Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

QORAAGA MISE QORAALKA

Qoraaga mise Qoraalka, by: A.M.Yusuf
Posted to the MOL August 12, 2006, 9:32 am

 By: A.M.Yusuf


wayeel@operamail.com



"Guud ahaan … (naqdiga suugaanta) mushkilado dhawr ah ayaa inaga haysta haddii aynu soomaali nahay …" (Ibraahim-hawd. Dibusocod./Abriil 23, 2006)[i]  






WAA MAXAY FAAQIDAAD?


Faaqidaad (naqdi):  waa baaraandeg lagu sammeynayo qoraal amaba hadal, iyada oo wadar ahaan loo eegayo xiriirka ka dhexeeyo qeybihiisa kala duwan; si qoto dheer na looga faalloonayo.
     Qof kasta oo naga mid ah falcelisyo ayaa ka imanayo, kuwaas oo aalaaba ka dhasho sida sheekooyinku, maansooyinku, iyo maadeysyadu ay raadad ugu reebayaan dareemeha. Goorta laga doodayo qoraal suugaaneed waa in aan la illaawin in: "suugaan ayan ahayn ifafaale ku saleysan waayaragti sayniseed; bal se ay tahay waayaragti laga halabuuray ereyo." Ma jiro mitir ama miisaan isla hal si' u halbeegi karayo dareenka dadka oo idil: isla wixii qofkeen muusannaab u lahaan, ayaa qofkeen kale na muusood u yeelan. Hadba dareenka akhristayaashu
[ii] sida uu u kala duwan yahay ayuu awaalkeedu na u kala duwanaan doonaa. Siyaabo kala aragti duwan ayaa wax looga qori ama looga hadli doonaa. Sidaas awgeed na, gedda xoorta caanahii geela, xiisaha loo qabo suugaanta na, marnaba, weligii ma dhici doono.
     Maadaama aan kor ku soo carrabbaabay wax la yiraahdo waayaragti sayniseed, iyo waayaragti suugaaneed; si haddaba aad u kala garato waxa aan kuu soo bandhigayaa labo tusaale oo kuu kala qeexi doono waayaragtida labanlaaban. Si feejigan u eeg sida aqoonyahanku uu uga hadlayo awrka geela:


Inta badan awrka geela jooggiisu waa 2 m marka garbaha laga dhereriyo. Kuruskiisu 30 cm ayuu sare uga kacsan yahay duudkiisa. Lugtiisu joog ahaan waa 1.9 m marka garbaha laga dhereriyo…


Culeys gaadhayo illaayo 454 kg ayuu awrku qaadi karaa. Hadaafkiisu na qiyaastii waa 4 km saacaddiiba; waxa uu socod ku gaari karaa illaayo 47 km maalintii ba. Rakuubku se, celcelis ahaan, waxa uu gaadhi karayaa foogaan gaadhsiisan illaayo 161 km maalintii ba.


     Waa nasiibdarridayda, in aanan si wanaagsan wax u sawiri oqoon. Maxaase ka macne ah, haddii Ilaahay nagu galladay rag uu ka mid yahay Aamiin Caamir! Tixdan soo socota waxa la adeegsanayo waa ereyo: maahan rumay, iyo asal. Aan tusaale kaa siiyo waayaragtida halabuureed ee ii harsan. Si feejigan u eeg hummaagta uu maansayahanku naga siinayo jaceylka tarmiya geela Soomaalida:


Dhabbadii carraabaha markii nabar la sii dheelmo
Dhoorwiiloow goortuu ratigu dheeho dhabar joogo
Dhudhunkeeda laafyaha markuu dhan ula boodaayo
Dhegta iyo tawaaddiyo xubnaha laysku wada dhaabay
Dhudda kuruska beerkiyo kelyaha dhibidu gaashaysay
Dhexda labada qaar noqotay iyo dhabarka soo xoodmay
Dhegeysigu micida meel cidla' ah dheef u rabinaayo
Dhufashada rakaadday farxadi kugu dhammaataaye:
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!
— (Australia, Cumar Xaaji Xuseen. Dhaqasho waa Geel.)
[iii]


     Waayaragtida sayniseed waxa lagu qoraa tiraabo ka caaggan dareen. Qof kasta oo istaawiyo in uu ka jibagaaray barashada bayoolojiga geela, waxa u sii laaban aqoon kale: aqoonta toolmoon ee dhoobbigii dhiqi jiray uu u leeyahay geela. Waayaragtida labanlaaban, walow ay middoodba mudnaanteeda iska leeyahay: waa sida xarar iyo madaxa lacagta oo kale; in kasta oo ay kala duwan yihiin, isla haddana waa lammaano ay wadartoodu sammeynayso hal wax oo qudh ah; middoodna na siinmayso—midda kale la'aanteed—suuro geel oo dhameystiran.


     Aqoonyahanku waxa uu isku hawlaa baaritaanka jidhka geela, isaga oo kaashanayo mitirka, miisaanka, iyo daababka sheybaarka; gabyaagu se waxa uu isku hawlaa hiddeynta taayooyinka geela, kuwaas oo uu ku kaydiyo tixo xambaarsan dareen, jiib, jaan, tibixqaar (xarafraac ama qaafiyad), iyo miisaanka maansada. Afka aqoonyahan, iyo afka maansayahan kee baa xadateyn og dareemeha, raadad hilow badan na ku qoomi og wadnahayaga? Ma malloolliga reeryada xambaarsan, mise awradhalaha baatirta geela hawdka ka eryooda? Warcelinta adiga ayaan kuu daayay.


CURIYEYAALKA SUUGAANEED


Md. Seid Abdi ayaa warkan hoose ku qoray bog[iv] interneetka ah:


"Af-Soomaaliga oo ah af ka hanaqaaday xaga suugaanta ayaa misna ah af ka soo koraya xaga soobaanta (The language other than the literature). Kolkol badan ayaad isu weydiinaysaa erey aad ku aragtay af kale waxa uu af-Soomaali ku noqonayo..."


Halkaan waxa aan kuu soo bandhigayaa ereybixn waxakhriskeenna iyo waxqoristeenna, si gaar ahaaneed, u kaalmeynaysa. Ma ahan ereybixintii ugu wanaagsaneyd, iyo mid ay khasab ku tahay in Soomaalidu adeegsato: waa se talo aan soo dhexdhigayo qoraaga, iyo akhristaha af Soomaaliga si aad ah u jecel. Halkii aan ku dul heehaabi lahayn oogada qoraal suugaaneed, si aan sheekada (ama maansada) uurkeeda u miliilicno—xubnaheeda iyo tabaha uu qoraagu adeegsaday si aan u baranno—ayay curiyeyaalka hoose nagu kaalmeyn doonaan: sidii aan sida ugu hufan wax ugu faaqidi lahayn, innaga oo adeegsanayno ereybixin ku habboon oo qeexan (macnaha la isla meeldhigay qeexniinkeedii). Dabadeed markii aan curiyeyaalka suugaaneed isla meel dhignay, ayaan dhowr maanso iyo dhowr sheeko isla faaqidi doonnaa.


§  Maleeg waa, xiriirka dhacdooyinka, falka sheekada. Sheeko kasta wax sababa ayaa jiro. Waxaas sababayo aan ugu yeerno halgan (ama qalalaase). Baxaalli kasta kaalin, mid isaga u gaar ah, ayuu ka ciyaarayaa halganka sheekada: t.a. (tusaale ahaan) sheekada la yidhaahdo "Jaceylkii Barni Seed,"[v] Barni Seed Warfaa waa baxaalli, qofnimo la halabuuray, oo ay sheekadu ba ku saabsan tahay; waa qalanjadii sheekada. Sidaas oo kale, Warsame Geeddi waa baxaalli kale; waa arbihii sheekada. Halganku waxa uu noqon karaa mid ah caadyaal (halgan ka dhex aloosmaya dad, deegaan, ama bulsho) ama mid cillan (halgan ka dhex shidan uurka dadka, hiddiwaale, dareen ama caaqiido). Mammanaanta maleeg waa muuqaalka halgankii oo idil ugu xiise badan: waa goorta uu qalalaasihii gaarayo bartii ugu cufnayd; waa muuqaalka ugu murugsan, ugu na majeertoon, kaas oo, isla jeer ahaan na, qalaashii uu ku xasilayo;—arrimihii taagnaa na ay gees u dhicayaan. Haddaba, si sheekadii kasta ba aad xogteedii ama xeesheedii ba u heshid, waa in aad weligaa isha ku haysaa: meesha halganku ka oogmayo, ama ba uu ka aloosan yahay. Ama sida ay Soomaalidu u taqaanno aan kuugu sheego: halka beledu ay ka dhataqlaynayso!


§  Meeleeys waa meesha ay sheekada ka dhaceyso iyo milayga ay sheekadu dhaceyso. Meeleeys waxa ka mid noqon karo seeri, xilliyada, dharka, gaadiidka, hantida, guryaha … iyo waxyaabo kale ee ku lug leh degaanka iyo bulshada. Meeleeysku duudkii sheekada ayuu akhristaha ku kaalmaynayaa: si uu wax uga ogaado dadka iyo falgalkooda. Waxa kale oo suurtagal noqon karta in meeleeysku uu abuuri karo halgan: t.a. badgariirkii Tsunami, ama wiirawiiro colaadeed, ama gaaf dabbaaldeg loo joogo. Ma og tahay in nolosha tuuladu ay tan magaalada ka dhib badan tahay? Dadka tuulo ku nool, qofba qofka kale, ayuu shaqo amase  sheeko ba ka dhigtaa."Waa tuulo yar oo gabbalku mar wada dhaco waaguna mar u wada beryo." (Ibraahim-hawd, Jacaylkii Barni Seed.)


§  Baxaalli  (Jilaa)  waa qofnimo la halabuuray; qofnimimadu waxa ay noqn karaysaa sida xoolo ama jinni iyo jaan, iyo dad. Baxaalliyeyntu, suureynta baxaalliyada, waa sida qoraagu uu u soo ifbixinayo tayooyinka, iyo tilmaamaha gaar ahaaneed oo ay baxaalliyadu kala yeelan. Qoraagu si toos ah ayuu u tibaaxi karaa baxaalliyada; ogowse sida badan, si dadban ayuu ugu muujiyaa hadalkooda, wadahadlladooda, muuqooda, malahooda, falgalkooda iyo falceliskooda, iyo sida ay u saameynayaan dadka kale: waxa dadka kale ay ka qabaan iyaga—macnaha, baxaalliyada. Sheekada "Jacaylkii Barni Seed", mid ka mid ah baxaalliyadeeda, ayuu sheekeeyuhu afkiisa ka keenayaa (ka yeedhsinayaa) hal weer oo si buuxda u suureynaysa ilwaaddii Barni Seed: “Furuq ku dil, maxay qurux la soo kacaysaa!” Si aad u baratid baxaalliga, waxa aad u baahan in aad eegtid waxa sababaya dhacdooyinka iyo in aad gorfeyso in baxaalligu uu isbedel uu ku dhacayo, kaas oo saamayn ku yeelan doono halgankiisii.


§  EEGI waa geesta (xagasha) laga eegayo goorta sheeko laga sheekeynayo: Yaa ka sheekeynaya sheekada? Intee in la'eg ayay isu jiraan sheekeeyaha, iyo falkawixii la dhahay, iyo wixii la dhaaday—macnaha, wixii laga sheekeeyay, iyo wixii aan laga sheekeynin asii isla hadda na sheekadii laga bartay? Ma meel fog baa, mise meel dhow? Dhowr eegi oo kala duwan ayaa jira.


·  Eegida qof-kowaad, sheekeeyuhu waa baxaalli ka mid ah isla sheekada laga sheekeynayo; waxa na uu u hadlayaa sidii: aniga (waxa uu ku hadlayaa magacuyaalka qofka kowaad). Sheekeeyuhu waxa uu ka sheekeyn karaa wixii uu arkayo,  maqlayo, laga sheekeeyay, ama ba uu rumeysan yahay: Baxaalligan waa mid warkiisa lagu kalsoonaan karo, ama ba laga yaabee aan lagu kalsoonaan karayn. Taas na waa hawl u taal akhristaha.


·  Eegida qof-saddexaad, sheekeeyuhu dibadda ayuu ka joogaa sheekada; ma na adeegsado ereyada aniga, ii, i; sida kale se waxa uu adeegsadaa isaga, iyada, iyo iygaga (magacuyaallada qofka saddexaad). Uurkbaalle[vi] qof-saddexaad, waa sheekeeye kuu sheegi karo baxaalli kasta sirta ku jirta uurkiisa, dhacdo kasta na sabab u yeeli karo: Sheekada "Jacaylkii Barni Seed" weedhii lagu asteeyay quruxdii, iyo haashaarkii Barni Seed—"Furuq ku dil … "—dad meeshii joogay wax ay ku qoslaan ayay noqotay. Haddaba, u fiirso sida sheekeeyuhu, sababta keentay in dadku qoslo uu uga afcelinayo: "Quruxda iyo wanaagga kale ee Barni Seed waxaa loo arkaa wax ku khasaaroobay meel qaldan, sida roob beer looga baahnaa oo bad ku da’ay."[vii] Uurkubaalluhu, haddana, si toos ah ayuu akhristaha ula hadli karaa: waxa uu ka hadli karaa tagto, joogto, iyo timmaaddo—hor, dhex, iyo gadaal—hadba xagga sebenkii uu doono ayuu na u boodboodi karaa.


·  Eegida seeteysane qof-saddexaad sheekeeyuhu dibadda ayuu ka joogaa sheekada; hal baxaalli bes ayuu malahiisa (maleawaalkiisa) daaha ka rogayaa. Dhacdooyinka sheekada oo idil na waxa uu sheekeeyuhu inooga soo dusinayaa isla baxaalligaas isaga ihi maankiisa uun.


§  BAAQITAAN waa tilmaame ama tuhun  ay sheekadu nagu balleynayso qacdii hore, ku na saabsan dhacdooyin dhici doono—waa saraayo, hormaris oo kale, taas oo nagu dhalineyso in aan sheekada sii daneyno; waxa aan heegan u noqonaynaa si aan ugu feejignaanno dhacdooyinka dhici doono. Gooraha qaarkood, haddiiba waan dareemaynaa baaqitaanka: "aqalkoodu … tuulada oo dhan ... Qoyska deggan qof aan ahayn oo … foodda geliyey lama sheegin, haddana eegmada lagama daayo." (Ibraahim-hawd. Jacalkii Barni Seed.) Isla judhiiba waxa aan heeggan u noqonaynaa si aan u ogaanno sida ay tuuladu wax uga jiraan, iyo waxa reerkan dadka ka takooray. Mararka qaarkood se, baaqitaanku ma aha wax qeexan. Tusaale ahaan, baxaalli [mooryan] ayaa habeen oo dhan ku riyoonayo labo doorshaan oo ku diriraysa dhabcan doofaar. Ogowse, sababta ma ogaanayno illaayo inta dagaal ka dhex aloosmi doono isaga iyo walaalkiis [mooryaan kale]: waxa uu midba ka kale u tooganayaa in isagu ku tago—inan guri cidla' ahaa daaradiisii, dhex hurudday—gabadh dhimatay, oo aan midkood na waxnaba ku tarteen!


§  DIBIROOTI waa kalatagnaanta ay isu jiraan muuqa ama filadka ama xaqiiqda: Haddii si kale loo yidhaahdo, waa kalatagnaanta u dhexeyso wixii la dhahay, iyo wixii loola ama looga jeeday, wixii la faray iyo wixii la falay, wixii la filayay ama iyo waxa dhacaya, waxa la jeediyay ama la yidhi iyo waxa ay intakale ay u qaadanayaan. Qoraagu waxa uu si kedis ah u adeegsadaa iskudhaf dibirootiyeed si uu inooga qoslisiiyo (maadeeyo), ilsa jeer ahaan na uu inoo ababiyo (baraarujiyo) amase ba uu inoo caloolxumeeyo (murugeeyo): Nolosha, iyo dadku ba wax kasta, iyo wax aanad u tooghayn ayaa laga fishaa. Sidaas awgeed na, qoraagu waxa uu adeegsadaa saddex dibirooti oo kala jaad ah. Saddexdooda, kiiba hal tusaale ayaan kaa siin doonaa: aniga oo ku saleynayo sheeko beri hore la qoray.[viii]


·  dibirooti goleed (masrxeed):  akhristuhu, iyo baxaalligu ba (qofnimo ka mid ah sheeko), iyaga oo aan waxna u hubsan ayay iska raaridayaan in uu dembi dhici doono:


Maxbuus waalnaa oo kufsashada dumarka ku caabaxay ayaa Jeelkii Maanokoomiyo ee lagu hayn jiray ka soo fakaday. Beryo badan ayaa idaacadaha laga sheegayay tilmaamihiisa oo gaw ah, sawirkiisii na intaa lagu niibayay derbi kasta. Saay, nin aroos ahaa baa arkayay, ninkii uu heybtiisii yiqiin, sida uu afadiisii uga sii daba gelayay aqalkii, iyo weliba sida uu albaabkii na hoosta uga sii xiranayay, iyo sida isla haddiiba ay aroosaddiisii u balanbashay. Saaygii waalli awgeed, sidii wiish yeerahaya ayuu u cabaaday:
"Ar
majnuunkii,  ar majnuunkiiii
  aa cariishkeegii isku galli! Ar minyaradaydii kholkeey ka cawaadoow heesaa! Ar yaa Muslinn a'hooooy!"
Ninka waalnaa, gurigaas isaga ah, maantaas, u ma aan uu gelin in uu dumar waxyeello ugu geysto; bal se waxa uu aroosadda ka raadinayay miciin: in ay qariso amaba ay megengeliso! Ma habboono in la iska rumeysto uun, naagtu, maantaas, in ay noqon lahayd dilankiisii ugu dambeyay!


·  dibirooti juuqeed (tiraabeed):  Baxaalli ayaa war oranaya, iyada oo ulajeeddada uu ka leeyahay na ay si gurracan uga soo horjeeddo sida quman ee uu warka u oranayo:
Neerbi, nin xoogweyn oo, arooska deris la ahaa ayaa ku soo baxay qeyladhaantii. Saaygii wuu farxay kolii uu arkay xoogga u soo birmaday. Ogowse xoogweyne, goortii uu ogaaday sida ay wax u jireen, isaga oo kolba dhan u toosinaya koofiyad u saarnayd madaxiisii bidaarta lahaa, kolba na dhan kale u qooraansaya ayuu si qaballuusnimo leh ugu yiri jaarkiisii: "Ceebta Allaa asturo!"


Neerbigu, xishoodlaawuhu, waxa uu farriiqayaa warkii ay laabi celin lahayd: Si dhaawasho leh ayuu u gudbinayaa farriin aad ugu xun dhaqanka Soomaalida, weedhan: "Ceebta Allaa asturo," waxa ay dhigantaa isaga oo yidhi sidan oo kale: "Nin baa haatan naagtaadii cariishka ku dhex faraxumeynaya!" Mise waa si kale? Adaan ku daayay …


·  dibirooti arrineed (xaaladeed):  wixii majnuunku uu doonayay maahee wixii uusan dooran lahayn ayaa gurigii ka qabsanaya. Waalanehu aqalka farxaddu tiil wuu galay; see wuxuu ku hanweynaa in uu ku badbaadi lahaa. Laakiinse booliskii ayaa ogaanaya; dabadeed meeshii imaanaya: Waalanehii na, si aan dib dambe loogu celin xabsigii uu hore u soo nacay darteed, ayuu daaqaddii guriga dibadda uga boodayaa, ku na dul dhacayaa xaskul guntii hoose ka baxaysay. Naftii na horeyba uga dhacaysaa: Gurigii u magangekyo u soo doontay, ayay geeridu na isagii ka soo doontay—u na qaadday meel aan dib dambe looga soo baxsan doonin. Sidaas bay askartii na ku waayeen, maxbuuskii ay cagaajinayeen.


§  Dabuub waa gundhig ku saabsan nolosha dadka ee sheeko lagu muujiyay. Ma aha arrin sida "kufsasho", laakiinse waa murti laga dheegi karo eelka ay reebayso: "Haaraha kufsigu ma ahan wax oogada ku harayo oo qudh ah; waa guhaad uurka lagu sidan doono teer iyo buunkii!". Badanaaba qooraagu si toos ah uma qeexo dabuubta, adiga ayay ku jirtaa sida aad u gorfeysan lahayd—go'aan na uga gaadhi lahayd wadahadallada, baxaalliyada, dhacdooyinka, tibaaxyada …. Sheekadii ba, in aad ka hesho wax ka badan hal dabuub ayaa laga yaabaa. Si kale haddii aan u idhaahdo, dabuubtu waa farriinta qoraagu uu akhristaha ugu duurxulayo. Weligaa ogsoonow: marnaba, dabuubta, si qeexan looma soo bandhigo. Sida ay dadku ba yiraahdaan, "ka dhex baar inta u dhexeysa sadarrada".








[i] Booqo: [ http://www.aftahan.com/article.php?artid=11 ]. Waxa aad ka heli doontaa faa'iidooyin badan ee ku lug leh xagga faaqidaadda suugaanta Hadraawi. Naqdiga Ibraahim-hawd waa mid wanaagsan, inta aan weli naqdi kale la barbardhigin. Si aad hadda ba dhankii Yaasiin-Suldaan na wax uga kororsato, booqo ayaan kugu oran lahaa boggan hoose:


[ http://www.somalitalk.com/2004/july/af24704.html ]. Waa naqdi  ku saleysan asluub wanaagsan, taas oo ay wacnaan lahayd, labadan nin,  in looga daydo.


[ii] Meel kasta oo aad ku aragto ereyga "akhriste" xisaabta ku daro in aan ula jeedo xitaa "daawade". Dadku buugaag na way akhristaan, aflaan , iyo ruwaayado na way daawadaan (fiirsadaan).


[iii] Waa maanso aan u tilmaami lahaa in uu akhristo Soomaaligii, dhab ahaan, geela aad u jecel. Isaga oo qoraal dhammeystiran ah waxa aad ka heli kareysaa boggan: [ http://www.hoygasuugaanta.com/Geela2.htm ]. Iyada ayaa ammaan isugu filan; iyada ayaa iska hadleysa, ka na hadleyso geeljirkii shalay iyo geelannagii hore.


[iv] Seid Abdi. Classification of Somali Language. Booqo: [ http://www.somalipress.com/link.asp?TOPIC_ID=1186]


[v] Ibraahin Yuusuf Axmed.  Jacelkii Barni Seed.  Bogga hoose ka eeg:[  http://www.aftahan.com  ]


[vi] uurkubaalle: waa jire ka mid ah hiddaha Soomaalida, kaas oo u duulduuli kara hadba meeshii uu doono, wax kasta na og.


[vii] Ogow akhristow, marna ba ha u qaadan, qoraaga la yidhaahdo Ibraahim Yuusuf Axmed (Ibraahim-hawd), yasmadaas in uu isagu rumeysan yahay, ama ba uu aflegaaddo Soomaalida baryo! Kala garo: sheekeeye sheeko, iyo qoraa sheeko. Ibraahim-hawd waa qoraa; sheekadu na waa bulsho iyo degaankeedii  ee uu isagu halabuuray.


[viii] [A. M. Yusuf. Majnuun Minan Galay. (XQ/MMG-35b/1974)]. Weli lama daabicin.

Enter content here

Enter supporting content here