Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

BOGGA CABBAAS

Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

Turxaan Bixinta Afka. W.Q. Cabdifitaax Cabbaas
Posted to the Web Apr 10, 22:49

Afka soomaaligu ma la tartami karaa afafka kale?
Sidee afkeenna looga dhawri karaa erayada doolka ah?
Dhibaato intee le’eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan afkeenna?
Ka tegidda shibbane labalaabma intee in  le’eg ayuu doorin karaa micnaha eray?
Wax Malaga qaban karaa shibbanayaasha lammaan?
Sidee loo hormarin karaa afkeenna?

Weydiimahaas kore iyo kuwo kale oo badan ayay qormadani  gundhig u tahay, si baaxad weynna u falaanqayn doontaa.
Bulsho kasta hor u marka afkeedu wuxuu ku xiran yahay hadba sida ay u dhawtaan afkooda.

Mahad ballaaran waxaa leh  guulleheenna  sharafka badan oo noo sahlay inaan yeelano af gooni ah oo aan bulshada kale ee caalamka kaga duwanaanno.
Ammaanna waxaa leh guddigii hirgaliyey far u yeeliddiisa.

Afkeennu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa uu lahaa dad badan oo dhawra si toos ah iyo si dadbanba ayaa jirtay, taasoo ka duwaneyd tan maanta uu ku jiro oo u eg  inuusan ehel lahayn kadib markii cidkastaa ku tumatay oo siday doonto ka yeeshay, afafkii kale ee doolka ahaa ee jabkan la doonayeyna cidla ay ka heleen.

Afka soomaaligu waa af guda weyn oo laga heli karo wixii af looga baahnaa oo dhan, waana hodan aan marnaba lagu sheegi Karin baaqinnimo. Dhan loo rogoba waa  looga dhergaan.

Bulsha weynta Soomaalyeed afka isku si uguma hadlaan, qaybiba dhinac bay badisaa, waxaase la isku raacsan yahay in reer miyyigu afka u badshaan. Taa macneheedu maahan reer magaalku afka ma yaqaan ee dabcan in ay danohooda yar yar ku qabsadan waa ka yaqaannaan, hasa yeeshee inta afka ka eexata badiba waa reer magaalka.

In muddo ahba  waxaa isa soo tarayey dadka afka siday doonaan ugu hadlaya oo marba dhinacay doonaan u adeegsana.

Dalleensiga erayada qalaad adeegsigooda ee noqotay mid qof kastaa ku dhaqaaqay waxay horsed u tahay dabar go’ ku dhacaya afka.

Waxaa wax laga qarracmo ah in erayo aan sinji iyo sawrac toona u galin afkeenna lala hoos rooro, loona ekeysiiyo afkeenna, taasoo ah meel kadhac  iyo maamuusid la aan loola muraaday afka.

Qofkasta waxaa habboon in uu afkiisa ilaashado  kana ilaaliyo erayada doolka ah oo uga soo tallaabaya  soohdimaha fog, kana feejignaado wax kastoo afkiisa bah dili kara.

Qofka soomaaliga ahi markuu hadlayo oo uusan u fiirsan hadalkiisa waxaa afkiisa ka soo butaacaya erayo af carbeed ah ama ingiriis, talyaani  ama af kale ah oo soo doolay.

Haddii aan baaritaan ku samaynay erayada ku dhex milmay afkeena nus qarnigii la soo dhaafay, waxaa soo baxday in yihiin tiro aan la soo koobi Karin, haddii aan laga fiirsan oo si dhab ah la isaga dhawrinna dhibaato weyni ay afkeena ku habsan doonto mustaqbalka.

U fiirso qoraalkan siduu u qoran yahay.

(Macallin ayaa ardaydiisii su’aalay inay soo qoraan jumlado faa’iido leh oo shacabkeena wax tar u leh. Markaas ayay ardaydii soo qoreen waxayna u bilaabeen sidaan.

Annagoo ah ardayda  iskuulkan waxaan salaamaynaa dhammaan  umaddeena  ku nool adduunka oo dhan. Waxaanu halkaan ka codsanaynaa dawladdeenna inay joojiso khilaafka dhexdeeda ah, oo ay meel isugu timaado. Caqligeenu wuxuu na siiyey inaan ka fekerno amman-darrada dalkeenna. Waxaa nala haboon in ciddii ka shaqaysa dhawridda  ammanka  hadiyad la siiyo.

Waxaanu aragnay in arrintaasi  tahay mid na khusaysa  Oo aan masuuliyad iska saarideedu cidna  khaas u ahayn. Soomaaliya xilli bay waxay ahayd meel safaarado ku leh caalamka oo dhan.

Dawladdeenu waa inay ahaataa mid isticmaasha caqliga.

Shaqsi kasta oo ka mid ah masuuliyiinta  sarsare ee xukuumaddeena waxaa  habboon inay  ilaaliyaan xuquuqda  waddankeenna.)

Dhammaan erayada cas  waa erayo dool ah oo ka yimid meelo fogfog, lamana soo koobi karo inta eray ee baadida ah  ee ku dhex milmay afkeena sida

KELMAD, KOOB, TARMUUS, QADO, SUBAX, SALAAN, LOOX, ISKUUL, KURSI, ALBAAB, DARIIQ IWM.

Waxaa  iyana jira dad soomaali ah oo aan marnaba si hubsiino leh u qorin afka iyagoo aan dareen ka qabin inay ay wax qaloocsheen. Bal eega  sida shibbanyaasha labanlaamma dadku u saxariirsheen.

Haddii qofku ka tago shibbane  kaliya waxaa is rogi kara  u jeedadii erayga oo dhan.

U fiirso halkan.

Middi            iyo             midi
Mooddo         iyo            moodo
Horreysa         iyo           horeysa
Abbaar            iyo           abaar
Berri                iyo            beri
Barre                 iyo          bare
Addoon          iyo             adoon
Ruugga            iyo           ruuga
Horreyn         iyo              horeyn
Carrab              iyo           carab
Gacalloow      iyo             gacaloow




Mareegta BBC  da ayyaa mar qortay  cinwaan u qornaa sidan:
(ETA oo xabad joojin  ku dhawaaqday.)

Waxay ula jeeddey  waan gartay oo shibbane B ah ayay ka tagtay, markaasaa macnihii eraygu noqday xabadka oo la mid ah laabta. Halka xabbaddu  tahay tan wax disha oo ahayd tey ula jeedday.

Dan la’ aantu si weyn ayay u duleedisay afkeenna, ka fekerid la’ aanta erayada qoristooda gaar ahaan shibbanayasha labanlaamma waxay horseedayaan baaba’ ku dhaca afka, iydoo markaas ay imanayso inay isku qaldamaan erayo badan oo kala duwan macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba sida.

Arrintan dambe ee ah ku tumashada afka dhaliisheeda waxaa leh dadka siday rabaan wax u qora isuna haysata inay soomaali qorayaan.

Waxyaabaha kale ee ay haboon tahay in laga hadlaa waa shaqallada fudud iyo kuwa culus oo haddii aan la isku af garan  dhibkiisu dad badan nacsiin doono afka.

Ilama wanaagsana inaan dhaliilno guddigii noo qoray afka ee innaga  ayay ahayd inaan u istaagno dhammaystirkiisa.

 Inay  wax badan qabyo ka yihiin waa wax jira.

Mar baan dhegaystay  xirsi magan  ka mid ah dadka u ololeeya in farteenna laga dhigo tan cismaaniyada( far soomaali) isagoo  leh farteenna wax baa ka maqan  wuxuu ula jeeday erayadu siday carrabka ugu kala duwan yihiin fartana ha loogu kala duwo.

U fiirso erayadan bidixda kaa qabanaya.

Dirr                           iyo            dirir
Dd                            iyo            diid
Cd                            iyo            cad
Tg                          iyo            tuug
sg                            iyo            sug
*dl                          iyo           duul
*br                          iyo           beer
nan                          iyo              inn
saln                     iyo               salaan                   
*dl                       iyo               dool
lx                       iyo                 loox
hagr                     iyo               hagar
dn                     iyo                doon*
md                    iyo                 mood
dn                     iyo                 daan
soomaal               iyo                soomaali
*kb                     iyo               koob
kr                     iyo                  koor
isln                   iyo                  islaan
bar                     iyo                   bari
carb                   iyo                  carab
nf                    iyo                   neef

Eraydaan kor ku xusan waa erayo kala duwan si loo dayoba.
kuma jiro laba eray oo isku macne ah,  iskusina looguma dhawaaqo ( erayadan qaarkood ayaa leh dhawr macne gaar ahaan kuwa falalka ah ee ay dulsaran tahay astaanta*ta).

Dhibaatada dadka ka soo gari karta arrintan waxay si gaar ah u saamaynaysaa dadka ay isugu darantay aqoonyarida afka iyo wax qoridyariddu.
Qofkaasi meel uu ciirsado ma leh, waxayna ku kallifaysaa inuu maansada aqriskeeda kaba cararo dhegeysi mooyee.

Maansadu waa qaybta ugu adag afka, waa afkii oo si la yaableh loo adeegsaday.
Erayada isku qoofalan ee maansadu ka kooban tahay waxay u fududahay oo kaliya qofkii soomaaliga si wanaagsan u yaqaaan dhaqanka miyyigana wax uga bilaaban yihiin.

Qofkiise ku dhashay magalo war moogna ka ah waxtarka afkiisa, markuu arko adaygga maansada tijaabo dambe ugu noqon maayo.

Waxaa iyana jira shibbanayaal lammaan sida SH, DH, KH da oo ah kuwo dadka qaarkii u arkeen inay labanlaabmi karaan. Markaas waxaa qosol leh sida shibbane markiisii horeba  lammaanaa misna loo sii shedayo oo afar looga  dhigayo, soo noqon mayso dad aqriya in meelo kale loo doono!

Shibanayasha lammaan wax ka qabadkoodu waa waxa ugu sahlan ayay ila tahay aragtidayda oo dhaqso ayaa la isugu afgaran karaa, dhibaatooyinka ka weyn ayaase wax ka qabad u baahan marka hore.

Hadda waa goortii aynu u istaagi lahayn toosinta afkeena iyo turxaanbixintiisa, waxaa habboon in mareegaha iyo wargeysyada dadkeenu baahiyaan qoraallada ka hadlaya afka.

Wax ka qoridda siyaasadda ee hadda noqotay tan majaraha u haysata codbaahiyaasha  dadkeenna waxaa habboon in lagu beddelo wax ka qoridda afka.

Waxaa ila qumman yaraynta adeegsiga erayada aan soomaaliga ahayn intii la awoodo.

Waxaa la yaab leh in qof soomaaliga ahi ka xishoodo adeegsiga eray guriga (lahjad) soomaali kale isla markaana isagoo ku faraxsan adeegsado erayadii soohdimaha fog ka soo talaabay!

F.G: adeegsiga astaan gaar ah ama labanlaabidda shibbane aan labanlaabmin  oo uusan guddigii farta qoray astayn  ee aan halkan ku adeegsaday, waxaa igu kallifay in si fudud loo garto ujeedadyda qoraalkayga, cidse amri mayso ku dhaqankeeda.

W.D.  Cabdifitaax Cabbaas
E-mail.
saalaxyare@hotmail.com

Daabaco Saaxiibkaa u dir

Enter content here

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com