Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

Afsoomaaliga
Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

SOMALI( af xasili la' )

waxaa la hubaa in afka soomaaligu yahay af hodan ka ah murti iyo madadaalaba. waa af ballaaran oo ay ku hadlaan dad malaayiin gaarahaya. hase yeeshee waxaa waligeed yarayd inta isu xilsaarta ka hadliddiisa iyo toosintiisaba.

ammin aan sidaa u fogayn ayaan qoray qormo kooban oo sawir guud ka bixinaysay sida uu afku yahay meelaha ay tahay in wax laga qabto iyo erayada badan ee soo soomaaliyoobaya.

waxaa dhab ahaantii aan helay dad badan oo arrintaa xiisaynaya, habkii ay u mari lahaayeense garan la' .

waagii dalku dhaqnaa, kacaankuna cusbaa waxaa joogay tiro dad ah oo isku hawli jiray sidii afkani u xasili lahaa oo ula mid noqon lahaa afafka kale ee dunida ee fartooda laatiinka u doortay.

waxaa jiray kala duwanaan farihii badnaa ee la soo bandhigay ee tartanka u oo galay inay noqdaan fartii qaranku ku shaqayn lahaa u dhexeysay. tusaale ahaan farta cimaaniyada iyo farta laatiinka ee ah midda aan hadda wax ku qorayno ayaa waxa ka jira kala duwanaan badan. ka hadli mayo jaadka farta ee habdgigaalka iyo hanaanka mid walba ayaa kala geddisan . tu' kastana waxaa loo dejey nimaam u gooni ah. waxaadse mooddaa in aysan kala faa'iidaysan labada farood. waayo markaan eegno tirada shaqalada farta laatiinku waa shan shaqal oo dheerdheer iyo shan shaqal oo gaagaaban (AEIOU-(AAEEIIOOUU). halka tan cismaaniyadu ka leedahay toban shqal oo dheerdheer iyo toban shaqal oo gaagaban.

shaqalada dheeriga ah waa kuwa culus oo kas uu guddigii farta doortay uga tagay in lagu daro alifba'da.

waxaa kale oo iyana jira laba shay oo kale oo farta cismaaniyada qofkii wax ku dhigahayaa ay muhiimad gaar ah siinahayo oo aanu marna ka tagahayn. Harreedka(hamzaha) oo shibanayaasha ku jira oo sida xaraf u qoran oo aan lagaba tegin marka alifba' da la qorahayo. oo haddii caruur loo dhigi lahaa ay ku barahayaan si fudud maadama ay alifba'dii ugu jirto. iyo reebniinka (diphthong) (y, W) oo isagana si cad loogu qeexay alifba'da.

waxyaabaha kale ee farta cismaaniyadu leedahay waxaa ka mid ah shaqallada gaagaaban iyo kuwa dheerdheer oo kala dhigaal ah, tan gaaban laba goor lama qoro sida tan laatiinka oo kale ee xaraf u goorni ah ayay leedahay oo timaamaya inay tahay laba shaqal oo dhaadheer.

waxaa kale oo jira xaraf lammaan ma leh cismaaniyadu sida KH, DH, Sh oo mid la arko dhigaal hal xaraf ah ayay leedahay oo kolkaa dhibaato kama taagna sidii loo kala qori lahaa magaalada BADHAN iyo (BADHDHAN oo la micno ah guluuska shaatiga) waayo dha'du inay labanlaabmato ayaa dad badani qabaan.

maxay ku soo kordhiyeen shaqalada culusi farta cismaaniyada?

farta cismaaniyadu waxay leedahay sidaan horeba u carrababay shaqallo dheeri ah oo ah shan shaqal oo dhaadheer iyo shan shaqal oo gaagaaban oo ah shaqalada culus. markaan leeyahay shaqalada culus dadka qaar bay mugdi ka gelaysaa marka aan halkaa yara iftiinsho.

shaqalada culusi waa kuwa gala erayada shaqalada isku qabsada sida DuuL oo ah duullaan aadid iyo DUUL oo ah haadid ama lalid.marka farta cismaaniyada waa kala dhigaal oo shaqalkii culusba waxaa dusha ka saaran laba dhibcood oo yar yar oo gudboon.

halkaa waxaa ka soo baxaya dhammaan weedhuhu inaya kala dhigaal noqdaan.

kol haddii erayadii tab loo kala dhigo loo helay soo jumladihiina lama kal dhigin!

waxaa dhici karta in dadka qaar u qaataan dhibcaha shaqalada la dulsaaray inay soo kordhiyaan faldarro iyo foolxumo farta ku timaada, waa aragti jiri karta hase yeeshee in fartu faldarraato waxaa ka sii faldaran in waraaq aad qof u qortay eraygii aad u jeedday mooyee ku kale oo u garto akhristuhu oo halkaa dhibaato ka timaaddo geddii ( coma killed a man ) oo kale.

Aragtidayda ma ahan hadda xilli farteenna qoran inta wax kama jiraan laga soo qaado mid kale la caashaqo inaan joogno oo far 30 sano qornayd kama aan tagi karno, waayo waxay noqotay mid hirgashay use baahan taageerid iyo toosin joogto ah ilaa inta ay ka xasilayso.

Halkaa waxaan tuur gooynayaa Arrin uu beri Gaarriye ka hadlay kol uu Norway yimid isagoo ka hadlaya xasilid la'aanta afka. wuxuu yiri waxaa jira warbaanno aan afka soomaaliga lagu kala dhigi karin! taa macneheedu mawaanay ahayn afka aan ku hadalno iyo farta inoo dhigan ayaan is lahayn oo alifba'da yaa wax ka dhimman yihiin! wuxuu tusaale u soo qaatay ;

Afartan nin = 40 men

Afartan nin = these 4 men

afar tan oo bariid ah= 4 ton of rise

waa tusaale hagaagsan hase yeeshee halkaa waxaa ka muqda ilduuf yar oo abwaanku ka ilduufay maadaamu uu yahay abwaanku qof bani aadam ah oo mar turunturron kara.

ta hore waa afartan oo tiro ah oo ka dhalata marka afar iyo eber la isku qodbo. marka ma kala go'do oo waa hal eray.

ta labaad laba siyoodba waa ku sax tii la raaco. waa ta horee dadka aan ku barbaarin gobolada koonfureed ee talyaanigu gumaysan jiray shaqalada ceynkaa ah waa ay dheereeyaan oo waxay u qoraan sidaan. afartaan nin. halka ma uu kala caddayn kow. reer waqooyigu waa gaabiyaan shaqalada badiba. marka eraygaasi haddii sida abwaanka laqankiisa loo raaco waa uu ku qaldami karaan ka hore ee ah afartanka.

tan ugu danbaysa laba siyood midna kuma qaldami karto kuwa kore. waa ta horee erayga TON kolka hore afkeenna mahan ee waa af qalaad markaa waxay ahayd in abwaanku garto erayga u dhigma maadaama uu yahay eray cabbirka loo adeegsado.

waa tan labaade haddii eray loo waayo oo ay sandulle nagu noqoto adeegsigiisu waxaa loo qorahayaa tabtaan.

(afar tan) ee la isku dhajin mahayo maadaama ay laba eray kala tahay.

labada kore ee aan tab loo kala dhigaa jirin waxay hirgala hayaan haddii laga faa'iidaysto farta cismaaniyada iyo fartii kale ee leh hab lo kala dhigo erayada jaadkaas ah.

waxaa jira jira dhibaato loo bahan yahay oo afka ku soo kordhaysa taasoo kaga imanaysa dadka u hollada eray bixinta jeebkooda ah oo qof iyo maankiis ah, tusaale waxyabaha la xiriira aaladda computerka ama Internate ka oo qof iyo xeeshii si ugu cabbiro afka hooyo. sida website. dadka qaar baa yiraada DAR.halka qaybi mareeg ka adeegsadaan iwm iyo kawo kale oo badan.

arrimahaasi waxay berri keeni karaan isku qabqabsi middii la raaci lahaa oo qof walba tiisa ayaa la qumman. waxtarkeeduse wuuxu yahay iyadoo lahelahayo waxyaabo badan oo lakala dooran karo.

 

C/fitaax Cabbaas

saalaxyare@hotmail.com

Turxaan bixinta afka hooyo C.Cabbaas Cali

Enter supporting content here

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com