Naakhuude
Sheeko Cusub
oo taxane ah Waxaa Qoray
Shaafici Xasan Maxamed
mi99mosh@chl.chalmers.se
Waxaa
lagu baahiyay AllPuntland Feb 16, 2003
Goortii
ay naakhuude Kediye Bulxan iyo Udgoon Halac kala wardhammaysteen oo uu telefoonkii isi saaray buu khaanadihii miiska middood
gacanta midig ku soo jiidey,
wuxuuna
ka soo bixiyey isteeg xiran oo sigaar ah, miiska ayuuna dul saaray.
Intuu
baakaddii weyneyd furay buu wuxuu ka soo saaray mid yar, ka dibna intuu baakaddii yarayd degdeg u furay ayuu wuxuu gudeheeda
ka soo jiidey xabbad sigaar ah oo uu afka gashaday.
Shaarkiisii
cawlka lahaa oo afarjeeblaha ahaa buu labada jeeb oo hoose isku mar labadiisii sacab oo waaweynaa geliyey; haddana labadii
jeeb oo kore ayuu isku mar calaacalaha dusha ka mariyey. Dabkii uu Kediye Bulxan xabbadda sigaarka ah ku daaran lahaa afartiisa
jeebba wuu ka waayey.
Asaga
oo uu weli sigaarkii afkiisa ka soo taagan yahay ayuu khaanaddii ballaqnayd gudeheedii hoos u qooraansaday oo intuu gacanta
la galay cabbaar baaray; dabadeedna intuu xoogaa riixey buu khaanad hoose xoog u soo dhiftay oo haddana xoog u celiyey ilaa
ay sharqan weyni ka yeertay.
Kediye
Bulxan labada khaanadood oo uu furay midna kama uu helin qalabkii uu xabbadda sigaarka ah ku shidan lahaa, wuxuuna miiska
dushiisa ka qaaday isteeggii oo aan daboollayn oo ay gudihiisa safan yihiin baakado badan oo sigaar ahi. Dhaqso ayuu, asaga
oo gacnaha ku haya, isteeggii isugu aabburay oo khaanaddii furnayd si qaabdarro ah ugu dhex tuuray.
Baakaddii
yarayd waxay weli ayada oo afbannaan oo midabkeeda in korka dahab laga mariyey la moodo dul gorofsan tahay miis ayada u midab
dhow, oo naakhuudaha hortiisa ah. Kediye Bulxan tartiib buu u fariistay, wuxuuna jirjir isugu tiiriyey kursigiisii madoobaa
oo jilicsanaa.
Xabbaddii
sigaarka ahayd, oo bushumihiisa waaweyn dhexdooda cabbaar ka dhookaysnayd, wuxuu hadda ku haystaa gacan uu bawdadiisa midig
dul saaray oo murugsatada iyo fardhexada ayuu ku xajinayaa.
Ganbaleel
uu batoonkiisu derbiga khaanadda u dhow ka soo likaysnaa buu gacantii uu sigaarka ku hayey la aadey si uu qolka Batuulo Xaange
u garaaco, wuxuuna inta qoslay iskula hadlay:
”Bal
Shuuriye Magan iyo kuwa aynigiisa ahi inta ay dumarka dulacyadooda shilimada yar oo ku jira u kala dhuumanayaan may markabka
hawlihiisa wax ka wadaan oo wixii calafkooda ah afka ku dhuftaan!?
Haddii
ay rag noolaan kara yihiin kumannaan jigo ayaan ku martigelin lahaa. Saraakiisha sarsare oo aniga igu xiga kolley wakhtigaan
xaadirka ah ma ay noqon karaan, hase ahaatee maamullada hoose laamohooda kala duwan, sidda bangiga iyo hoteelka, ayaan ku
miidaamin lahaa oo ay ku madax qarsan karaan, ama gacanyareyaal bay hay’adaha sarsare ka noqon lahaayeen.
Kolley
injineerro farsamo cilmiyaysan yaqaan ma ay aha oo aqoon mashinka iyo korontada uma ay laha, hase yeeshee sagxadaha iyo saqafyada
dabaqyada markabka dadka hadda u magacaabani ayaga kama ay qabiil fiicna, kamana ay iimaan la’a.
Badmaaxyada,
dayactireyaasha, kabalyeeriyada, kariyeyaasha, kuwa matoorrada sifeeya, dadka rakaabka caawiya iyo qaarka kale oo in ay tababar
khibrad korodsi ah sameeyaan wax ku cuna kama ay waayeen boos ay isku kakabiyaan oo ay wax ka dhedhemiyaan.
Midka
liiskaan magaciisu ugu horreeyaa noloshiisa ma wuxuu ku dhammaysanayaa in ay ku shaqaystaan kuwo fulayo ah oo sidii ay been
u shubayeen qawlaladu madoobaadeen!? Waagii uu naakhuuda-ku-sheegga ahaa markabku halis xun buu ku jirey, maxaa yeelay nin
wada lama aqoon; dabadeedna barqadii baa asaga oo ilmirigle ah oo aad u xaqiran qolkaan laga saaray.
Dadka
meesha lagu soo qoray intooda badan waa laga danbaajiyey, waxaana ugu miskiinsan oo ugu maangaabsan kuwa liiska loogu hor
mariyey. Waayadii hore oo aannu nimanka kulkulul is xaniinyo taabanayney kuwaan badankoodu waxay markabka kaga shaqayn jireen
qado iyo qaad ay hal mar u fariistaan.
Raggu
waa is yaqaane ma markabkaan wareersan oo noqday ’geel ninkii dhicin lahaa dhacayo’ ayaan kala tashanayaa dad
aan weligay aqiin oo makhaayadda digsiyadeeda walaaqayey iyo kuwo aan reerkaba meel loo raray aqoon ilaa gaadiidka la dareeriyo?
Qolka asluubta waa in…….”
Waxaa
Kediye Bulxan isla hadalkii ka kala goysey Batuulo Xaange oo ayada oo qoslaysa u soo gashay. Horay bay ka fahantey baahida
naakhuuduha.
Goortii
ay saaka qolka ka shaqaynaysey waxay ka bilawday in ay soo daadiso danbas badan oo uu Kediye Bulxan shalaygalab haashtariig
miiska saarnaa ka buuxiyey. Markii ay weelkii yaraa soo nadiifisay bay qalabkii uu naakhuuduhu sigaarka ku shidan jirey inta
miiska ka qaadday waxay labadiiba dhigtay kabarka daaqadda; ka dibna qolkii oo dhan bay hagaajisey.
Aad
bay uga xun tahay in ay saaka daaqadda ku illowdey alaabtii balwadda naakhuudaha, waxayse hubtaa in aan arrintaas awgeed shaqada
looga eryayn, maxaa yeelay maalin kasta Kediye wuxuu u sheegaa in uu xaasaskiisa ka jecel yahay oo uu rajaynayo in ay labadoodu
aakhiro jannada dhexdeeda isku guursan doonaan!
Inta
ay ifka adduunka ku wada nool yihiin wuxuu ka ballan qaaday in uu maalin walba dhowr jeer meel kasta ka dhunkan doono. Wuxuu
kale oo qabatimay in mar walba oo uu markabku magaalo dakad leh ku hakado uu hadiyad qalbigeeda dejisa u soo gado.
Isla
markaas wuxuu dareenkeeda ku abuuray kalsooni iyo saaxiibtinimo oo wuxuu ka dhaadhiciyey in uu keligeed ku qarsado siro waaweyn
oo uusan cid kale ku aamineen. Waxay ku heshiiyeen in ay har iyo habeen labadoodu wada xantaan dadka kale oo xafiiska naakhuudaha
ka shaqeeya iyo saraakiisha asaga ka hooseeya.
Hadda
waxay, ayada oo qoslaysa, daaqadda kabarkeeda ka soo daftay haashtariig yar oo dhalaalaya iyo jantefiigar cagaaran. Saxankii
danbaska waxay tartiib u dhigtay naakhuudaha hortiisa, jantefiigarkiina waxay ayada oo gacanta ku haysa la soo fariisatay
kursi miiska weyn oo naakhuudaha geeskiisa yiil.
Kediye
Bulxan lugtiisii midig buu inta kor u qaaday bawdadiisa bidix dul saaray. Asaga oo faraxsan ayuu Batuulo-Caddey xaggeeda u
soo jeestey, wuxuuna sigaarkii uu gacanta midig ku haystey u soo taagey dhankeeda.
Calaacashiisa
bidix wuxuu markiiba saaray lawga iyo bawdada Batuulo Xaange dhexdooda oo ay goonnadii gadaal uga xaydantey. Wuxuu saaxiibtiis
ku eegayaa indho koodadka duuduub badan ku leh.
Shaarka
Kediye oo cawlka leh guluusyadiisa kore way furan yihiin, oo shafkiisa waxaa ka buuxa timo daacuf ah oo cirro u badan oo ilaa
surka hawd la moodo.
Batuulo
Xaange xoogaa bay naakhuudaha xaggiisa u soo kuurkuursatay oo kursigii soo durugsatay, waxayna ayada oo Kediye Bulxan isku
lammaaninaysa dab olol gaduudani ka baxayo ku holcisey xabbaddii sigaarka ahayd oo uu naakhuuduhu xaggeeda u soo taagayey
caaraddeeda.
Markii
uu Kediye Bulxan sigaarkii shidnaa afka la aadey bay Batuulo gacanta naakhuudaha midigteeda ku taataabatay. Waa gacan xaad
badan oo ay calaacasheeda weyni bawdada gaduudan oo Batuulo Xaange dusheeda marmarayso. Cududda kuusan iyo dhudhunka weyn
oo naakhuudaha ayey Batuulo-Caddey calaacasheeda jilicsan oo faraha dhuudhuuban leh tartiib ugu xoodaaminaysaa.
Naakhuude
Kediye Bulxan iyo Batuulo-Caddey waxaa dushooda iyo hareerohooda heehaabaya qaac cad oo sanbabbada naakhuudaha ka soo noqdey,
wuxuuna asaga oo xoogaa dhibtii siyaasadda markabka illaawey danbas dheer oo tubaako iyo warqad gubtey ah ku bitinayaa haashtariiggii
ay saaxiibtiis haddaayey hortiisa dhigtay gudihiisa.
Kediye
sigaarkii oo uusan kala bar cabbin ayuu wuxuu saaray haashtariigga qarkiisa, wuxuuna asaga oo daacad u eg u soo sikaday Batuulo-Caddey
xaggeeda.
Labadiisii
sacab oo korka duuduubka badan ku lahaa buu wuxuu hoos ka xulinayaa goonnada Batuulo Xaange, ayaduna waxay calaacalo nadiif
ah oo dushooda rooxo bislaatay la moodo ku maraacinaysaa gacnaha odayga oo uu dubkoodu suun biciid u egyahay, waxayna ku eegaysaa
indhiho uu hadda indhihiisa ka jecel yahay.
Kabeheedii
cirbaha dheerdheer lahaa way iska siibtey oo waxay mid ganbooni taallaa kursiga ay ku fadhido hoostiisa, middii kalena naakhuudaha
agtiisa ayey sidii baabuur gaddoomey dhinac u gorofsan tahay, oo ciribteedii fiiqnayd miiska xaggiisa ayey u jeeddaa.
Batuulo-Caddey
weli kursigii quruxda badnaa bay ayada oo kala fidsan oo aan cidna ka qoloonayn ku barakaadsan tahay, waxayna naakhuude Kediye
Bulxan oo gogosha cagaheedu yaalliin jilbajooga ku wada hadlayaan ereyo qubane ah oo aan siyaasad ahayn. Waa hadal aan qabad
lahayn, hase ahaatee ay naftooda iyo dareenkoodu aad u jecel yihiin.
Xabbaddii
sigaarka ahayd meesheedii bay legdoon tahay ayada oo jirriddeedu dadka xaggooda soo xigto, waxaana afkeeda oo qolka iriddiisa
u sii jeeda ka mulufaadaya qaac dhuuban oo qalqalloocan. Haashtariigga dhinaciisa woqaayi waxaa si dacdarro ah u kala fidsan
dhanbaalkii dheeraa oo ay Kediye Bulxan dadka necebi ugu baaqeen, kaas oo uusan weli naakhuuduhu akhriyin.
Batuulo
Xaange markii ay haddaayey qolka soo gashay waxay illowdey in ay albaabka riixdo, naakhuuduhuna ma uu xasuusin oo malaha xaraaraddii
sigaarka ayaa miyirka ka qaadday.
Hadda
Batuulo-Caddey codkeedu aad buu u dheer yahay aadna wuu u macaan badan yahay, albaabkiina wuu ballaqan yahay, oo qolalka debedda
ah waa laga maqli karaa haasaawaha furfuran oo ay Kediye iyo Batuulo isku lisayaan.
Batuulo
wax aan naakhuudaha in ay ka farxiso ahayn niyad iyo fursad midna uma ay hayso, mana ay ku baraarugsana albaabka cad oo ayada
iyo naakhuudaha xaggooda u soo jeeda iyo iridda haawanaysa oo sawdkeeda jilicsani uu tooska uga baxayo.
Kediye
Bulxan waa waayo-arag waxyaalo badan soo maray oo muddo dheer siyaalo kala duwan u soo noolaa. Digtooni xumo weligiis laguma
sheegin, hase ahaatee maanta qayrumasuul buu u dillaacay. Waraaqdii baas oo u timid, sigaarkii jaan oo uu dabka u waayey,
masayrkii belo oo ay Udgoon Halac xalay Shuuriye Magan ka farxisay iyo Batuulo-Caddey oo uusan tan iyo shalay wakhti u helin
ee uu kaga mashquulay shirar aan faa’iido lahayn ayaa maanta baday in uu qol furan dhexdiis ku farxo, oo codkii keligiis
lagu maaweelin lahaa duulal kale la qaybsadaan.
”Fuley
xantiis ma mooga” oo Kediye Bulxan hadda ayuu walwal dareemay. Iridda qolka oo afka soo kala haysa iyo gabadha indhaha
waaweyn oo ay xabiibka isu yihiin oo hortiisa bilgaxan midkee buu wax ka qabtaa!?
Batuulo
Xaange qudheedu hadda……..
U taagnaada Naakhuude waa, sheeko taxane ahe!
La Soco Qaybta
xigta idan EEBBE
xigasho allsomali.com
|