Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

naakhuude1
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

NAAKHUUDE Q2AAD

Naakhuude 

Sheeko Cusub oo taxane ah 
Waxaa Qoray

Shaafici Xasan Maxamed

mi99mosh@chl.chalmers.se 

Waxaa lagu baahiyay AllPuntland Feb 16, 2003

 

Goortii ay naakhuude Kediye Bulxan iyo Udgoon Halac kala wardhammaysteen oo uu telefoonkii isi saaray buu khaanadihii miiska middood gacanta midig ku soo jiidey,


Qaybtii Koowaad ee Sheekada Naakhuude


Gabay: Darbadaaley iyo Doog Kiciye... WU. M. Shaafici


wuxuuna ka soo bixiyey isteeg xiran oo sigaar ah, miiska ayuuna dul saaray.

 

Intuu baakaddii weyneyd furay buu wuxuu ka soo saaray mid yar, ka dibna intuu baakaddii yarayd degdeg u furay ayuu wuxuu gudeheeda ka soo jiidey xabbad sigaar ah oo uu afka gashaday.

 

Shaarkiisii cawlka lahaa oo afarjeeblaha ahaa buu labada jeeb oo hoose isku mar labadiisii sacab oo waaweynaa geliyey; haddana labadii jeeb oo kore ayuu isku mar calaacalaha dusha ka mariyey. Dabkii uu Kediye Bulxan xabbadda sigaarka ah ku daaran lahaa afartiisa jeebba wuu ka waayey.

 

Asaga oo uu weli sigaarkii afkiisa ka soo taagan yahay ayuu khaanaddii ballaqnayd gudeheedii hoos u qooraansaday oo intuu gacanta la galay cabbaar baaray; dabadeedna intuu xoogaa riixey buu khaanad hoose xoog u soo dhiftay oo haddana xoog u celiyey ilaa ay sharqan weyni ka yeertay.

 

Kediye Bulxan labada khaanadood oo uu furay midna kama uu helin qalabkii uu xabbadda sigaarka ah ku shidan lahaa, wuxuuna miiska dushiisa ka qaaday isteeggii oo aan daboollayn oo ay gudihiisa safan yihiin baakado badan oo sigaar ahi. Dhaqso ayuu, asaga oo gacnaha ku haya, isteeggii isugu aabburay oo khaanaddii furnayd si qaabdarro ah ugu dhex tuuray.

 

Baakaddii yarayd waxay weli ayada oo afbannaan oo midabkeeda in korka dahab laga mariyey la moodo dul gorofsan tahay miis ayada u midab dhow, oo naakhuudaha hortiisa ah. Kediye Bulxan tartiib buu u fariistay, wuxuuna jirjir isugu tiiriyey kursigiisii madoobaa oo jilicsanaa.

 

Xabbaddii sigaarka ahayd, oo bushumihiisa waaweyn dhexdooda cabbaar ka dhookaysnayd, wuxuu hadda ku haystaa gacan uu bawdadiisa midig dul saaray oo murugsatada iyo fardhexada ayuu ku xajinayaa.

 

Ganbaleel uu batoonkiisu derbiga khaanadda u dhow ka soo likaysnaa buu gacantii uu sigaarka ku hayey la aadey si uu qolka Batuulo Xaange u garaaco, wuxuuna inta qoslay iskula hadlay:

”Bal Shuuriye Magan iyo kuwa aynigiisa ahi inta ay dumarka dulacyadooda shilimada yar oo ku jira u kala dhuumanayaan may markabka hawlihiisa wax ka wadaan oo wixii calafkooda ah afka ku dhuftaan!?

 

Haddii ay rag noolaan kara yihiin kumannaan jigo ayaan ku martigelin lahaa. Saraakiisha sarsare oo aniga igu xiga kolley wakhtigaan xaadirka ah ma ay noqon karaan, hase ahaatee maamullada hoose laamohooda kala duwan, sidda bangiga iyo hoteelka, ayaan ku miidaamin lahaa oo ay ku madax qarsan karaan, ama gacanyareyaal bay hay’adaha sarsare ka noqon lahaayeen.

 

Kolley injineerro farsamo cilmiyaysan yaqaan ma ay aha oo aqoon mashinka iyo korontada uma ay laha, hase yeeshee sagxadaha iyo saqafyada dabaqyada markabka dadka hadda u magacaabani ayaga kama ay qabiil fiicna, kamana ay iimaan la’a.

 

Badmaaxyada, dayactireyaasha, kabalyeeriyada, kariyeyaasha, kuwa matoorrada sifeeya, dadka rakaabka caawiya iyo qaarka kale oo in ay tababar khibrad korodsi ah sameeyaan wax ku cuna kama ay waayeen boos ay isku kakabiyaan oo ay wax ka dhedhemiyaan.

 

Midka liiskaan magaciisu ugu horreeyaa noloshiisa ma wuxuu ku dhammaysanayaa in ay ku shaqaystaan kuwo fulayo ah oo sidii ay been u shubayeen qawlaladu madoobaadeen!? Waagii uu naakhuuda-ku-sheegga ahaa markabku halis xun buu ku jirey, maxaa yeelay nin wada lama aqoon; dabadeedna barqadii baa asaga oo ilmirigle ah oo aad u xaqiran qolkaan laga saaray.

 

Dadka meesha lagu soo qoray intooda badan waa laga danbaajiyey, waxaana ugu miskiinsan oo ugu maangaabsan kuwa liiska loogu hor mariyey. Waayadii hore oo aannu nimanka kulkulul is xaniinyo taabanayney kuwaan badankoodu waxay markabka kaga shaqayn jireen qado iyo qaad ay hal mar u fariistaan.

 

Raggu waa is yaqaane ma markabkaan wareersan oo noqday ’geel ninkii dhicin lahaa dhacayo’ ayaan kala tashanayaa dad aan weligay aqiin oo makhaayadda digsiyadeeda walaaqayey iyo kuwo aan reerkaba meel loo raray aqoon ilaa gaadiidka la dareeriyo? Qolka asluubta waa in…….”

 

Waxaa Kediye Bulxan isla hadalkii ka kala goysey Batuulo Xaange oo ayada oo qoslaysa u soo gashay. Horay bay ka fahantey baahida naakhuuduha.

Goortii ay saaka qolka ka shaqaynaysey waxay ka bilawday in ay soo daadiso danbas badan oo uu Kediye Bulxan shalaygalab haashtariig miiska saarnaa ka buuxiyey. Markii ay weelkii yaraa soo nadiifisay bay qalabkii uu naakhuuduhu sigaarka ku shidan jirey inta miiska ka qaadday waxay labadiiba dhigtay kabarka daaqadda; ka dibna qolkii oo dhan bay hagaajisey.

 

Aad bay uga xun tahay in ay saaka daaqadda ku illowdey alaabtii balwadda naakhuudaha, waxayse hubtaa in aan arrintaas awgeed shaqada looga eryayn, maxaa yeelay maalin kasta Kediye wuxuu u sheegaa in uu xaasaskiisa ka jecel yahay oo uu rajaynayo in ay labadoodu aakhiro jannada dhexdeeda isku guursan doonaan!

 

Inta ay ifka adduunka ku wada nool yihiin wuxuu ka ballan qaaday in uu maalin walba dhowr jeer meel kasta ka dhunkan doono. Wuxuu kale oo qabatimay in mar walba oo uu markabku magaalo dakad leh ku hakado uu hadiyad qalbigeeda dejisa u soo gado.

 

Isla markaas wuxuu dareenkeeda ku abuuray kalsooni iyo saaxiibtinimo oo wuxuu ka dhaadhiciyey in uu keligeed ku qarsado siro waaweyn oo uusan cid kale ku aamineen. Waxay ku heshiiyeen in ay har iyo habeen labadoodu wada xantaan dadka kale oo xafiiska naakhuudaha ka shaqeeya iyo saraakiisha asaga ka hooseeya.

 

Hadda waxay, ayada oo qoslaysa, daaqadda kabarkeeda ka soo daftay haashtariig yar oo dhalaalaya iyo jantefiigar cagaaran. Saxankii danbaska waxay tartiib u dhigtay naakhuudaha hortiisa, jantefiigarkiina waxay ayada oo gacanta ku haysa la soo fariisatay kursi miiska weyn oo naakhuudaha geeskiisa yiil.

 

Kediye Bulxan lugtiisii midig buu inta kor u qaaday bawdadiisa bidix dul saaray. Asaga oo faraxsan ayuu Batuulo-Caddey xaggeeda u soo jeestey, wuxuuna sigaarkii uu gacanta midig ku haystey u soo taagey dhankeeda.

 

Calaacashiisa bidix wuxuu markiiba saaray lawga iyo bawdada Batuulo Xaange dhexdooda oo ay goonnadii gadaal uga xaydantey. Wuxuu saaxiibtiis ku eegayaa indho koodadka duuduub badan ku leh.

 

Shaarka Kediye oo cawlka leh guluusyadiisa kore way furan yihiin, oo shafkiisa waxaa ka buuxa timo daacuf ah oo cirro u badan oo ilaa surka hawd la moodo.

Batuulo Xaange xoogaa bay naakhuudaha xaggiisa u soo kuurkuursatay oo kursigii soo durugsatay, waxayna ayada oo Kediye Bulxan isku lammaaninaysa dab olol gaduudani ka baxayo ku holcisey xabbaddii sigaarka ahayd oo uu naakhuuduhu xaggeeda u soo taagayey caaraddeeda.

 

Markii uu Kediye Bulxan sigaarkii shidnaa afka la aadey bay Batuulo gacanta naakhuudaha midigteeda ku taataabatay. Waa gacan xaad badan oo ay calaacasheeda weyni bawdada gaduudan oo Batuulo Xaange dusheeda marmarayso. Cududda kuusan iyo dhudhunka weyn oo naakhuudaha ayey Batuulo-Caddey calaacasheeda jilicsan oo faraha dhuudhuuban leh tartiib ugu xoodaaminaysaa.

 

Naakhuude Kediye Bulxan iyo Batuulo-Caddey waxaa dushooda iyo hareerohooda heehaabaya qaac cad oo sanbabbada naakhuudaha ka soo noqdey, wuxuuna asaga oo xoogaa dhibtii siyaasadda markabka illaawey danbas dheer oo tubaako iyo warqad gubtey ah ku bitinayaa haashtariiggii ay saaxiibtiis haddaayey hortiisa dhigtay gudihiisa.

 

Kediye sigaarkii oo uusan kala bar cabbin ayuu wuxuu saaray haashtariigga qarkiisa, wuxuuna asaga oo daacad u eg u soo sikaday Batuulo-Caddey xaggeeda.

Labadiisii sacab oo korka duuduubka badan ku lahaa buu wuxuu hoos ka xulinayaa goonnada Batuulo Xaange, ayaduna waxay calaacalo nadiif ah oo dushooda rooxo bislaatay la moodo ku maraacinaysaa gacnaha odayga oo uu dubkoodu suun biciid u egyahay, waxayna ku eegaysaa indhiho uu hadda indhihiisa ka jecel yahay.

 

Kabeheedii cirbaha dheerdheer lahaa way iska siibtey oo waxay mid ganbooni taallaa kursiga ay ku fadhido hoostiisa, middii kalena naakhuudaha agtiisa ayey sidii baabuur gaddoomey dhinac u gorofsan tahay, oo ciribteedii fiiqnayd miiska xaggiisa ayey u jeeddaa.

 

Batuulo-Caddey weli kursigii quruxda badnaa bay ayada oo kala fidsan oo aan cidna ka qoloonayn ku barakaadsan tahay, waxayna naakhuude Kediye Bulxan oo gogosha cagaheedu yaalliin jilbajooga ku wada hadlayaan ereyo qubane ah oo aan siyaasad ahayn. Waa hadal aan qabad lahayn, hase ahaatee ay naftooda iyo dareenkoodu aad u jecel yihiin.

 

Xabbaddii sigaarka ahayd meesheedii bay legdoon tahay ayada oo jirriddeedu dadka xaggooda soo xigto, waxaana afkeeda oo qolka iriddiisa u sii jeeda ka mulufaadaya qaac dhuuban oo qalqalloocan. Haashtariigga dhinaciisa woqaayi waxaa si dacdarro ah u kala fidsan dhanbaalkii dheeraa oo ay Kediye Bulxan dadka necebi ugu baaqeen, kaas oo uusan weli naakhuuduhu akhriyin.

 

Batuulo Xaange markii ay haddaayey qolka soo gashay waxay illowdey in ay albaabka riixdo, naakhuuduhuna ma uu xasuusin oo malaha xaraaraddii sigaarka ayaa miyirka ka qaadday.

 

Hadda Batuulo-Caddey codkeedu aad buu u dheer yahay aadna wuu u macaan badan yahay, albaabkiina wuu ballaqan yahay, oo qolalka debedda ah waa laga maqli karaa haasaawaha furfuran oo ay Kediye iyo Batuulo isku lisayaan.

 

Batuulo wax aan naakhuudaha in ay ka farxiso ahayn niyad iyo fursad midna uma ay hayso, mana ay ku baraarugsana albaabka cad oo ayada iyo naakhuudaha xaggooda u soo jeeda iyo iridda haawanaysa oo sawdkeeda jilicsani uu tooska uga baxayo.

 

Kediye Bulxan waa waayo-arag waxyaalo badan soo maray oo muddo dheer siyaalo kala duwan u soo noolaa. Digtooni xumo weligiis laguma sheegin, hase ahaatee maanta qayrumasuul buu u dillaacay. Waraaqdii baas oo u timid, sigaarkii jaan oo uu dabka u waayey, masayrkii belo oo ay Udgoon Halac xalay Shuuriye Magan ka farxisay iyo Batuulo-Caddey oo uusan tan iyo shalay wakhti u helin ee uu kaga mashquulay shirar aan faa’iido lahayn ayaa maanta baday in uu qol furan dhexdiis ku farxo, oo codkii keligiis lagu maaweelin lahaa duulal kale la qaybsadaan.

 

”Fuley xantiis ma mooga” oo Kediye Bulxan hadda ayuu walwal dareemay. Iridda qolka oo afka soo kala haysa iyo gabadha indhaha waaweyn oo ay xabiibka isu yihiin oo hortiisa bilgaxan midkee buu wax ka qabtaa!?

Batuulo Xaange qudheedu hadda……..

U taagnaada Naakhuude waa, sheeko taxane ahe!

 

La Soco Qaybta xigta idan EEBBE

xigasho allsomali.com

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com