Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

hadraawi

waraysi hadraawi

Waraysi:"Godobta Meel Aan Lahayn, Yaan La Saarin, Runtana La Majara Habaabin"Hadraawi.

Hadrawi iyo Kayse Jan 22 2006 Burco(Somaliland Net) - - Hal-Abuurka weyn ee Maxamed I braahin Warsame (Hadraawi) ,oo Hada fadhigiisu yahay Magalada Burco ee G/Togdheer ,ayaa Waxa Waraysi Khaasa oo uu la yeeshay Weriyaha JAMHUURIYA, ee G/Togdheer ,Keyse Axmed Digaale, ayaa Abwaanku Lagu Waydiyay Su,aalo dhinacyo Badan leh oo ay ka mid yihiin, Sida uu arko Doorashooyinkii Dalka ka dhacay, Maxuu kula taliyay Baarlamaanka Cusub ,Ma ku Jiraa Damac Siyaasadeed Abwaanka, Mise Qabaa in Maansooyinkiisii Halganku Qayb ka Yihiin Burburka Dalka ka Dhacay iyo Heerarkii kala Duwaanaa ee Hal –Abuurnimadiisu Soo Martay iyo Arimo Kale oo Xiiso leh. Hadaba Waraysigii Waxa uu u dhacay sidan:


Hadrawi iyo Kayse


Su'aal Mudooyinkan dambe waxaad ku sugnayd Magaalada Burco maxaad hawla ee aad qabataa?

JawaabMa hawl li, hawlaha guud ee wadartu qabanayso ayaan kala mid ahay ,gaarahaan waxaan in mudo ah ku fognaa baadhista afka soomaaliga, Qaybihiisa, Dhererkiisa, Balaadhkiisa ,Baaxada uu leeyahay iyo siduu u kala baxo.

Su'aalWakhtigaaga intiisa badan waxa la sheegay inaad siiso Barashada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka ,goormaad bilowday arintaas?

JawaabMudo dheer ayaan mooganaan kaga jiray diinta islaamka ,kadib wakhtigaas dheer waxaan u soo jeestay barashada iyo ku dhaqanka diinta islaamka .

Su'aalIn badan lagaama maqal hal abuur cusub oo maansooyinkaagii ah ee miyaad ka fadhiisatay dhinicii suugaanta.?

JawaabHal iyo Halal baa Iilaaban, waxaan doonaya inaan arimo kale oo muhiima siiyo wakhtigii aan siin jiray hal abuurka, waxaan raba inaan ragii iga dambeeyay ee leh hibada hal abuurka fursad siiyo ay isku muujiyaan, waaya Aragnimadii iyo Aqoontii aan mudadaas hantayna aan ku xoojiyo iyaga .Waxa kale oo ii qorshasan inaan kulamo suugaaneed oo balaadhan iyo qoraal aan kaga waramo wadadii 35 sanadood ee aan hal abuurka ku dhex jiray soo bandhigo . Talo waxaan ku soo jeedin lahaa in dadwaliba dada ku xigta barbaariso, xilka fursad u siiso ,ka dibna isla barbartaagto aqoontii iyo waayo aragnimadii ay uga horeeyeen ,markale waxaan leeyahay in xilka laysu dhiibo ,Marba loo daayo qofka wakhtiga leh oo aan kuraasida lagu dul dhiman.

Su'aal Hal iyo halalka kuu hadhay maxaad u malaynaysaa inay ku saabsanaan doonan ?

JawaabWaxaan u malaynayaa inay noqon doonaan Hawaala- warran iyo Hogo Tusaale.

Su'aal Goormaad bilowday Hal Abuurnimada Suugaanta.?

JawaabEray macno leh oo hanaqaada waxa iigu horaysay Riwaayadii “HADIMO” 1966 kii Cadan laga dhigay .kadibna waxaan ku dhiiraday markii aan bulshadii ka dhex dareemay in hal abuurkaygu meel mar yahay, halkii xiligaa nolashu maraysay ayaan kala qabsaaday oo ahayd Jacaylkii gabdhaha iyo afarreydii kaftanka ahayd ee saaxiibadu isku tuuri jireen ,balse maalinba maalinta ka dambaysay waayaha ayaa aqoon igu kordhinayay aragtidayduna way sii durkaysay, heerar badana way soo martay maantana waxaan taaganahay halkii aanan dhaafi karayn.
S-Yaa gacan kaa siiyay?

JawaabWaxaa gacan iga siiyay waayaha iyo bulshada,kuwii gabayga iiga horeeyay iyo ragii aanu suugaan wadaagta lahayn oo ay ka mid yihiin ,Gaariye, Rashiid Sh. Cabdilaahi, Boobe,Barbaraawi,Cabdi qays ,Xasan Genay ,Cali Sugule iyo rag kaloo badan .


Su'aal Ma xusaasataa maansadii kugu horaysay ee aad tiriso .?

JawaabSubax bay ahayd miyi iyo guri bay ahayd, Islaan ii Ayeeyo ah oo qof dumara oo aayaday ah ku canaananaysa lexejeclo daro ayaa dhegahayga ku soo duushay, wiil yar oo caruura ayaan ahaa wakhtigaa, ka dibna waxa laygu baraarujiyay inaan maqal fooftay kadaba tago . Geed baan hoos fadhiistay waxa xusuustayda ku so noqnoqonaysay dhacdadii subaxaas, laakiin mar dambe oo aan jeedaaliyay, maqashii oo ii muuqan wayday ayaan la sara kacay beyd gabaya oo sadex dhuudood ah oo waxaan idhi “WAX DHAQOO,-- WAX MEEL DHIGO -- HADAAD WAANO LABA DHAADAY.”maan doonin ,mana raadin ee waa wax igu soo dhacay mar keliya, ma ahayn mid dadayda ku soo dhaca.

Su'aal Fanaankee,iyo Fanaanadee ayaad ugu jeclayd inaad dhegaysato Heesahoda?

Jawaab Fanaaniita, Maxamed Axmed Kuluc, Dumarkana Faadumo C/laahi Maandeeq.

Su'aalHeesaha midee ugu jeclayd oo aad dhagaysan jirtay, yaase qaada? Erayadeedii wax ma ka xusuusataa?
JawaabXililgaan Heesaha dhegaysan jiray waxaan ugu jeclaa heesta la yidhaa “SULULUXO”oo ay qaado Maandeeq, waxa ka mida Erayadeedii “Dhilow yahankaa Dhirtuun ka baxee --, Maxaa dhexda iigu kaa maray -- Indhaha Qalbigaa ka eegmo fog -- Waxaanay ar ag buu Ogaadaa”.

Su'aalBal sharax kooban naga sii dareenkii aad ku aliftay labada heesood ee kaa ah HOOYO iyo ANUUNBAA HOOYADAAYA.?

JawaabMid waliba waxay leedahay dhacdo gooniya ,laakiin labada dareenka dhaliyay ee ay salka ku hayaan waa isku mid. Ta hore waxa dhaliyay gabadh da,yar oo wiil yar dhabta ku sidatay oo aanu baabuur xamar kawada raacnay anigoo u jeeday Lafoole oo aan ka fogayn Xamar, ayaa arin kedisi ku timi ,iyada iyo wiilkii ay dhabta ku haysay, ayaa isoo hor dhigtay dhowr iyo labaatan sanadood waqtigaa ka hor ,Anigo yar ,Ardaa cidla,a ,Saqdhaxe iyo Libaax iyo Hooyaday oo halkaas iigu timi.
Heesta labaad waxay ku saabsantahay Hooyo wiilal dhashay ,Mar uurka ku siday, Mar dhabta ku haysay, , Mar adhaxda ku qaaday oo dusha ugu heesaysay ,Marna ababin iyo barbaarin dhowr iyo laabatan sano ka dib ,markay Idoodii u dhamaysay ka dinka ka baxay ,dibna ugu soo noqon, Iyada iyo keligeed ,Aqal madow iyo Halaan -Hal ,Anigoo hooyadaa warkeeda helay ,gurigii ay ku dhasheen ,kuna barbaareen ugu tegay runta afkeeda (hooyadii) ka soo qaaday goobtu waa Lodon ,cariga Ingiriiska. ,sidaasay ku timi heestaasina.

Su'aalMaxaa sabab u ah dibu dhacan ku yimi Suugaantii Soomaalida iyo bililiqaysan Fanka?

JawaabHadhuudhka waxa loo beeraa marka saylada iyo suuq loo iibgeeyaa jiro, waxa dadkaas ku dhacay ayaa suugaantiina ku dhacay, dibu dhac guud oo nolasha ku yimi ayaa suugaantana ku yimi .Gabaygu waayaha iyo majaraha nolosha ayuu ka dhalan jiray ,waxaan ujeedaa marka noloshu taayiro ay ku socoto leedahay ayuu gabayguna la jaanqaadaa ,mar hadii noloshii hawaarsato oo fadhiid noqoto ,Hal abuurkuna oodaha ayuu rogtaa.Waayihii hore ummadu waxbay ka midaysnayd ,meel loogu hagaago oo gabaygu ka raadiyo ayaa jirtay ,hal gabay oo keliya ayay ummadu wada lahayd kaasaa ku filaan jiray oo ka dhaxayn jiray, Markii qof waliba isagu aragtidiisa qof ahaaneed samaystay ee kitaabkiisii qumanaha qoorta sudhay, ayaa waxa adkaatay in gabay keliyi ka dhaxayn karo, haday sideed milyan tahay ,waxay u baahan tahay sided milyan oo gabay oo mid waliba waafaqsan yahay fikrada gaar ahaaneed ee qofka.,sidaasaanay ku jirin yool sugan oo dadka iyo maansadii ku kulmaan ,waayo qofkii labada gelin marba meel buu joogaa. Ta kale ee Bililiqaysigu,

.Xaalada fadhiga iyo wax dhalin la,aanta ee lagu jiro ayuu daarran yahay ama ka soo jeedaa bililiqaysigu,markii cidi wax cusub tirin wayday ayaa dadkii hibada luuqda lahaa, markay doonayaan inay heesaan waxay ku khasabtay inay wixii hore u jiray iska rogrogtaan oo weliba siday doonayaan u rogrogtaan.ka dib markii cidi waxv cusub Curin wayday.

Su'aalMarkaad Qurbaha ka soo laabatay waxaad sheegtay inaad soo heshay xalkii lagaga bixi lahaa mushkiladahan ummada haysata ,hadaba maxuu yahay xalkaasi?

JawaabDadbadan ayaa u qatay in xalka aan siday yahay mid jeebkayga aan kala soo baxay, ama meel kale ka soo guuriyay, sidaas maaha afartankii sanadood ee madaxbanaanida, markii mabdi,i guumaysigu keenay lagu saldhigi waayay ,waxaa badatay maxaa talo ah, jawaabteeduna waxay mar walba ahayd “MOOYI”.marar badan oo qudhayda oo lay waydiiyay ,sidaas iyo waxaan dhaamin ayaan ku jawaabay.Waxaa ii muuqatay in marka lixaad ee su,aashaasi igu soo noqoto jawaabtaydu noqoto mid ka duwan Tii hore.
Shan sano oo aan ku ingiriiska joogay ayaan u baadi doon tagey inaan helo jawaab jawaabahaygii hore dhaanta waxa ii cadaatay Nin jecel iyo Nin Neceba. “XALKA IF IYO AAKHAIRABA LAGU BADBAADAYAA YAHAY KU DHAQANKA DIINTA ISLAAMKA OO SI RUNA LOO QAATO”

S-Dad badan ayaa aaminsan in maansooyinkaagii iyo gabayadaadii qayb ka ahaayeen burburkii soomaaliya sidaas adigu maqabtaa?

J Dhirta aanu daaqnee.
Guba dalaga beeraha
Dekedoo dhan naga xidha
aan diinka qalanee .
Cagta mariya duunyada.

Docolkiyo Hareeriga
Anaga diiranee
Furta dahabka ooryha
Iyo dulaca gaarida
Diriciyo malkhabadaha
Kala baxa dukaanada.

Dunqulaalka madagtiyo
Xololdada ka daba hura
Anagagaa ku daarroo
Q ayba degal gufaynee
D uni kale abuuree
D udun waayi maynee
I dinkaa wax dumiyee
Daari yaanay taagnaan.


Maansada Daalalay ee erayadani ka mid ahaayeen ayay dadku u qaateen inay habaar tahay ,laakiin waxaan jecelahay inaan dadka u sheego inaanay hilaadaha hiyi kacu xambaarsan yahay iyo habaarku isku mid ahayn, hadal iyo hawraar midna waxba ma dumiyo ,habarkuna wax macno leh ma sameeyo, ee gacan iyo ficil baa wax dumiya, dalka cadow baa dumiyey ,hub iyo xoog buu ku dumiyay,ayaan godobta meel aan lahayn la saarin ,runtana yaan la marin habaabin.

Nidaamku wuxuu duulaan ku ahaa Nafta iyo Maalka ,waxaanu danisanaa in dadku labadan ku dhegi doono ,ka dibna ka fursanwaayi doonaan inay is dhiibaan ,Gabayguna waxa uu duulaan ku ahaa labadan in la huro oo aan lagu dhegin, Si Dareenka iyo Dadnimadu u Badbaadaan, Guuldaraduna Cadwga u raacdo .Waa Tii Naf iyo Maalba la huray Cadwgii guuldaraystay hadhcadna la dhaqaajiyay.

Dagaaladii Sokeeye ee dambe, ayaa Dareenkii iyo Dadnimadii Markii hore Badbaaday ku Burbureen, kadib markii la waayay Talo iyo Barmaamij cad oo Qorigii lagaga maarmo

Su'aalWaxa lagu tilmaamaa inaad aamin santahay Mabda,a Soomaali weyn ,maxaa ka jira arintas?

JawaabMidnimadu Haday Marinkeeda haysato oo ay ku dhaadasho iyo Macno buuxa leedahay waa wax wanaagsan,waa wax fiican in lays urursado oo Xoog,Xirrib, iyo Xoolo laysu geeyo. Qiimo muhiima ayay caalamka ka joogtaa oo ku xisaabtan bay leedahay, kala qayb sanaantu waa marin iyo fursad cid kale maslaxad u ah oo ay ka faaiidaysato,hadii tusaale ahaan afar meelood loo kala jabo ,waxa jira cadow afartaba u cadow ah oo aan cidna bixinayn ,oo markii wadajirka ahaayeen waabanaysay.

Soomaaliweynimadaydu maha Ta C/laahi Yuusuf faraska Indhala,a, u soo fuulay, Taan Aaminsanahay maaha “Dusha ka Sumuni ,Hoosta ka sadex Gambo”, waa tu ku dhisan kalgacalka iyo mahada wadarta guud, sinaan iyo cadaadlad iyo qof waliba waxa uu la soo baxo,waa walaaleyso aan marnaba lagu kal qaxin, nacayb iyo afduubna aan salka ku hayn,Taas ayaan aaminsanahay inay iman doonto marka shuruudaheedu buuxsamaan.

Su'aal Sidaad u aragtaa sadexdii doorasho ee Somaliland ka dhacay?

JawaabDoorashadu qoob iyo qaylo Maaha, I arkaay I, maqlaay Maaha . Caalamka Miyir iyo Maan baa lagu kala baxaa, Axsaabta loolamaysaana mid waliba Aragtidiisa iyo qorshayaashiisa ,barmaamijkiisa iyo waxa uu Nolosha ka badelayo ayuu soo bandhigaa ,ka Qorshihiisa lagu qanco, ayaa la doortaa, Waa in dadkuna uu ku lahaadaa Kaalin uu kula Xisaabtamo Xisbigii la doortay, Sidaas fudud bay ku dhamaataa.

Ee Doorashadu ,Maaha, Siigada oo Cirka qabsata, Maaha Dhalaanka oo malcaamadaha iyo Iskuulada ka yaaca oo Gaadiidka dhex qaada, Maaha Haweenka oo Guryaha laga soosaaro, iyo Anshaxa oo luma Maaha ,Qoyska oo Duma, Maaha, Dhaqaalaha oo lagu idleeyo, Qaad ,Sigaar, Shiidal, iyo Inta daran .Doorashadu Maaha in laga Dhaxlo ,Nac, Cadho, Umal, iyo Deyn iyo Faro madhan oo aanay waxba ka soo noqon.

Dhinac kale hadaynu ka eegno ,Macno weyn ayay samaynaysaa, Mudo Dheer waa markii u horaysay ee dadku doorasho madaxbanaan oo ay Rayigooda ku dhiibanayaan u Dareeraan ,Taasina waa talaabo hor leh, Waana Ilaahay Mahadii Hadii aanu Muaran dambe ka dhalan.

Laakiin, Dad ku Wakhti iyo Dadaal ka ay siiyeen Doorashada ,Ujeedooyin waaweyn ayay ka lahaayeen ,Ilaahay waxaan ka baryaynaa inay ku hugoobin dadaalka ay sameeyeen.

Su'aalMaxaad kula talin lahayd Baarlamaanka Cusub ee la Soo doortay?

JawaabWaa Ta koowaade, Awaalaha iyo waayaha dalka jira ,gudashada waajibaadkooda iyomeel marinta arimaha horyaala,way saamaynaysaa ,Waa ta labaade, Raga ku jira Baarlamaanka mid walba lacagbaa lagu doortay oo waxa nafta loogu keenay iidhiib, iyo maxaad haysaa ,mid waliba isagoo xambaarsan dayn culus ayuu kursiga ku fadhiistay ,muday qaadanaysaa intay arintaas ka soo kabanayaan, Waxaan filayaa kaftana hayga ahaatee marka hore wixii ka baxay ayay baadidoon u geli doonaan ,si ay ku soo helaanba.

Laakiin waaxaan kula talin lahaa xubnaha cusub hada ilaa gobanimadii ,lixdankii majaraha taariikhdu ku socotay iyo ayaan darooyinkii doorashooyinka laga dhaxli jiray inaad badeli kartaan ,taasina way idin hortaal idinka oo ka dab qaadanaya “DHUL TARRADHAY RAG WAA TOLI KARAA -TAAKO LABADEED.” Iyo gabaygii alle haw Naxariistee Dalaayad ee “GODOB LI,I NIN KII KALA TAGAA --GUUSHA WEYN SIDA” .

Su'aalWaxaad ka mid ahayd ragii sida weyn ugu mucaaraday Dawladii Afweyne,kana mid ahaa Ururkii S.N.M,way dhacday dawladii Siyaad Bare,Somaliland Aqoonsi Bay raadinaysaa, Soaamaliayana Nabad iyo Deganaasho ayay doonayasaa,Hadaba Muxuu ahaa Isbedelka aad Rabteen?Ma sidan hada layahay buu ahaa?

JawaabTaliska lala dagaalamayay wakhti hore ayuu ka gaashantay dagaalka ku soosocda, dadka Qoloqolo iyo Qabiil ,Colaad iyo Dab oogan, Shaki iyo Nacayb ayuu kala dhex dhigay ,Dadkuna Cadho ayuu ka buuxay, Intaas oo dhana waxa uu ka watay Talisku, Inaan Dagaalkiisa loo midoobin, In Dagalku Noqdo Mid Dhicisa oo aan Dhamays ahayn.

Waxaa Dagaalka la galay Iyada oo Qof waliba Dagaalka si Ugu Sawiran yahay,Waxayna ahayd markii u horaysay ee Dagaal Noocan oo Miisaankan leh Lagalo.

Waayo Aragnimo Ma Jirin, Ma Jirin Miyir Lagu Faaqido Halgamadii Aduunka Ka dhacay ee Guulaha Dhamayska ah laga Soo hooyay iyo Tubtii ay Mareen, Sidaas Darteed ayaa Dagaalka lagu Galay:

Sibiq dhaqaaq
Cadho iyojibo
Qorsho la,aan
Ma jirin Barmaamij iyo tub sugan oo la hiigsadaa.
Qalabka la adeegsaday wuxuu ku koobnaa Qoriga iyo Xabada caaradeeda (wuu kala dhinaa)
Dagaalku ma habaysnayn.
Ma hormaysnayn.
Hogaanku Jiitatabe (miigan) ma ahayn.
Talo waxay ku ururtay in la rido nidaamka dalka ka dhisan oo keliya.
Lama odhan maxaa inoo meel yaal ,marka taliska la rido.

I ntaas oo dhan oo laga dul booday waxay sababtay markii taliska la riday ka dib, in dagaalo sokeeye si isdaba jooga u dhacaan, oo burburkii hore ,burburo dambe raacaan ,marki la waayay maslaxad dagaalka lagag maarmo, taasina waxay sii dhalisay Quus iyo Niyad jab dadka ku yimaada ,Macno Daro iyo Camal la,aan, Kudaal, Dhuyaal ,Suudal, dalka oo laga qaxo,oo aduun weynaha lagu kala baaho taasoo dhaxal xumo dambe keeni doonta.

In Boqol Hayadood oo aan la garanayn dalka dhex mushaaxaan, si ay dadka uga Hoosaasiyaan inay wax qabsadaan.

Dadku wanaag buu rabay, waxaanse la garanayn wanaaga waxtarka weyn lahaa tubtii loo mari lahaa. Guul bay ahayd in Nidaamka la rido, Laakiin Noloshu Guul qudha maaha, waa Guulo Isdaba jooga oo mar keliya la wada gaadhin. Mid walibana waxay timaadaa marka la garto jidka loo marayo.

Su'aal Su, Aasha u Dambaysa ee ka waydiinayaa waxa weeye, Hunguri ma ka Hayaa inaad Dhinaca Siyaasadda.?

JawaabMaya. Marar Badan iyo Meelo Badan ayaa Su ,aashaa lay way diiyay, mar walba jawaabtu waxay ahayd MAYA.

Waxaan u malaynayaa inaan lagu qancin jawaabahaygii hore, ee ahaa Maya. Muslinow Run sheeg baa la yidhi, Muslinowna Run uga Qaado, Daayeer baa lagu yidhi Qadhaab, ka waran wuxuu ku jawaabay TUNKAYGA IYO TAGOOGAYGA, ka eeg.

Kursi doonistiisa iyo Duunyo jacaylku Dhibta uu leeyahay, Qolada raadisa Dhibta haysata Dushooda ka eeg waxaan ku soo koobayaa Tixdan Maansada ah.

Derejooy Wid Lagu Yidhi
Wid widaanwid lagu Yidhi
Walahaana kugu raran
Hantiyayna Kuma Waco
Waligayna Kuma Sugo.
Woohowna Kuma Dhaho.
Wed Haddaanad Celinayn.
Nin Ku sheegtay Waarayn
Maxaan Kuu Warsanayaa.


Dhamaad. Dhamaad.


xigasho somalilandnet.com

Enter supporting content here