeed Ilaah, kaaga derejeeye,

Jahannamo ka durug waadigii, daacadda ahaaye,

Dahrigaaga naartii Allow, aanay ku doobbayne!

Dulmi nimaan aqoon Aakhiraa, dabaq la seexshaaye

Nin dallacay ahaw oo waxaad, doontaba ha waayin,

Dunji xuuralcayn ihi Jannada, kuu dabbaaldega’e!

Afartaas midaan kuu dalboo, kuu durraansaday dheh!

Kalgacayl dun weyn oo qalbiga, igu dahaarraa dheh!

Ducadayda aammiin in uu, Daayin kuu qoro’e!

Hayeeshee dantaan uga socdaan, kuugu daadegine;

Sidii ruux intuu daqar ku yaal, daqantay laandeyre,

Darbadaaley goortaan maqlaan, wada dubaaxshaaye!

Waan wada deddoodaa sidaan, duumo baas qabo’e

Dubka un baan dhaqaajaa sidaan, diilalyaysnahaye

Markaad dakhalka jabay sheegto baan, dan u ilmeeyaaye.

Sidii neef dibboodoo kalaan, dulugle rooraaye

Duhur iyo allayl oohin baan, dhabanka duugaaye

Duufaan xagaa baan anoo, dagan ka yuusaaye.

Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan [38] dalooshaaye

Daardaarka ereygaagu waa, iiga darayaaye

Dardhashaan ka qaadaa sidii, ubadka dayreede.

Raggayagii la wada duudsiyaan, dib u xasuustaaye

Dhiiggooda diixanahayaan, caro diryaamaaye,

Dacalllada intaan fiiriyaan, diricna waayaaye.

Awgay dan li’i bay ahayd, diriradaadiiye

Diigdiigashay kaa ahayd, weerar dumiddiiye

Nin xarrago dalbaayaad ahayd, laguma daafayne.

Hadba laba da’ood tii dambaa, belo dufaysaaye

Darxumada na haysaa ka daran, sebenki Daacuune

Dacay baannu wada qaayibniyo, oho ma-diidaane!

Nabsigaa dawaaraynayaa, noo dulmeersadaye,

La dullowyey waagaas haddaad, dad u sarrayseene,

Halka dabadu geelu uga taal, noqoy dirkaagiiye.

Waxaad adigu diidaysay baan, samo ka doonnaaye

Dastuurkii aad ku noolayd haddii, nalagu deynaayo

Deeq baannu wada siin lahayn, duudki Hoysama’e.

Nin durriyad xun weligiisba waa, laga daduucdaaye

Sidii ceel dardhaabeen ah baa, laga durduurtaaye

Allaylehe la dowdabi tolkeen, laguna daanshooye.

Dabqaxa Dhirindhireed dooyadii, dalaggu kuu keenay

Doob-Cadale iyo kii kaloo, laga dambaysiiyey

Warsangeli hashuu kaa didsaday, tani ka diif weyne!

Waakaas duggaagii ka fuley, daribti reeraaye

Wax tukuhu daloobinahayaa, doobabkii kacaye

Durqe iyo dorgay hilibkayaga, loo dayaafadiye.

Saaddii dabuurihi dibbay, kula dillaantaaye

Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog [39] xun nagu reebye

Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye.

Wuxuu galow ka sii dananayaa, dirirka cawleede

Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone

Malahayga daafkaad ogayd, haatan soo degaye.

Riyuhuba shabeel dalax hurday, lugo ku doontaane

Marti fiid u dumey buu mar un, yabaq u deexdaaye

Jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye.

Ilaahay diiwaankiisu waa, kaa da’ weyn yahaye

Inkastoo dubbuhu noo dhignaa, nalagu daaduunshey

Adeer dayradaadii horoo, daahday baa timide.

Majeerteen daciifow sidii, doonni caaridaye

Inkastuu dadaal kaa ahaa, doqon ku sheeggaagu

Dannigaad awaaleysey baa, loogu dawgalaye.

Run baa lagu dawoobaa illeyn, beeni duug ma lehe;

Dacas inuu na fuuliyo inaan, debecney mooyaane,

Waakaas doofaarkii Gedood, daalash noo helaye!

Waakaas sidii tuug dibjir ah, duurka noo galaye

Waakaas sidii dabatadii, deero noo qalaye

Waataas duryaad hooyadood, kala dalaabeene.

Waataas islaan duub xidhiyo, boqorro dawrweene

Waataas duqow iyo ugaas, loo dawarayaaye

Waataas nin ay diran jireen, diiraddow sida’e.

Waataas dabkii nalagu shiday, degelku qiiqaaye

Waataas guryihii deyranaa, wada damaagmeene

Waakaas nin dahab beecin jirey, darayga xaabaaye.

Dhallinyaradii waataas dillaan, doolba meel degaye

Goortii wixii duxi lahaa, daayac lagu laystay,

Waataas la deydeyahayaa, daaddufkii haraye.

Waataas dekanaday qabeen, Sede ku daaqaaye

Waataas aan lagu doonanayn, col iyo duullaane

Waataas siday noo dibreen, duudka loo dhacaye.

Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne

Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye

Waataas aan loo diir naxayn, tima-daliigleeye.

Uurdigiso dalanbaabiday, dalan kacaayaane

Haddeerey intay wada dahdeen, silic la duukhaane

Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel ku daa’imise.

Dingaraaro booraa ku taal, duudda Maxamuude

Meydkooda daadxoor la mood, dooxu soo rogaye

Duufkay cuneen wiilashii, damaca waallaaye;

Ciisihii darrowshaha nebcaa, daabbad laga yeelye

Kuwuu ficilku daardaari jirey, harag ma doorshaane,

Alla kama diqoodaan gabdhaha, daacayoo sida’e!

Dagaal uma habaystaan intay, danan afuufaane

Hubka kiisa darandoorriga ah, kama dinnaahshaane

Nafta uma diyaarshaan mid uun, labada daaroode.

Abshir [40] deyrkii lagu meeriyaan, cidi ka siiddayne

Damashkiyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye

Dugsi waxaan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale.

Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye

Hoggaan laguma doodeen sidii, dooha awrka ahe

Hohey lama durbaansheen, intay labaddibleeyaane!

Nin dumaashidiin ciilay oo, Diiniyaa jira’e

Hindiya gabadhii laga doonay baan, qaranku daabnayne

Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiir xumo’e.

Haween aan dalaaqnayn haddana, dulay cidlaa taagan

Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynnin

Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey.

Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane,

Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed [41] daaskiisa

Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene.

Inkasteey darmaan quruxsaneey, dihintohoo joogto

Oo ay dubaabkii Siyaad, dalaw ka tuuryaysay,

Iyadays difaacdaye ninnimo, kuma dumaashaane.

Danbar bay noqdeen shalay hadday, dacar ahaayeene

Haddii ay Daawad [42] gubanayso, oo Celi dawaafaayo

Dabcigiyo aqoontoodu waa, giiro-dabataage [43] .

Reer Cismaan digtii gaadhay bay, wada diryaameene

Sidii loo derderey bay dhammaan, doc ula jiifaane

Waxaa loo dudumiyaa sidii, dooro idifleeye.

Dulalkii Qardhood iyo Kobnaa, lagu dullaalaaye

Bah Dirtii dalaaniga ahayd, Dalalku weydeede,

Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba’e.

Deris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabeeye [44]

Marreexaanka Doolow ammaan, kama dareersheene

Rabbaw deyey damaashaad inay, ugu danaystaane.

Adoogii nimuu duunyo dhaqay, dibse u cayroobey

Kaftan laysku daadsaday hadduu, doodda kaga faano,

Anigaa dameerlaa ka roon, taajir doorsamaye.

Waxse aad kaga daliil qaadataan, dulucda maahmaahda

Dayaxaan madoobaaday iyo, dogobka nuuraaya,

Dabcigiyo aqoontoodu waa, dawlad baan nahaye.

Cumar soo digiigixi hadday, degin xirnaayeene

Inkastoo la deeddamahayoo, diiqalyo is dhaaftay

Dululaatiyaal baa warmuhu, uga dusaayaane.

Libaaxuba hadduu miid darsado, daacuftiyo foolka

Kolkuu shaarubbada daylo, buu lulo dakaamaaye

Haddaan Eebbahay dabanbasayn, dago ma reebeene.

Iyaguna barqay duban karaan, ururka Duujaale

Taliskaa dukhuunka ahna waa, dumin lahaayeene,

Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e;

Shayddaan dakhawlamahayaa, soo dakhaakhula’e

Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye

Iyagoon dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane;

Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye

Dawgooduu suu yahay haddaan, daayin solansiinnin

Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan;

Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye

Haddaan taladu way daabataye, odayo daaweynnin

Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin;

Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye

Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane,

Dabcigiyo aqoontoodu waa, Doollo Cigallayne.

Docda Cali Saleemaan haddaan, yarehe daymoodo

Inkastoon u digey oo gunnimo, kala digtoonaaday,

Dubaaqooda uun baw u bartoo, lagala soo daalye.

Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo

Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo

Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e.

Ninna hadduu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado

Inkastaad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeedho,

Dagaag kama hagaagiyo inuu, dib u gurguurtaaye.

Cusri baa daboolaye haddii, Saxal dul gawriiro

Dhaaxaan durqumiyaye haddii, “diira!” laga waayay,

Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma soo duxa’e!

Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene

“Deexey dadkaygii i sii!”, duul horaa yiriye,

Dabcigiyo aqoontoodu waa, cananno [45] soo diiqe.

Ibraahiinno daahay rogteen, dan iyo xeeshoode

Inkastay dinnaahyaynayaan, sooma daalicine

Hadba daraf u guurguurku waa, xaal dahsoon weliye.

Dacda Teendhabelo maalintii, lagu duqaynaayay

Hadday hiil u soo dugukumeen, loose diri waayay,

Duudyaabe gaarkood sidii, doon abaajidaye.

Darbaddaas in ay ku hakadeen, hagari waa deyne

Iyo in ay docdooda u hareen, durayga ma aqaane,

Labadaas midday ugu dudeen, looma duurxuline.

Diraac kulul walaalkaa hadduu, Dalawo maalaayo

Adoo diiqsan xoolaha hadduu, kaa dallali waayo,

Asaad doorka kale dhaanto waa, laga ducaystaaye.

Ninkii ina adeerkaa dilaa, daafad kuuma lehe

Waxba kama duwanid maalintuu, kuu dallaashado’e,

Hanna dayrinnina waa adduun, dabamarkiisiiye!

Maxamuudba diririhii iloow, soona dugukuubye

Matukade [46] dartiis uma galeen, dab iyo baaruude,

Dirrankoodii hore baan u baran, deeq rakuubsiga’e.

Wakhtigaa ku diray in ay bahdood, dar isku raacaane

Iskuduubna waw wada qabteen, dawdi Dhulugdheere,

Biciidyahanka naga sii durkow, roobku waa di’ine!

Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya

Dashiishliyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah.

Nin duddumo ammaantaan ahaa, damal la’aaneede.

Dadow Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey

Waakaa duskii Meeladeen, lagu dabaaxaaye,

Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadmiguye!

Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah

Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye

Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine.

Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey

Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye

Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine.

Inkastoon diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay

Wallee daguug nalaga yeel, dirindir leelleel ah,

Ama diillintaan maagannahay, dunidu ciiryaantay.

Intaas oo dunuub baan qabnaa, duug iyo cusaybe

Agoon daa’imo ah baa ku badan, dooshashkii Xamare,

Waxa ooryo diriglaa qalbigu, ii dawanayaaye.

Dacluustii ku haysiyo waxaad, dininig noo sheegtay,

Shiikhow haddaan wax isu deyey, taayadaa darane,

Noo soo ducee waxaad ahayd, sharaf ku doondoone!

ERAY BIXINTA

[1]   Daris =ris, caws adag oo gaagaaban oo dulka bannaan daboola.

[2]   Dahar = daar, sar

[3] Daar =feero, saab

[4] Dacas =dhib, dandarro

[5] Diilalyo = qarqaryo, gabayoox, dhaxan

[6] Deddo = qabow badan

[7] Dugid = ebyoomid, dhammaansho

[8] Diiraabid = diirin, kululayn

[9] Qaw = tuulo bariga fog ee Soomaaliya ku taal

[10] Dabarow = ceel caan ah oo Mudug ku yaal, wuxuu u dhexeeyaa xeebta Iidaan iyo Xingod

[11] Dhudub = magaalo Gallaadi iyo Goldogob u dhexaysa, waxay ku taal Kiilka 5aad

[12] Dalleensi = sahlasho

[13] Dellegan = meel la’, wax u dhimman yihiin. Wuxuu tilmaamayaa boqorka.

[14] Diigdiigsi = qaab ay xayawaanka geesaha dheerdheer lihi u socdaan.

[15] Digriiryaan = dhaqdhaqaaq lala soo boodo

[16] Duunyoseeg = qof aan musqtaqbal lahayn

[17] Nin = madax

[18] Dubbo iyo Xiito = macagyo geela loo bixiyo

[19] Dooyo = col isku duuban

[20] Darmaan = fardaha dhallinta yar

[21] Dabdacalle = qori dhanka hoose dab ku leh korna caadi ka ah oo kolkii la qaado lagu gubto

[22] Adan = raxan libaaxyo ah

[23] Dhowre = maroodi weyn oo lab ah

[24] Qalanjo = Maroodiga yaryar ama kuwa dhaddig

[25] Daalac = caw cusub oo markaas baxday

[26] Nakhli = caw duug ah

[27] Dahasho = dhalid

[28] Dog =bog

[29] Doh = dhulka dixda ah oo biyuhu maraan

[30] Khayli = maro midabbo badan leh oo la huwan jirey

[31] Duuddi = dhammaan

[32] Doy = Kismaanyo

[33] Saaxil = Berbera

[34] Suuqad = siyaakhad, alaabada dumarku isku qurxiyaan sida dahabka

[35] Hangal = asay

[36] Weer = hangal, asay

[37] Dabuub = hadal, dood

[38] Tahan = in badan, in door ah

[39] Doog = nabar biskoodey oo soo labakacleeyey. Waa mirka uu gabayga khaliif ugu magac daray.

[40] Abshir-Haamaan Muuse

[41] Sarreeye Gaas Maxamed Abshir-Hamaan Muuse oo uu Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre inta xabsi ku ilaawey haddana ku taliyey in gabadhii uu qabay oo dalka Hindiya u dhalatay rag kale loo yeelo, ka dibna ay rag xukuumaddii ka mid ahi gurigeedii ku ordeen si ay fursadda uga faa’iidaystaan. Markaas xaaskii wadaadka maxbuuska ahi, iyadoo naxsan safaaraddii dalkeeda Soomaaliya u fadhidey magan gashay. Waxaa la tuhunsan yahay in ay arrintaasi ugu weyneyd sababaha keenay in uu Khaliif Darbadaaley ka jawaabo.

[42] Daawad = sar dheer oo dabaq ah oo ay Daraawiishtii Eyl ka dhiseen

[43] Giiro-dabataag = riyaha

[44] Barasaabkii Gobolka Bari ee xilligaas.

[45] Cananno = beeyo

[46] Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shiikh Maxamuud Xasan, Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya (1974-78).

Ereyfuryada iyo hordhacyada waxaa habeeyey Shaafici Xasan oo isla markaasna qoray labada gabay.

Enter supporting content here