Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

DHAQAN

DHAQAN

DHAQAN CELIS IYO DHAQAN GUUR

Markii iigu horaysay ee aan Hargeysa tegay afka cusub ee soo baxay eraygii ugu horeeyey ee aan bartay waxa uu ahaa ‘dhaqan celis.” Markii aan u sii dhabo galay waxa aan ogaaday in “dhaqan celis” markii hore loo yaqaaney dhalinyarada qurbaha ka timid ee waalidiintood u keeneen in ay dhaqankooda bartaan. Dhalinyaradaas oo afaf, dhaqano iyo lebis kala duwan waddanka la yimid, waxa dhaqankoodii iyo aragtidoodiiba ay ka yaabiyeen dadkii ay dhulka ugu yimaadeen. Inkasta oo dadka dibadaha ka yimaadda magacyo badan oo cay ah loo bixiyey sida “Naafo iyo Fish iwm,” haddana waxa aan jeclahay in aan ku ekaado erayga “dhaqan celis” oo ugu caansan.

Inkasta oo magaca “dhaqan celis”markii hore ku soo baxay dhalinyarada da’da yar, haddana markii dambe waxa dusha laga huwiyey qofkasta oo qurbaha ka yimid. Waxaana markii dambe loo soo koobay “dhaqan” ama “dhaqanka.” Tusaale ahaan siyaabaha loo isticmaalo waxa ka mid: kan yari ma “dhaqan” baa ama waar ninyahow marmar baad sida “dhaqanka” u dhaqantaa.

Inkasta oo dadka qurbaha ka yimi dadka waddan jooggu u arkaan in ay yihiin dad kala dhantaalan oo dhaqankoodii ka tegay, haddana waxa iga yaabiyey dhaqan guurka dadka ku dhacay iyo sida wax kasta oo lagu faani jireyba bilaa micne u noqdeen. Waxa aan arkay dhaqan fogaaday oo aan waxba looga dayan karin. Inkasta oo aan dhaqan guurka fogaaday halkan lagu soo koobi karin, haddana waxa aan door biday in aan hal shay qalinka saaro; kaas oo ah dhaqan guurka adeegga iyo isticmaalka weelkii ama agabkii hiddaha Soomaalida lagu yiqiin.

Markii aan Somaliland tegay waxa aan ka degay airport-ka magaalada Berbera. Berbera waxa ay Hargeysa u jirtaa qiyaastii 155 km. Markii baskii aan airport-ka ka raacay wax yar socday, wixii ugu horeeyey ee indhahayga ku dhacay, igana yaabiyey waxa ay ahaayeen bacaha dhirta qariyey. Sida bacahaasi dhirta u dabooleen waxa aad mooddaa in lagu sharaxay. Inkasta oo aan maqli jirey dhibaatada bacuhu dhulka iyo caafimaadka guud ku hayaan, marna maskaxdayda ma ay gelin in dhibaatadu sidaas u weyn tahay.


Geed Hargeysa ku dhexyaal oo baco dabooleen! Posted by Hello

Nin dhinacayga fadhiyey oo aan is-idhi waa dadk dhulka deggan laakiin safar yar ku baxay ayaan waxan weydiiyey waxa ay bacahani yihiin. Inta uu yara jalleecay ayuu yidhi “waar kuwani meel walba way khasifeen, maxaase la sameeyaa wax kale oo lagu adeegtaa ma jiraane.” Dhawr qof oo aan naga dheerayn ayaa su’aashaydii iyo jawaabtii ninku bixiyey maqlay, waxa ayna bilaabeen in ay arrinta bacaha ka doodaan, iyagoo qaarna ka soo horjeedaan kuwo kalena taageerayaan, sababna ka dhigtay in aan wax bedeli karaa oo lagu adeegtaa aanay waqtiga xaadirka ah jirin. Doodaas oo saacad ku dhowaad socotay, waxa ay isugu soo ururtay su’aasha ah—maxay dadku ku adeegan jireen intaan baxaha jaan ina soo gaadhin. Waxaa la isla qaadqaaday in shay kastaa shaygiisa lahaa. In hilibka iyo khudaarta selado lagu soo qaadan jiray, in wixii dux iyo caano ah lagu soo qaadan jiray gardeele (joog), in wixii ceedhin sida bariiska, hadhuudhka, sareenka iwm kiish iyo wax u dhigma lagu soo qaadan jirey. Sababta dhaqankaasi u guuray doodii xal loogu waa.


Xashiishka magaalada dhexdiisa, Hargeysa oo will yari dhex socdo Posted by Hello

Waxa aad iiga yaabiyey intii aanu jidka ku sii jiray—in haddii magaalo dhowdahay lagu garanayey dhirta oo aad baco ku sii aragtid taas oo astaan u ah in magaalo dhowdahay. Magaalada Hargeysa oo aan mudadii ugu badnayd (socdaalkan) aan joogay, waxa iga yaabiyey in wax kasta oo adeeg ah lagu soo qaato bac. Tusaale ahaan hilib, bariis, caano, timir, khudrad, subag, qaad, xalwad iyo xawaash. Ma jiro shay aad soo iibsanaysid oo aan bac laguugu soo ridayn. Arrintan bacuhu dhaqan guur keliya ma aha ee waxa ay ka mid tahay wax yeelooyinka ugu waaweyn maanta dhulkii ka jira. Waxa ay bacdu aad wax ugu dhintay dhaqankii, caadadii, billicdii iyo caafimaadka dalka, dadka iyo duunyada. Waxa aad sidoo kale iiga yaabiyey in dadka dhulka deggani aanay dhibaatadaas wax macno ah u arkayn, waayo bacuhu waxa ay ka mid noqdeen dhaqanka cusub ee maanta dhulkii ka jira. Markii aan dhinac kasta eegay, su’aasha aan isweydiiyey, qurba joogga kalena laga yaabo in ay isweydiiyaan, waxa weeye: Ma jiraa dhaqan maanta looga dayan karo dadka dhulkiii ku sugan?

 
xigasho qurbaawi journal

Enter supporting content here