Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

WAXBARASHO1
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

ARAGTIDA DADKA

SOOYAALKA WAXBARASHADA SOOMAALIYA

Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar kala duwan. Waxaan qormadaan ku soo bandhigi doonnaa marxaladihii kala duwanaa ee waxbarashada dalku soo martay, iyadoo aan u kala qaadi doonno xilliyo kala duwan kuwaas oo kala ah:

1- Marxaladdii Isticmaarka ka hor.
2- Marxaladdii Isticmaarka
3- Xukuumadihii Rayidka
4- Xukuumaddii Kacaanka
5- Marxaladda Burburka

1- WAXBARASHADA SOOMAALIYA ISTICMAARKA KA HOR.

Tacliinta Diiniga:
Marxaladdaan waxbarashada dalka ka jirtay waxay ahayd tacliinta diinta. Marka ardaygu gaaro xilliga uu wax karo ayaa markiiba la geyn jirey dugsi quraan si uu yaraanta ugu xifdiyo quraanka kariimka, barashada quraanka oo ah ilaa maanta mid ka jirta deegaannada dalka oo dhan waa mid eebbe ku mannaystay bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah waana tilmaanta koowaad ee lagu garto qofka soomaaliga ah oo goobo caalamka islaamka ka mid ah looga yaqaan (Dadkii Quraanka).
Macallinka quraanka bulshada dhexdeeda wuxuu ku leeyahay ixtiraam iyo qaddarin gaar ah iyadoo Goobaha miyiga ah loo xoola gooyo noloshiisana meel la saaro, dhulka beeraleyda ahna waxaa loo diyaariyaa ciidan beertiisa fala. Waxaa jira in marka hore oo macallinka ardayga loo dhiibayo waalidku uu u bandhigayo macallinka una muujinayo in ardaygaas uu la doonayo barashada quraanka kariimka kuna oranayo:( Macallinow Lafta aniga ayaa leh hilibkana adiga).taasi oo macnaheedu yahay in macallinku canaanta waxbaridda aysan ka reebbanayn waana sida uu sharcigu qabo. Barashada quraanka kariimka waxaa laga dhaxlay xikmado fara badan oo ay ka mid tahay mid tilmaamaysa dhawr waxyaabood oo uu ku najaxi karo ardaygu kuna baran karo quraanka si sahlan, waxayna xikmaddu leedahay ( Quraan waxaa lagu bartaa haddii la helo Macallin qaari ah, Arday qaylo dheer iyo waalid wax quura). Tani macnaheedu wuxuu yahay in xilka saaran macallinka oo laga doonayo yahay inuu ardayga waxbaro, tan ardayga oo ah inuu dadaalo iyo midda waalidka oo ah inuu daryeelo ardayga iyo macallinka, waxaa kaloo laga dhadhansan karaa xikmaddaan in loo baahan yahay inay isku xirmaan yeeshaanna xiriir joogto ah ardayga, macallinka iyo waalidkaba si loo xaqiijiyo hadafka ah waxbaridda dhallaanka.
Marka ardaygu dhammeeyo quraanka isla mar ahaantaana uu naqtiimo wuxuu u xeraysan jirey xarumaha cilmiga diinta laga raacdo kuwaasoo u badnaa dhul xeebeedyada, waxaana ka mid ahaa goobahaas Seylac, Warshiikh, Banaadir, Marka iyo Baardheere. Xarumahaan cilmiga waxay soo saareen culumo fara badan oo ka qayb qaatay faafinta diinta islaamka.


2. WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII ISTICMAARKA
Gumeystihii reer yurub ee qaybsaday dalka waxay billaabeen inay aasaasaan dugsiyo raacsan kaniisadaha kala madaahibta ah oo ay wateen. Dugsiyadaan bulshada Soomaaliyeed kuma aysan degdegin iyadoo cuqdad inta badan ay ka qabto ayaa haddana waxaa jiray in dadka saboolka ah carruurtooda iyo kuwa aanan dadka lahaynba ay dugsiyadaas hoy u noqdeen.
Waxbarashada xilligaan ma ahayn mid tayaysan ujeeddada gumeystuhuna waxay ahayd oo kaliya inuu soo saaro kuwo isaga u adeega, aqoonta uu barayna aysan dhaafsiisnayn turjubaan, karraani, nadiifiye, waardiye iyo kuuknimo( o kariye).
Xornimada ka hor waxaa kaloo jiray dadaallo gaar ah oo ay sameeyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo dibadda wax ku soo bartay isla mar ahaantaana ahaa aabbayaashii waxbarashada casriga ah kuwaas oo kala ahaa Max’uud Axmed Cali oo waqooyiga dalka ku baahiyey tacliinta casriga ah iyo Macallin Jaamac Bilaal oo kaalin mug leh ka soo qaatay dhidib u taagidda tacliinta casriga ah ee koofurta dalka. Waxaa kaloo xusid mudan xillligaan inay kaalin firfircoon ay lahaayeen bicsadii Azhar oo markii ugu horreysay dalka soo gaaray sanadkii 1952kii isla mar ahaantaana Machadkii ugu horreeyey ka furay muqdisho 1959kii, sidoo kale ayey dhiggiis ka fureen burco 1960kii.

3- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII XUKUUMADAHA RAYIDKA

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay muqdisho, sidoo kale ayey jireen Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Wershadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaan dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyoCarabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan sidaas darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen.Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayeywaxay gaarayeen 1500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka. Tani markii dambe waxaa laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada oo markaas talada hayey.


4- WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA

Markii ciidamadu la wareegeen talada dalka 1969kii waxaa isbeddel ku dhacay nidaamkii tacliinta ee dalka maadaama mabaadi’ cusub oo dalku ku dhaqmayo lagu dhawaaqay. Xilligaan tallaabta uu kacaanku u qaaday dhanka tacliinta waxaan u kala qaadaynaa mid uu ku ammaanaa meelaha qaarkood halka lagu dhaliilayo meelaha qaar.
B- Dhanka Ammaanta:
1- Baahinta tirada dugiyada gobollada iyo degmooyinka dalka.marxaladdaan waxaa dalka oo dhan la gaarsiiyey dugsiyada, si mar qura gobollada iyo degmooyinka oo idili isula jaan qaadaan oo tacliin mideysan loo helo.
2- Qoridda afka Soomaaliga. Qoridda afka Soomaaligu wuxuu mideeyey Manhajka waxbarashada marxaladaha aasaasiga ee dalka oo dhan.
3- Waxbarashada lacag la’aanta ah. Waxbarashada xilligaas jirtayoo ahayd mid lacag la’aan ah waxay suuragalisay inay waxbarashada u sinnaadaan qaybaha bulshada hodan iyo saboolba.
4- Soomaaliyeynta Manhajka waxbarashada ee marxaladda aasaasiga.manhajkii waxbarasho oo la soomaaliyeeyey wuxuu sahlay waxyaabo fara badan oo dahsoonaa iyo in la isu soo dhaweeyo kala duwanaanshihii luuqadaha waxbarashada.
5- Abuuridda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(J.U.S). Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (J.U.S) waxay soo saartay aqoonyahanno badan oo kala taqasusyo duwan isla mar ahaantaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax taray.
6- La dagaallanka Jahliga. Waxaa tusaale wanaagsan u ah Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu ciribtirayey jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taasoo ciribteeda la mahdiyey.

T-Dhanka Dhaliisha:
1- Tacliinta oo ku soo koobatay gacanta Dawladda.
2- Faafidda Laaluushk, Qaraabaysiga iyo Kooxaysiga oo nidaamka waxbarasho xilliyadii cimriga kacaanka ugu dambaysay ku batay.
3- Fasaadka akhlaaqeed oo ka muuqanayey hay’adaha waxbarashada.
4- Dhoofka aqoonyannadu dalka uga hayaameen.
5- Daryeel la’aanta Macallika Soomaaliyeed.
6- Dabbaqidda Nidaamka Waxbarasho ee Markiisamka.
7- Soo saaridda qaraarkii shaqada qaranka ee labada sano taasoo dhalisay in ardaygii maskaxdiisa ka mayranto wixii uu soo bartay.

5-WAXBARASHADA SOOMAALIYA BURBURKA KA DIB(Waqtiga Xaadirka).

Sida ay u jirtay xilliyadii hore dhaliil iyo ammaan nidaamyadii waxbarasho ee xilligaan ka horreeyey ayuu nidaamka wax barasho ee hadda jira uu leehay dhan san iyo dhan u baahan in la saxo.

B-Dhanka Ammaanta:
1- Hay’adaha gaarka loo leeyahay oo gacanta ku hayo waxbarashada dalka.
2- Tartan wanaagsan oo u dhaxeeya hay’adaha waxbarashada gacanta ku hayo si loo helo waxbarasho tayeysan.
3- Kororka Jaamacadaha ahliga ee dalka.
4- Deeqaha waxbarashada dibadda ee ardayda Soomaaliyeed oo aad uga badan xilliyadii hore.
5- Wacyiga diiniga ee ardayda maanta oo aad uga sarreeya kuwii hore.

T- Dhanka Dhaliisha:
1- Burburka baahsan ee soo gaaray hay’adihii waxbarashada sida wasaaraddii waxbarashada iyo tii tacliinta sare.
2- Maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hay’adaha waxbarashada.
3- Macallimiinta tababaran oo aad u yar.
4- Kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya.
5- Waddaniyadda iyo aqoonta bii’ada Soomaaliyeed oo aad ugu yar ardayda maanta.
Haddaba iyadoo tacliinta uu saldhig adag u ahaa Macallinka Soomaaliyeed dhammaan Marxaladihii kala duwanaa ee aan soo xusnay ayaan jeclaystay inaan tixdaan gaaban ku xuso kaalinta muhiimka ah ee uu kaga jiro bulshada.

MUDNAAN MACALLIN BAA LEH (Maanso)

Mugdigiyo iftiinkiyo
Munkarkiyo macruufka
Ma ay wada ekayne
Maashaa allaahuye
Munazalka quraankaa
Middaas marag kacaayee
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mawjadaha aqoonta
Mirihii ka soo baxay
Midigtaan ku haynaa
Mufti caalimaa iyo
Maahir muhandisaa
Madaxdii wax maamusha
Muruqood ma maaline
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Maraakiibta quusta
Miigga duula meel sare
Marshadood kuwii hayey
Milateri ma jeestaa
Meeleeya maatada
Musuq aanan oggolayn
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mashxaradda arooska
Midkuu eebbe ka uumo
Markuu miimka karoo
Maskaxdiisu bislaato
Malcamaddii quraankiyo
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Ma daalaha abwaanka
Masaxaayey murugtii
Malaayiin kunoo beyd
Maskaxdiisu qaadday
Markuu maago maansada
Murtidiisu wacan tahay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Milkiilaha mashruucyada
Maalqabeenka muxsinkaa
Masaakiinta quudiya
Midigtiisu furan tahay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Mashaa’ikhda masallaha
Masjidkiyo minhaajka
Mataankooda uu yahay
Maalintiyo habeenkii
Majliskay ahaadaan
Malaa’igtu xusaysay
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh
Ma tacbada bur weynaha
Ma gudbaha ka sii daran
Markay soo majiirtaan
Masayr uu madax qaadoo
Maqaamkooda gaaraan
Magacood kor ahaadoo
Matalkoodu sarreeyo
Muwaadiniinta oo idil
Midkay ka aflaxaayeen
Mudnaan macallin baa leh.

C/qaadir Max'ed Xasan
Wakiilka Somali Education ee Muqdisho.
Email:Himilo124@hotmail.com

xigasho Somaliedu.com

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com