Miisaanka Tallaabada Geela
Lagjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo been'e Oo weliba laasima
intay lib isku moodaan'e An'se wax'aan u laaqimahayaa tix'ay ku luuqshaan'e. ——
Salaan Carrabeey
GORDHOW AY'AAN MAQLAY war iga yaabshay. Nin ustaad ka ahaan jiray Kulliyaddii Luqadaha
ee la oran jiray Axmed Nuur, ayaa "Lagjar Faranji" ku dhiibay, in nin geeljire ahaa uu ka bartay hooriska ah:
"Hooyalayay hooyaalayey hoyalayey hooye, alla hooya hooyaalayee hoyalayeey hooyee"—hannaanka uu geelu u saanqaado!
Gabaaygii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay, sidaas awgeed na, uu halkaas uga dayday, jilay na socodkii geela! Kulliyada ba, gole
geel ayay iska ahayd; ustaadku na geeljire ayuu iska ahaa. Nin xertii, ustaadka isaga ah, berigaas ka mid ahaan
jiray ayaa iiga sheekeeyay sheekada iyada ah. Ardaygiisii ay'aan ka codsaday:
Hal tusaale oo arrintaas qiri kara, ama ba caddayn kara, bal in uu iga siiyo?
Wiil sidii geela dheer na w'uu ahaa, runtii. Ardaygii inta is goday, is tooxay, hongod na isu yeelay ayuu hore isu
tuurtuuray sidii geel sii cadceedsanaya! Tallaabo kasta ee uu qaadayay na, "Hoyaalayeey, Hooyaalayeey … " ayuu
ku luuqeynayay; sida askarigii Karkadeey[] ahaa ee joogi jiray Xeradii Xalane ( loj[] Bootiko, ama Ottogrubbo) ee gaardiga lagu jaangooyn jiray hoojisyadiisii laqanyada badnaa: "Koooowy, Laba',
koooowy, Laba' … dibuhjaaaaaaaaaangso'… Koooowy, Laba'! Koooowy, Laba'! Jhaags'oh!"
Halkaas ku jar gaardiga geela, ama militeriga. Warkii oo kooban, ardaygaas, maanta, waa tifaftire
caanbaxay!
Eeg, hadda ba. Raamsiga uu geelu miciyaha isku riiqo, doobbinta geela, ama cabaadka geela ayaa "Hooyaaley"
laga hiddoraacay haddii uu ustaadku oran lahaa, waa mid aan qaadan kari lahaa. 'Yaanan ku talaxtegin. Ogow, maansada Soomaalidu,
waxa ay ahayd mid weligeed ba geela si aad ah ugu soo xirnayd: "Asaxaabihii hore ba w'ay ku intifaaceen'e/Aakhiro
nimaan geel lahayn la ma amaanayn'e" gabyaa yiri, ayaa hore jiray!
WAA MAXAY MAANSO?
ODHAAHYO LA tibixqaaray []—hawraarro—la halabuuro ee ka kooban dareen qofeed ee sadarro lagu dhigo ama tuducyo lagu
laaqimo: waa ogaal guud oo ay dad badan maansada ku qeexaan. Maansadu waa dareen ama fiirooyin ka kooban
ereyo iskudhafan ama ba "tixo", kuwaas oo aalaaba leh luuq, habdhac, iyo xarafraac dheellitiran.[] Ma ku deeqday warcelintu? Haddii ay warcelintu kugu filnaan weydo, waxa aad u baahan
tahay in aad kordhisid aqoontaada, si aad uga feejignaato oo aadan ugu dhicin godadka badan ee maansada hadoodilan.
Tolow, wax kasta oo jiib, jaan iyo miisaan leh waa maanso, miyaa? U fiirso meerisyada hoose maxay ka
hadlayaan:
Aaminow sanduuq furatooy Aabbehaa dhark'ow dhaqaa Hooyadaa bunk'ay dubtaa War naga tag waridkaa la cadaab War
soo gal genber waa kaanaa!
HADDII AY MAANSO tahay iyo haddii kale ba, waxa ugu weyn ee hees carruureedda laga dheegi karo, waa
in odaygu uu duqda dharka u dhaqo—baarrigaas oo kale maanta ma noola! Marka se qarruuddu doonayso saygeeda in
ay korka u subagto, carruurta waa la kala eryaa. Foolbaxsiga kadib na, wixii "hooddi" soo yiraahda ba, waa la
soo dhoweeyaa, fadhiga na looga kacayaa. 'Yaa kuu og se sanduuqa gabadha Aamina ah ay furato, wax ay ka raadiso?
MAANSADU WAA in ay wax u kedisaa sida inanta ay hooyadeed ula baxday Quruxley;
ama se ba hooyada wiilkeedii Dalnuurshe ahaa oo kale. Labadaas qofkood oo siijeedka wacan—hubqaadka iyo
tamashlaha na lala cajabo; dabadeed na, inta aad faduulisay kugu soo jalleecay weji ka sii fildaran foolkii waraabahii Miirroon.
Sid'oo kale, waa in ay maansadu ku irkataa—filawaa. Xiise badan ma yeelato haddii ay ka hadasho dhanka muuqda
ee ina soo xiga uun; waa in ay inoo "jeedaalisaa" soojeedkii inanka ama inanta, barbarkii kale, barbarka-islaankii
quruxda, muuqa, malaha, colaadda, nabadda, … iwm—dhanka cillan ee naga daahsoon. Gedda ferenferka uu dhulka
ciidda uga soo fago, maansadu na waa in ay soo quftaa dareenka ku jira qotooyinka hoose ee gabyaaga. Si duwan, si lamafilaan
na ah, weli ba na la yaab leh: "hadba mid aynu moog nahay", waa in ay si uun uga soo "mudh" tiraahdaa qeyb ka
mid ah tixihii maansada. Geyigii maansada waxa ka oogsan doono, ma aha wax ugub ah; bal se waa wax "duug ah"
oo si "ugub ah" oo kale loo dhalanrogay. Erey, erey kale u yeelay ujeeddo kale; iyo waa in ay ka soo dhexcurataa, ujeeddo
abuurayso, ujeeddo kale. Wax'aas weligay ba w'aan ogaan jiray—w'aan arki jiray, maqli jiray, urin jiray, dhadhamin
jiray oo taaban jiray ee sid'aas ba hoos ugu ma sii eegi jirin,"—waa in uu is yiraahdaa goor kasta na, markii dhageystahu
uu wax ogaado ama ba la ogeysiiyo. Hadda na maansadu waxa ay ka hadli karaysaa waxyaabo sooyaal ahaa; waxyaabo aad ogayd;
asii aad hadda na si uun aad u moogan'ayd. MEYMUUN BIYOW,
laashimey la oran jiray; si aad ah na looga aqoon jiray Dhica Berriga Geed-Gaab (Deexda), iyo waxa ruun carramadow
ah ee ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe—gaar ahaan buulada la yiraahdo Maaggaay. Maalin maalmaha ka mid ahayd,
ay'uu Meymuun nin ugu yimi beer ay falaysay (limeysay); isla jeer ahaan na, xodxodasho u galay. Isla goor ahaan
na, waxa ay ilqoor ka aragtay saygeedii oo iyadii meel dhabarkeedii ku beegneyd is soo taagay. Labada rag se isu ma ayan jeedi
kareyn; see tubaal bal ahayd ayaa ku kala aaddanayd. Si aan uu duqeedu u maseerin (hinaasin); labada dibi na
ayan iskugu daanjebin; barbarkii uu ninkeedii ka jiray iyada oo eegaysa, ay'ay tuuggii ku tiri:
Ar ballankii horeeto beenteyd'i waaye; Iska soo banaanbax: Beer ninkeedii joogo bal ka dhiibi maayo!
Meymuun—naag garaadkeedu in'uu aad u sarreeyay ay dadku ku sheegi jireen—sheekadii oo idil
waxa ay u rogtay sitaahoo ninkii doolka ahaa uu iyada ka codsanaayay bal uu siciisa daajiyo! Sida aan
ka wada baxan nahay, meesha shukaansi ayaa ka soconayay. Balka aysan dhiibi karaynin, max'uu yahay, hadda ba?
Bal u fiirso: macneha uu u sammeynayo dhegeystaha (innaga), shukaansadeha, iyo naagta beerreyda
ah; iyo macne duwan ee uu u sammeynayaa ninka ay u dhaxdo beerreyda; saaygu waxa uu ka dammoon yahay ujeedda ay naagtiisu
ka hadleyso. Nin ba si ay'ay wax u tiri; ninkood ba na si wax u garay! Sow la ma oran karo in maansadu ay gabyaaga ugu deeqdo
odhaayo isla hadda na ka dabuub duwan oo hadda na u yeesha—maansadiisa—ujeeddo kale ee ka duwan asalkii
ujeeddadii ay sameyn karayeen ereyada qayaxan? Gabyaagu haddii uu si uun wax u yidhaahdo, waa in aan loo qaadan uun
sidii uu wax u yiri; waa in loo qaataa si kale ee "duwan". Balka, laga hadlayo halkaan ma ahan "bal"
qayaxan; waa xubin ka mid ah xubnaha dheddigoodka. Kalatagnaanta u dhexeysa, ku na saabsan sida saayga naagta uu u
qaadanayo isla halkii erey (bal), iyo sida ay iyadu uga jeedday ayaa la yiraahdaa legaaddo—si gaar ahaaneed,
midda tan waa—leegaaddo tiraabeed. Legaaddooyin dhowr ah ayaa jira. Mar kale ayaan ka hadli doonaa. Hadd'uu Eebbe
yiraahdo. Beerta uu bal ku yaal oo aan na ahayn beertaadii, in aad sacaaga daajiso cadaab, iyo cudur ayaa lagu mutaa. Ragow
na, taa ha la ogaado!
MA OG TAHAY MAANSADU in ayan ahayn wax la iska yiraahdo uun? Sidaas darteed
na, gabayaagu waa in uu "farriinta" u gudbiyaa siyaabo ay ujeeddo ku dheehan tahay; dareenkiisa na uu ku tebiyaa xul
ka kooban ereyo abuuri kara muqaal cusub—garasho ugub ah; halka muuqaalku na ka ujeeddo duwanaan, ka na
ilwaad qurxoonaan doono—gebi ahaan, isla ereyadii qayaxnaa ee isaga ba abuuray. Ereyadu waxa ay maansada ku arradtiraan
ujeeddooyin ugub ah.
EREYADU WAA sidii alaabta iyo qalabka dhismaha loo adeegsado oo kale. Fuundiga ayaa
la baxa dhagaxaanta, qoryaha, biraha iwm. Isaga ayaa hadba sid'uu doonayo qoriga iyo dhagaxa ba u qora, birta na u diisa si
uu u taago aqal u ekaan doono isla midkii hindisaha uu hore ugu sii qorsheystay—hore uu maanka ugu sii hayay.
AYAANDARRI AYAA haysato maanseeye Soomaaliyeed oo badan. Abwaanku waxa uu wax
u qoraa, wax na u diisa isla gedihii uu ka dhaxlay awooyeyaashii hore. Maansadoodii na waa sidii ilmo
mataano ah oo aan too na lagu kala garan karayn muuqa ama ba maqalka. Ereyadu waa xubno ka mid ah maansada; si kale haddii
aan u iraahdo, maansadu ereyo ay'ay ka dhisantaa. Dhismaheeda weeye waxa mutaysan kari doono tayooyinka loo guuxo.
Sida la wada og yahay na, daaro laga wada dhisay alaabo isku mid ah ayaa mise na ka la qurxoon; negaanta iyo ku noolaanshaha
na ku ka la roon. Ma jiri karo miyaa qaab aan ka ahayn sida gabay, salsal, geerar, baraanbur … iwm.? Ma jiro karto miyaa
maanso aan tibixqaarreyn? Maanso ka jiib, iyo jaan duwan?
GABYAAGA Soomaaliyeed, haddaba, isaga oo aan luminayn hiddihii iyo dhaqankii
awooweyaal, waa in muuqii "aqalkoodii" uu ekaysiiyaa mid u dhigma lagu na dhererin karo dhismooyinka dhaadheer ee "caadleefta"
ah. Gaadiidkii awoowe, "gammaankii fardood" iyada oo'n la qaayatirayn: "loolkii iyo rogaalkii" lagu geli jiray,
la na xiisanayo, loo na hiloobayo hilinkii lagu dhigi jiray ee "haloosiga ahaa"; farriinsidahu na, si uu uga
nabadgalo halistii waddooyinka loo naqi jiray "hayaalkii ducooyinka"; abwaanka maanta waxa laga doonayaa in uu gadiidka
berriga, gadiidka badda iyo gadiidka cirka, "cirka wax lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona", ka na dheereeya "fardihii
awoowe"; waa in uu ku dalxiisiyaa gabadha Quruxley ah, iyo wiilka Dalnuurshe ah; balse waa in uu uga duceeyaa shilalka
lagu dhinto, iyo burcadda afduubta socotada. Miyi iyo magaalo, labadu ba waa dalkaagii. Waa se wax la la anfariro, hadii adiga
oo magaalo ku nool in aad ammaanto miyiga tayooyinka u gaar ah uun; adiga'oo iska indhatirahaya tayooyinka kale oo ay magaaladu
ba iskeed u leedahay. Ereyadan aad hadda kicinayso ma aha "dhambaal" faras nin saaran uu waddo kula soo dhacay;
waa dhambaal kii hore la cag ah; bal se lagu soo tebiyay tabo cusub—interneet—ee uu mardhow aadanuhu sameeyay.
Goortii Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan uu lahaa, "Xuseenow hubqaadday'e hadd'aad naga hagaagayso"; adigu na haddii aad
sidiisii oo kale yeeshid, gabyaa ay'aad tahay nool, beri' uu aadmigu aad u ilbaxay, aad na u horaymary; ogow se ay maansadiisu
se tahay mid ay dib jirto—dambeyso. Gacalkayow, gabyaagow, si leexsan ha ii garan. Kugu oran mayo, uga
ma na jeedo in maansadaadu ay tahay maanso uu tiriyay qof dibjir ah! Kolkii la is kiin barbardhigo adiga awoowe se:
isagu waxa uu ii soo baxayaa nin noolaa waayihiisii, nin ka mid ahaa raggii Soomaalidii shalay ugu ilbaxsanaa—rag
isbedellada waagoodii jiray dadkooda ku wacyigelin jiray.
adigu waxa aad tahay nin jooga qarnigii 21aad; gabyaa aan indhoba u lahayn—laga soo qaado cirka, lagu
na keeno dhulka: waxa hortiisa ah, waxa gadaashiisa ah, waxa korkiisa ah, iyo wax hoostiisa yaal—degaanka
ku xeeran! Indhoolkii bakeylaha mar uun la tusay, sidiisii oo kale, ha noqon! Maansada, tii gole geela, tii noloshii aayda
duurka uun ha la meeldhigin, ha na ku dhererin!
EEG GABAYGAN HOOSE sida Ismaaciil Mire, waagiisii, uu u la qabsaday ilbaxnimadii
dalka la keenay. Ma ahan hayin la rarayo, ama ba socoto la gurreynayo, iyo awr la garqaadayo. Waxa uu ka hadlayo waa baabuur (gadiid uu mardhow gaalku keenay),
raritaanka, rakaabka, dabakafuulka, shufeerka, waditaanka … iwm. Weli ay'aad
ku arki karaysaa dalkeennii, muuqaalka sooyaalka ah: sida Ismaaciil Mire, gabyaagu, uu ugu kaydiyay maansada
hoose, ugu na sawiray ereyada:
Baabuurka tegayow haddii tacab laga buuxsho Ninkii too muraad u leh haddii lagugu sii taaro Wiil tabtaada laasimay
hadd'uu tumanka kaa fuulo Tartarrad'iyo feedhaha hadii teneg lagaa saaro Tawil gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha' haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye Oo toogo qumiyow sidii wadhaf laguu tuuro Tafeennada' adoo boodh
ku leh, iyo taabsinnada shaagga Wax'aad hilinka taahdaba haddii suuqa lagu taago Tumbul baa idiin iman markaad tigirka
aastaane …
Allow, jecliyaa maansada kore! Erey kasta oo ka mid ah waxa u iska leeyahay soohdin isaga
u gaar ah. Dhowr ereyo, haddii sidii awrtii dhaanka la isugu xiriiyo, waxa soo baxahaya waa muuqaal cusub—muuqaal hayin
qura aan uu iskii u yeelan karayn. Hadda ba, xiriirinta eradyada maansadu waxa ay la halmaalaan tixaha—ama dheh hawraarrada.
Diilin kasta ee maansadii ka mid ah na waa xiriirkii oo sii fiday oo kale. Haddii "erey ba eray" kale saynta loogu
dhafo, "tixo ba tixo" kale lagu dhafo, waxa meesha ka soo baxaya waxa ay noqon "ereyo leh ujeeddooyin cusb",
"tixo leh ujeeddooyin cusub", iyo "maanso leh ujeeddooyin cusub"—"xiriir cusub", "muuqaallo
cusub", "jabaq cusub", "dhadhan cusub" … iwm. Dhaanku ceel loo raro, iyo dhul uu ku hirto ay'uu beegsadaa.
Maansadu na waa in ayan noqon sidii awrtii—koodii horjiray, iyo koodii u dibjiray—caynaankii awrka ugu horreeyay
lagu xiray seyntii ratigii xiriirka ugu wada dammbeeyay; dabadeed na, uu raggii na yidhi: "Allow ur u bixi"!
Ha iska daba miriqshaalleyso! Haddii hadda ba "shiririqowga" laga dheegi karo ifafaale u baahan in la tibaaxo,
ma xuma; markaas hadde waa in ay maansdaadu soo ifbixisaa wacdaraha ku sidkan ee u baahan in dadka la tuso, la na baro
… iwm. Haddii kale, maansadu ba waxa ay u dhuran oo qura: iska dabowareeg aan dhaafsiisnayn iska dabawareeg
uun. Taas na ma jecli. Ma garanayo; ku na wareeray waxa uu uga jeedo ustaadkii qoray tiraabtan hoose:
Maqal. Ma jeclaan lahayd in aad gabaydo? maansada ayaan ku barahayaa. Maanseeye ayaan kaa dhigahayaa. … waxa
been ah inaan qofkii rabaa aanu noqon karin abwaan. Waxaad iska raariddaa in wixii qof sammayn karaba aad adigu na sammayn
karto. … Hase ahaatee anigu Soomaali ku barimaayo. Waxa aan kuu dhigayaa habka loo gabyo iyo shuruudaha iyo shuruudaha
la doonayo in aad fuliso …. (Barwaaqo, Taxanaha Dhaxalreeb, I/2006)
MAANSADU KA FACWEYN wax ku go'an oo qura jiib iyo jaan—iyo
"godaka labalaabma iska giiji shaqallada". Waa na legaaddahadal oo kale, in uu isaga qudhiisa yahay maanmaal
jiro gadaal. See waxa uu isu tusiyay in qofkii barta "miisaanka maansada", af Soomaaliga na si wanaagsan u yaqaan,
in uu maanseyn kari doono. Anigu si weyn ay'aan uga soo horjeedaa qabka ustaadka. Waxa kale oo
gef ah dadka in aan loo tusin waxa laga hadlayaa in ay yihiin suugaan; in aysan ahayn uun—"Axyaa Miisan!
Yaa Soomaali yaqaan! Maansooy soo deg!" Brofessor Gaarriye, hal tusaale ha i siiyo looga gabay fiicnaan karo: Salaan
Carrabeey, ina Cabdulle Xasan, Qaasim, Qammaan Bulxan, Faarax Shuuriye, iyo in kale oo badan oo aan wada jecel nahay, aniga
iyo isagu ba? Taxanaha sheekada suugaanta Soomaalida ma mudna in la qalmaroojiyo, qoorta na la jebiyo! Kuwaas ma isaga
ayaa wax ka bartay; ma se isaga ayaa waxbaray? Ha i sheego, hal arday oo dusha ka wada qeybay "miisaankiisa" ee tirshay
maansooyin haallaasi ah oo ka qurux badan maansooyinkii hore. MIISAANKA
"Gaarriye" iyo qaafiyadda, labadu ba, waa waxa gabyaaga Soomaalida xoriyadda ba ka qaaday. [Arrinkan
waxa uu u baahan yahay qoraallo kale ee isaga u gaar ah.] Qalbigaagu 'yuu jabin. Miisaan la'aan, ma ahan maansola'aan.
Haddii uu jiro miisaan, miisaanku waa isla gabyaaga laftiisa. Sida aadan adigu qudhaada ugu ekeyn Gaarriye, waa in maansadaadu
na ka duwanaataa, maansooyinkiisa. Ku oro: "Miisaan na ima saari karo qof i maleeyaa'ye!" U sammee maansadaada, siyaabo
u duwan, si aan uu weligii ruux Soomaali ah ku haweysan in uu maansadiisa u dhiso. Maansadaadu waa in ayan ka duwanaan maansooyin
duug ah; bal se waa in ay noqotaa wax ugub ah—wax run ahaantii cusub oo aan hore ba u soo jiri jirin—mid aan uu
Gaarriye weligii miisaanka ba saarin!
MAANSADA SOOMAALIDA aad ay'ay u qiimo badan tahay; haddii ay dheellitiran tahay,
iyo haddii ay tahay mid dheellinayso.
HOBALKII LOO GARAACO darbuugadii
Cabdallooni, fooridii Xuseen Baajuuni, iyo cuudkii ina Xudaydi, in ayan taas cod maacan dhuuntiisa ka yeersiinayn waa
wax la hubo; haddii aan Alle ku manneysan dalqadii iyo dhuuntii ina Mooge Liibaan oo kale, iyo heesaaga aan halkaan lagu soo
koobi kareyn. Tusaale kale, habdhicii gaardigii Karkadeey saanqaadkiisii na, ma dhaqaaq jira midka ugu wada
qurxoon baa! Liicliici laafyahii Quruxleey, bal taas ka warran! Maanso, ma ahan wax la cabbiri karo,
ama la beegi karo. Adke, iyo dareere too na ma ha; sida kale se waa "dareen ereyeysan", kaas oo saameeyn ku yeesha
dareensideyaasha. Haddii ay ka abuurmi lahayd durduro geel, ama ba ay ka dhalan lahayd doobbin geel; maansado,
ka fog, wax qof barbarad ah, uu tuducyo "horweyn" ah "ku soo shubi" miisaankii Gaarriye oo "haawad'oo madhan".
Runta aan la xididdo siibi karin waxa ay tahay: Gaarriye, cid na maanseeye ka ma dhigin, kama dhigi karo, kama na dhigi
doono—tagto, joogto, ama timaaddo ba!
Gefka Barfassoorka kulliyadda wax ka dhigi jiray ayaa iska leh: Maxaa ustaadkii
laga dhaxlay? Hawshiisii meeday? Dhowr iyo soddon sano, iyo dheeraad soo socotay? Maxay ardaydiisii soo kordhiyeen? Anii
doogys ma gorothaaw—ustaadka afkiisa garan maayo! Waa Ilaahay mahadii. Eed, iyo anigu kala fogin—abidkay ustaad
ma noqon!
LA SOCO QEYBAHA SOO SOCDA …
A.M.Yusuf
wayeel@operamail.com
|