Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

LA MOOD CIYAAR GORAYO
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

LA MOOD CIYAAR GOROYO

A. M. Yusuf
wayeel@operamail.com
“Waqtiyow dhismaha guud
Dowlad aan dhaliiloo
Dhibaatada i gaadhiyo
Ka warqabin dharaar qura …
Dhallinyaro intaan ahay:
Dhegaha iyo aragga ba
Labada ba ka dheeree.”
— Yuusuf Maradoon: Waqti.
Soomaaliya ayaa ka taliya? Weydiimaha sandahan, warceliskooda aniga ayaa qareen ku ah. Maandhow, uurka ka qeyb. Jawaabtu na waa sidaan: Maxadxweyne isku qiray in uu qeyb ka qaatatay burburintii Qaranka Soomaaliyeed. Iyo dagaal-ooge — u xuubsiibtay xildhibaan — baả dadkiisa uun ku baraara.

Cabdullaahi Yuusuf iyo qaar kale ee badan, u ma haysto in ay heybad la doonayaan ummadda Soomaaliyeed. Haddii aan awoodeeda lahaan lahaa, iyaga oo kale talo inoo ma ba ayan qabteen. Eedeysaneyaasha, kale ee la halmaala — Geestii u doonaba ha jiro gacan ku dhiigluhuye[6] — iyo isaga ba waxa mudanaan lahayd in la hor taago Garsoorka Haig.

Awr madaxa taaj loo gelshaa waa tusmo habaabe[7]. Geeddi ayaa ba hadda geeddigii soomaali-weyn gooddi baas ku furay. Qadafkii Ra'iisulwasaare Geeddi ka soo yeeray waxa igaga filan, dadkii Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay wixii ay ka yiraahdeen. Anigu se, warkii Cali Maxamed Geeddi waxa uu iiga dhignaa: dil ulakac ah ee uu ku toogtay jiritaankii Soomaali-Weyn. Talo wanaagsan ayaan siin lahaa, gaar ahaan isaga. Waxa aan ku oran lahaa:


NFD ku ma noola dad Soomaaliyeed oo xor ah. Galbeed (Ogaden) na kuma noola dad Soomaaliyeed oo xor ah. Adigu na ma ahid dowlad Soomaaliyeed oo xor ah! Hanka ku jira Mele Zanawi oo kale maxaa adiga ku tiray? Xeesha uu ku doonaayo in uu nagu duudsiiyo dhaxalkii awooweyaasheen, ma waxa aad siisatay jubbadda Ra'iisalwasaarenimada dhalanteedka ah ee uu kuu lebisay — goordhow na — duugoobi doonta? Ogow na, Mele Zanawi isaga ayaa hadda tiisii madaxa ugu taagan; nin madax ku taagan na waxa ka dheellitiran: ninkii addimo ku taagan. Shan tiir baan ku taag nahay. Addimo uu Eebbe igu negeeyay ayaan ku taag nahay. Shan Soomaaliyeed ee uu Eebbe ehel iiga dhigay, ayaan ku qotomaa. Labo erey, afbuuxa oo aan ku dhaho, ayaa iigu filan ciidan. Allah Weyn[8]. Markii aan odorosay siyaasaddaada, ma ba ihid waxgarad la fududeysan karo; soo hubsaday in aad tahay nin — birta[9] iyo talada ba — ay u soo xawisho maskax Amxaar oo hoos u soo foorarta.



Halyeeyadii xoreynta ummada Soomaaliyeed nafta u huray ayaa aad weli ba u bareedhay in aad tirtirto raadadkii ka hadhay. Aaan kuu sheego, waxa ay ahaayeen rag ka doortay geerida gunnimo; rag aan raran iyo geeri, mid na ba, kaga baqayn si Amxaar aan uu beylah uga helin: dhidibada shanta ah ee Imaankooda, dhulkooda, dhurkooda, dhaqankooda iyo dhaxalkooda. Haddaad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantaaye[10]. Haddii ay dhinteen na, gobanimo u dhinteen, ay weli ba na darteen u dhinteen, dhulka waxa ku saxiixan waa — dhiiggoodii. Ugaali dhiig sokeeye loogu iidaamay iyo laan Miirow ah oo afka looga jifeeyo, ma ayan ahayn rag ugu dawaawixi lahaa Mele Zenawi iyo Mwai Kbaki oo kale. Qursi, ama ba aan u iraahdo sida aad u taqaan: suus daafi ah, xirmo dadar ah iyo hal nacala-abuugto[11] oo Axum Tej[12] ah, ku ma ayan baayaci lahayn midnimada ummadda Soomaaliyeed. Ma ayan ahayn rag ku dul gam'i kari lahaa gogol uu u fidiyo nacabkii walaalkood loogay, midka iyaga na u dan lahaa. Ma ayan ahayn rag talo ka qaadan lahaa Nairobi iyo Adis Abeba, rugaha lagaga soo gooniibaaro indheergaradkooda iyo mutacallimiintooda raqaha waran. Nin dhintay kabtiisa ayaa ka roon[13]. Ha jirto in aad illan tahay kabahii uu halyaaygii Soomaaliyeed ka dhintay; waa aad se ka arradan tahay sookeyenimadiisiii, gacaltooadiisiii, lafa-ku-dirikiisiii iyo aan kuugu qoro farwaaweyn, DIRICNIMADIISII. Ma ogid sida aad inoo gashay; ma na maleyn kareysid ciilka aad na badday — kaas oo ka badan ceysaan badarkeed[14]. Haddii se geesinimada[15] aad sheegatay ay run kaa aheyd, oo ay na weli kugu hadhsan tahay: Car waa taas ee qiro sida Cabdullaahi Guluf, qarandumiyé — ogow se inoo qarsoonaa — in aad weligeed ba hore u soo aheyd. Nagu soo dir, noo soo dir Amxaarka! Loo ba joogee. Bal ciddii taa na kaaga liitada, la arki doono ee. Ha na moogaan meeshii Ameerika ka carartay, in uu Amxaar ku daahi karo maalin gelinkeed! Heeh, Naargala alanshee[16]. Geeddiyow Axmaaraa kooyti[17]; adlee na keenti! “Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo /… Adigaa ba lagu gaadayaa waadan garanayne?[18]”

Axdigii ummadda Soomaaliyeed, "haddii aad illowdeen, waa iga ogeysiis[19] ..."!

Tuugga holliyay in uu qalinka ku xado wacadkeennii jeexnaa, ee ka dhigan adiga oo kale, aan kuu sheego waxa uu ka yiri aftahan[20] Soomaaliyeed,

"… Bal dhallaanka wada booyayiyo araddii baa 'dhii' leh
Waayeel dharaartii qadooy gaajo wada dhuuxday …
Intaas oo dhan baad wada dhacdaye dhimo ha noolaane
Inta luxud laguu soo dhigdhigo la isku kaa dhaabye
Uunkii kugu dhibtooday na kolkuu kala-dhaqaaq joogo
Ibliis dhoof maqanaa kuugu yimid dhul iyo hoostiise
Goortaas kula dhaqaaq oo kuu gee dhumucii naareede
Ilaahay na kugu dhugay oo tay iskaga dhaafye
Dhimo oo ha noolaan shay nimaad dhaafisaan ahaye."

Koox ka timid Hargeysa, ruwaayad ay ka dhigtay Muqdisho meeshii la oran jiray "Teatro Dune", masrax furan oo ku dhex oollaan jiray Ex-Fiera della Somalia (waagii Taliskii Siyaad Barre na la dejiyay hobolladii Waaberi) — ayaa weli xusuustayda ku qoyan. Hadda u geli maayo waxa ay ku saabsaneyd ruwaayaddaaas. Hees ka mid ahayd ee la qaaday dabayaaqadii ruwaayadda, ayaa ah halka aan doonaayo in aan diiradda kuu saaro. Halkaas shiishka iigu sii qabo; ha na ka ilduufin. Ma sheegi karo ciddii curisay; hoballadii heesta qaaday ayaa se waxa ka mid ahaa Cabdullaahi Qarshe, Maandeeq, Maxamed Yuusuf iyo … iyo …. Qaar ka mid ahaa mirihii heesta waa sidaan hoose,

“Wallee ama calan jiryoo
yee canab baad ahaan
Ama calal maryaha
La caynaad ahaan
Ee ciidhsi weydee:
Cirkoon-Caad-Lahaynow
Alle-la-la-Cuskayow
Ceedhiin iyo Bisayl
Miduun ku caano maal
Ceedhiin iyo Bisayl
Miduun ku caano maal
Ee ku calool-adayg:
Cirkoon-Caad-Lahaynow”

Dabadeed wixii ka dhacay gobolladii waqooyi ee Soomaaliya, taas aan u daayo dadka sheekadada yaqaan ama ba dhacdooyinka u kuurgala. Waxa se aan maanta caad naga saarreyn sida goballadii waqooyi ay ugu dhiirradeen in ay ku dhawaaqaan — talis goosad ah. Talis qarandumis ah. Talis xeerkii ciidda cagaha ku la tuntay. Ma ogi; si ayaa ay se arrintaan midnimadii Soomaaliya qabyo u gelisay. Waa hadda iyo dhisme kale oo horleh: hoos ka soo bilow. Somaliland ma na noola; ma na dhiman. Waa baadi iga maqan. “Sarsar igu banaanaa mus iyo sud igu awdnaaye; sideen yeeli Eebbow qalbigu iga silloonaaye[21]”. Waa na wax goor kasta aan ku daali doono raadiskeeda.

Berihore sheeko ku saabsan midowgii waqooyiga iyo koofurta ayaa jiri jirtay. Nin reer Hargeysa ahaa ayaa ay qiiro ka soo ridday magaalada Xamarcadde; si uu uga qeybqaato dabaaldeggii loo dhigi lahaa midnimada gobollada waqooyiga iyo koofurta (gaar ahaan na 1dii Julaay). Meel ayuu taagnaa magaalada bartamaheeda ahayd. Afar-Irdoodka ayaa la oran jiray meesha iyada ah. Waa meel isgoys ah oo ay laba waddo ku kulmaan. Meeshu meel aad u hawshoon ayay ahayd, runtii. Ninkii reer Hargeysa ayaa waxa soo agmaray nin reer Xamar ah. Nin kale, reer Xamar kale, ayaa waxa uu u soo ciyay wadaaygiisii, kii agmaraayay ninkii reer Hargeysa.

“Kud ha ku dilee, ar Calasoobow soo kud[22]. Dameerkii tengihiyow daadshee!”

Calasoow oo amenkaas agmaraayay ninkii reer Hargeysa oo damcay in uu cagaha raro[23], ayaa waxa garabka ka laacay nin gashan shaar bafto ah, koodh, garawaati, macawis illaayo laawga daldalan, sigsaan dhaadheer oo gaadhaya teeryo xaglaha oo cadcad, kabo kooyo ah iyo gỏ shaal ah oo u saarnaa garabka bidix. Ninka reer Xamar na waxa uu xidhnaa surwaaldabagaab adduun badan soo arkay, suun weyn oo maqaar ah oo dhexda ugu dhuuqsan, kiish uu lacagta ku shubto, gỏ bambiiro ah oo uga daldalanaa laga billaabo guntiga lagu na geeyo jilbaha, kabo la oran jiray quaterobururuf ( aan u maleynaayo in ereygu ka soo jeedo midka Ingiriisiga oo ah: waterproof). Midkood ba waxa ka kale xidhanaa ayuu ku diimaayay. Ninkii reer Hargeysa waxa uu weydiiyay kii reer Xamar suaal sahlan.

“Ma Calasow baa lagu yidhaahdaa?”
“Haah. Ee Ninyohobow, ad hadda Soomaali maa tahay?”
“Dee Soomaali-Jeceyl waa waxa Sigistigii bartaa i taagey ee miyaan moodayay in cid Soomaali ah, magac-jinnigaayoo kale, in loogu yeedho!”

Calasow indhaa ka soo haray. Kis dhelleh[24] na waa uu xanaaqay. Isaga oo dharsaaya ayuu weydiiyay ninkii doolka ahaa,

“Adna hee xaa lagu dhahaa?”
“Dee ina adeer Kaahin baa la i yidhaadaa,” ayuu ku jawaabay kii reer Hargeysa.

Ereyga Kaahin afka reer Xamarka waxa uu u dhigmaa faalallow, sixiroole — oo ka soo jeeda afcarabiga: kuhanah. Calasow, libaax reemaya oo kale ayuu qosol feeraha kala guuxay; oo ay ilmo iyo diif ku na si xun uga gobóleeyeen. Kor ayuu u boodbooday sidii nin shirbaaya, cagaha na laamiga kula dul rabbootiyay. Meeshii na boodh ka duuliyay. Dabadeed na lug illan shaag baabuur inta uu kor ugu taagay ninkii Kaahin ahaa, yiri:

“Kir! Kir! Nacaleey yaa kugu taal[25]! Nabee waa adduunyo gaddoon: manii[26] Kaahin, ow Calasooooow ku qoslaayo!”

Calasow isaga oo wax xoogaa ah nafisay, isu na haystay in uu ka libhelay Kaahin, ayuu ka dabaqaatay dameerkiisii tengaha tuuray. Kaahin na cadho ayuu halkii kala dhaqaaqay. Gaadhi ISUZU ayuu gurada uga dhacay. Dib dambe na u ma soo jalleecin magaaladii Xamar. Sida la sheegay na waa ba uu ka matagi jiray goorta magaca caasimaddii qaranka la soo hadalqaado.

Bilowgii 1960kii iyo wixii ka horreeyay British Somaliland waxa ay ka koobnaan jirtay laba gobol, oo la kala oran jiray Burco iyo Hargeysa. Somalia Italiana waxa ay iyana ka koobnaan jirtay lix gobol — Majertenia, Mudug, Hiran, Benadir, Basso Jubba iyo Alta Jubba. Dabadeed lixdankii, goortii la mideeyay British Somaliland iyo Somalia Italiana, waxa caanbaxay magacii isutaggoodii, xeer ahaan na loo aqoonsaday — Somali Republic. Haddii aad maanta kharriidada Somaaliya dib u fiiriso, waxa aad arki kareysaa in gobolladii ay intoodii hore ka sii tarmeen. Kacaankii Siyaad Barre ayaa abuuray, tusaale ahaan xagga waqooyiga, sida gobolka Sanaag iyo gobolka Awdal iwm. Magacii ka koobnaa labada erey ee kala ahaa Somali iyo Republic, Maxamed Siyaad Barre, mid kale uu isagu jeebka kala soo baxay, ayuu ku biiriyay; markaas ayuu soo baxay magacii: Somali Democratic Republic.

Somaliland ereygii British intay tuurtay oo ay hadda na u la hadhay waqlalka aan uu hiddahoodu ba ku aroorin; ma ogi magaca qalaad sababta ay u dooratay: neenaas uu gumeystihii Ingriisigu iyada astaan uga dhigtay. Ha i moodin in aan Somaliland ka soohorjeedo ama ba aan la meeldhigaayo “yey[27]” ka amar-ku-taagleysa koofurta Soomaaliya. Walow hadda na arrinta ku saabsan goosashada aysan u fududeyn sidii ciyaartii goroyada, geddii sheeko-carruureeddii — Kolkuu duul ba, duul wareemay[28] — in ay noqoto midnimadii Somaaliya mid lugta laga la bixi karo. Magacaas ay la baxday na waxa aan uga hunqaacayaa sidii Kaahin ba sheegga Xamarcadde uu uga liqanyoon jiray. Calasow na, waxa uu oran lahaa: “Ee waa ku laameerkaase[29] daya”! Waa iga kaftan iyo xifaalo; kaftan na run ayuu ka kacaa, baa la yidhi.

Aan run yar, hadda na, runta weyn ka sooco. Runta yar, waxa aan uga jeedaa, xaaladda ay Somaliland haatan ku sugan tahay; runta weyn na waa xaaladda ay gebi ahaan Soomaali-Weyntii ku sugan tahay beriga maanta ah. Xaashaa'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe[30]. Gobollada waqooyi waxa ka hanaqaaday ismaamul gobleed, kaas oo suurtageliyay in shacabkoodu uu nabad ku wada noolaado. Ogsooni in aan anigu booqasho ku aadi karo gobollada waqooyi; ogsooni in aan ay reer Somaliland iiga masuugi lahayn, haddii aan uga baahdo — hiil ama ba hoo. In ay walaalahay yihiin, beedhka ka ogsooni. Tigaad aan ka waayay col ugu ma ihi; talo aan ka waayay se ugu ma calool fayoobi. Aniga oo ah walaakooda koofureed ah, kama aanan filaneyn in Somaliland ay igu madiyeyneyso, in ay igu eeganeyso, in ay igu illoweyso — dhibtaan i haysa! May ii carbiso, si aan uga gaashaanto in aan lagu aasin geyigeyga — qashinka Niyukliyaarka. Waryee, ma i barto sida dowlad aan dibadda laga soo waaridin, qaar ka mid ah xildhibaannadeedu na aan ay qaxooti ku ahaaneyn dalal shisheeye. Sida gudaha dalka dowlad looga dhiso. Waryee, maa ii sheegto sidii aan Xamarcadde nabad uga ridi lahaa. Sidii aan dagaal-ooge dibadda iskaga dhigi lahaa. War maa loox iigu dhigto, sidii aan maatatda u daadihin lahaa, dal u dhisan lahaa, dad na aan ku noqon lahaa. Runtaas yar ayaan uga baah nahay hadda reer Soomaaliland.

Runta weyn, ee ku lug leh midnimaddii ummadda Soomaaliyeed, waa mid runta yar, si aad ah uga sii fudud. Magacii colaadda oo meesha laga saaro, xuduuddii colaadda sokeeye oo la qaado, calanka colaadda sokeeye oo la siibo, iyo innaga oo mar kale ku baxnaaninna cudurkii ku dhacay qarankeenna, codkii iyo luuqdii caafimaad ee Timacadde; cirkiyo sare aan u gaadhsiinnee: “Sarreeyow ma nusqaamow aan siduu yahay eegee[31]”, cirkoon-caad-lahayn mar kale saar. Waxa hadhay waa awoowe Kaahin iyo abkoow Calsoow oo isu caloolxaadha. Madasha raggaan ku kulmiyaan waa hooygii cisiga iyo wanaagga Soomaali-Weyn — Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Aan dareenkayga ka baano sida aan u arko Somaliland. Geeljirihii sow ku ma aan uu oran hashii uu raagsanaayay, “Hal yahay gooji ama ha goojin, kolleey aniga, geela guga dhalaya ayaad iigu tirsan tahay”! Sida geeljiraha ayaa aan anigu na ku oran lahaa walaalahayga reer Somaliland: “Gacalkayow ama i diid ama i doon, kolleey aniga, curadkii Soomaali-Weyn ayaad iigu tirsan tahay”. NFD oo tagtay ayaan meetan arkaa. Galbeed (Ogaden) oo tagtay ayaan halka kadan ka arkaa. Aniga na in ay Xabashidu i disho ayaan ka baqahayaa. Tumbul iga awood badan, hub iyo ciidan ba badan ayaa igu hareereysan. Kaahin, in uu weli nool yahay ayaan warkeeda hayaayaa, ee ka wareyso: fogaanta ay isu jiraan Jowhar iyo Xamarcadde? Ima ogide waxa aan ahay geesi itaaldarree, ee tolow maxaan kugu iraahdaa? Aan ku weydiiyo: haddii aan dhinto, ii sheeg, dhaxalkayga ayaa qaadan? Warku kaftan ma aha. War ma sidii guumeyska ayaa aad geerdayda u sugan? Taa iga ma kaa qabato. Ogow na halka aan ka barokaco, bèlo ayaa adiga kuu geli.

Gobol kale ee tab-u-leexsan ah, maro kale oo midabbo silloon lagu aslay, sow hadda ba wax dhici kara ma aha — cirkeennii oo aan caad lahayn — in calan kale ee takooran laga lulo? War Geeddiyow gefkaagii iyo guddoonkaagii la eed. Ayaa kuu sheega in calankii ciiddda Soomaali-Weyn, calankii codka Soomaali-Weyn, calankii ciidanka Soomaali-Weyn, in aad ka la meel dhigtay: shanley[32] uskag dartiis la qarrartay iyo wax ka sii liita oo kale — calalkii ay Walaalo Hargeysa hore u saadaaliyeen — muddo haatan laga joogo dhowr iyo afartan sano.

Ugu dambeynta, Cali Maxamed Geeddi, bal in uu ku qiiroodo aan u qaado qasiidadaan hoose,

“Tiftifku tuugadow yaqaan
Tixsi na meel bugtow timlaa
Ee waxaan tolmeyn
Waxnaan tereyn
Nikiis ku toosiyey u taal —
Tallaabadiinna waa tirshee:
Mug tuugo waa idiin talee!”[33]

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan | Faafin: Dec 5, 2005


--------------------------------------------------------------------------------

Fure [End of File]

[6] Suleymaan Jaamac: Wereg Weere.

[7] Xaaji Aadan Afqallooc. ?

[8] Waa magaca hees ay qaadi jireen kooxda Waaberi.

[9] Waa lacagta ka socota dalka Xabashida. Isla ereygu, ulajeeddo kale ayuu xambaarsan yahay — hub, qalabka ciidamada, iwm.

[10] Salaan Carrabeey: Mine.

[11] dhalo, quraarad koofurta laga heli jiray.

[12] Waa wax aan Alle afkeenna gelin. Waa khamri (wine) ay cabbaan Xabashidu.

[13] Maamaah Soomaaliyeed.

[14] Ceysaan badarkeed — ceysaan badarka ama cakafka dhergin kara — waa wax aan tiro lagu koobi karin.

[15] RW Cali Maxamed Geeddi oo u jawaabayay dhegayste weydiiyay suaal, ayuu ku tilmaamay sidii nin fulay ah oo haddii, dugsi uu wax dhigaayay lamayeerigiisu dhagax ku soo dhaco, in uu baqo awgeed, hawshiisii u irdheyn lahaa. (Wareysigii RW Geeddi, BBC: 11/11/2005). Afow wax tidhi; uurow na, Allah ku og.

[16] Afmaay: ubadkii Naargale; ina Naargaleow.

[17] Geeddiyow Axmaaro ayaa timi; adiga uun baa na keenay.

[18] Ismaaciil Mire: Guuguulayohow.

[19] Waa hees aan waayo laga soo deyn jiray Radio Muqdisho.

[20] Faarax Shuuriye: Dhaado Gabay.

[21] Wiil-Waal: Samatar-Fooljeex. Gabay murugo leh ee uu ka tiryay geeridii ku timi walaalkii, iyo sida Reer Samatar-Fooljeex lídeen, geeri ugu baten.

[22] Soo kud waa soo orod. kud, waa cudur xoolaha ku dhaca oo dilaa ah.

[23] Cagaha raro: cagata wax ka dayo; cararo.

[24] Kis dhellah: wax yar; in yar; xoogaa.

[25] Nacalleey yaa kugu taal: Ncalad baa kugu taal; adduunyow xaalka bà.

[26] Manii: haddii; haddii ba; meesha nin Kaahin la yidhaahdo uu kaga qoslayo: nin Calasoow la yidhaahdo.

[27] Waa erey aflagaaddo ee uu adeegsaday Maxamed Siyaad Barre. USC oo isaga Xamarcadde ka erisay, ayuu ku tilmaamay in ay yihiin oo kale — yey.

[28] Cabdi Muxummud Amiin: Dalkaygow.

[29] Laameer: lalabbo, laqanyo, liidaanyo. Maxa lalabbo ah ee ba daya.

[30] Salaan Carrabeey: Abaallaawe.

[31] Cabdilaahi Suldaan Maxamed (Timacade): Kaana siib, kann na saar.

[32] Shanleey: maro, gó

[33] Faarax Seefeey

Enter content here

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com