Musuq maasuq soomaali waa meheradeediiye
Hadba
midab horleey kuula iman maalin daa'ime
Malahmalahda iyo baanahaa mowdku ka adeegi.
Ina Cabdile Xasan
RAAS
W.Q.Wiilwaal
Waxaa i soo booqday eedaday Birmad
curadkeedii. Ima soo booqane waxaa ii soo baahday ninkii Raas ahaa. Anigoo gurigayga markaa ka soo baxay, gacan bac ku sita,
gacanta kalena sawir gacmeed aan u siday kuwa gallery lahaa, ayuu Raas iga hor yimid.
"Qarni haye" buu yiri isagoo is atooraynaya.
"Haye" baan iri.
"Maxaad
haysaa?"
"Maxaan hayn lahaa?"
Meel baan ka daahsanahay mana doonayn ninkan hadalka badan
inaan u furo. Wuu arkayaa inay taydu ahayn maalin fudud oo wakaa fiicnidiisa inta alaabadaan siday ila qaaday, talaabada ila
qabsanaya. Baabuur ma lihi oo baskaan rabaa inaan alaabtayda la raaco. Raas baase diidan. Waxaan qaadanay baabuurkiisii quruxda
badnaa ee sida lagu sheekaysto uu ku dhaartay hadduu arko qof soomaali ah oo mid u dhigma ama ka qaalisan kaxaynaya in uu
kiisa qashinka ku dari doono: "isaga macal furahiisa." Baabuur bas ma aha ee Rays baa sidiisaba wuxuu sameeyaba soomaalida
ku xumeeya. Nolashiisoo idil nacab buu ka wadaa. Hadduu kabbaa ugu yare gadanayo waa inay ahaadaan kuwa ayna soomaalidu gashan,
goyna karin. Sigaarka oo kale kan Kuubaanka ee kuuskuusan buu cabaa. Qaadka ma cuno. Waxaase qaanadda ugu rastaysan qamriga
sooyaalka qaaliga ah. Waa ninkii ciyaaraha barafka u bartay soomaalida waa laga badiyaa. Iska daa wax kalee wuxuu dalxiis
u aaday dalal aynaan maqal iyo magaalooyin aan maabkaba ku ool. Nasiibdarro kuwo dacaayadaynaya waxay lahaayeen mar uu Kosta
Rika tagay kuwa ilma'adeeradiisuu ku soo arkay. Waxaan hubaa, lama helayee, haddii la oran lahaa soomaalidoo idil waa la janaynayaa
in Raas uu jahanama rabbigii weydiisan lahaa.
Markaan dantaan maalintaa lahaa soo dhamaystay, dhowr meelood oo aan
u baahdayna aan isku marnay, wuxuu noo hor kacay meel aan wax ka cunno. Magaaladii buu naga saaray, mar aan isleeyahay muxuu
soo wadaana wuxuu na geeyay Giriig resturanti. Hadda ko hor inaan imid meelmeeshaanoo kale ah iyo in kale ayuu i waydiiyay.
Waxaan u sheegay inaan imid. Muuna jeclaysan jawaabtayda.
"Kuuriyaanka kibistooda macuntay?" buu i su'aalay markaan
tagnay miiskii naloo tilmaamay.
"Ma cunin" baan iri ilaah baa ilehe.
"Isku day baan ku oran lahaa,
hadana waxaan xasuustay inaad arday ahayd.
Bariiska shiinaha ku ekow. Isagaad awoodaan. Mar baanse
rabbaa inaan kuu kaxeeyo maqaayad ay leedadahay naag Fiidnaamaysa oo waa dhexdaasa wax naga dhexeeyeen. Waxaad ka helaysaa
hilib fardood oo si fiican loo soo kariyay. Farahaagaad goosanaysaa haddaad i raacdo. Farduhu waa dynamic."
Ina
adeerkay eraygaa aad buu u adeegsadaa. Wuxuuna ugu jiraa halka kalmada hawraarsan soomaalidii hore ugu jirtay. Wax walba wuxuu
dhahaa waa dynamic.
Gabar Giriig ah baa aniga iyo Raas waxaan rabno na weydiisay. Doofaar buu dalbaday.
"Adeer ka waran?" buu yiri markuu dhowr fargeeto goostay.
Adeerkay
Afdiir isbitaal buu ku jiraa. Ayaan dhexdaas ah baa la dhigay. Raas markuu iga waraysanayo wuxuu rabaa inaan Suubban soo haddal
qaadno.
"Adeer ka waran?" buu ku celiyay.
"Meeshiisii"
"Suubban Afdiirna?"
"Sideedii"
"Ma
gudnaan maqlee?"
Waan ka aamusay. Wuu dareemay inaan doonayn inaan ka hadlo. Dabadeed
wuxuu guda galay dantuu iga lahaa. Xafiiskii uu furtay (Somali Community and People) ee uu ku faani jiray ayuu ka cabsi qabaa
in laga qaado---naag laga cabsado oo Raas iyo ragga kalee xafiisyada furtay ay ku xantaan waa Carraweelo ayaa kormeere ku
soo maqan. Waxaa la rabaa in la ogaado wuxuu hayo iyo dadkuu u hayo; in la arko islaamuhuu afka baray, caruurtuu ciyaarsiiyay,
dagaalkuu la galay gudniinka, dadkuu dajiyay, waraaqahuu turjumay, dharkii barafka ee u bixiyay, dhalinyaraduu shaqaalaysiiyay;
in la hubsado lacagtay galiyeen meeshuu geeyay. Waa go'aan dowlad gobaleed.
"Qarniyoow inaad laga roone tahay, xafiiskayga ma timaadid, waxaan
lagu oran adeerkay baa ku dhalay. Hadana cuqdad kuuma qaadi karo oo adigiyo Ina Kariyaba waxbaad barataan. Midse ii sameeya.
Beri waxaa nala balansan naag dhib badan. Waxay baaraysa waxaan bulshado u qabano. Waa naag xun, niman soomaalidaas kale ah
baana igu soo diray. Waxaan adiga iyo Kariye, iyo Suubbanba idinka rabaa inaad meesha ii soo camirtaan. Gaar ahaan adiga waxaan
rabaa inaan kugu daro dadka aanu sheegayno inaan shaqaalaysiinay."
"Sug saaxiib"ayaan la soo badaaday markay ii muuqatay meeshuu wax
ku wado. "Waxba ha'iga qorin. Way igu adagtahay inaan waxaad gaar ahaan iga rabto sameeyo."
"Ma saas baa?"
"Haa" baan
iri"dadweynaha imaanayase inaan noqdo waxba kama qabo."
"Shirkeennu bulshadoo idil buu u banaan yahay. Taayadu ma aha xero
qabiil. Imow beri todabadiyo barka. Ha soo daahin sida soomaalida."
Markuu intaa yiri wuxuu ku celiyay inayan tiisu ahayn "xero qabiil",
wuxuuna xusay hebel iyo hebel Soomaali Maxamed ahi inay xafiiskiisa ka xamaashaan, meesha niman ilma'adeeradiis ahi ay intaa
arji u soo qoranayaan. Raas beentiisii buu u riyaaqay. Anse kama akhrisan.
II
Shirku wuxuu ka dhacayay dhulka hoostiisa. Waana loo dhammaa. Ardaaga
kore waxaa tubnaa anna i soo tilmaamay gabdho dharkii "hidiyo dhaqanka" wata, calamada labada wadanna warfinaya. Qolkii weynaa
ee dadka badan qaaday ayaan soo galay anoo kaligay socda, dadka qaarkii muuna iman qaarna wuu imaanayaa anoo arkaya. Meeshu
waa meel hanaansan dad hormar doonayana ay soo habeeyeen. Olale weyn baa ii muuqda. Gidaarada waxaa laga simay sawiro soomaalida
Kanada ku saabsan oo laga qaaday dadka xafiiskani uu wax u qabto. Waxaa kaloo darbiyada ku daadsanaa halhaysyo aan wado hayno,
sidaa `aqoon la aani waa iftiin la aan` ama `aan is weheshano walaalayaal` iyo ugu danbayntii `dugsi ma leh qabyaaladi`. Meesha
mudanayaasha la maaganaa inay fariistaan waxaa barbarkeeda babanayay labadii calan oo cirka lala simay.
Anoon wali
qolkii qof ahaan ka bogan ayaa waxaa soo saftay guddigii dowladda gobalku soo dirsatay. Waxay ka kooban yihiin haweeneey ookiyaal
xiran iyo laba nin oo xanaaqsan. Waxaa la socdo nin soomaali ah oo turjubaan iyo la taliyeba u ah. Dhanka Raas iyo raggiisa
way dhan yihiin. Waxaan arkay hebel iyo hebelkii uu ku faanayay. Waxaan kaloo arkay hebel iyo hebel uu ka kala tagay. Saf
waxaa ku jiray dhowr islaamood oo isugu jiray eedooyinkiis iyo habaryarihiis oo buuggaag cusub babinaya, qalimo markaa loo
qaybiyayna si qalad ah u haya. Laba nin oo si si ila ahna inta dhar nadiif ah loo xiray ayaa golaha dhexdiisa la fariisiyay.
Mid baan gartay; wuxuu qabaa Raas walaashiis Sanyar. Hooyo soomaaliyeed iyo caruurteediina waa diyaar.Waxaa kaloo goobta joogay
arday soomaaliyeed oo sidii ubaxii kacaanka dhar isku eg lagu dhex riday, si qaabdaranna u qaadayay heesta calanka Kanadiyaanka.
Raas isaga rabsho kama muuqato. Wuxuu qabaa dhar qaali ah iyo jaakad
sidaan jeclahay talyaaniga lagu soo tolay. Qoorta waxaa u suran qool uu ka sii laalaado qalin qurux badan. Ilama aha inuu
i arko. Dadkuu kala duwayaa, marna kala hagayaa, haddana kala habaynayaa.. Qof walbana wuxuu rabo Raas buu waydiinayaa. Mar
wuxuu u tagayaa odayaasha tolka, marna islaamo eedooyinkiisa ah. Qofkii soo galaba wuu salaamayaa gacalnimuuna intaa gudbinayaa.
"Dynamic" taasuu hayaa.
Waxaa shirka furay, faataxadana noo akhriay wiil reeraha ah. Markuu dhameeyay Raas ayaa u mahadnaqay
Mursal, intaana ku daray in diinta iyo dhaqanka ay yihiin laf dhabarka dadkeena. Isagoon hadalkii ku sii dheeraan wuxuu soo
dhaweeyay guddigii dowladdu soo dirsatay.
Waxba mayna didine waxay islaantii ookiyaalaha wadatay dooddii ku soo ooday
in ayada uu tuhun ka galay xafiiskan, ayna rabto inay ogaato sababtuu u furan yahay iyo wuxuu soomaalida u qabtay. Waa la
yaabay. Qofna muuna filayn inay si toos ah oo qayaxan weerar u soo qaadi doonto. Ninkii soomaaliga ahaa baa la wada eegay
sidii uu isagu soo diray.
Raas ma ahayn nin la handadi karo. Intuu soo qabtay buu tiriyay:"durmarkan
idin hor fadhiya" buu yiri intuu eedooyinkiis oo wali buugtii babinaya farta ku fiiqay "xafiiskan ka hor eray ingiriis ah
mayna aqoon maantana way ku murmaan." Wuxuu markuu intaa yiri u tagay labadii nin ee golaha dhex fadhiyay." Labadan aad arkaysaan"
buu yiri isagoo isku kalsoon "wax waalan bay ahaayeen ilaa aan wax u qabanay."
Markuu dhowr tusaale oo meesha taagnaa soo qaatay wuxuu eedeeyay gudigii
gaalada ahaa, wuxuuna codsaday in caawimaadda loo soo kordhiyo. Waxaad wadaan buu yiri waa hoo oo ku dhimo. Waxuuna madax
adaygiisa u turjumay maahmaahdii gabadhu tiri mana wasni warna i raac. Mudday qaadatay in loo micneeyo murtida ka danbaysa
oraahdaa iyada ah. Markiise lagu guulaystay, gaaladii, waliba haweenaydii ookiyaalaha wadatay, way ka heshay, waxayna soo
qaadatay qoraa Kanadiyaan ah oo soomaalida suugaanteeda amaantay. Raas wajigiisa farxad baa soo fuushay, wuuna furfurmay.
Wuxuu iska dhigay nin maskiin ah oo loo tashtay, isagoo naftiisa difaacayana wuxuu doodiisii ku yiri:
"Soomaali haddaan nahay been waan sheegnaa beense kuma maahmaahno."
Maadaama u si fiican u turjumay tanna gaaladu way la garatay. Meeshaasay ahayd inuu maahmaahyaha uga haro. Muuna yeeline
mid dabin ah buu dalaq yiri:
"Maahmaah kalaa jirta ee marka hore aan afsoomaali ku sheego. Soomaalidu
waxay kaloo tiraahdaa gaal dil gartiisana sii."
Wuu galay. Ninkii soomaaliga ahaa ee dowladda la talinayayna waa diyaar.
Raas waxaa laga rabaa inuu maahmaahdaas turjumo. Asba wuu gartay markay afkiisa ka soo baxday inuu dabin galay. Wuxuu bilaabay
inuu balaayaduu keenay bixiyo. "Gaal" wuxuu ku fasiray qof aan Ilaaheenna aqoon, wuxuuna yiri waa la dilaa, dabadeedna waxaa
loo sheegaa buu yiri sababtaad u dishay. Ajnabigii baa argagaxay. Way garan waayeen siduu wax u wado. Dilkana maxaa keenay
bay is yiraahdeen. Ku noqaa la yiri. Raas baa ku noqday. Markan ma`aqaan meeshuu ka keenaye "gaal" wuxuu ku macneeyay qofkaan
soomaali ahayn ee dagaal lagu qabto. Way u socon waysay. Ninkii soomaaliga ahaa baa isku dayay. Wuxuu yiri, isagoo dadaalaya,
"dil qofkii aan muslin ahayn wuxuu doonayana sii." Gaalkii garabka ka fadhiyay ayaa si xun geeska uga eegay. Gaaladii way
soo taagan yihiin waxayna kaga dhagtay maahmaadaas dhacday. Mid baa ani i waydiiyay waxa la isku dilayo, qof dhintayse sidee
buu gar u qaadan karaa. Waa yaabe waxay is yiraahdeen sir baa fakatay, oraahdaas aragtida ka danbaysa hadaad ogaataan soomaali
waad ka sal
gaaraysaan.
Raas iyo raggiisii dib bay isugu noqdeen. Dhowr islaamood oo eedooyin
ugu aadanaa way ku ag wareegayaan. Raas wuu qalqalayaa wuuna og yahay hadduu sadexdaa qof qancin waayo in xafiiskiisa la xirayo.
Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii uu goonida ula baxay si ay xujadaa iyada ah xal ugu helaan. Maadaama aan jaamacad jiray waxay
iga filayaan inaan ina'adeerkay fakiyo. Nasiibdarro, luqadaha ma baran, Maxamed Kariyena ma'ahi. Ayadoo madaxa aan iskula
jirno ayaa Raas oo aan is ogayn maahmaah kale
adeegsaday. Wuxuu nagu yiri "hadal nin si u yiri; ninna si u qaaday." Habaryartiis
Culus baa afka qabatay:
"War meel joog" bay tiri "maahmaahdanbana yaan lagaa maqal, middii
horaa kugu maqane."
Eedadiis rumaa ku raacday "Balaayaduu keenaan
bixin la' nahay markaasuu buur kale koraayaa." Waa lagu wada kacay
"Meesha ma waxaad mooday googaalaysi iyo in gabayo la
isku tirinayo. Gaalaa ku sugaysa."
"Ka qaadqaad adaa qaladka keenaye."
"Dabakanaax, ma barwaaqadii buu eeday?"
Raas wuu waalan rabaa. Mar wuxuu eegaa islaamihii haaraamayay marna
ajnabigii sugayay. Wakhtigu wuu ku socdaa dadkuna way wareeriyeen. Talaa ku cad, tusaalaana laga raacay. Goor danbe oo nala
daahsaday ayaa gaaladii loo noqday. Labo sidoodii bay u fadhidaa midkoodna intuu sigaar soo dhamaystay buu la saftay. Dowladdu
waa diyaar. Markay dhowr qof oo aan ka mid ahay hadalkii qaateen maahmaahdii way sii qaabdaraatay."War dynamic ku day" qof
gadaal ka yimid baa soo qayliyay. Balaayaa na haysata. Naftii baa naqabatay. Cid maahmaahdii micnaysa ceebeey nalaka waa.
Maalingaal bay tani ahayd."Balooyo kuu maahmaahatay" eedadiis oo leh baan maqlayay anoo sii baxaya "bal maxaa ku watay."