Eray bixinta Program-yada iyo casharrada Somali Software
Markaan billawnay hawlaha la xiriira af-soomali ku qoridda aqoonta kumbiyuutarka
waxaa noo qorshaysnaa in wax kasta aan ku qorno af-soomali sooc ah oo program-yada iyo casharrada Somali Software ay ku qornaadaan
af-soomaali kaliya. Si aan ujeeddadaas u gaarno waxaa noo soo baxday inaan u baahanahay eray bixin cusub. Ka dibna waxaan
samaynay baaritaan iyo falanqayn ku saabsan waxa ay keeni karto eray bixin cusub iyo heerka aqooneed ee aan u leenahay xagga
luuqadaha ama eray bixinta lafteeda.
Baaritaan iyo fiirfiirin muddo ah kadib waxaa nala qummanaatay in wax eray bixin cusub
ah aanaan samaynin iyo in erayada aan af-soomaaliga laga helin aan u soo qaadanno ingiriis ahaan, islamarkaana aan sharraxaad
ka bixinno micnaha iyo isticmaalka ereyadaas. Taas waxaan u yeelnay sababaha soo socda dartood:
- Wax sahlan ma aha in eray bixin cusub la sameeyo oo waxay u baahan tahay
aqoon dheeri ah oo ku saabsan xagga dhismaha iyo nuxurka luuqadda Soomaliga iyo guud ahaan aqoonta xagga luuqadaha (linguistics).
Waxa kale oo ay u baahan tahay wakhti dheeri ah oo looga baaraandego, taasoo keeni karta in halkii aan wax ka qori lahayn
aan ku mashquulno dood iyo falanqayn ku saabsan eray bixinta. Haddaba waxaa noo muuqatay in arrintaas aynaan wakhti u helayn
aqoonteedana aynaan lahayn.
- Waxaa noo muuqatay in haddiiba aan indha adayg isticmaalno oo aan eray bixin
af-soomaali ah samayno aan lagu heshiinayn, oo ay dhici karto in dad kale oo iyaguna wax ka qoray mawduucaan ay isticmaalaan
erey bixin kale oo ka duwan taan isticmaalnay. Taasina waxay jahawareer u keenaysaa dadka wax baranaaya, waxayna caajis gelineysa
xiisaha iyo rabitaanka ay dadku u qabaan akhrinta iyo ka faa'iidaysiga buugaagta iyo program-yada af-soomaaliga ku qoran oo
ka hadlaaya dhinaca cilmiga.
- Waxaan ka fikirnay in buugaagta laga barto kumbiyuutarku ay inta badan ku
qoran yihiin luuqadda ingiriisiga. Sidaa darteed haddii uu qofku erayadaas ingiriis ahaan ku barto way u sahlanaan doontaa
inuu fahmo buugaagta kala duwan ee ka hadlaysa mawduucaan. Haddiise uu hadda af-soomaali ahaan ku barto islamarkaana uusan
heleyn buugaag af-soomaali ku qoran oo haqabtirta baahidiisa aqooneed, ay imaanayso inuu isla erayadii fahmi waayo markuu
iyagoo ingiriis ah ku arko buugaagta kala duwan.
Sidaas daraadeed waxaan qorayaasha iyo aqoonyahannada soomaaliyeed u soo
jeedinaynaa in la iska daayo eray bixinta uu qof kastaa gees ula cararayo oo laga wada shaqeeyo sidii loo kulmin lahaa dadka
iyagu aqoonta u leh xagga luuqadaha iyo dadka af-soomaaliga wax ku qora si ay u wada shaqeeyaan oo markaa xal loogu helo arrintaas
iyo kuwo ka sii muhiimsanba.
Wixii figrad ah waxaad noogu soo diri kartaa eraybixin@somalisoftware.com