Bal maxaa diyaanada Gabaryahay ku dabadhigay
Farmashiye daawada Dadku uu ka iib sadoo
Aartiste door ihi Al-Islam ku daabacay
Dorraad mar aan dhexjoogaa Gabar qurux daraadeed
Daymada wejiga hore Daa’uus la moodaa
Dalaq iigu soo tiri
Salaan debecsan dabaded Dawadaas ma haysaa
Ayay tiri dukaankiyo Ninka daaska gadayow
Dubkeeday cawarayoo daymada jalleecada
Waxaba kulama daahine Durbadiiba waxan iri
Haddii aan ditoor qorin Qof kastoo dalbanayaba
Degdeg ugama iibshoo Lacag daalib maahiye
Doonisteeda garataye waxa ay dawaysiyo
Difeetada ay leedahay Ma taqaan dawadatani
Ditoor anigu maahiyo Waxa ay dawaysiyo
Difeetada ay leedahay Dani igama haysoo
Haddaad adigu diiddana Duul iga gadaayoo
Doonaaya lacagtaan Daafaha magaalada
Degdeg uga helaayaa Ayay ugu danbayntii
Jawaab diirran igu tiri
Dibna kalafurkeedii Ilkeheeda dabarka leh
Inaan deris ahayn beri Intii aan dareemaan
Dabadeed waxaan iri Dadkaas kaa gadaayaa
Iyagiyo dantoodee Yaynaan taas ku daahine
Horta sow dalaystii Ina Daahir maahayn?
Dabcan haah ayay tiri Iyaduna docdayday
Kaftan diirsimaad loo Waxay debecsan igu tiri
Dadka waysu badinaye Miyaa lays dafirayaa?
Daqiiqada yar gudohood Dib inta u fekerey-baan
Dabaded waxan iri Dalays waa runtaayoo
Ilaa dalandalkaagii Dadka waysu badinoo
Diraacdii dhoweydee Duunyadu baxaysana
Dhiirran dacalladeedi Waataan ka derisnaye
Dubkaan kugu aqiin iyo Hadmuu diirki kaa kacay?
Intay dib u dhaqaaqdoo Hadba doc iga eegtay
Durbadiiba waxay tiri Caku waa danbaysaa
Beledkaad dorraad timi Sowtii dad-hore-yiri
Doqon iyo habeen baa Madow loogu dawgalay
Dubkaan aan caddaystana Daliilkiisi waa kaas!!!!!
Dahabiga afkayga ah Intii aan dibnaha furay
Ayaan deeto waxan iri Gabaryahay diyaaniyo
Daawooyin lagu daray iyo durunafaa baad
Dushaadii marmarisoo Dubka sare caddaysoo
Dayax soo baxaayiyo Cadceed dacalka dhigatiyo
Waagoo dillaaciyo Daliig qaanso roobaad
Dushaadii la moodyoo Dalaystaan aqiin iyo
Ina daahir maahide Balmaxaa diyaanada
Gabaryahay-ku-dabadhigay?
Caku loonka doorsama Dubkaagi madobaa
Deeq laysa siiyiyo Deyn lays amaahshiyo
Diinaarka carabtiyo Doollar laguma helayee
Alla dahabsanaayaa!!!! Iblays baase kugu diray
Oo doori kugu yiri Raggaa kaaga didayee
Dabcigiyo wanaaggii Daayin kuu sameeyiyo
Dubkii uu Ilaahay kuu doortay adigaba
Haddaad diiddey oo tiri Mid kaloo ka doorroon
Ayaan doonanaayaa Diintaadan baranoo
Waa kuu damiin-nimo
Haddaad calafka doontoo Xoog ku daalibaysiyo
Dubkoo layska qaadana Horaa loo diyaarshoo
Dadaal laguma gaaree Waa kuu damiir xumo
Caku ways dullaysaye Adigiyo duqaagii
Arooskiinna dabaded Dadku idinka kala tegey
Deriskiyo xigaalkuna Laguu daayey hawshii
Dabka yaa bal kuu shidi?
Waxa kaaga sii daran Daafaha magaalada
Dan haddaad ka leedahay Qorraxduna dab ay tahay
Duqu gaari malahoo Danyar reerku weeye
Ayaa duhurki kuu socon?
Waxaa kaaga sii daran Haddaad ruux`dagaashaan
Dakharkii ku gaaraa Dedgdeg uma bogsanayee
Xaggeed daawo uga heli?
Waxaa kaaga sii daran Wejigii dawaeysoo
Majihii ka deysaaye Dubkaagoo ah kalakaan
Qaybina daruur tahay Inta kalena dugul tahay
Dadku inay arkaayaan Ma dafiri karaysaa?
Waxa kaaga sii daran Dubka dhabanku weligii
Dayax soo baxaayiyo Daruur haw ekaadee
Dibnahaaga madwgii Waakaa ku daahane
Dadku yuu la yaabine Maxaan kaga daboolnaa?
Waxa kaaga sii daran Dedgdeg midu u geeyoo
Isaguna difeetada Dib ka qoomameeyiyo
Damanaha ma sheegine Haddii aan dadnimadiyo
Dabcigiyo aqoontiyo Loo bogin duntaadii
Dubka walalacdiisaas Raggu dooni maayoo
Horaa looga soo digey Anna waa ku sii daray
Waxa kaaga sii daran Docda reerka xididka ah
Iyadoo laguu diray Oo halkay degaanniin
Aan durunafaa iyo Daawooyin lagahelin
Diyaanadi ad sidatana Kaa dabargo’ ay tahay
Dadka waxad dhexjoogtoo Waa dahab la mooddi
Danabkeennu guursdey Duqdu ay tiraahdaba
Toddobaadyo dabadood Dubkaagii wacnaa iyo
Inay daamakaagii U ekaa daruuruhu
Dogoba yeelanaayaan Deriskuna dhehaayaan
Furuqi la dabarjaray Miyaa dunida soo galay
Daawaan is mariyana Dibnaha aadan marin Karin
Maygu diiddan tahay taas?
Waxaa kaaga sii daran Midabkoo la doorshaa
Diinta kuma bannaanee Haddii adan danbowdaye
Degdeg toobad soo celin Inuu daayin Eebbuhu
Kaa daayo mooyee Naftu waa dabayloo
Mar ay duuli ma ogine dabka naarta aakhiro
Maw dulqaadanaysaa?
Illeyn dhagax dixeed iyo Nin dundumo u qayshadey
Isagays-ka daalaye Dalays wanadaydii
Qalbigeeda kuma duxin Anna waan ka dabaharay
Illeyn diiddey taladee In aan kula dagaalona
Qori mayso diintuye
Dadweynow dhammaantiin Intaasoo difeeta ah
Iyo qaar kasii daran haddii ay dubkoodii
Dawadani u leedahay Oo dumarka qaarki
Iyo wiilal diinyari Shaydaan u duufsaday
Dusha inay marmariyaan Weli door bidaayaan
Bal maxaa diyaanada iyo durinafaadiyo
Daawooyin jaankaan Dusha lagu caddeeyaba
Ubadkeenna dabadhigay?
Waynaan dareemine Xayaysiin daraadeed
Miyay dollar lacageed Dalalkii sameeyiyo
Dibadaha ka qaataan?
Culumaa-u’-diinkiyo Dadka waalidkaa iyo
Duqowdiyo wax`garadkiyo Aqoonyahan digriiliyo
Abwaannadii dalkaygiyo Qof kastoo damiirlow
Sidii gabar la doonoo Xidid-keed u dadab galay
Haddii wiilki dibad jirey Dhegihii dalooshaday
Timihiina loo dabay Dalka gabadhi joogtana
Daawooyin marisoo Dubkeedii beddelan yahay
Darxumiyo iyo ceeb iyo Dhaqan dooris weeyee
Dibadda iyo gudahaba Ubadkeennan doorsamay
Mayska daawanaynaa?
Diyaanadiyo Riikada Iyo Durunafaadiyo
Daawooyin kale oo Dubka lagu beddelayaba
Ganacsade dabbaalaa Dibadaha ka keenee
Markii dawlad loo helo Halla dabagalaan iri
Dareenkayga saan qabo Haddii dunida oo idil
Laga waayo dumar kale Gabar durunaafaa iyo
Daawooyin marisoo Dubka sare caddaysoo
Inta dibadda loo diray Berked dalaq ku soo tiri
Ragow yaanay idin dagin.
MMH Gaani, 1997