Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

sarbeebta ekeeyaha

Aadanuhu wuxuu ku wada xidhiidhaa tabo leh qaabab kala duwan. Xidhiidhkaasi siyaalaha uu u dhaco waxa ka mid ah in hadallada la is weydaarsanayo lagu tebiyo si toos ah iyo si aan toos ahayn. Maldihidda iyo muujinta ujeeddada waa mid ku sugan midhaha maansada, murtida maahmaahda iyo mucda hadalka. Kala gurida hannaanka errayada ama weedhuhu ugu jiraan afka, labadaa midkood,waxa door weyn ka ciyaara kelmadaha raacsan erayga ama jumladda iyo kaalinta uu ka taagan yahay gaballada weheliya .

Xidhiidhku waa baxaali noolaha gebi ahaantii ka dhexeeya. Waa in la helaa cabbir suura gelinaya xidhiidhka, kaasoo wada xidhiidhayaashu isla garan karaan. Aadanuhu waxay isu fahmaan habab kala gedisan oo ay ka mid yaahin : hadal, tilmaan, muuq, iwm. Dhawaaqa leh xuruuf macna sameeya ayaa ugu badan sida la isu fahmo iyada ayaana ah udubdhexaadka ay isku afgartaan aadanuhu. Kaas ayaa kala dega hogagga ay suugaantu ka jeexato afka shaxda lagu bilo.

Hoggagaa ujeedada loo degay middeeda ay caddahay ama saafan tahay uma jeedin in aan kaga faaloodo maqaalka ee waxaan u deejiyey in ku eego hogga dedan ama maldahan oo sarraan kara, kaasoo laga yaabo in mararka qaarkood uu ka ilduufo ciyaar baradku ama af baradku.

Oodda suugaanta waxa ku hoyda dirar badan. Dirarkaasi waxay u sii kala farcamaan isirro daboola qaybaha kala duwan ee afka. Dirka Sarbeebtu waxay koobtaa afka qaybtiisa ku dhisan erey ama ereyo loo isticmaalo macna ka tagsan kan caadiyan asal u ahayd. Gabyaaga Soomaaliyeed midhaha maansada wuxu u gardaadsadaa si qiimo iyo qoto dheeri ku jirto isagoo ka warraabiya tixida maansada boholaha sarbeebta laasaskeeda kala duwan ee ka qodan. Gabayga maldahan waxa ka mid ah kuwa isticmaala hannaanka ekeynta iyo sharreerrida.

Maansoolaha raba in uu si buuxda ugaga hadlo gabadh quruxdeed ama nin geesinnimadii wuxu barbardhigaa ama u ekaysiiya walax dadku si sahlan ugu qiri karaan shayga la doonayo in la tilmaamo. Gabyaa tebinayey gabadh quruxdeed oo qaybaha uu ka tilmaamay quruxdeeda ay ahay timaheedu wuxu fiiriyaa waxa uu barbar dhigi karo. Saynta faraska ayuu muuqa timaha loo ekaysiiya ama haldhaa baa lagu shabahaa. Gabyaagii Cumar Ustareeliya ayaa mar uu gabadh quruxdeeda u sifeeyay:

Jidh sifeysan saameelka qurux Eebbe wada siiyey
Ma haldhaa barriimaha simaa timaha loo soohay
Ninkii saacad daawaday jannada waa ku sugayaaye
Khad miyaa dibnaha loogu sugay sidanna waa yaabe


Ka sokow habka ekaynta ee u adeegsaday sifaynta timaha guud haldhaalay, Abwaan Cumar Ustareeliya wuxuu ku cabbiray quruxda gabadha wax la abuuray waxa ugu wanaagsan. Waa jannada. Cumar wuxu inoo soo gudbiyey in kan ay say u noqotaa gabadhani uu ku sugaya daawashadeeda jannada oo wax la barbar dhigaa aanay jirin. Labada isku jaanta loo wada goynayo oo ah jannada iyo gabadha ayaa dhan la iskaga shaabahay. Gabyaagu wuxu dhiirranaanta iyo geesinnimada weyn ku soo bandhigaa in uu libaax isla simo. Gabyaagii yidhi :

Kolkii aan ablay qaato oo eebbada halleelo
Sidii aar libaax oon kalaan lay ag imanayn
Ma awaarihii baa baqaha oogga sare gaadhay


Gabyaagu wuxu la tiigsado ujeedaddiisa in uu ku fahamsiiyo firxadka iyo baqaha dhaco marka aar idhaha la saaro. Nin walbii badheedhe isuguma dhigo aarka. Sidaasaan ahay ee ka jooga ayuu leeyahay.

Ekeeyaha qaybihiisa iyo sida hadalka caadiga loogu isticmaali iyo qaybaha kale ee sarbeebta mar kale ayaanu eegi doonaa..... 
 

 Abdillaahi

ilaah baa weyn

Enter supporting content here