Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

dhaqan

xigasho redsea-online

DHALLINYAHAY DHAQANKEENNA KU DHAATA
Ilham Sh. Muuse Ahmed
ilham@redsea-online.com

  • Suuban boqor iyo, saddex qayd iyo, bafto sidatoo,
    subeeciyad xidhan;
  • Barbaar seef iyo, hooto samay liyo, saddex gees iyo,
    sita dhuuggii;
  • Waa sadkeeniyo, sawraceenoo,
    sinjaan u lahayn.
Shaki kuma jiro inay intuba ahaayeen dhaqan iyo hide u gaara ummada soomaaliyeed taasoo ay cidkasta kaga soocnaayeen, sinjigooda iyo sowracoodana u ahaa tilmaan.

Waa hubaal inaanay maanta jirin dhaqan iyo hide la taaban karo oo si joogto ah na loogu dhaqmo oo aynu kaga dirsoocannahay ummadaha kale ee aynu muuqaalka wadaagno, haddaba iyada oo ay taasi jirto ayaa darkale oo inaga ahi (da’yarta) isasii kaba raaciyeen oo ay ka dhigeen waxba yahay.



Haddaan ku cabbiro garaadkayga aaminsan isdhex galka iyo wax la wadaaga ummadaha kale ee dunida waxaan odhan karaa way adag tahay inaynu u ekaanno wiilka iyo gabadha uu abwaanku maansadiisa ku sifeeyey ee ay ka muuqato dhamaan astaamihii labis ee ay soomaalidu kaga dirsoocnaayeen ummadaha kale ee dunida, waxaanse isleeyahay qofku wuu abtirsan karaa mararka ama goobaha uu dhaqankeennu hiilka u baahan yahay, inta kalana wuu ku dhadhawaan karaa isaga oo is waafajinaya dagalka uu joogo iyo dhaqan kiisa.

Haddaba waa goobtee ama waa goorma marka dhaqan keennu hiilka u baahan yahay?!!. Waa goobaha ay iskugu yimaadaan qoomiyadaha kala duwan ee dunida kuwaasoo iyagu markasta ku dhaata dhaqan kooda iyo hidahooda halka inaguna xiisayno inaynu isku ekaysiino darkale oo aan inala diinba ahayn, taa waxaa inagaga filan Heego Muuqdheer iyo siday ugu hiilisay dhaqan keeda iyo umadii soomaaliyeed ee habeenkaa goobtaa joogtay.

Haddaan inyar ka idhaahdo heego muuqdheer waxay ahayd gabadh soomaaliyeed oo ku noolayd qurbaha isla markaana aan jeclahay inay gashaanti ahayd, Heego Muuqdheer waxay ka soo qayb gashay aroos laba qof oo soomaali ahi samaysteen, nasiib wanaag waxaa arooskaa ka soo qayb galay abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), haddaba waxaa dareen kiisii cabiraya abwaan hadraawi waxaanu yidhi:

Inkastoo dadku wada billaa, dhalinyaro aad u qurxoonina joogtay goobtaa haddana indhahaygu wax cusub mayqaban, wax la iska sheekaystaba waxaa kadinka kasoo galay wiilkii iyo gabadhii habeenkaa madasha lahaa ee loo bardoodamayay (arooskii iyo aroosaddii), mise waa wiil iyo gabadh hadaafayoo waliba caruurina gabadha marada u hayaan balse haba yaraatee dadkii dareenkooda may baddalin waayo may arag wax indhahooda ku cusub.

Ilbidhiqsiyo kadib waxaa kadinka ka soo gashay suuban boqor iyo saddex qayd iyo bafto sidatoo subeeciyad xidhan, xaqiiqdii dadka dareen kooda way kicisay, aniga iyo saaxibadaydii goobtaa ila joogay way noo hiilisay, waxay kasbatay dhamaan dadkii kasoo qayb galay arooska dareenkoodii, waxay noqotay hal dheemana oo meel la dhigay waxaa qof walbaaba xiiseeyay inuu mar qudha sawir la galo, caddaan iyo madawba waxaa lagu farxay siday

Ninkii farxay farax, dadkiina u hiilisay heego muuqdheerna way abtirsatay iyadoon hadal laguma murmin dhalashadeeda cidwalabaana garatay inay gabadh soomaaliyeed tahay, hankeeduna wuxuu ahaa mid ka fog inay cid ku dayato, balse Hadraawi wuu godladay waxaanu tiriyay maansada Heego Muuqdheer ee caanka ah, kalmadaha ku jiraa aniga ii kala mudan aan idin xusuusiyo tuduca odhanaya

  • Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
  • Xilkii hooyo way ka heermeen
  • Hillaacbay run moodayaan hodaya
  • Hebliyo hebla hiil ka sugi maayo
  • Hankaagu ka wayn hinaasaha
  • Sidaan hubo waad hal adag
Waxaad halkaa ka garan kartaa dhumucda iyo dhererka ay leedahay inaad ku dhaadato dhaqan kaaga iyo hidahaaga aad leedahay isla markaana tusaale u noqon karto da’yarta si khaldan u fahmay inuu dhaqanka soomaalidu ahaa mid aan fiicnayn, dhaadashaduna waxay calaamad u tahay dhaqan jacayl iyo dhalanteed nacayb

Xaasha dhaqan keenna ku soo koobi maayo saddex qayd oo qudha, waan hubaa oo waan hayaa inaynu leenahay dhaqamaad badan oo runtii aan odhan karo dad badani way inoo daba fadhiistaan, taana waxaa tusaale inoogu filan markaad tix raacdo dhaqankeenna iyo siduu u qiimeeyo gabdhaha, suugaanteenna soomaaliyeed iyo siday halkudhigga fiican iyo jawi kastoo qurxoonba ay ugu sifayso dumarka soomaaliyeed, iyo waliba sida dhaqankeennu biri-maggaydo aan la taaban looga dhigay dumarka soomaaliyeed. Qalinku yaanu ila taraarin umaan hollan inaan ka hadlo dhaqanka soomaaliyeed iyo dumarka goobtuu dhigay balse iga noqotay haatan.

Maaha wax fudud inaad muuqaal ahaan noqoto gabadhii ama wiilkii soomaliyeed ee jiray casrigii afartameeyadii iyo wixii ka shisheeayay balse waxaa fudud inaad mabda ahaan noqoto wiil ama gabadh soomaaliyeed oo saxa, aaminsan dhammaan dhaqamaadka fiic-fiican ee soomaalida loo daba fadhiisto.


Enter supporting content here