Make your own free website on Tripod.com

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

IRBAD AWR WADDA

Home
DUGSI SARE GAMBOOL
dayniile
HIMILO
somalipress
horseed
jaamacadda garoowe
allpuntland
somaliweyn
SOMALITALK
PUNTLANDPOST
SOMALIDUCATION
AGABSO
AFTAHAN
shire jaamac
Afsoomaaliga

IRBAD AWR WADDA

Habeenkii saaritaanka calanka, ay'uu Cabdi Iidaan tirshay geegaar ay tixahan hoose ka mid ahaayeen:
… NFD-ii ninka joog'iyo kan Amxaaradu laysiyo
… isticmaar ka fogee oo; ardigaaga xoree oo
Insha Allaah u hagaag oo adkaw oo ha nuqsaamin oo
Ishii cawri taqaan iyo kuwa uurka dabaay'iyo
… ILaahay Idamkii kuma soo ag maraan—
Arbacuunka Quraank'iyo Idaajaa kugu deyrey! …
"Riyo, waa dhalanteed," waa dabuub ay dad badan rumaysan yihiin. Anigu se aragtiyo, hurdada la igu tusay ayaa badi rumoobay; ka na sii run badanaaday wacdaro aan arkay anig'oo soojeeda oo feejigan. Riyadii iigu run badneyd na, waxa i soo booqday aftahannadii qaranka. Abwaannadu wax'ay igu la dardaarmeen, igu na adkeeyeen: in aan abaabulka hooyga Soomaalida lagu halleyn Ca…i[xuruufaha magaca ka maqan, ma xusuusto]. Haddii aan jagada uu hayo laga qaadin na, xero dambe oo ay Maryooley xoolo ugu jiraan, waa wax aan dib dambe loo arki doonin.
Hadda ba, aan kowda hore kuu galo sheeko ku saabsan geel waahore aanbaday.
Malaha waa'd maqashay. Ninkii ay awrtu ka luntay ee miyiga qarruudda kula kulmay. Dabadeed na ka wareystay: bal in ay aragtay awrtiisii baadida ahayd iyo in kale.
"Shalay galab, raydabtaas'ay cadceedsi uga dareeraysay," ay'ay duqdii tiri, iyada oo weli ba na farta ku fiiqeysa gamooro maran oo cidla' ah.
Dhurwaa ayaa se kuurka ugu jiray. Xogtaas kolkii uu maqlay, ayuu jiiskii rooray; si awrtii la hadalhayay uu beylah uga helo, dabarka na uga ruugo. Markii in cabbaar ahayd uu sii roorayay, wax ba na arki waayay—bahalkii tuhun ayaa ku dhashay. Ciyowgii wax'uu yidhi: "War ma habart'aan run sheegayn; mise raydabt'aan raydabtii ahayn; mise ruugg'aa Alle i qabtay oo anig'aan roorayn?"
Md Ca…i waa sankuneefle u dhigma, lagu na dhererin karo hororka damcay in uu awrta dabagalo. Amxaar iyo Sawaaxili dantoodii haysta, bal adiga taadii ha ku seejiyeen—ciinka na ha ku daajiyeen—cidla' na ha kuu direen! Ciilow w'ay! Ca…i, oo ahaa abwaan qaran ee lagu naynaasi jiray wax ku saabsan timo, ayaa ku heesi jiray: "Hooboow: qarsin'aa la qabi jira; Hoobow, qaadd'aa ka daba timid: hobba hoobalow, hobala helloow". Wixii beri weynaan jiray, haatan yaraade'. Hawshii qaranka ee cuslesyka badnaan jirtay, hawlfududeyn ayaa ka dabo timid. Hoobow: Fiiro la'aan, hubsiino la'aan qanaaco la'aan, qorshe la'aan—su'aal la'aan iyo jawaab la'aan—dan la'aan! Geddii waarabaha na ha daalin, ha na ka shakin jahada shisheeyihu usha kuugu fiiqay; dib na ha uga soo laaban. Sidii qaxootigii Soomaaliyeed ee dallaawenimada la baday; adigu na debadaha, si aan wax ba dhaamin, u doono dawersiga. Dabadeed na, 'gof unfo' ku soo laabo iyada oo aad faro maran tahay: Hal doqosh bes, Villa, adiga oo ku soo iibsaday maal xalaalk ah, kaas oo lagugu soo yaboohay—houmarka aad gaarsiin ummaddaada. "Naf yahay, aan seexdee su'aasha iga daa"!
Habeenkii, goorta aan dhinaca dhulka dhigo, ay'uu maankaygu na dhoofaa. Dhulka aan joogo iyo meesha aan jiifo, kala dheeraa oo hadda na isu dhowaa! Waa yaab! Geedkii aan hoosjiifay, waxa la iigu warramay in uu lahaa magac caan ah. Canjeel-Tala-Same. Illeyn aniga ayaa ba rag ii la soo socdeen shir kedis! Md Ca…i, oo ay adan abwaanno ah baacsanayeen, hareeraha na uga jireen, ayaa naflacaarigii, iigu soo galay geedkii aan iil. Maxaa reen iyo hanqar iyo hillac gabay ah! Maxaa onkod iyo Tsunami maanso ah! Gama' i ma ekeyn. Hurdadii aan riyada gudaheeda ku hurudsanaa ayaa la iga jafay; weli se anig'oo sii hurdayay, sii na riyoonayay, ay'aan meeshii ka hilhishay oo raggii na wada gacanqaaday. Ergadii gabyaaga kolkii aan bariidinayay, waxa aan u diiray sitaahoon dab kulaalayay; kolkii aan salaamayay Md Ca…i, ma u diilalyooday sitaahoon joogay gabadane dhaxan iyo qabow badan! Qaaqan iyo qarqaryo iswata ayaa i soo ag gebraday. Ma shaki ayaa kaaga jira? Adigu ba caql'aad leedahay in aan u sikan lahaa xaggii libaaxyada qaranka? Meesha aan naftayda ku hubay, ku na ay kalsoonaan lahayd? Meesha aan uu dhigisku, weerku iyo dawacu iga soo dhici kareyn? Sidaas awgeed na, halkii aan nabad ku sii ledi karay, ay'aan u sii durkay.
Indhaha goortii aan kala qaadayay waxa aan rag ka oqooday intoodii aan riyada ugu hiloobay iyo Md Ca…i oo ka sheekeynayay murtida ay siyaasaddiisu ku salaysan tahay:
Aqli gaalo iyo indho quraanyo mid na la ma arko.
Hooboow markab'aa yimid, hoobow maanyo soo maray.
Basal badd'ey ka baxdaa, beeso na beer gaalo.
Sakatam, salliifara jam, Soomaaliyaay, lagaa faraxalay.
Bal adigu car waa ku kaas'e, garo. Ma wada na xusuusan karo riyadii xalayto. Waxa aan se u maleynayaa, in mudanuhu isaga oo dhirifsan, uu warkii "Been Been Sii-da", ku tilmaamay mid uu Yusuf Garaad dirqi afkiisa uga keenay. In Laanta Af Soomaaligu ee BBC-du na ay tahay idaacad laga baahiyo warar ka geddisan siyaasadda "Soomaalida Maanta"—weligii dambe na aan uu wax ku darsan doonin.
Dheeg, Md Ca…i hadalka uu akhyaartii la soo horfadhiistay:
Wax'aan rabaa in'aan idiin bishaareeyo. Ameeriko iyo Afrika madaxdooda waxay noo ballanqaadeen in dagaalooge la qab-qabto, xabsi na sheedda loo wada dhigo. Ragga waxa ka mid ah: Cismaan.Maxamed.Muuse iyo kuwo kale oo ku jaal ah. Maxamed-ka hee, 'yaan Maxamed-Dheere loo qaadan. Ninkaas waa carruur santaag badan oo saamayn weyn. Yacdaydaa na ku filan.
Saddexda waddan oo Soomaalida ku nool—aan ba dhihi karo ku-dulnool—si walaaltinimo leh na looga jecel yahay waa Somaliland, Itoobiyo iyo Keenya. Taas anigaa u dhaara karo!
Waa wax laga naxo in dowladda Sacuudigu ay siyaasaddayda faragelinayso. Ay iga dabawaddo waddan xor oo iskiisa isu maamula. Taas na waxay sababtay, dad reer Somaliland ahaa, in ay degmadoodii ka hallaabaan.
Itoobiyo iyo Soomaali hadd'aan diirku kala duweynin, diinku kala duwimaayo. Talyaanigu na adoogeey aw gumeysan jiray, haddii uu ii talsha na xaajo ugub ma aha. Taas qoftii aan af Talyaani oqoon ay dhibee.
Muggii Muslim iyo Masiixi, dhaqanka, iyo xuduud laysku colaadi jiray waa laga soo gudbay. Waxa curtay waa qarnigii danaha. Siyaasaddayda waa dantayda; dantayda na waa siyaasaddayda. Nin walbow na, ogow dantaada.
Halyaayga Itoobiyo iyo Kenya oggoleysiiyay in ay siiyaan Soomaalida tababarro dhan kasta ah, waa aniga. Siyaasi kale ba naftiisa ha hafro; guushaas anaa soo hooyay. Qof warkayga na , "niiq" ka dabadhihi kara na, ma jirto. Afka dowladda an lee [an'uun baa] ku hadli karo.
Horta ma og tihiin? Wasiir Afrikaan ah ee Xarunta Midowga Yurub lagu daawado, in anigu ugu horreeyay! Waxa ay la yaabeen, sida wafdigayga aan ugu kalsoonaay. Shirkii loo ma kala harin. Taas wax'ay ku tus'ee, sida laabtaydu u xaaran tahay. Agtayda wax la kala qarinaayo, ma yaallaan. Haddii aan run sheegeyn na, layga sugi maayo in aan been sheego. Dhankaas na Ca…i oo kale aan ka ahay. Yaa esel [awal, hore] ba "runle" rumeysan jiray? Wax aan maagan'ahay, anigu, been ka ma sheego.
Qofkii wax i dhihi lahaayow, hayeheenna! Warku waa idiin furan yahay.
See aniga ayaa shirguddoomiye meesha ka ahaa, intaas oo war ah markii afkiisa laga helay, nin oday ah oo waqooyi galbeed iga xigay, oo meel halkeer fadhiya, ay'aan siiyay hadalkii. Xayle waxa uu ku yiri Md Ca…i:
Talo xumo todoba jeer nin falay haatan na u taagan;
oo aan naftiisa u turayn looma taag helo'e!
Nin tashiga tolkii aan ka maqal tabar na keenaynin;
oo aan wax taaryoon karayn looma taag helo'e! …
Tawtawle aan edeb lahayn lagu tilmaan ceeb'e
Tuunkii la jooga ba hadd'uu faan ka tirinaayo
Ninka hadalku tuumaajka yahay looma taag helo'e…
Md Ca…i, w'uu damac waalan yahay; ogow se doqon ma aha. Ca…i oo dhirfay ee carari lahaa, ay'uu golihii ku soo celshay. Waxa uu na ugu caqli celshay hawraartan: "War 'nin aan war sugin, waran ma sugo'. Taladii aad aniga iiga kaaftoomi lahayd b'uu raggu ku barahayaa. Sidii dhiqle, nimanku w'ay dhiig badan yihiin'e, boowe maad aal yar u dhuuq!," ayuu ku caraadiyay. Ca…i na sidii ay'uu ku joogay—isaga oo la moodo in uu sac lo'aad boorahayo.
Abwaan weyn oo qaarad galbeed ee fog ka yimi, ee weli halkaan jooga, ku na magacdheer Maxamuud Shiine ay'aan u gartay in uu qaato hadalkii:

Gashi iyo mag waa laga baxshaa aano goonniya'e
Kalageynta qaran waa midaan gari ahaanayn'e! …
xilkii giiji lagu yidhi haddaad gudo aqoon weydey—…
ma geydid'e u dhiib—shacabkii way kugu gedoodeen'e!
Guclahaagii kama badan, in'aad nacab garbaysaay'e:
gadhwadeen Zinaawaa tih'iyo goosatiyo tuuge—…
geyigaa aad kala geyn, rag baw go’ay daraaddiise! …
Waxa geesi lagu gawrac'ee iilka lagu gaabshey:
ee godolka maandeeq ka qaday gocanayaa mooyi?
Galda’aagii ??…? haddaan gaadh lagaa qabanin
gar loo gubay haddii aanay noqon gubiyo xaalkeeda—
isgunaanad gobanimiyo sharaf—ma aha gaankaay'e!
Nin oday ah oo galbeed iga xigay, haataan reer halkeer ah, ay'aan ku wareejiyay warkii. Odaygii, wax uu ku yiri Md Ca…i, "Hor'aan u iri, haatan na adig'aan kugu oran":
??…? da'daan ahay waqaa, looma duurxulo’e …
Diirk'aan ka garan xaajadaad dabaqa saarteene
Baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane
Aan doonihayn inaad heshaa daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e.
Dullaal iyo mallaal wuxuba waa, Carabta …
Sheekh Gabyow oo konnfur iga xigay, isagu na reer halkeer ah, ay'aa dadkii u sheegay in qarni ka hor la sii ogaa, meesha ay Soomaalidu ku dambayn doonto. Muran ay'aa dhashay. "Ma qarni ka hor?," ay'ay dadkii mar qur ah la soo wada boodeen!" Ma cid ka orod badan ay'aa jirta qof riyoonaya. Shirkii aniga oo'n ka tegin, adduunka dabdiisa aqal ku yiil, si aan kitaab jiray uga keeno, ay'aan tiimbad u rooray. Sanduuqii aan ku riday 1dii Julaay1960 ay'uu meel ka duwan meeshii aan ku ogaa, uga jiray. Qeybtii, "SoomaaliWeyn", haddii ba hor'aan ka helay boggii ay ku tiil. Gabyow waxa uu igu yiri: "Bal akhri; wixii qalad naqada na, anaa ku saxaa'e. Sidaas ay'aan na ka dhex akhriyay shirkii, sadarrada hoose:
Sanayaal haddii la joogo, Soomaaliweyn 'aa la saxiixi doonaa. Soomaaliweyn taas, saddex saf ay naqa doontaa. Saf inta seerada gooyaan, ay suunleey caano ku maali doonaan; saf na sarah'aa lagu saamidi doonaa; saf na iyag'oo leh, "Soomaaliy'ay, Soomaaliy'ay," ay nafta silac ugu suulidoontaa!
Duurxulka isticmaarka iyo gaalka iyo siyaasadaha iyo siyaasiga uu ku gabraarto, waxa si cad u qeexay, "awrka gumaystaha, oo'y irbaddu garhayso", abwaan la yiraaho Maxamed— oo ka soo jeeda duudkii walaalhay reer Somaliland, tii hore. Isagu na waa reer halkeer. "La illow nin Aakhiro teg'oo, iil ka hoos maraye". Barkhadcas geddii in uu guubaabinayo Soomaalidii jirtay 1959, ayuu maanso qiiro iyo caro isku dhafan ka koobnayd—isaga oo la moodo in uu digriiryaamayo na, yidhi:
Bal ogow isticmaarku abidkii—
irid'uu marinaayo awr raran—
irbad b'uu ku dayaa ayaam'aa hor'ee:
ragg'aan ark'ay ee u abasaxayow,
ninow na ha odhan soomaal'aan ah'ee
ord'oo magaca na ka iibsada!
Waa Md Ca…i, kaas oo kale ee dhiciska ah. Ka na amarqaata "askri" jaahil ah. Wax uu qabto daa'e, qarankii ay'uu ba lacaaf u jary, cadow na u hibeeyay. Irbaddaas yar, sida ay kolba wax isugu tolayso, ay'ay, rar aan'u awrku ba qaadi karin, mar'uun la ekeysiin doontaa. Md Ca…i maanta ay'uu fudud yahay ee inta aan uu cuslays intaas ka sii badan nagu noqon, Alle-qabay, umadda ha laga qabto.
Dad ama waxyaabo ayaa jira la halmaala irbaddii uu Barkhadcas sheegay. Waa ayaan, taas yar oo kale; iyo awrka ayaandarrida beryahakan loogu dhaamiyo basharkii Eebbe inoo dooray ee Maxamed ahaa (SCW). Sal iyo maan nejis ayaa ka sii horreeyay. Fadhi iyo baaraandeg ay'aa ka sii horreeyay. Taariikh ayaa jirtay. Weerarro hore iyo dagaallo ayaa sii horreeyay. Istillaabtu in ay istallaab ku jiiddo Islaamka, ay'ay weligeed ba damcsanayd. Irbado ayaa sii horreeyay. Irbad maanta ah ee sanduuqa boosta la ii soo gelshay. Shalay oo ayaan kale ahayd. Berri na munaafaq madax ku-sheeg ah—sida Xamiir Qarasaay—dameerka qaatay rarka iyo dulliga gaalka muuqda. Qaar aan muuqan ay'aa weli jira. Xaal ugub ah ma ah. Saakuun na cadowgii Allah ee si kale u midabaynaya, ayaa soo ifbixi doona. Ogaada, Islaamku w'ay ka reebban tahay in diinka ama ba dhaqan kale lafadhaamo. Weligaa na taa ha falin. Ha ku dayan. Awoodda Ilaah u cabo: Iyada dhanka kasta kaga xayndaaban'e. Dheh uun: "Allaahu Akbar!
"Irbado uruuray, masaar'ay noqdaan," ay'ay tiraahdaa maahmaah madhaafaan ah. Maanta na, caay ayaa diinkii dhalkeenna shabakadaha interneetka looga dhigaa. Caay ka faro badan kalluunkii badda ka buuxi jiray ee biyaha sunta uu Md Ca…i ugu daray! Sunta laga keenay waddamada aan saaxiibka nahay. Kalluunkaas ii sheeg bal cid uu wax ka galabsaday? Sida kalluunka ay'ay doonayaan in berriga na ay uga agabjaraan diinkeennii. Diinku waa cibaaro. Waa na in aan ku waano qaadannaa: In waxyeello laga sii gaashaanto ay'uu na barayaa! Diinka Illahay na wax kasta, isaga ayaa laga baran karaa; wax kasta isaga ay'ay ku idil yihiin. Doodddaas markii aan sheekeedii ugu daleeyay, waxa aan kalmaddii siiyay oday la yiraahdo Dage, oo intii Alle dagay oo dhan si wanaagsan u hanuunin yaqaan, waanadu se waxa ay anfacdaa dhagtii aayadaha Quraanka Kariimka ah weelaysa. Maxamed, oo isagu na reer halkeer ah, ayaa yiri:
Nimanyahow adoomaha badhkood male aqoon wayne
Kolba waxay arkaayaan, na waa ku arin qataane
Mana oga amuuraha Ilaah inay ahaadaane—
Asmaa’iga qur’aankiyo sharcigiyo aayadiyo diinka—
Kutubaha war lagu soo ebyee uunka wada gaadhay
Ogaadaay ninkii ka anfiyaa, aayatiin malehe.
Weriye aad u odorosa kadabka siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa inoo sheegay, war lagu wada qanco. Waa nin fiirada ku garta, waxa feeraha duulka uga jira. Waa nin hawada siyaasiyiinta Soomaaliya saadaalin og. Fahad, oo isagu na reer halkaan ah, ay'aa shirka email u soo diray, ka na cudurdaartay baaqashada uu shirka ka baaqday. Kombiyuutarka anig'aa ka akhriyay qoraalkii:
… Md Ca…i … si fudud ayuu ku helay inuu gaaro jagadan dastuuriga ah … tan iyo markii lamagacaabay waxaa la waayey muuqaal Siyaasadeed oo uu isagu si gooni ah u leeyahay … Haddoo la’is khilaaf-sanyahay dowrkiisii waa maqan-yahan, haddii la heshiiyana jagadiisa ayuuba lumen-doonaa, marka maxaa faa’iido … ah?
Adankii abwannadu, iyaga oo faraxsan, ayuu muuqoodii iga libdhay. Md Ca…i, oo agoon goblamay la moodo, ayaa bartii looga wada dhaqaaqay. Aniga oo foolkuguulle ah, rajadii na ii weynaatay, ayaan meeshii ka kacay. Rayrayn weynaa. Aad ay'aan ugu sii farxay in aan weli reer halkaan ahay. Goortii se, aan ka soo toosay gurigaygii, yididiilo cusub ayaa i gashay! Waxa aan ku hammiyay in aan u guuri ruunkii uu ku yaallay Canjeel-Talo-Same. Si ayan ii dhaafin, sida habeenkii calansaarkii. In aan u daawasho tago, goobta "xuubka bilig'iyo talo" looga dhigi lahaa . In aan u joogo barta hangasha loogu saari lahaa. In aan sii eego, isaga oo ii ku sii libdhahaya dunida madow ee uu shalay ba ka soo mudh yidhi. Qof kasta na waxa aan mar kale ku martiqaadi lahaa, riyooyinkayga rumoobi doona—waagii kale ee Alle ka dhigo.
Hurdo iiga murti badnayd, abidkay ka ma soo toosin.
Md Ca…i, sida aan Idaacadda ka dhagaystay, wax'a uu "u baydhay wadiiqa leexsan". In caasimaddii qaranka na uu gucle-orod ku dhaafay. In uu aaday na xaggaas iyo goshii Jowhar—si uu u cuno—seetooyinkii qaranka.
Sheekadan w'aan bixin la'ahay ee tolow: War ma axdigii dowladdii Mbagathi ay'aan run sheegayn, mise Soomaaliy'aan Soomaaliyadii hore ahayn, mise addimadii ayaa Alle ka qabtay oo Ca…i'yaan roorayn?
In kast'uu fuulo 'fatuuro fiiqtiraa' iyo 'bareeki buubaysa' ee uu Md Ca…i, sidii Ca…i uu u duulduulo; kun geeddi oo la isu geeyo, anig'aa baratanka kaga dheereeya—"ogow, xaq'iyo baadil, iya'na w'ay kala baxaan". Nin alan Amxaar looxiray iyo billad qaran nin loo xiray, kala bilan'e ii sheeg: War intee isu jiraan? "Bal eeg'oo u fiirsadaay"! Md Ca…i oo ah khaa'in dufoobay, miy'uu: bilane Ca…i, geesigii qarankeenna—orod ku gaari karayaa? Meesha waxa ay ku hayaan waa: ujeeddooyin indho-ka-carrayn ah oo kale. La ma garanahayo cid lala jeedo, cid laga jeedo iyo cid loo jeedo—iyo meel loo jeedo. Orod qaranka dhaawaca mooyee mid kale na, lugi kama doogto. "Hal beri intii Cabdi Bile tiigsaday, kun qarni, mar kale, qarankeennu ma gaari doonaa?" ay'aan waydiiyay Md Ca…i, aniga oo soojeeda, indhuhu na shanta i yihiin.
"Cabdi Bile, horta, usagu, ma ciidankii cagt'uu ahaa mise … ?"
"Maya. Ee waa gaarigan, lagugu kaxeeyo. Kabtii halyaayga na aan gudin. Weli ba aad magaciisii ku disheen!"

La soco qeybaha soo socda …

 

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

xigasho somalitalk

    ----------------------------------------------------- ---------

 KALA SOO XIRIIR WEBMASTERKA

saalaxyare@hotmail.com