Ilmadii Dagaalka Sokeeye
A. M. Yusuf
CopyrightŠ u
dhowrsan qoraaga | wayeel@operamail.com
CopyrightŠ
u dhowrsan qoraaga | wayeel@operamail.com
Ibraahim Faarax Cabdi (Shaarib) ayaa
yiri:
Isin
beena urur aan wax qaban uunka maqashiiya
Labadii is aamini jirt'aad kala irdheyseen'e…
Wax'aad tihiin Amxaara
nala jirta oo na aynabay'e
Aqligaad kawada foorartaan sida Ibleyskii'e
Utun raagtay aaqiro dad baa eed la yuurara’e
Aduunyada
dusheeda na dad baa eersigiin qaba’e
Ifk'aad nagu kadeedeen shar b'aad urursanaysaan'e…
Odoyaashu aafiyo
dhexgale' ururso xaaraan'e
Wax'aan aragnay waxa aasan baa tiro ka eel dheer'e …[i]
Soomaaliya waa lamadegaankii jaxarka, jawrka iyo xakaarka. Dhulkii aanooyinka.
Geyigii colaadda. Carradii gacandhiiglaha. Ciiddii mooryaanta. Hooygii hoogga, kufsiga iyo karaamadarrida. Xabsigii saboolka
iyo silica maanmaalka iyo wadaadada Ilaahay. Dalkii goblanka, madiga, agoonka, rajayga, armalka, asayda, abtirsiimo-laawaha,
looma-ooyaanka iyo oohinta. "Waddankeennu waa wadnihii jidhkeenna[ii]" ee nacayb iyo dhiig sokeeye fatahay!
Dagaalladu ma laha gacaltooyo ama ba guhaad loogu kala xilan karo. Si
dhif ah ay’ay nacabtooyada dagaalka sokeeye u kala duwan tahay. Mid shalay ahayd iyo mid maanta joogta ba, mid mid dhaanto
ma jirto. Colaaddu, weli isla sideedii hore ay’ay wax u dishaa wax na u dumisaa. Isla sidaas oo kale ay’ay weli
na waxyeello u geysan doontaa — sidii shalay ama ba maanta. Si kasta ba, “dhibbanaha ugu horreeya oo ay colaadda
disho waa runta.” Walaal iyo wadaaygiis — ee midkood ba kan kale, rogaal
iyo col ba ruuga u dhigay — ayaa eedda isku kala dadbi doona. Midkood na ma qaadan doono in uu noqdo eedeysanaha nabaddii
aasay. Mid kasta na isaga ayaa isla gar lahaan doono. Isaga ayaa isku tilmaami doono in uu yahay runlowga keli ah ee runta sheegahaya. Dhibbanayaal, bartamaha dagaalka ku go’doomay, ayaa jiray ee ku dhex
saxariiray dhiillooyinka waalnaa iyo gadoodkii xumaa ee ka dhex dhacay beelihii ridamayay iyo isreebkoodii qubay dhiiggii
qaranka — ilmadii dagaalka sokeeye.
Dhibbanayaasha, sida la caadaystay, waxa la soo hadalqaadi
doonaa waayo dambe dabadood. Ama shibteeday ayaa laga wada geli doonaa, si aan cawrooyin muuqda loo qaawin. Ama kaagadaranta,
waa ba lagu faani doonaa halkii looga murugoon lahaa tiryooyinkii sokeeyihii dhintay — see waa iska xaal dagaal’e.
Arrinta ugu wada fooshaxun na, waa midda iman doonta gabaabsiga dagaalka: Waa ba la illoobi doonaa. Cid doonaysa in wax ogaato
ba ma jiri doonto. Qof kasta na waxa uu doorbidi doonaa in uu noolaado noloshiisa; dantiisa na aan uu u seegin dhacdooyin
dhacay tagtohore — "tagto daa ee timaaddo qabo," miy'ay rumaysan yihiin? 'Yaa og?
Si ayan, hadda ba taas oo kale u dhicin, ay’aa jeclaan
lahaa in aan Soomaalida ku baraarujiyo qoraalkaygan. Dhibbanayaashii "iilka lagu gaabshay" waa in hogga hiilka loogu geeyaa.
Beriga maanta ah, waxa aan doonahayaa in aan xusuusto hooyaday,
aabbahay, awowgay, ayeyday, abbaayday, abboowgay, xigaaladaydii, deriskaygii, saxiibaday — dadkaygii — sida kaska
iyo bareerka ahayd loogu riqday. Xigtadaydii, sida turriino la’aanta lahayd, loogu rigaaxay reemida madaafiicda. Gacalkaygii
hoobtay ee aan ruux na laga caymin. Saaxiibaday iyo deriskaygii ay laayeen 'Koofiyad
Castii', jabhado-ku-sheeggii, bombooyinkii, Teknikadii, Mooryaantii, dagaaloogihii, siyaasigii, reer magaalkii iyo reer
miyigii — qawleysatadii badda iyo berriga. "Giddigiis naflaa'iga wixii gobolba meel aaday.[iii]" Colaaddii, xasuuqii iyo duqyentii aan loo aabayeeli jirin awgii, dad ayaa ku kala irdhoobay. Dadkii
uu aabigu qixiyay, baylahda na uga dhigay arradka, asqada, oonka iyo gaajada iyo hawkarka iyo dhaxanta iyo dheelka arooyaad iyo dhibbanayaashii ka soo noolaan kari waayay. Dadkaas ayaa maanta mudan in aan xusuusto.
Cid aan taa na ku habaaro ama ba ugu duceeyo, garan an maayo. Lixaadkaygii ayaa socod
iyo gudub[iv] u diriray, socod iyo gudub na isu dabargooyay. Midigtaydii iyo bidixdaydii ayaa isjaray. Haddii se maanta,
halka wax oo aan diidan ahay uu laabtayda geli lahaa, waa hubanti, in aan sheegga Soomaalida oo idil wada nici lahaa. Ma ogi
si aan hadda na u nici karo lafahayga iyo dhiiggayga. I ma ogid ee Soomaali ay’aan ahay. Soomaali xumaan tirsanaya,
xummaan na aan cid na la doonayn; bal se ay xumeeyeen Soomaali walaalihiis ah ee xun. Mid xun iyo mid san na, Ilaaha Weyn,
ayaa og. Anigu na, qaar xumaa, ogi.
Reer kasta waxa laga tebaa dadkii aan ka soo samatabixin colaaddii
qaranka. Sidaas darteed na, baroordiiqda qaranka ee taah-beeshay ka qeylo dheer wax aan la maqli karayn. Murugooyinka shibban
ee ooyaya. Anigu se indhuhu baroor awgeed ay'ay i la basaaseen. Dadyow badan ee aan adduunka ba joogin ayaa i hor imaanaya.
Dadka — dhimashadoodii, naflacaarigoodii, galangalcowgoodii, sakaraadkoodii iyo goohoodii — geeridoodii xanuunka
badnayd ay igu reebtay uurkutaallooyinka raagaya. Geeridii qaranakayga gunnimada badday; cadowgii dadkayga na guushii siisay.
Gardarradii iyo maaggii ay'aan
welidan hiban. Ciilka iigu xanuunka weynaa waxa uu ahaa, goortii rayid aan hubaysnayn dagaalkii lagu galaaftay, weerarkii
na lagu dayeysiiyey. 'Ha kala reebin, wax na ha hambayn' ay ka dhacday! Carruur, haween, wayeel iyo bukaan ba la wada xasuuqay.
Ma gaalleeftii ayaa loo qaaday gaabiskii iyo dhaawacii na! Degmooyin iyo beelo dhan miyaa damug laga siiyay! Dadku w'uu ka
sheekayn doonaa teeryo Qiyaamaha. Geeridoodii waxa ay i dhaxalsiisay dhaawacyo culus, kuwaas oo si ay u bogsadaan u baahnaan
doono waaritaan dheer — cimriga oo idil, malaha.
Marka dagaalka la ebyo, wax iisha, runta ayaa ugu horreyn doonto.
Waa qaan innaga oo dhan la inoo haysto, haddii dhibbanihii colaaddu noqdo tiro
lagu qoray sadar ama ba uu noqdo tirsi la qatifay ama ba qalfoof iil iska dhextaal uun. Runtii na wax aan qeexnayn, ama la
qasay ama ba ay noqoto wax raqdii lagu aasay maydadkii la raaciyay. Dhibbanihii la halmaamo na, "waa sidii isagii oo mar labaad
la dilay" oo kale. Runta waa in la soo ifbixiyaa.
Arrin weeye aan si aad ah ugu bogi lahaa, haddii jiilaalka aan
igu kufka ahayn iyo faca iga dambeeyo oo idil, in ay u arkaan sokeeyihii la dilay, la qixiyay, la barkiciyay, la na bililiqeystay:
in ay ahayd gef weyn; si runtii na ay u noqoto mid la taray hiil weyn. Mid loo wada dooday, mid qareen loo wada noqday —
mid la wada qaayibay. In aan wada sheegno runta wadnaha iyo caloosha ba aan la siin kari doonin. Tani na waa wax barbarsocda
irkashada dakanaha colaadaha: Hal gardarri waxa loogu aargudayaa gardarrooyin kale
ee la buunbuuniyay. Qaantii si loo mago, waxa loo bahan yahay ma ahan fulaynimo ee waa — in aan laga dhuuman ee lagu
dhiirrado — diracnimo, karti iyo halyaaynimo. Waxa loo baahan yahay jacayl
iyo hilow walaaltinimo si boogihii qaranka loo dhayo: Si runtii na loogu helo garsoor
dabagala iyo gar lagu joojiyo.
Yididiilo aad u wanaagsan ay’ay ahaan lahayd, haddii aan
soohdimaha colaadda iyo nacaybka iskaga soo maaxi lahayn si aan runta isugu wada sheegno, isu na maqalno. Haddii ay reer Awdal
ama reer Jubbada Hoose ahaan lahayd ama Benaadir, Saanaag, Shabeelle Dhexe, Gedo, Hiiraan, Sool, Bari, Nugaal, Mudug, Waqooyi
Galbeed, Shabeelle Hoose, Togdheer, Galguduud, Bay, Bakool iyo Jubbada Dhexe — waa in aan jebinnaa xuduudaha beenta
ah ee na kala xereystay. Si qarankeennu isugu yimaaddo na, waa in aan odda goosannaa. Waa in aan is aaminnaa. Isku kalsoonaannaa.
Waa in aan qolo goonni ah na loo takoormin! Beel ha sheegan, gobol ha sheegan, degmo ha sheegan, tuulo ha sheegan —
qabiil na ha sheegan. Dalka Soomaaliya sheego, Soomaalinnimo sheego, Islaannimo sheego — qarannimo sheego! Weynaanta
adiga oo arkaya, maxaad walaalkayow fushay, weydnimada. Ha la dhaqaaqo. Qoladii salaanta bilowda, ayaa na ugu khayr badan!
Ummaddii Nebi Maxmmad waa in ay isu xanuunsataa. Waa in ay walaalowdaa. Ha la dhaqaaqo. Waa in la is jeclaadaa! Madasha aan
ku kulmayno iyo goorta aan kulmi doono, labadu ba, waxa ay digniin iyo waanooyin iyo qeylodhaan u noqon doonaan, innaga oo
idil; si aan ay colaad dambe u helin dabayl hurisa iyo shidaal dambe oo ay quudato ba. Madashaas waa goob aan kowda hore ku
wada ooyi doonno; ka dib na, eedihii iyo eexdii ba aan cafin doonno. Ilaahay na ha
ina wada cafiyo. Walaalahay na Eebbe uurkooda ha isu dumo — ha u na dembi dhaafo idilkood. Aamiin! Aamiin! Aamiin!
Laga bilaabo berigaas — hadd’uu Allah igu simo —
iyo teeryo beriga kale ee aan anigu na ku biiri doono halkii loo batay, waxa aan laabta ku hayn doonaa, ku na heesi doonaa,
Somaaliyey toos’oo toos’oo isku tiirsada ee
Had ba kiin na taagdaran taageera weligiin!
*****
Dhamaad
La soco qeybaha soo socda …
[i] Ibraahim Faarax Cabdi, "Ilaahiin ka Baqa Wax'aad Qabtaan Ehelediinnii'e".
Eeg halkan …
[ii] Maxamed Ibraahim Hadraawi, "Waanada Macallinka". Hees, Radio
Mogadishu. Luuqdii Maxamed Mooge Liiban. Inta aan ka xusuusto, waa sida hoose:
[iv] socod iyo gudub: [WAALO] ciyaar laga ciyaaro gobolka Mudug. Labo nin
oo iska soo horjeedda ayaa gacmahooda ku tuuraya inta iyaga u dhaxaysa. Saddex jeer (tarta) oo isku xigta ninka gacmihii hela
ayaa raynaya. Socod waa markii ay gacmahooda midig ama bidx (gur) badda wada galaan. Gudub na waa markii ay si isdhaaf ah
bedka u galaan. Koodii raayay sacab iyo or ayaa loo garacayaa: " A tuba a tuba tuba tuba, qabax dheh!". Macnaha aan halkaan
uga gol leeyahay waa: gacan bidix iyo gacan midig
uun.
CopyrightŠ u
dhowrsan qoraaga | wayeel@operamail.com
CopyrightŠ
u dhowrsan qoraaga | wayeel@operamail