Make your own free website on Tripod.com
Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

UUGAABO

UUGAABO 

Gabaygan waxaa tiriyey maxamed cabdille cali oo ku magac dheeraa (gammuute)

muddo haatan laga joogo 75 sanadood aniguse aan is idhi abwaanku ummada qurbaha wuu uga soo horeeyey waayo waxa uu gabaygu ka hadlaayo iyo waxa dadka qurbaha ka haysta iyo gudahaba waad yaabaysaa sida gabaygu u wada tilmaamaayo aad baanay u qurux badnaan lahayd haddii la heli lahaa abwaano sidaa dadka wax ugu sheega ama u waaya tusa, inkasta oo ay badan yihiin ragga maanta nool ee wax tiriyaa hadana waxaanan weli helin ninkii aan gammuutaha maanta odhan lahaa u malayn mayo in la helaayo ninkaa qaaliga ahaa oo kale, si aaanan wakhtiga idiinka qaadin balaan xagaa iyo gabayga idiin ka xeeyo.  

Hadaba oo gabaygan oo muddadaa la tiriyey laga tiriyey aroos ay fadhiyeen ragguu abwaanku u aanaynaayey waxa uu ka hadlaayo ama tilmaamaayo, bal ila miisaama hadaba wax maalintaa abwaanku tibaaxay iyo wax maanta taagan ka raajaxsan ama cuslaada anigoo jawaabta idinka idiin dayndoona bal haddana qof waliba isagu miisaanka haysa saaro waxa gabaygu ka hadlaayo waxa isaga ka quseeya ee u baahan inuu wax ka bedelo naftiisa iminkiyo haatan iyo gabaygii uugaabo :-

<><><><><>

  • Uugaabo gabay waanigaan ururrin waayaha’e

  • Asaraar siduu uga dhacee rag ugu eedoobay

  • Ee niniyo eray loo helee loogu alalaasay

<><><><><>

  • Il masaarin maansada haddaa igu ogaydeene

  • Caawana shirkaan ka aqbalee ma ambaqaadeene

  • Haddaan aynigaygiyo cimriga iniq ka faaleeyo

<><><><><>

  • Wadaadkii inkaaraha qabay ee ulayey duulaanka

  • Ee beladka oogtiyo ka shiday awgii dami waayey

  • Urba kuraya anigoo ah buu oosha soo galaye

 <><><><><>

  • Artala iyo tiig baanu niil iyo idhanka beereede

  • Ilin geela baan raaci jiray qaarna awr yahaye

  • Guun abwaana baan ahay haddaa inan imoodeene

 <><><><><>

  • Abaarii horaan joogay iyo ololkii luufluufe

  • Ninkaygaa arkeysaan waxaan anigu soo joogay

  • Abnawaas gaboobiyo waxaan odayo ii sheegin

 <><><><><>

  • Afar wiil hal loo soo lisoy in iska reebeene

  • Caawana abeerkii dhalaan inan yar deeqayne

  • Ibtiloobe qaalmii ratiga loo unuun jaraye

 <><><><><>

  • Waa duni waxaa lagu arkiyo aakhir sebenkaase

  • Ma onkoday sidii roob gu’oo oogo ka hilaacay

  • Ma amleeyey sida aar ka ciyey alabla guudkeeda

<><><><><>

  • Ma alwaday sidii eeri dhaban ay ku kala baaday

  • Ma adimay sidii macalimkoo uunka kicinaaya

  • Ma asteeyey sidii sheekh cilmiga aad u garanaaya

    <><><><><>

  • Ma akhriyey ilaahbay baroo waan aqoon jiraye

  • Amin gaaban weeyee intaan uunku kala seexan

  • Abshir dhaha allaa ii sakhiray unugta geeraare

<><><><><>

  • Ilaahay markuu ina khalqay ee ina abuuraayey

  • Insi iyo jin waxa keliyahee eebbe uga jeeday

  • Ee nebbiga loo soo idmiyo aayadaa digaya 

    <><><><><>

  • Adoomuhu cibaadiyo inay amarka qaataane

  • Islaamnimo markii laga tegay ee la intihoon waayey

  • Ee laga ambaday waadigii aayihiyo kheyrka

<><><><><>

  • Ee eebo mawdiyo runtiyo daacad la ilaaway

  • Inkastay caradu abaal ahayd ama umaag cawsa

  • Uu dirir ku ooftuu raxmaad rayska ka aroorsho

    <><><><><>
     

  •  Tayo iyo uuraad maleh beryahan ubaxa geeduhuye

  • Waa duni ajoowdoo kufriga lagu adeecaaye

  • Waa duni arkaantiyo xaqii ooda loo rogaye

<><><><><>

  • Waa duni illaah leeyahoo aadmi laylyadaye

  • Waa duni indhii laga ridiyo aragii faayaaye

  • Waa duni iblays iyo fircoon aalada u tumaye

    <><><><><>

  •  Waa duni raggii aad ahaa aakhiro u kacaye

  • Waa duni akhyaartii tagtoo obolas joogaaye

  • Waa duni qof wacad oofiyaa sii iqriir yahaye

<><><><><>

  • Waa duni qofkaad aamintaa seed ku aayiriye

  • Waa duni aqoon kaad bidaa eexo taliyaaye

  • Waa duni abaalkaad gashaa eed ku tarayaaye

    <><><><><>

  •  Waa duni amaahdii doraad la inkiraayaaye

  • Waa duni arsaaqday lahayd la arfacaayaaye

  • Waa duni ilmaha aad dhashaa ku asaraaraaye

<><><><><>

  • Ma egmado hadduu toban jir yahay wiil ado dhalaye

  • Waa duni amleey lagu rogiyo olole maadhiine

  • Waa duni ilmaadeeradii kala irdhoobeene

    <><><><><>

  • Kuwii uur kasoo wada dhacaa obo la moodaaye

  • Waa duni ninkii jara arwaax lagu amaanaaye

  • Waa duni utuno sheelan iyo aano loo rogaye

    <><><><><>

  •  Waa duni waxaa lagu arkiyo aakhir sebenkaase

  • Ma onkoday sidii roobka gu’oo oogo ka hilaacay

  • Ma amleeyey sida aar ka ciyey alabla guudkeeda

<><><><><>

  • Ma alwaday sidii eeri dhaban ay ku kala baaday

  • Ma adimay sidii macalinkoo uunka kicinaaya

  • Ma asteeyey sidii sheekh cilmiga aad u garanaaya

<><><><><>

  • Ma akhriyey illaah baybaroo waan aqoon jiraye

  • Amin gaaban weeyee intaan uunku kala seexan

  • Abshir dhaha allaa ii sakhiray nugta geeraare

<><><><><>

  •  Iyagoo ayey leh bahiyo hooyo iyo aabe

  • Aan rugtay ku ababtiyo ka tegin weli ardaagooda

  • Waa duni hablaha ugubi ay ila xidh goostaane

<><><><><>

  • Iyagaa aroostee beryahan looma awr dayo’e

  • Waa duni raggiyo ooryihii kala ordaayaane

  • Sidii gaban ardayahoo asuul lagu adkeynaayo

<><><><><>

  • Waa duni afadu sayga qaba aamus leedahaye

  • Intaan aqalka qaadiga la baran waanu ka adkeyne

  • Sidii aar asayn gaas watoo ula abaaraaya

<><><><><>

  • Ama geel ugbaad lagu wadoo oogo ku hayaansan

  • Adhli ruumka waatay daraad urursanaayeene

  • Usha lalama dhaco hadala waa lagala oo’aaye

<><><><><>

  • Adduunkiina waa looga tegay agagas mooyaane

  • Afkaagay ilaashaan siday ku edbinaayaane

  • Haddii laba qabiiloo asala eedi kala gaadho

    <><><><><>

  • Ab ogaayadaa baadhi jiray eelka kii wada’e

  • Iminkana irdaha gaaladay kula itaalaane

  • Afarta koodhka iyo caaqilkiyo eyga daba jooga

    <><><><><>

  •  Iyo waxaan askari goyni waa ibba daboolmaane

  • Axdi layska qaadiyo ma jiro marag adeegaaye

  • Hadba kii anfaco laga helaa loo ingaydhyahaye

<><><><><>

  • Waa duni intaho wayday iyo saliyo iimaane

  • Asma fiqi lahaa iyo suldaan talo abyaageeda

  • Waa duni ugaasyada maxkamad alif la taagaaye

<><><><><>

  • Waa duni amaaniyo la cunay hilib agoomeede

  • Waa duni ashraafiyo la dhacay nimankii reer awe

  • Meeshiyo albaabada makiyo aradka nayroobi

    <><><><><>

  • Waa duni akhbaarkii ka dhacay eega kuu imane

  • Ibtilaha wax dhigay raadyihiyo udubka waarliise

  • Waa duni axmaarkii shawana agabaraystaaye

    <><><><><>

  •  Iglan baaba laga keenayaa ubadkii reerkiine

  • Oomanii saraareed dermiyo eexo iyo dhoodi

  • Arbaxaale ilaygii cawaley idhankii baargooye

<><><><><>

  • Bali egen abeesaale iyo eegi iyo tuuro

  • Aleen kama sanqadho shiilcaskiyo xagarkii awdnaaye

  • Irdihii biyaha waxaa la dhigay aarmi iyo xooge

<><><><><>

  • Udubkii runduday caynka carar adhaxda jiilaale

  • Omosbaa la tubay nugulka iyo adhi ku nooshiiye

  •  Aflo’aadle reerihii ku jiray soo amaaradiyo

<><><><><>

  • Awaare iyo digbay moodharadu alambasaayaane

  • Afar shaaglahaa mara halkay idil ku beerayde

  • Dhulkii ayro lagu foofin jiray laga ugaadhawye

<><><><><>

  • Iskuulaaba laga jeexayaa adii dhagaxleeye

  • Waataa adari iyo laysku xidhay koonfur iyo eyle

  • Waa duni abaanduulihii loo adeegsadaye

<><><><><>

  • Waa duni laka iibsadoon lana ogaysiine

  • Bahal samada eeraabayoo aad u kala jeexay

  • Adimada ku soconaynin oo la’amba qaadaayo

<><><><><>

  • Waa duni waxaa lagu arkiyo aakhir sebenkaase

  • Ashaahaada inuu ebaheen inna haleelsiiyo

  • Ooynaan ansaariyo ku dhiman ehelu naar miidhan

  • Faataxada soo wada akhriya waa amour culuse.