Afka soomaaligu ma la tartami karaa afafka kale?
Sidee
afkeenna looga dhawri karaa erayada doolka ah?
Dhibaato intee le’eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan afkeenna?
Ka
tegidda shibbane labalaabma intee in le’eg ayuu doorin karaa micnaha eray?
Wax Malaga qaban karaa shibbanayaasha
lammaan?
Sidee loo hormarin karaa afkeenna?
Weydiimahaas kore iyo kuwo kale oo badan ayay qormadani
gundhig u tahay, si baaxad weynna u falaanqayn doontaa.
Bulsho kasta hor u marka afkeedu wuxuu ku xiran yahay hadba sida
ay u dhawtaan afkooda.
Mahad ballaaran waxaa leh guulleheenna sharafka badan oo noo sahlay inaan yeelano
af gooni ah oo aan bulshada kale ee caalamka kaga duwanaanno.
Ammaanna waxaa leh guddigii hirgaliyey far u yeeliddiisa.
Afkeennu
wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa uu lahaa dad badan oo dhawra si toos ah iyo si dadbanba ayaa jirtay, taasoo ka duwaneyd
tan maanta uu ku jiro oo u eg inuusan ehel lahayn kadib markii cidkastaa ku tumatay oo siday doonto ka yeeshay, afafkii
kale ee doolka ahaa ee jabkan la doonayeyna cidla ay ka heleen.
Afka soomaaligu waa af guda weyn oo laga heli karo
wixii af looga baahnaa oo dhan, waana hodan aan marnaba lagu sheegi Karin baaqinnimo. Dhan loo rogoba waa looga dhergaan.
Bulsha
weynta Soomaalyeed afka isku si uguma hadlaan, qaybiba dhinac bay badisaa, waxaase la isku raacsan yahay in reer miyyigu afka
u badshaan. Taa macneheedu maahan reer magaalku afka ma yaqaan ee dabcan in ay danohooda yar yar ku qabsadan waa ka yaqaannaan,
hasa yeeshee inta afka ka eexata badiba waa reer magaalka.
In muddo ahba waxaa isa soo tarayey dadka afka siday
doonaan ugu hadlaya oo marba dhinacay doonaan u adeegsana.
Dalleensiga erayada qalaad adeegsigooda ee noqotay mid qof
kastaa ku dhaqaaqay waxay horsed u tahay dabar go’ ku dhacaya afka.
Waxaa wax laga qarracmo ah in erayo aan sinji
iyo sawrac toona u galin afkeenna lala hoos rooro, loona ekeysiiyo afkeenna, taasoo ah meel kadhac iyo maamuusid la
aan loola muraaday afka.
Qofkasta waxaa habboon in uu afkiisa ilaashado kana ilaaliyo erayada doolka ah oo uga
soo tallaabaya soohdimaha fog, kana feejignaado wax kastoo afkiisa bah dili kara.
Qofka soomaaliga ahi markuu
hadlayo oo uusan u fiirsan hadalkiisa waxaa afkiisa ka soo butaacaya erayo af carbeed ah ama ingiriis, talyaani ama
af kale ah oo soo doolay.
Haddii aan baaritaan ku samaynay erayada ku dhex milmay afkeena nus qarnigii la soo dhaafay,
waxaa soo baxday in yihiin tiro aan la soo koobi Karin, haddii aan laga fiirsan oo si dhab ah la isaga dhawrinna dhibaato
weyni ay afkeena ku habsan doonto mustaqbalka.
U fiirso qoraalkan siduu u qoran yahay.
(Macallin ayaa ardaydiisii
su’aalay inay soo qoraan jumlado faa’iido leh oo shacabkeena wax tar u leh. Markaas ayay ardaydii soo qoreen waxayna
u bilaabeen sidaan.
Annagoo ah ardayda iskuulkan waxaan
salaamaynaa dhammaan umaddeena ku nool adduunka oo dhan. Waxaanu halkaan ka codsanaynaa dawladdeenna inay joojiso
khilaafka dhexdeeda ah, oo ay meel isugu timaado. Caqligeenu wuxuu na siiyey inaan ka fekerno amman-darrada dalkeenna. Waxaa
nala haboon in ciddii ka shaqaysa dhawridda ammanka hadiyad la siiyo.
Waxaanu aragnay in arrintaasi
tahay mid na khusaysa Oo aan masuuliyad iska saarideedu cidna khaas u ahayn. Soomaaliya xilli bay waxay ahayd
meel safaarado ku leh caalamka oo dhan.
Dawladdeenu waa inay ahaataa mid isticmaasha caqliga.
Shaqsi kasta oo
ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xukuumaddeena waxaa habboon inay ilaaliyaan xuquuqda waddankeenna.)
Dhammaan
erayada cas waa erayo dool ah oo ka yimid meelo fogfog, lamana soo koobi karo inta eray ee baadida ah ee ku dhex
milmay afkeena sida
KELMAD, KOOB, TARMUUS, QADO, SUBAX, SALAAN, LOOX, ISKUUL, KURSI, ALBAAB, DARIIQ
IWM.
Waxaa iyana jira dad soomaali ah oo aan marnaba si hubsiino leh u qorin afka iyagoo aan dareen ka
qabin inay ay wax qaloocsheen. Bal eega sida shibbanyaasha labanlaamma dadku u saxariirsheen.
Haddii qofku ka
tago shibbane kaliya waxaa is rogi kara u jeedadii erayga oo dhan.
U fiirso halkan.
Middi
iyo midi
Mooddo
iyo moodo
Horreysa
iyo horeysa
Abbaar
iyo abaar
Berri
iyo beri
Barre
iyo bare
Addoon
iyo adoon
Ruugga
iyo ruuga
Horreyn
iyo horeyn
Carrab
iyo carab
Gacalloow iyo
gacaloow
Mareegta BBC da ayyaa mar qortay cinwaan u qornaa sidan:
(ETA oo xabad joojin
ku dhawaaqday.)
Waxay ula jeeddey waan gartay oo shibbane B ah ayay ka tagtay, markaasaa macnihii eraygu noqday
xabadka oo la mid ah laabta. Halka xabbaddu tahay tan wax disha oo ahayd tey ula jeedday.
Dan la’ aantu
si weyn ayay u duleedisay afkeenna, ka fekerid la’ aanta erayada qoristooda gaar ahaan shibbanayasha labanlaamma waxay
horseedayaan baaba’ ku dhaca afka, iydoo markaas ay imanayso inay isku qaldamaan erayo badan oo kala duwan macne ahaan
iyo dhawaaq ahaanba sida.
Arrintan dambe ee ah ku tumashada afka dhaliisheeda waxaa leh dadka siday rabaan wax u qora
isuna haysata inay soomaali qorayaan.
Waxyaabaha kale ee ay haboon tahay in laga hadlaa waa shaqallada fudud iyo kuwa
culus oo haddii aan la isku af garan dhibkiisu dad badan nacsiin doono afka.
Ilama wanaagsana inaan dhaliilno
guddigii noo qoray afka ee innaga ayay ahayd inaan u istaagno dhammaystirkiisa.
Inay wax badan qabyo
ka yihiin waa wax jira.
Mar baan dhegaystay xirsi magan ka mid ah dadka u ololeeya in farteenna laga dhigo
tan cismaaniyada( far soomaali) isagoo leh farteenna wax baa ka maqan wuxuu ula jeeday erayadu siday carrabka
ugu kala duwan yihiin fartana ha loogu kala duwo.
U fiirso erayadan bidixda kaa qabanaya.
Dirír
iyo dirir
Dííd
iyo diid
Cád
iyo cad
Túúg
iyo tuug
súg
iyo sug
*dúúl
iyo duul
*béér
iyo beer
ìnan
iyo inán
saláán
iyo salaan
*dóól
iyo dool
lóóx
iyo loox
hagár
iyo hagar
dóón
iyo doon*
móód
iyo mood
dáán
iyo daan
soomaalì
iyo soomaali
*kóób
iyo koob
kóór
iyo koor
isláán
iyo islaan
barí
iyo bari
caráb
iyo carab
nééf
iyo neef
Eraydaan
kor ku xusan waa erayo kala duwan si loo dayoba.
kuma jiro laba eray oo isku macne ah, iskusina looguma dhawaaqo
( erayadan qaarkood ayaa leh dhawr macne gaar ahaan kuwa falalka ah ee ay dulsaran tahay astaanta*ta).
Dhibaatada dadka
ka soo gari karta arrintan waxay si gaar ah u saamaynaysaa dadka ay isugu darantay aqoonyarida afka iyo wax qoridyariddu.
Qofkaasi
meel uu ciirsado ma leh, waxayna ku kallifaysaa inuu maansada aqriskeeda kaba cararo dhegeysi mooyee.
Maansadu waa
qaybta ugu adag afka, waa afkii oo si la yaableh loo adeegsaday.
Erayada isku qoofalan ee maansadu ka kooban tahay waxay
u fududahay oo kaliya qofkii soomaaliga si wanaagsan u yaqaaan dhaqanka miyyigana wax uga bilaaban yihiin.
Qofkiise
ku dhashay magalo war moogna ka ah waxtarka afkiisa, markuu arko adaygga maansada tijaabo dambe ugu noqon maayo.
Waxaa
iyana jira shibbanayaal lammaan sida SH, DH, KH da oo ah kuwo dadka qaarkii u arkeen inay labanlaabmi karaan. Markaas waxaa
qosol leh sida shibbane markiisii horeba lammaanaa misna loo sii shedayo oo afar looga dhigayo, soo noqon mayso
dad aqriya in meelo kale loo doono!
Shibanayasha lammaan wax ka qabadkoodu waa waxa ugu sahlan ayay ila tahay aragtidayda
oo dhaqso ayaa la isugu afgaran karaa, dhibaatooyinka ka weyn ayaase wax ka qabad u baahan marka hore.
Hadda waa goortii
aynu u istaagi lahayn toosinta afkeena iyo turxaanbixintiisa, waxaa habboon in mareegaha iyo wargeysyada dadkeenu baahiyaan
qoraallada ka hadlaya afka.
Wax ka qoridda siyaasadda ee hadda noqotay tan majaraha u haysata codbaahiyaasha
dadkeenna waxaa habboon in lagu beddelo wax ka qoridda afka.
Waxaa ila qumman yaraynta adeegsiga erayada aan soomaaliga
ahayn intii la awoodo.
Waxaa la yaab leh in qof soomaaliga ahi ka xishoodo adeegsiga eray guriga (lahjad) soomaali
kale isla markaana isagoo ku faraxsan adeegsado erayadii soohdimaha fog ka soo talaabay!
F.G: adeegsiga astaan gaar ah ama labanlaabidda shibbane aan labanlaabmin oo uusan guddigii farta qoray
astayn ee aan halkan ku adeegsaday, waxaa igu kallifay in si fudud loo garto ujeedadyda qoraalkayga, cidse amri mayso
ku dhaqankeeda.
W.D. Cabdifitaax Cabbaas
E-mail. saalaxyare@hotmail.com