soomaalida iyo jacaylka.. waa gorfayn iyo qaada dhig jacayl
[23/07/06]
JACAYLKA IYO SOOMAALIDA!
Eraygaas JACAYL ee gudaha weyn waa muruqii laba suulle ninba si ku ah, malahayga mid
markuu maqlo dhawaaqa eraygu waa uu dhibaa, midna waxaa u sawirma muuq bilic iyo il soo jiidasho leh, midna maankaa ku daala
siduu isugu hawlayo bal inuu dhuuxo dheefta ku dhex qarsoon eraygaan. Jacaylku waa arrin ka doodisteedu tahay mid xiiso
badan, dadku aad bay u quuddarreeyaan yool baarka iyo wax ka ogaanshaha jacaylka. Inkastoo dunida mar hore culumo badan
ka hadleen arrinkan misna in xal loo helo waa mid aan meesha soo gali Karin, Teer iyo aamanuu sidaa ayaynu ahaanaynaa. Bulsha
la arko dad baa calanka u qaata oo isu arka awlaad jacayl dhalay, taasise ma dhabbaa? Soomaalida xagga jacaylka waa laga
dhibay, noloshoodu siyaabo kala duwan ayay uga soo horjeedaa jacaylka. Waxa ceeb ah sheegsheegidda eraygaan meel fagaare
ah, si aan kas ahayn inuu kuu soo dhaafo maahe inaad ula kac iskuulka dhexdiisa kaga hadshid jacayl waa mid aan maan gal kuu
ahyan haddaa tahay soomaali adeeroow. Lama na garwaaqsan waxa meesha ku hoos jira, ninbaase yiri jacaylka soomaalidu waa
feero iga garo. Kol haddii la qarsanayo sow gar uma lahan inuu isna ku qarsado. Haddaad dhab u dhuuxdid, soomaalida
waa weyn jacaylka dagaal inuu kala dhexeeyo bay kula noqon. Inaad aragtid oday ooridiisa ku leh waan ku jeclahay, waa mid
aan wali ina soo gaarin. Isagoo og inay jeceshahay amaba isagu ba jecel yahay, ayaa ka hadlidda jacaylka waxaa loo arkaa
mid silloon. Adeeroow af laba daan leh baan aamusine wxaa la yiri odaygu markuu safarka uu muddoo dheer ku maqnaa ka yimaado,
xaaskiisa wuu yare gacan qaadaayoo hadduu nin belo ka dhacday yahay dhunkasho gacanta dhanka rogan ah ayuu ku daraa!. Yaab
iyo ashqaraar badanaa! Horta hor iyo abbaato qofka jacaylka wax ka qorayaa waxaa la rabaa inuu wax badan ka ogyahay waxtarkiisa
iyo waxyeeladiisa, halkaan u socdaa waa inuu qofkaas jacayl soo maraa. Haddii kale qormadiisu waxay noqnaysaa madmadoobe
allaa ku yaqaan. Oo waa gar’e muxuu kaasi qori karaa, mar ba haddii erayadiisa hoostoodu maran tahay. Macne buuran
maleh inaad soo qortid waxaad maqashay kaliya adoo helaya wax adigu aad taqaanid ama aad aqoon u soo yeelatay.
Jacaylka
maqalkiisu waagii hore naadir buu ahaa, waxaa ka marag kacaysa dhanka sugaanta markaan u leexdo, maqli maysid erayo calaacal
iyo dhul is dhigidi ku jirto. Badiba gabayadu waxay u badan yihiin guluf iyo colaado, taasoo ah mid in badan dadkeenu ku
mashquusanaayeen. Goortii 30 aadkii la soo garay qarnigii la soo dhaafay baa nin cilmi boodhari layiraado, cudurkaasi salfaday,
malaha isagu uguma horrayne , kiisaa ahaa mid aad u darnaa. Oo dadkii waagaa jiray ula ekaaday nin jilicsan oo seegay jidkii
ay raggu haysteen, oo meeshii uu guluf iyo colaad ubbada u biyaysan lahaa, calaacal iyo Ged aan loogaba fadhiyin la soo shirtegey.
Sidaan
sheekada ku helay, isagoo roodhile ah baa inan qurux alle siiyey oo hodan cabdille la oran jiray u timid, eegmadaa dishaye
iyadu ma way ula soo dan yeelatay! Ninkaa calaacalka iyo catawga ka baxay waxaa ka mid ahaa eraydaan. Caashaq haween
waa horaa Caaddil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene Soomaalida caado xune
iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne Sida weelka caanaha hadii
laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda Ma cidaamkanaan jabinayaa
cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye Caqliga yaa ka bi’in tuu Illaah ku cir-cadeeyey Cimrigayga
oon jirin intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye Casharkay wadaadu qoreen
cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa
ka roon caawa saan ahaye Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay
Haddii aan isku dayno inaan wax ka
sheegno hababka uu jacaylku dadka u soo maro waa wax aan la soo koobi Karin. Waxaa jira hab dadka intii badnayd aakhiro
u diray, waa iyadoo inta qof si aan ula kac ahayn kuu soo hor maro astaan u gaar ah kuugu salfado. Waxaa la isku raacsan
yahay dhugashadu inay tahay midda ugu daran ee qofka nuglaysa. Indhuhu waa quruxda dadka, waxaa dhici karta in qof sida
uu kuu eego ay kugu beerto jacayl aan caadi ahayn.
Soomaalidu meelaha ay aadka u ammaanto ayay indhuhu ku jiraane,
mid baa ayiri: Indho deeraleey, Midna wuxuu ku sheegay indhaha gabadho inay u egyihiin goodka indhihisa, Wixii indho qurux
badan oo dhan baa lagu matalaa quruxda indhaha dadka iyadoo ugaartaa la isku matalyo aan la eegayn ee dantu tahay quruxda
uun. Waxaa dad badani isku raacsan yihiin in indhuhu yihiin danabside jacayl kan ugu sarreeya. Dhammaan quruxda inta
muqata ee qofka sida midabka, timaha, sanka, muuqaalka jirka, xaadda, iyo wixii la mid ayaa ah astaamaha muuqda ee qofi mid
kale ku calman karo, isagoon ogayn waxaa u qarsoon qofka. Dhammaan jacaylka ka yimaada muuqa qofka waa mid hadduu doono
sii daba dheeraada, hadduu doonana soo gaabata, marka qofku barto qofkii uu astaanka kaliya ku raacay. Haddiise uu qofku
waayo qofkii u ka helay muuqiisa, waxuu noqon karaa mid dhib weyn geysta, sida kii cilmi boodhari oo kale, oo gabadha uu sidaa
oo dhan ugu cataabayey aqoon fiicn uma uu lahayn, qaylada uun baa alle la maagaye. Waxaa dhacada in dad badan oo idinka
mid ahi uu sidaas jacaylku ku soo maro. Waxaa jira iyana habab kale sida iyadoo qofka lagu raaco astaan qarsoon sida garaadka
raga, garashada dumarka, xariifnimada dhanka tacliinta iyo niyad furnaanta, geesinimada, deeqsinimada, aftahanimada iwm. Waa
astaamo wanaagsan dhammaantood, oo dadku inta baan isku calmadaan.
Waxaa iyana jira habka ah jacaylka ka dhasha is
aragga tirada dhaafay, waxaa dadka qaar yiraadaan waa jacayl walaalnimo. Ulajeedadu waa tiiyoo dadku isu bartaan si aad
u furfuran, gabdhu intay majara habawdo ayuu wiilku la noqonayaa walaalkeed oo kale oo waxay arkaysa iyadoo si aad u furfuran
ula sheekaysanaysa oo xataa saaxiibkeed uga warramaysa. Waxay noqonayaan dad iska ag dhow in badan, ama kala war hela oo
sirta isu sheegta, markaa isku talax taga oo mid ba midka kale barto waxa uu yahay oo dhan, macnaha waxay labada qofba ogaanayaan
inauu qofkaasi yahay mid nolosha lala wadaagi karo, laakiin iyagoo xeerinaya walaalnimada iyo macrifadii hore ayay in badan
ka gaabsadaan inay isku soo degdegaan, ilaa midi is hayn waayo oo oodda jabsado. Waa jacayl cajaa’ib badan oo hadduu
hirgalo aan wax loo dhigaa jirin. Waa dhab inay dhacdo mararka qaarkood in jacaylkaasi labada qof mid kood xoog ugu dhaco
Oo markaas kan kalena isagoo xeerinaya aqoontii hore uu kula dhici waayo inuu niyad jab u geysto qofkaas. Laga yaabee inuu
jacaylkaasi wax badan sii jiro jeer uu qof ka kale soo dhaco isna. Hababka uu qofba u soo maro jacaylku ma yaree, waxaa
iga weydiin ah Jacaylku dhawr goor ma soo maraa qofka? Waxaa ka jawaabay weydiintaas mid ka mid ah jaallayaashay, magiciisana
ku soo gaabiyey faarax, wuxuu yiri: Waa weydiin qumman, in la ogaado qofba siday la tahay, Hase yeeshee waxaa dad badani
isku raaceen inuu jacaylku mar qura yahay, taasise run maahan sida aan qabo, Waayo waxaan aaminsanahay inuu jacaylku dhawr
goor dadka soo maro. Aan anigu iska sheekeeyee, waa sir fakataye waxaa jirtay inaan gabar la sheekaystay, jeclaadayna,
ku dheeraan mayee, haddii kale waa la I eryaaye, waxaan wada soconay muudoo dheer waana jeclaa gabadha, maadama ay ahayd qof
diin leh, aqoon leh, qurux badan, edeb leh, iyo astaamo kale oo u qarsoonaa oo aanan halkaan ku sheegi karinna ay u dheerayd. Si
kastba ha ahaatee waagii danbe waa iska dhammaaday jacaylkaasi, naftaydana waxaan ku qanciyey inaan iska daayo la sheekaysi
dumar ilaa muddo, si aan u nafiso. Taasi wa ii hirgashay, sanado ka dib ayaan gabar kale helay. Runtii si fiican ayaan
u wada sheekaysanay jacayl aan la arag baana na soo maray walina aan ku jirno. waxaa jira in haddii qof qalbi leh, xushmad
leh, dareen leh aad heshid ay imanayso inaad jeclaatid mar labaad. Isagoo hadalkii sii wadana faarax wuxuu yiri…. Waxaa
daw darro ah in la is weydiiyo jacaylku kee buu badnaa labada gabdhood, waayo laba xilli ayay kala ahaayeen, la ma oran karo
kaasaa badnaa, waayo ma garan karo qofku oo xiliba si gooni ah ayuu wax u dareemi jiray. Waxaase hubaal ah in jacaylka
kuugu horreeya uu dhibaato badan yahay.
Astaamaha jacaylka waxaa ka mid ah inuu kugu rido sugi waa, haddii aad ballantaan
qofka sugi Kari maysid oo xilligaad daahsanaysaa, waxuu taas kala mid yahay dadka safarka jecel, ma sugi karaan iyaguna xilliga
bixiytaanka. Hilow joogto ah, maanka qofna waxaa buux dhaafiya wanaagga qofka la jecel yahay. Waxaa jira inaad qofka
aad jecshahay la joogi kartid intii aad doontid, mar walba oo aad aragtid astaamaha gaarka ah ee lamaanahaaga waad farxaysaa,
waliba astaanta aad adigu ugu jeceshahay. Waxaa la hubaa magaalada haddaad ku aragtid lamaanahaaga inaadan eegi Karin,
oo ay ka duwan tahay markaad isla joogtaan. Waxaan hubaa waxaa aad dareentid markaad aragtid lamaanahaaga inaadan noo sheegi
karin, waayo maba qeexi kartid. Aduunka waxaa ugu daran qofka wax ka sheega jacaylkaaga. Jacaylku dadka wuu beddelaa
oo qof kale inuu kaa dhigo ayaa suura gal ah. Hadaad hadal yarayd waad hadal badan baa dhici karta, haddaad socod yarayd
waa socod badin, haddaad xishood badnayd oo ka hadlidda dadka dhexdiisu dhib kugu ahayd, adoo madal dad oo dhammi ku dhan
yahay afka haystana waad arag! Ugu danbayntii wuxuu faarax hadal ku soo gooyey, Dhugashaddu waa midda ugu daran ee qofku
kuugu daaran karo jacayl lama ilaawaan ah, waxaan xasuustaa lamaanahaygu markuu I eego inaan farxo farxad aan la qiyaasi Karin.
Taa macneheedu waxay tahay sida ay ii eegto ayaan ahayn sida gabdhaha kale ii eegaan, bal adba garo!
Mid ka mid ah
kulamada jacaylka ayaa wuxuu u dhacay sidaan.
Lammaane ayaa is arkay, waa ay is dhugteen, mid baa la dhacay durbadiiba,
si dhab ah kan kale oo aan garan, inay wax jiraanse garay.
Jeedaalintaa faduul oo dhan ba waddee, afka la is soo gal. Gabadhu
waxay ahayd mid jikaar u dhalaytey ee maxaa manta sidaan u galay. Isla markiiba soo dhawayn ayaa ka dhacday, hase yeeshee
rag badan oo hore ayay gegi cidla ah kaga dhaqaaqday, mantase ma ay taqaan halka uu kani ka soo maray, malaha furayaashayda
ayuu helay, bay iskula hadashay. Waxaa dhex maray sheeko xiiso badan. Waligeed ina rag sidaa oo dhan ulama ay warramin
oo waxay haysatay in raga iyo dumarku ay col yihiin arraweelo dabadeedba! Gabadhii waxaay aragtay aydoo is bedeshay, waxaa
maalinba tan ku xigta ku sii siqayay rabitaankiisa, garan mayso sababta, hadal badan oo nuxur leh inuusan kuba hadlin baa
dhici karta’e xiisaha ay iyadu u hayso baa ah mid fog oo ka dhex baxay goor aysan ogayn. Goortii ay wada joogaan,
waxay tustaa inay yihiin lammaane uun oo hadalka waa u guud martaa, waxayna ula kaftantaa si kaftan dhable ah. isagu ma
dareemo, mana oga inta ay gaarsiinsan tahay caashaqa ay u hayso. Wuxuu yiraadaa, waa gabar fiican marka dhinacyo badan
laga eego laakiin xiriirkayagu inta uu gaari doono ma aqaan, waayo arrintayadu waa mid ugub ah. Iyadu waxay tiraadaa markay
gabdhaha la sheekaysanayso, walaahi ninkani wuu iga dhex baxay, sun buu isiiyey, waa markay qofta ay sitrta isku qarsadaan
la hadlaysee, kuwa kalese arrimahaan islama soo qaadaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la soo gaaray xilli aysan is qaban
Karin, yaanan sheekada kugu daaline waxaa dhacday inay is heyn weyday oo u sheegtay, inay jeclaatay inanka, oo ayba lagama
maarmaan tahay inuu wax la qabto Wuxuu ka yabaay sida wajigeedu u beddelmay markay u shegaysay, wuxu ka dareemay, waji
gabax iyo dhidid tiro badan oo aad moodid inay fujaan shah ah cabtay. Hadalkeeduna wuu kala googo’ayey. Laakiin isagaa
si qaboow wuxuu u yiri Walaalay waan ku jeclahay aniguba waana kula qabanayaa jacaylka. Habeenkaas farxad uga weynayd
ma jirin siday iyadu sheegtay, isagase wasxay la ahayd habeen iska caadi ah, inkastoo ay xasuus gaar ah ku reebay laftiisa,
laakiin gantaalihii jacaylka ee iyada asiibay wali isaga uma ay soo gudbin.
Intuu wadada sii socday, wuxuu is kula
hadlayey, tolow maxaa qofta ku dhacayoo beddelay, dadku waa tay oran jireen qoftu waa mid kibir badane? Soomalida warkooda
qaar badan baa ku noqosho u baahan.
Wuxuu ka fekeray qof jecel, isaguna inuu jecel yahay uusan hubin siduu noqon doono
xiriir koodu, wuxuu ku talagalay wixii doonaa ha ka dhecee inuu naftiisa u qasbo nafteeda, maadaama ay jeceshahay, taladaas
ayuuna u guuxay. Waana kaga dhabeeyey.
Iyadu xilliga yare ee ay kala maqan yihiin kala badan sanado, waxaa u xisaabsan
daqiiqadaha. xilli kasta waxay is tiradaa muu yimado hadda, fiicnaan lahaydaa haduu iska imaan lahaa. Feker dheeraad
ah ayaa ku dhacay, waxay jeceshahay mar walba inay dareensiiso jacaylkeeda, ma niyad xuma oo waxaay la tahay inuu dhaqso u
soo jeclaan doono. Wuu yimaadaa, markaasaay faraxdaa, isagu sheeko badna ma hayo oo uu ka sheekeeyo, wuxuu ku fekeraa jacaylku
wuu iska imana doonaa, uma fiirsado oo mar mar buu isa ka eegaa, ama si aan dhug lahayn buu u dhugtaa, wuxuu kaga mashqulaa
buugaag iyo marba shay, mar TV ayuu shitaa, mar wuxuu ka sheekeeyaa ciyaar iyo wax aysan shaqo ku lahayn. Wax walboo uu
sheegose iyada waa u malab, markay eegto waa u farxad, haddusan isagu diidayn , waxay iska rabtaa inay dhabtiisa ku seexato,
laakiin waa danbi bay is tiraadaa, isaguna wuu ku nacayaa, kaana tagayaa. Afkala qaadkiisa, dhawaaaqiisa, tabaashadiisa
intuba waa u dawo iyada. Isaga waqtiga ayaa u gaabiya, oo wuxuu is yiraadaa, saacadduhu fara badanaa, iyada se waqtigu
wuu u dheeereeyaa, oo hadduu yeelayo waxay oran lahayd, iska joog waligaa. Marka uu laba saac joogo buu socod u holladaa,
markaasay tiraadaa war maxaa u cararaysaa meel lagaa jecel yahay baad joogtaaye, markaasuu dhahaa, waan ogahay abbayo laakiin
meel kale oo laga iga jecel ayay ayaan u socdaa waa gurigii waalidkay. Intay naxdo bay misna caadi noqotaa. Waxay jeceshahay
nafteeda inay dhibto oo siiso wuxuu jecel yahay, sawiraddiissa ayay laabta ku qabsataa, shumisaana. wuxuu sidaa ahaadaba
jacaykeedii waa ka sii daray wuxuu ku riday buufis iyo xanaaq. waxay is tiraadaa muxuu sidaa kuu yiri kuma jecla ninakani,
iyadoon ula kacayn bay mar mar xanaaqdaa. Isaguna wuu ku sii shidaa, Markaasay soo noqotaa oo baridaa, una sheegtaa
inay jeceshahay ayna qaldantay oo raalli galisaa, markaasuu baqaa oo soo noqdaa isaguna.
Xilligaas xisuhu labadaba
cirkuu gala. isagu wuxuu is yiraadaa jacayl ba ku haya, waayo hadaladeeda beerka soo ridaya ayaa ku soo noqnoqda, markuu
ka tagona waa caadi.
Wuxuu sidaa ku jiraba, wuxuu gaaray xilli uu u soo xiisoodo, oo sheekadeeda jeclaado, qoftii awal
caadiga la ahaan jirtay hadda si kale ayay ula ekaatay, markuu u yimaado wuu u fiirsadaa, awal meel ka fog buu ka fariisan
jiraye, hadda hoostuu kasoo galaa. Wuxuu jecel yahay inuu ku nabnaado. Siduu sheeko u wado ayaa waxaa ku soo dhaca erayo
ay horay u oran jirtay, markaasuu qiiroodaa, inuu ooyana ay qabataa. Wuxuu gaaray heer uu la noqtay inaysan iyadu gaarin. Iyada
waa farxadeeda oo culays badan baa ka dhacay, wixii ay ku wareeri jiraty hadda waa ay haysaa, oo jacaylkii bay ku ridday,
waxaa u dhimman oo kali ah inay Is calfadaan. Ragga kale oo dhan uma haysato rag, isagaa kala fiican cid kasta, waa boqorka
raga.
alla kii jacayl ahaa diimo badanaa! Muddo dhawr caano maal laga joogo waxaa igu maqaala ah lammaanahaasi inay
guri galeen.
La soco taxanaha jacaylka..
Qalinkii C/Fitaax Cabbaas E-mail. saalaxyare@hotmail.com
|