Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

BOGGA SHAAFICI
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

Waxaa Soo uruuriyay labada Gabay, hordhacana u sameeyay Abwaan

Maxamed Shaafici

Wixii Su'aal gabayadaan la xiriira waxaad toos ugala xiriiraysaan Shaafici 

Email: mi99mosh@chl.chalmers.se

Darbadaaley

Qorraxdu cirka kalabarkiis ayey xoogaa dhaaftay, waxaana dhabanaysey layr fudud oo dhanka deexeed markaas ka soo bilaabatay, oo uu qabowgeedu dejiyey kulaylkii gabbalka maalintaas ka soo haadayey, kaas oo ay Maxamed iyo tuldaha uu la joogaaba tan iyo barqadii la dhididayeen. Waxay naacawdaasi ruxaysey kob geedo waaweyn oo cumur ah leh, halkaas oo ay daaqayeen neefaf ka badbaadey dhacii ugu danbeeyey oo lagu qaaday geelashii dhawaan la weydaariyey inta raggii dhaqay badankoodii hilibkoodii haadda loo waray.

Gabayga Kale

Coner

  • Doog-kiciye: Waa Gabaygii Doog-Kiciye ee uu tiriyay Khaliif Shiikh Maxamuud ALLE ha u naxariistee ee jawaabta u ahaa



Dabaysha duhur kolkii ay dhacdo wuxuu geelu qabatimay in uu dhirtii waaweyneyd oo uu asaga oo habeedinaya harsanayey hoosteeda ka daqaqamo, oo uu caws ama dhaayin afka la raadiyo; hase ahaatee waxaa intaysan halihii cadceedsi u dareerin orday Maxamed oo u sii jeedey gurigii adeerkiis Aw-Muuse Ismaaciil oo ay da’diisu toddobaatan sano ka badnayd. Wuxuu labaatan jirkaas halaha barqa maalay duhurkii xaafadda ugu rooray waa jacayl uu u qabey in uu maqlo gabay uu ka malaynayey in uu wadaadka adeerkiis ahi ka tiriyo geeridii iyo cayrayntii loo geystey xoolohooda iyo xigtadooda.

Geed weyn oo aqalka hortiisa ah ayaa waxaa falag ku hawlanayd bahdii ugu yarayd ooriyaha odayga oo aan madaxa kor u qaadin ilaa uu Maxamed oo matoobbo sitaa soo dul istaagey oo yiri:

- Maxaa lagu harsaday?

Araggiisa ugama ay nixin in aysan jeclayn ee waxay mooddey in uu dhiillo hor leh la dhalandhoolayey oo geelii yaraa oo haray uu col kale ulaha isugu dhuftay. Markii uu argagaxa wajigeeda saaqay dareemay buu inta qoslay wuxuu yiri:

- Odaygii ma joogaa?

Waxayna ayada oo naxdintii ka yaraatay, hase yeeshee weli yaabban tiri:

- Hadda ayuu baxay.

Maxamed xoogaa ayuu dul taagnaa duqdii oo falagteedii duubashida ahayd ku maqan, wuxuuna ka calool xumaaday in uusan wax gabay ah meeshaas ka helin. Ugu danbayntiina wuxuu asaga oo qalbi jaban yiri:

- Ma uu gabyayey maanta?

Markaas ayey toos u garatay sababta uu duhurkii u soo wirwiray waxayna ayada oo hawshii ay haysey u kaadisey oo dhoollocaddaynaysa tiri:

- Maadhow kani damiinowye haddii aad gabyeysid gabay.

Duhurkaas midkii ku xigey ayuu Aw-Muuse tix dheer oo gabay ah wuxuu ka mariyey fagaare ay beeshu isugu yeerteen si ay abaabul ay Darbadaaley udubdhexaad u tahay uga tashadaan, wuxuuna odaygu tixda ugu luuqiyey qaab xallad leh oo aan laga filayn in uu nin da’daas joogaa maansada uga dananiyo.

Inkasta oo uu ahaa ninkii ugu horreeyey oo gabay dheer afka soomaaliga ku tiriyey haddana waxaa tixda ka muuqata in ay lid ku tahay qaar ka mid ah tiirarka ugu waaweyn dhaqanka Soomaalida. Waxaa maansooyinka iyo maahmaahaha ku badan in aysan dumarka iyo dhallintu garasho fiican lahayn; hase yeeshee wuxuu gabyaagaani ku nuuxnuuxsaday in ay dhallinyaradu hayaan maskaxdii iyo muriqii bulshada lagu horumarin lahaa iyo in hawl kasta ayaga loo daayo, halka ay dadka filoobey nasniin iyo taakulayn u baahan yihiin oo aan waxba laga sugayn, waxaana tusaale buuxa ah mirkaan: Daalicii markaa baxay nakhliga boqol ka doorroone. Wuxuu kale oo darbad dhan ku guubaabiyey dumarka oo uu hab qurux badan u dhiirrigeliyey, isla markaas wuxuu kaga dabeecad duwan yahay maansooleydii hore in madaxda la canaanto oo aan hadalka lagala gabban.

 

Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye

Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye

Dudurkiisii adigaa hayiyo, daristii[1] weyneyde

 

Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye

Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii[2] baase

Duq baa tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine

 

Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilashaa dumine

Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayey

Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye

 

Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode

Kol haddii aan dariiqiisa furo, wayga soo degine

Waxeer labada daar[3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo

 

Madfacaan diyaarsaday miyaa, deriskii ii fuulay

Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey

Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daaray

 

Awal maanso waatii aanan dumin, toban diraacoode

Dibnahayga waatii aan jaray, tan iyo Dayrwaaye

Dannigayga waatii aan is iri, aakhiraa darane

 

Dariiqayga waatii aan ka dhigay, diinta Nabiraace

Dalow hadalka niman baa ka rida, meel aan loo deyine

Doqon iyo haween baa is yiri, kani damiinowye

 

Dig dheh oo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh

Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh

Dawlado is waafaqay dharaar, dacawigoodii dheh

 

Dirirtii Miskoo iyo rig iyo, dab iyo baaruud dheh

Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh

Murtidaan danbaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh

Xarafyada ma kala dooriyee, do’ iyo daalkeed dheh

 

Dadow xalay hurdana ma aan damcinoo, doob isugu waayey

Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey

Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey

 

Dacas[4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo[5] i saaqday

Waan wada deddadey[6] sida laxmiga, la iga diifaayey

Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay

 

Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey

Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey

Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey

Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayey

 

Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey

Ma daandaansi buu aadanuhu, dib uga rayn waayey

Dacartii aan hortii xiray miyaa, la iga soo daayey

 

Ciil iyo hami aan dugin[7] miyaa, la igu daardaaray

Dunida iyo asaageen miyaan, door la noqon weyney

In aan diir kharaarnahay miyaa, uunka laga daahey

Dagaal inaynu hoog dhigin miyaan, dad ina moodaynin

Ma xugun Ilaah deyey waxeer, nalaka doonaayo

 

Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay[8]

Darbabna waxaan u naqay reertolkayoo, doorkii ka idlaaday

Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya

Darbadna waxaan u naqay aniga iyo, dan iska sheeggayga

Darbad kalena waa guullahay, Daayin midaan tuugay

 

Darbad waxaan u naqay mudahay, hal aan ku diiraabay

Tan iyo Qaw[9] adaa daadsan iyo, ceelkii Dabarowe[10]

Ogaadeen cabsi buu uga dan baqay, dooggii Himirowe

 

Dangudban iyo Dhudhubo-Hawd hartigu, kaaga soo durugye

Dacal kale Kax iyo buu jiraa, dooxadii Dhudube[11]

Dad yar oo cadada ah baa sidaan, kuu dalleensadaye[12]

 

Kolse haddaydin dirirtaan khalqigu, amarka waa dayne

Nuur Maxamed geelii uu dalbaday, tuludna loo diidye

Ergo ladankacaysoo dulli ah, dib ula soo meerye

 

Laye wuxuu u soo duday bahdiis, inay daweysaaye

Darbane Nuur Cismaan keli ahaan, dooc ku tari waaye

Ogaalkaan dareenqabo mindhaa, uma dadaashaane

 

Dayacanow delleganow[13] sii, doog Alle cid siiyey

Diigdiigsadow[14] sida biciid, cid uma daardaare

Shisheeyuhu wuxuu damacsan yahay, waana kama diide

Duqowdiyo ikhyaartii la diley, kama digriiryaame[15]

Duunyada haddii lagala tago, dib uma raacdeeye

 

Idinkaa isku duullane khalqiga, deyiba maysaane

Haddaa duulba duulkaan u guran, dab iyo baaruude

Koo kale dantiye keenna dega, deexya bariyaysa

Dayn iyo dukaan baa batiyo, damac magaalaade

Dadaalkiinu wuxuu saaran yahay, dalag la beeraaye

Darxumaad u wada liidataan, duunyaseegyohowe[16]

 

Candho-diiranley duul nin[17] lihi, cid uma daayeene

Dudiyo Xiito[18] rag aan maalahayn, duni ku leeleelye

Diihaalku geel inuu ku ba’o, idinka diimoonee

Duhurkii haruubkii ahaa, kimis ka doorroone

Kolse haddaad dariiq wada martaan, waysu soo didine

Inshaa Allaahu duulkaad gashaan, waa dulliyayaane

 

Waxsaan lagu danbaabayn dad Bari, haatan boqor diidye

Iskaga daalid mooyee guddoon, haatan damashowye

Waxsaad kaga daliil qaadataan, beeni duug ma lehe

Haddii dooyadaad[19] shalay dhigteen, Udan ku daaduumay

Kolkuu soo dunmoo soo durkoo, dirir la dhawraayey

In uu soo dabbaadego hadday, dani geyaysiisey

Ammaantii beryaha nalaka diray, dahab hadduu keenay

 

In aan boqorka laga dayn haddii, dhaartii lagu duugey

Markaad socodkii diideen haddii, duco laguu oofshey

Darmaanihii[20] dirkii Hagar haddii, duudsi laga yeelay

 

Doolliyo hadduu Irir warkii, haatan wada doojey

Idoorka deexeed hadday, diririgtii gaadhey

Dalal iyo Ugaas iyo Wacays, duulka bah Xawaadle

Duud Magan Warfaa reerahaan, dan u walaalowney

Libintuu ku diirsaday ninkii, wax ila doonaayey

Nin mowdkiisa laga daahayoo uu, dilayo mooyaane

Dib baan wacad Allee geelayaga, cidi u daardaarin

 

Darbadna waxaan u naqay reertolkayoo, doorkii ka idlaaday

Dabdacallaad[21] ahayd waaxidoo aan, dabo u noolayne

Dilkaagii la doon laguna farax, sida dad gaalaade

Debinkaas lugaha kuugu jira, lagugu sii daaye

Naftaada u dadaal wacad Allaan, duulna kuu rabine

 

Adamihii[22] maroodiga damcoo, waayo daba joogey

Hadduu dagantidii rabey asuu, boqonta doonaayey

Kolkuu diday daleeshana u baxay, damacna dhiilloobey

Intaan dhowrihii[23] dirirba holin, durugga mooyaane

Durba qalanjahaa[24] soo dadbee, da’a dambaan waayey

 

Duflihii libaax dhalay haddii uu, duqu mar weynaado

Digta iyo dagaalkiyo hingada, duulistiyo xoogga

Dariiq buu Ilaah wada marshaa, doqon ma yeeshaane

 

Daalicii[25] markaa baxay nakhlida[26], boqol ka doorroone

Qabiilana duryaadka u kacay, door ku noqotaaye

Ayaxuba hadduu meel ku dego, doogga ka idleeye

Dawacaduba ari bay gashaa, labo ka dooxdaaye

Waraabuhuu ma daahiro waqiis, duhurka maalmeede

Wuxuu duud habeenimo u gelin, daganti un dhawre

 

Naagiba nin ay dahatey[27] baa, lagu dangiigaaye

Rabbi amarki waa duqe maxaa, doorshey faraceenna

Kun nin oo aan dab hurin karin maxaa, duul ka wada beeray

Maxaa dog[28] iyo beer idinka dhigay, dux iyo jiir waayey

Hohe! nin aan ku diirsado maxaa, duge idiin diidey

 

Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune

Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe

Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale

 

Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye

Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye

Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan[29] xeebeede

 

Ilma Yuusuf qaar wax u dilaa, kama danbeeyaane

Dacar boowayaashiis shalay, sarac ka doorteene

Kuwii Faarax diley eebbahay, deeq isaga siiye

Alla reer Xirsoo wada dug yiri, dabato weeyaane

 

Danab kulule goortuu is dhayo, dab iska nooleeye

Darxuma weyne weligiis hurdada, daa’in kama toose

Ninkii ina adeerkiis dulmiya, dib u xanaayeeye

Diradiriyo muran iyo xisdi baa, dilay naftaadiiye

Sidii dumar nin wada qabo xin baan, la iska daynayne

Dakanaduu dadkeedii kan yahay, duug wallee ma lehe

 

Dad haddaad tihiin toban sanaad, laguna daaqeene

Dabqaxa Dhirindhireed madaxyadaan, abidan duugoobin

Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga danbaysiiyey

Alla dakhalka jabay baan, waqiis laga dawoobayne

 

Dakanadiinna maqan oo rag qabo, deyiba maysaane

Haddaan diin la dhigan oo ninnimo, daabka la adkaysan

Dulli baa lagu socdaa wacad Allee, labada daaroode

 

Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya

Korkiinnoo dallaayada raggii, daahirka u shuufey

Laabtiinna ninmankii ku daxay, shayga dananaaya

Gacmihiinna nimankii u dumay, lacagta duuduuban

Daclihiinna nimankii ka lulay, dahabka laallaada

Durrihimida khayliga[30] raggii, duuddiin[31] idin saaray

 

Nimankii degdeg u keeni jirey, xidid wuxuu doono

Durdur sidi raggii caano geel, idin dabaalsiiyey

Dacaamkiinna nimankii ka dhigay, malab la soo diiqay

Diggooniyo ikhyaartii kaloo, deyrka idin keentay

Intaan duugta lagu aasin baa, daahyo rogateene

 

Dad walle cajab oo waxaa la yiri, naago door ma lehe

Shalay waxay ka dalangaynayeen, danab cayaareede

Durbaan bay layeen tumanayeen, damac la’aaneede

Inaan dumar kalgacalkiis wax gelin, diirka ka caddayde

 

Orda doomahaas raaca oo, Doy[32] isaga dhoofa

Ama kaca Hartigu waa duddee, dawlad kale aada

Ama kaca raggaa Saaxil[33] dega, suuqadda[34] u danansha

Balse inaad na diir dhawrataan, waaba doqoniino

 

Darbadna waxaan u naqay aniga iyo, dan iska sheeggayga

Duhur iyo habeen iyo dharaar, oohinta aan duugin

Daaraha cidla ah iyo guryaha, igu dabayloobey

Dalanbaabigaygiyo lugaha, diif ka socodkayga

 

Derbiyada magaalada agoon, diiqsan baa tubane

Alla dumar hangalan[35] baa ku badan, dawyadaan marine

Walle ama dan la’i nooga baxe, labada duuduubni

Ama dumar rag kale qabo annana, weer[36] ku daa’imimney

 

Darbad kalena waa guullahay, daayin mid aan tuugay

Eebbow danbaabaye maqfiro, adigu hay diidin

Eebbow cisyaankii aan daldalay, darajo ii dhaafi

Eebbow waxaan hor u dulmiyey, ha igu daymaynin

Dabka belelka naaraha allow, derekadaa hoose

Ebbow Ibliis ha igu darin, duulka lagu biirsho

Eebbow kuwii lagu derbiyey, hayga dacal yeelin

 

Ebbow dakano naguma gelin, nimankii deexeede

Eebbow nin weliyoo la diley, waad ka dirirtaaye

Eebbow ma duudsidid xaqaoo, daayin baad tahaye

Eebbow rucbiga nagu dul furan, duul kale u meeri

 

Tixdaani aad ayey intaan uga badnayd, balse sidii hadba qaar u lumayey bay intaasi ka soo hartay waana arrin aan la yaab lahayn, waayo qoraal iyo cajalad midna gabaygaani ma gelin muddo qarni iyo bar ah oo afka ayaa la isugu tebin jirey.

Waxay Soomaalidu weligood isu sheegi jireen in markii uu Aw-Muuse Ismaaciil tixdaan mariyey uu raaciyey in aan Darbadaaley nin qarnigaas nooli ka jawaabi karin; haddiise uu nin qarni danbe iman doonaa ka jawaabo in uu horay ka geeriyoon doono, waayo waa gabay sun halis ahi ku qarsoon tahay oo ay in laga gabbadaa habboon tahay.

Doog-kiciye

Waxaa Soo uruuriyay labada Gabay, hordhacana u sameeyay Abwaan

Maxamed Shaafici

Wixii Su'aal gabayadaan la xiriira waxaad toos ugala xiriiraysaan Shaafici 

Email: mi99mosh@chl.chalmers.se 

1979kii ayaa waxaa maalin harkii jiq Walwaal u dhow ka soo baxay gaari gaashaaman oo uu rinjiga marsanaa u ekaa dharka ay xirtaan ciidamada difaacu oo tuutaha lagu magacaabo. Cirka waxaa ku hilnaa daruuro gibillo waaweyn ah oo xagga koofureed haddaayey ka soo gurmay, laakiin markaas la moodey in aysan soconayn oo ayaga oo heegooyin ah isku gudbey afarta goonyood idilkood. Dhulka waxaa ka muuqatey abaar ku raagtey oo toontii uu gaarigu ka soo baxay geedeheeda iyo meeshii dhirta gaagaaban lahayd oo uu asaga oo weli guuxaya taaganaaba waxaa saarnaa tilmaamo jiilaal. Caleen kutaal ah mooyee mid doog waayadaas aagga laguma arag, waxaana abaarta ka darnaa colaaddii kharaarayd oo ay xudduudda dheer oo Itoobiya iyo Soomaaliya noqotay goobo dhiillo oo ay meydka iyo fuuqyadu dhagxantii ka bateen, dad iyo duunyana laga kala qaxay oo ay habeen iyo maalin isku hardinayeen guutooyin uu galowgu ooyey.

Haddana wuxuu baaruurkii u sii dhaqaaqay dhanka koofureed oo geedo waaweyn oo teelteel ahi ka muuqdeen, waxaana ka soo daba baxay dhawr gaarii oo kale. Xoogaa yar ka dib wuxuu soo dhex maray ciidan qoryo yaryar ku hubaysnaa oo ay badankoodu kadalloobeen. Hareeraha oo dhanna waxaa ka soo funaanay ciidan, waxaana jihadii uu gaariga gaashaamani ka yimid isi soo daba joogey baabuurro kala jaad ah.

Geed weyn hoostiis buu gaarigii istaagey waxaana ka soo degey saddex nin oo ay mid ka mid ah sii gaar ah ciidanku u eegayeen. Wuxuu ahaa wiil dheer oo aad caato u ah, oo indho godgodan leh, kaas oo filkiisu soddonka galay. Timihiisii adkaa way ku baxeen garkana intuu maalmo ka hor xiiray ayuu xoogaa foodda keenay oo curtiisii dheerayd baa toos loogu jeedey. Wuxuu dhexda hayey oo laalaadsanayey qori faalgurey ah kabo madmadow iyo tuutana wuu qabey.

Waxaa meel dhow ka hoortay hogol, ciidankiina waxay degdeg u taagteen teendhooyinkoodii. Isla markiiba waxaa isu ekaaday cirkii iyo dhulkii oo kabihii ciidanku waxay quusayeen daad xaafood dul sabbaynayey. Dhibcihii darbaallada darandoorriga ugu dhacayey iyo ufadii dhirta iyo dhismayaasha liiliijinaysey waxaa lala maqli waayey onkodkii badnaa oo ay ragga qaarkood dhegaha faraha geliyeen, waxaana xareeddii dhulka dulundulcaynaysey if qurxoon ku bixinayey biriqdii aan hakasha lahayn oo indhaha lagala gabbanayey.

Sagaal iyo labaatan jirkii timuhu ku baxeen bulaankii ciidanka kama uu qayb gelin ee aamus buu teendhadii ku jirsanayey, wuxuuna mar danbe kor daadkii uga qaaday faalgurayga kursigiisii si aysan birta biyuhu u gaarin. Kolkaas ayaa nin garabkiisa fadhiyey intuu jalleecay wuxuu ku yiri:

- Khaliif maxaad la fakaraysaa?

Baxaalli ahaan Khaliif Shiikh-Maxamuud wuxuu ahaa nin aamus badan oo go’aan adag. Wuxuu ka fakaday ciidamadii booliska Soomaaliya oo uu asaga oo yar ku biiray, wuxuuna dhuumasho ku galay dalka Yemen oo uu ka dib ka sii aadey waddanka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka helay shaqo fiican.

Asaga oo galab casarkii shaqo ka soo rawaxay buu wuxuu soo maray niman soomaali ah oo ku maadaysanayey saraakiil maalintaas Soomaaliya lagu toogtey oo afgenbi ay dawladdii ku samayn lahaayeen lagu qabqabtay, wuxuuna galabtaas goostay in uu u kicitimo dalka Itoobiya si uu ugu biiro mucaarad waayadaas la abuuray. Galabtaas habeenkeedii wuxuu cajalad ku duubay gabay isla markiiba gaarey dhulal badan oo markii hore ay xukuumaddii Soomaaliya in uu tiriyey u maleeyeen nin la oran jirey Cali-Afyare Aw-Cilmi, kaas oo markii uu labo toddobaad xirnaa la siidaayey, maxaa yeelay idaacaddii mucaaradka ayaa markiiba oodda ka soo qaadday gabayo kale oo codkii Khaliif ah; waxaana markii Cali xabsigii laga soo daayey lagu khasbay in uu ka jawaabo gabaygii Hurgumo oo ahaa tixdii ugu horraysey oo Khaliif.

Maalintaas  roobabawda ahayd, markii jirkii qaaday oo daadkii qaarna guray qaarna gudbey waxay ciidan sayax farfadhiyaa habsami u dhegaysteen luuqdii Khaliif Khiik-Maxamuud oo uu ku mariyey Doog-kiciye oo uu kaga jawaabayey Darbadaaley. Markii uu sheegay in uu gabaygii sunta ahaa faragelin ku samaynayo ayaa raggii qaar u digeen, wuxuuna ku jawaabey:

- Geeri iyo nololba Alle ayaa ii haya.

 

Aw-Muuse deelleyda gabay, adi laguu daaye

Adigaa dabuubtiyo[37] tixaha, soo dabaal baraye

Deelqaaf la’aan waadigii, daaddahayn jiraye

 

Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay

Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray

Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey

 

Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode

Oo darakad dheer iyo ku saar, dadab sariireede

Ku dangiigso meel roon adaan, diinta caasiyine

 

Denbidhaaf laguu yeel wadaad, daahiraad tahaye

Dudurkii firdowsiyo ku waar, daar naciimo ahe

Duddadii rasuulkiyo la joog, duul malaa’ig ahe

 

Dulinkii cadaabeed Ilaah, kaaga darajeeye

Jahannamo ka durug waadigii, daacadda ahaaye

Dahrigaaga naartii allow, aanay ku doobbayne

 

Dulmi nin aan aqoon aakhiraa, dabaq la seexshaaye

Ku dallacay ahaw oo waxaad, doontaba ha waayin

Dunji xuurarcaynihi jannada, kuu dabbaaldeda’e

 

Afartaas mid aan kuu dalboo, kuu durraansaday dheh

Kalgacayl dun weyn oo qalbiga, igu dahaarnaa dheh

Ducadayda aamiin in uu, Daayin kuu qoro’e

 

Hayeeshee dantii aan uga socdaan, kuugu daadegine

Sidii ruux intuu daqar ku yaal, daqantey laandeyre

Darbadaaley goortii aan maqlaan, wada dubaaxshaaye

 

Waan wada deddoodaa sidaan, duumo baas qabo’e

Dubka un baan dhaqaajaa sidaan, diilalyaysnahaye

Markaad dakhalka jabay sheegtid baan, dan u ilmeeyaaye

 

Sidii neef dibboodoo kalaan, dulugle rooraaye

Duhur iyo allayl oohin baan, dhabanka duugaaye

Duufaan cidla ah baan anoo, dagan ka yuusaaye

 

Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan[38] dalooshaaye

Daardaarka hadalkaagu waa, iiga darayaaye

Dardhashaan ka qaadaa sidii, ubadka dayreede

 

Raggayagii la wada duudsiyaan, dib u xasuustaaye

Dhiiggooda diixanayah baan, coro diryaamaaye

Dacalllada intaan fiiriyaan, diricna waayaaye

 

Awgay dan li’i bay ahayd, diriradaadiiye

Diigdiigashay kaa ahayd, weerar dumiddiiye

Nin xarrago dalbaayaad ahayd, laguma daafayne

 

Hadba laba da’ood tii banbay, belo dufaysaaye

Darxumada na haysaa ka daran, sabankii daacuune

Dacay baannu wada qaayibniyo, oho[39]! ma-diidaane

 

Nabsigaa dawaaraynayaa, noo dulmeersadaye

La dullowyey waagaas haddaad, dad u sarrayseene

Halka dabadu geela uga taal, noqoy dirkaagiiye

 

Waxaad adigu diidaysey baan, samo ka doonaaye

Dastuurkii aad ku noolayd haddii, nalaku deynaayo

Deeq baannu wada siin lahayn, duudkii Hoysama’e

 

Nin durriyad xun weligiisba waa, laga daduucdaaye

Sidii ceel dardhaabeen ah baa, laga durduurtaaye

Allaylehe la dowdabi tolkeen, laguna daanshooye

 

Dabqaxa Dhirindhireed dooyadii, dalaggu kuu keenay

Doob-Cadale iyo tii kaloo, laga dambaysiiyey

Warsangeli hashuu kaa didsaday, tani ka diif weyne

 

Waakaas duggaagii ka fuley, daribtii reerkaane

Wax tukuhu daloobinahayaa, doobabkii kacaye

Durqe iyo dorgay hilibkayaga, loo dayaafadiye

 

Saaddii dabuurihi dibbay, kula dillaantaaye

Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog[40] xun nagu reebye

Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye

 

Wuxuu galow ka sii dananayaa, dirirka cawleede

Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone

Malahayga daaf aad ogayd, haatan soo degaye

 

Riyuhuba shabeel dalax hurday, luga ku doontaane

Marti fiid u dumey buu mar un, yabaq u deexdaaye

Jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye

 

Ilaahay diwaankiisu waa, kaa da’ weyn yahaye

Inkastoo dubbuhu noo dhignaa, nalaku daaduunshey

Adeer dayradaadii horoo, daahday baa timide

 

Majeerteen daciifow sidii, doonni caaridaye

Inkastoo uu dadal kaa ahaa, doqon ku sheeggaagu

Dannigaad awaaleysey baa, loogu dawgalaye

 

Run baa lagu dawoobaa illey, beeni duug ma lehe

Dacas inuu na fuuliyo inaan, dabacney mooyaane

Waakaas dufaarkii Gedood, daalash noo helaye

 

Waakaas sidii tuug dibjir ah, duurka noo galaye

Waakaas sidii dabatadii, deero noo qalaye

Waataas duryaad hooyadood, kala dalaabeene

 

Waataas islaan duub xidhiyo, boqorro dawrweene

Waataas duqow iyo ugaas, loo dawarayaaye

Waataas nin ay diran jireen, diiradda u sidae

 

Waataas dabkii nalaku shiday, degelku qiiqaaye

Waataas guryihii deyranaa, wada damaagmeene

Waakaas nin dahab beecin jirey, darayga[41] xaabaaye

 

Dhallinyaradii waataas dillaan, doolba meel degaye

Goortii wixii duxi lahaa, daayac lagu laystay

Waataas la deydeyahayaa, daaddufkii haraye

 

Waataas dekanaday qabeen, Sede ku daaqaane

Waataas aan lagu doonanayn, col iyo duullaane

Waataas siday noo dibreen, duudka loo dhacaye

 

Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne

Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye

Waataas aan loo diir naxayn, tima-daliigleye

 

Uurdigiso dalanbaabiday, dalan kacaayaane

Haddeerey intay wada dahdeen, silic la duukhaane

Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel ku daa’imise

 

Dingaraaro booraa ku taal, duuddii Maxamuude

Meydkooda daadxoor la mood, dooxu soo rogaye

Duufkay cuneen wiilashii, damaca waallaaye

 

Ciisihii darrowshaha[42] nebcaa, daabbad laga yeelye

Kuwuu ficilku daardaari jirey, harag ma doorshaane

Alla kama duqoodaan gabdhaha, daacayoo sida’e

 

Dagaal uma habaystaan intay, danan afuufaane

Hubka kiisa darandoorriga ah, kama dinnaahshaane

Nafta uma diyaarshaan mid un, labada daaroode

 

Abshir[43] deyrkii lagu meeriyaan, cidi ka siidayne

Damashka iyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye

Dugsi wax aan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale

 

Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye

Hoggaan laguma doodeen sidii, dooha awrka ahe

Hohey! lama durbaansheen, intay labadibleeyaane

 

Nin dumaashidiin ciilay oo, Diiniyaa jira’e

Hindiya gabadhii laga doonay baan, qaran ku daabnayne

Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiir xumo’e

 

Haween aan dalaaqnayn haddana, dulay cidlaa taagan

Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynin

Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey

 

Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane

Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed[44] daaskiisa

Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene

 

Inkastoo ay darmaan quruxsaney, dihintohoo joogto

Oo ay dubaabkii Siyaad, dalaw ka tuuryaysay

Ayadaa is difaacdaye ninnimo, kuma dumaashaane

 

Danbar bay noqdeen shalay haddii ay, dacar ahaayeene

Haddii ay Daawad[45] gubanayso, oo Celi dawaafaayo

Dabciga iyo aqoontoodu waa, giiro-dabataage[46]

 

Reer Cismaan digtii gaadhey bay, wada diryaameene

Sidii loo derderey bay dhammaan, doc ula jiifaane

Waxaa loo dudubiyaa sidii, dooro idifleye

 

Dulalkii Qardhood iyo Kobnaa, lagu dullaalaaye

Bahdirtii dalaaniga ahayd, Dalal ku weydeede

Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba’e

 

Deris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabaye[47]

Marreexaanka Doolow, ammaan kama dareersheene

Rabaw deyey damaashaad in ay, ugu danaystaane

 

Adoogiis nin uu duunyo dhaqay, dibeyse cayroobey

Kaftan la isku daadsaday hadduu, doodda kaga faano

Anigaa dameerlaa ka roon, taajir doorsamaye

 

Waxse aad kaga daliil qaadataan, dulucda maahmaahda

Dayaxaan madoobaadey iyo, dogobka nuuraaya

Dabciga iyo aqoontoodu waa, dawlad baan nahaye

 

Cumar soo digiigixe hadday, degin xirnaayeene

Inkasta oo la deeddamahayoo, diiqalyo is dhaaftay

Dululaatiyaal bay warmuhu, uga dusaayaane

 

Libaaxuba hadduu miid darsado, daacuftiyo foolka

Kolkuu shaarubbada dayloh, buu lulo dakaamaaye

Haddaan Eebbaheen dabanbasayn, dago ma reebeene

 

Ayaguma barqay duban karaan, ururka duujaale

Taliskaa dukhuunka ahna waa, dumin lahaayeene

Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e

 

Shaydaan dakhawlamahayaa, soo daqaaqula’e

Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye

Iyagoo aan dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane

 

Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye

Dawgooduu suu yahay haddaan, Daayin solansiinin

Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan

 

Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye

Haddaan taladu way daabataye[48], odayo daaweynin

Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin

 

Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye

Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane

Dabciga iyo aqoontoodu waa, Doollo cigallayne

 

Docda Cali Saleemaan haddii aan, yarehe daymoodo

Inkastoo aan u digey oo gunnimo, kala digtoonaadey

Dubaaqooda un baa uu bartoo, lagala soo daalye

 

Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo

Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo

Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e

 

Ninna haddii uu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado

Inkastoo aad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeertid

Dagaag kama hagaagiyo in uu, dib u gurguurtaaye

 

Cusri baa daboolaye hadduu, Saxal[49] dul gawriiro

Dhaaxaan durqumiyaye haddii, diira! laga waayey

Maxaan ficil ku doondoociyaa, beer ma soo duxa’e

 

Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene

Deexey dadkaygii isii, duul horaa yiriye

Dabciga iyo aqoontoodu waa, cananno[50] soo diiqe

 

Ibraahiinno daahay rogteen, dan iyo xeeshoode

Inkastoo ay dinnaahyaynayaan, sooma daalicine

Hadba daraf u guurguurku waa, xaal dahsoon weliye

 

Dacdii Teendhabelo maalintii, lagu duqaynaayey

Hadday hiil u soo dugukumeen, loose dari waayey

Duudyaamee gaarkood sidii, doon abaajidaye

 

Darbaddaas in ay ku hakadeen, hagari waa deyne

Iyo in ay docdooda u hareen, durayga ma aqaane

Labadaas midday ugu dudeen, looma duurxuline

 

Diraac kulul walaalkaa haddii uu, dalawo maalaayo

Adoo diiqsan xoolaha haddii uu, kaa dallali waayo

Asaad doorka kale dhaantid waa, laga ducaystaaye

 

Ninkii ina adeerkaa dilaa, daafad kuuma lehe

Waxba kama duwanid maalintuu, kuu dallaashado’e

Hanna dayrinina waa adduun, daba markiisiiye

 

Maxamuudba diririhii illow, soona dugukuurye

Matukade[51] dartiis uma galeen, dab iyo baaruude

Dirrankoodii hore baan u baran, deeg rakuubsiya’e

 

Wakhtigaa ku diray in ay bahdood, deris ku raacaane

Iskuduubna waw wada qabteen, dawdii Dhul-u-dheere

Biciidyahanka naga sii durkow, roobku waa di’ine

 

Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya

Dashiishiyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah

Nin dudumo ammaantaan ahaa, damal la’aaneede

 

Dadaw Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey

Waakaa duskii Meeladeen, lagu lagu dabaaxaaye

Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadniguye

 

Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah

Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye

Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine

 

Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey

Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye

Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine

 

Inkastoo aan diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay

Walle daguug nalaka yeel, dirindir leelleel ah

Ama diillintaan maganahay, dunidu ciiryaantay

 

Intaas oo dunuubaan qabnaa, duug iyo cusaybe

Agoon daa’imo ah baa ku badan, dooshashkii Xamare

Waxa ooryo diriglaa qalbigu, ii dawanayaaye

 

Dacluustii ku haysiyo waxaad, dininig noo sheegtay

Shiikhow haddii aan wax isu deyey, taayadaa darane

Noo soo ducee waxaad ahayd, sharaf ku doondoone



[1]  Daris =ris, caws adag oo gaagaaban oo dulka bannaan daboola.

[2]  Dahar = daar, sar

[3] Daar =feero, saab

[4] Dacas =dhib, dandarro

[5] Diilalyo = qarqaryo, gabayoox, dhaxan

[6] Deddo = qabow badan

[7] Dugid = ebyoomid, dhammaansho

[8] Diiraabid = diirin, kululayn

[9] Qaw = tuulo bariga fog ee Soomaaliya ku taal

[10] Dabarow = ceel caan ah oo Mudug ku yaal, wuxuu u dhexeeyaa xeebta Iidaan iyo Xingod

[11] Dhudub = magaalo Gallaadi iyo Goldogob u dhexaysa, waxay ku taal Kiilka 5aad

[12] Dalleensi = sahlasho

[13] Dellegan = meel la’, wax u dhimman yihiin. Wuxuu tilmaamayaa boqorka

[14] Diigdiigsi = qaab ay xayawaanka geesaha dheerdheer lihi u socdaan.

[15] Digriiryaan = dhaqdhaqaaq lala soo boodo

[16] Duunyoseeg = qof aan muqtaqbal lahayn

[17] Nin = madax

[18] Dubbo iyo Xiito = macagyo geela loo bixiyo

[19] Dooyo = col isku duuban

[20] Darmaan = fardaha dhallinta yar

[21] Dabdacalle = qori dhanka hoose dab ku leh korna caadi ka ah oo kolkii la qaado lagu gubto

[22] Adan = raxan libaaxyo ah

[23] Dhowre = maroodi weyn oo lab ah

[24] Qalanjo = Maroodiga yaryar ama kuwa dhaddig

[25] Daalac = caw cusub oo markaas baxday

[26] Nakhli = caw duug ah

[27] Dahasho = dhalid

[28] Dog =bog

[29] Doh = dhulka dixda ah oo biyuhu maraan

[30] Khayli = maro midabbo badan leh oo la huwan jirey

[31] Duuddi = dhammaan

[32] Doy = Kismaanyo

[33] Saaxil = Berbera

[34] Suuqad = siyaakhad, alaabada dumarku isku qurxiyaan sida dahabka

[35] Hangal = asay

[36] Weer = hangal, asay

[37] Dabuub = hadal, dood

[38] Tahan = in badan, in door ah

[39] Oho! = erey lagu yiraahdo awrta hogaanka lagu wado markii in ay dheereeyaan la rabo

[40] Doog = nabar biskoodey oo soo labakacleeyey. Waa mirka uu gabayga khaliif ugu magac daray.

[41] Daray = geed weyn oo miro la cunaa ka baxaan oo markii ay mirihiisu dhulka ku daataan ay caleemihiisa waaweyn oo xaabka ku qarsoomaan

[42] Darrowsho = xaqirid, liidid

[43] Abshir-Hamaan Muuse

[44] Jeneraal Maxamed Abshir-Hamaan Muuse oo uu Jeneraal Maxamed Siyaad Barre inta xabsi ku illaawey haddana ku taliyey in gabadhii uu qabey oo dalka Hindiya u dhalatay rag kale loo yeelo, ka dibna ay rag xukuumaddii ka mid ahi gurigeedii ku ordeen si ay fursadda uga faa’iidaystaan, oo ay markaas xaaskii wadaadka maxbuuska ahi ayadoo naxsan safaaraddii dalkeeda Soomaaliya ku fadhidey magan gashay. Waxaa la tuhunsan yahay in ay arrintaasi ugu weyneyd sababahii keenay in uu Khaliif Darbadaaley ka jawaabo.

[45] Daawad = sar dheer oo dabaq ah oo ay Daraawiishtii Eyl ka dhiseen

[46] Giiro-dabataag = riyaha

[47] Nin madax ah oo markaas gobolka Bari joogey

[48] Daab = xanuun uu danbarku keeno oo dhasha xoolaha caloosha ka qabta

[49] Saxal = xiddig Cirjeexda iyo Uraanada u dhexaysa

[50] Cananno = beeyo

[51] Jeneraal Cabdullaahi Shiikh-Maxamuud Xassan oo taliyaha booliska Soomaaliya mar ahaan jirey oo ka dib xabsi loo taxaabay

Enter main content here

Enter secondary content here

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com