Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

shire jaamac
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

Enter subhead content here

Shire Jaamac: Xiddig dhacay

Af-soomaaliga

Labaatan sano ku-dhowaad goor laga joogo, jeerkii uu Muuse Galaal iishay, ayaan wargeyskii Xiddigta Oktoobar waxaan ku qoray maqaal baroordiiq ah oo ku magacawnaa “Xiddig dhacay”, maantana – allaylehe – xiddig kalaa dhacay, haddiiba geeridii Shire Jaamac lagu soo warramay.

Sidayda oo kale, ninkii yiqiinnay amaba la soo shaqeeyey wuxuu maqalka geeridiisa ka dib ku qasban yahay cabbaar intuu hogto inuu dib u milicsado, una bogo hawlihii waaweynaa ee uu ka soo qabtay daboqabasha dhaqankeenna iyo milgo-u-yeelidda afkeenna. Xusuusta qofkii yiqiinnay waxaan marna ka baabi’i karin mintidnimadii iyo miiggaanaantii uu hawshaas ku soo qabtay; labadaas oo ah labada tilmaamood ee ugu waaweyn, shaqsiyad ahaanna uu ku sifeysnaa. Noloshiisa intii badnayd ayaa waxaa la hubaa inaanu ka shaqayn wax aan ahayn sidii afsoomaaliga loo qori lahaa, taas oo waafaqsanayd, ahaydna qodobka 5d ee axdiga Xisbigii SYL: xisbigii hoggaamiyey halgankii gobannimada lagu helay sannadkii 1960kii. Iyadoo aysan marna qabri-ammaan iga ahayn, ayaan waxaan ku doodi karaa Shire inuu ka mid ahaa dad soomaalida dhexdeeda waayadaan ku tiro yar oo mar walba u diyaar ah danta guud inay ka hormariyaan middooda u gaarka ah.

Bartamihii kontomeeyihii qarnigii 20aad ayuu ku qancay haddii aan afsoomaaliga la qorin oo aan ardada soomaalida wax lagu barin, ummaddeenu inay dhinaca maskaxda gumeysi kaga jiri doonto, xataa haddii, ciidan iyo maamul ahaan, gumeystayaasu, ay sannadka ‘60a, dalka shadaaftooda ka qaataan. Marka laga reebo kooxo tiro yar oo dhaxalka hiddahoodu la liito, soomaalidu, guud ahaan, iskuma diiddanayn in afka la qoro, su’aashuse waxay ka taagnayd “sidee loo qoraa amaba xarfahee lagu qoraa”. Maalintaas waxaa goobta yiilley faro siddeed iyo toban gaaraya oo aqoonyahanno soomaaliyeed ay qoraalka afkeenna ku habeeyeen: sida farsoomaalidii Cismaan Keenaddiid, xarfihii carabiga ahaa ee uu Ibraahin Xaashi qaadashadooda u halgamaayey, kuwii laatiina ahaa ee uu Shire Jaamc u ol’oolaynaayey. Xuseen Shiikh Axmad ‘Kaddare oo isna xarfo cusub la shir-yimid iyo weliba qaar kale. Xarfahaas laatiinka ah, xarfaha roomaankana waa la yiraahdaaye, ayuu Shire aad ugu qancay, taas waxaa ka soo gaarey dhibo badan oo sokeeye iyo shisheeyeba ay u geysteen. Waxaa ka dhaadhacday, waayuhuna ay u rumeeyeen, cilmi ahaan, inay xarfahaasi yihiin kuwa ugu habboon ee dhawaaqyada afsoomaaliga loo adeegsan karo. Hayeeshee, dan laga lahaaba, fikraddaas iyada ah waa lagu cambaareeyey. Waa lagu dhagxiyey, waa la caayey, minankiisii baa lagu weeraray, waxaana tuhun la geliyey muslinnimadiisa! Dadweynihii allihiis alle ahaa ayaa afka loogu tiray, “laatiin waa laa-diin” iyo “waa far-gaalaad”; halkudhegyadaa oo ay inta badan hirgeliyeen kooxihii xarfaha carabiga ah taageersanaa iyo weliba dowladaha carabta qaarkoodii iyaga wax la wadey oo faroggelin ba’an ku hayey farta ay soomaalidu afkeeda ku qoran doonto. Waxay ku andacoodeen xarfaha laatiinka oo la qaataa inay soomaalida diinta ka fogeyneyso; taasna si xoog leh ayuu Shire ugu gacansayray, wuxuuna wargeyskii la oran jirey “Corriere della Somalia”ee aftalyaaniga Xamar kaga soo bixi jirey, 16kii Maarso 1957kii ku faafiyey maqaallo badan oo uu arrintaas ku diidan yahay. Waxaa ugu caansanaa maqaalkii ku magacawnaa “Non dobbiamo odiare l’occidente e la scrittura latina’oo macnihiisu yahay “ma aha inaynu reer-galbeeda iyo farta laatiinka aynu nacayb u hayno”. Wuxuu halkaas soomaalida ugu caddeeyey Indoneesiya, Turkiya iyo dalal kaleba inay qoraalka afkooda u adeegsadaan xarfo aan carabi ahayn oo laatiinku ku jiro, isla markaasna aan muslinnimadooda cidina shaki gelin karin. Wuxuu kaloo maqaalkaas ku sheegay, haddaynu farta laatiinka qaadanno, aqoonta ballaaran ee afafka reer-galbeedka ku qoran inaynu si fudud ugu dhaadhici karayno, isla markaasna ayna u baahan doonin teebab iyo makiinado hor leh oo wax lagu daabaco. Wuxuu ku soo ebyey, “Dhaqanka wax-gumeysiga Reer-galbeedku waa wax, waxbarashada iyo ilbaxnimaddoduna waa wax kale oo aynu uga faa’iideysan karayno sidaynu haddaba ugu faa’ideysanno tabarta korontada oo laga warqabo wax maskaxda ree-galbeedku curisay inay tahay”.

Sidaas darteed ayuu ugu caqli-celiyey dadweynihii soomaaliyeed ee saameynta maankiisa loo tartamayey. Xukuumahidii soomaalida ee gobannimada kadib dalka hoggaaminayey, lana rabey isla markiiba inay arrinta qoraalka farta go’aan ka gaaraan, way ka gaabiyeen. Siyaasadihii wax wax-kala jiidasha ee xisbiyada ayey arrintaas ahmiyadda weyn lihi ku dhexluntay. Farihii goobtaa la keenay waa la kala dooran waayey, waxaana ugu wacnaa, “mudane hebel tixgeli iyo dawlad hebla’ yaan laga careysiin”.

Si kastaba ha ahaatee, 1961kii ayey xukuumaddii Ra’iisul-Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxay magacowday guddi ka kooban aqoonyahanno soomaaliyeed oo uu Muuse Galaal guddoomiye u ahaa. Xilka la saaray wuxuu ku koobnaa arrinta qoraalka afka iyo farta loo adeegsan inay kala soo taliyaan. Warbixintii guddigaasi soo saaray iyo 1966kii mid uu soo gudbiyey guddi ka socdey Jamciyadda Qaramada Midoobey, laanteeda Sayniska iyo Waxbarasha ee UNESCO loo yaqaan waxay labaduba ku taliyeen in afsoomaaliga lagu qoro far-laatiinka uu Shire Jaamac afka u habeeyey. Sababo badan oo xagga farsamada ah ka sokow, waxay malaha taasi ku timid Shire oo maaro u helay raggii’isaga ka horreeyey ee laatiinka adeegsatay waxay maaro u waayeen. Wuxuu markii ugu horreysey adeegsaday xarfaha x, c iyo komada oo uu u isticmaalay shibbaneyaasha kala ah x’da, caynka iyo hamsada.

Warbixinnada labadii guddi waxba kama beddelin go’aan li’idii xukuumadihii soomaalida ee xisbiga SYL laga dhisi jirey, hase ahaatee Shire wuxuu ka sii qaaday mintidnimo iyo miiganaan hor leh. Bartamihii lixdameeyihii ayuu go’aansaday inuu soomaalida tuso oo taabsiiyo fartiisu inay dhaqan gal noqon karto. Waxay ahayd shaqo aad u dhib badan, maxaa yeelay waxay ahayd mid uu nintooxsi ku qabanaayey. Waxay ahayd markii uu bilaabay joornaalkiisii caanka noqday ee marsoobaxa ahaa, lana oran jirey, “Itiinka Aqoonta”; kaasoo uu ku soo bandhigi jirey gabayo, maahmaaho iyo sheekooyin soomaaliyeed oo aan isaga ka hor weligood cidi qorin. “Iftiinka Aqoontu”wuxuu boqollaal dhallinyarah oo aan ku jiro ku qanciyey suugaanta iyo murtida soomaalidu in aaney waxba u ogeyn suugaanta reer-galbeedka iyo kuwa carabta ee muddada dheer qornaa.

Sannadkii 1971kii guddigii af-soomaliga ee ay Dowladdii Kacaanku magacawday ayuu Shire xubin ka noqday, bishii Oktoobar ’72kiina wuxuu u soo joogey iyadoo qoraalka afka loo qaatay fartii uu isagu habeeyey oo tabteedii ah. Waxay ahayd isla fartii uu isagu lixdameeyadii u adeegsan jirey wargeyskii la baxay Iftiinka Aqoonta, haseyeeshee sina magaciisa looguma xiriirin oo looguma xusin! Wuxuu filaayey in, heer qaran ahaan, loo aqoonsado qaybtii uu ka soo qaatay xoraynta maskaxda ummaddiisa iyo dedaalkii uu ka muujiyey dhinaca bedbaadinta suugaan iyo murti badan, oo isaga la’aantiis, aan maanta gacanteena ku jirteen. 1973-kii wuxuu Agaasime Guud ka noqday Akademiyadii Dhaqanka ee sannadkaas la abuuray. 1978kii wixii ka dambeeyey wuxuu ku-qaybsanaha arrimaha dhaqanka ka ahaa Saafaaradihii Soomaaliya ee Qaahira iyo Stockholm.

Sannadkii 1936kii ayuu Wardheer ku dhashay, gudaha dalka ka sokowna, wuxuu culuunta afafka iyo suugaamaha ka raacday jaamadaha ku kala yaal magaalooyinka Qaahira, London iyo Moosko. Bilawga bishii Jannaayo ee sannadkii ’99ka ayuu ku geeriyoodey magaalada Stockholm ee dalka Swedan. Intii afsoomaaliga la qoray ka dib qoraallada uu soo saaray, lana daabacay waxaa ka mid ahaa laba sheeko oo la kala yiraahdo ‘Halgankii Nolosha’ iyo ‘Rooxaan’ iyo weliba ‘Naxwaha Afsoomaaliga oo ah naxwaha madiga ah ee af-soomaliga qoran, aqoonyahan Soomaali u dhashayna uu dejiyey, amaba ugu yaraan, isaga oo daabacan, inta aan og nahay, la faafiyey.

Ugu dambeystii, Shire allaha u naxariisto. Wuxuu dhintay isaga oo ku faraxsan, intii uu noolaa, inuu ummaddiisa wax u qabtay, dedaalkiisiina uu miro-bixiyey. Dhinaca kalena, wuxuu dhintay isaga oo ‘abaaldhac qaran’ tirsanaya, taasoo iyadana uu ku gar leeyahay. Waxaanse hubaa oo aan ku laab-qaboobahay kolkii ay soomaalidu isu soo noqoto ee ay qarannimadeeda soo ceshato, kolkii ay miyirsato ee ay dib u soo kacdo, kolkii ay taariikhdeeda iyo taariikhda afsoomaaliga gadaal u milicsato, kolkaas oo qura inuu Shire heli doono maamuuska uu mudan yahay ee ay maanta waayuhu isgefsiiyeen.
W.Q.:Axmad Faarax Cali ‘Idaajaa’


Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com