Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

sheeko

ila qosol

SHEEKADA SAGAAL IYO TOBNAAD

FAA’IIDADA WAXBARASHADA

 

Beri baa laba nin oo ilma adeer ahi socdaaleen. Iyaga oo doonayey in ay cilmiga diinta bartaan. Waxay socdaanba waxay ku soo baxeen degmo boqor jaahil ahi xukumo. Degmadii ayey u hoydeen habeenimadii, subaxnimadii danbena way ambabaxeen. Waxay socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray ayey gaadheen. Markaasay tacliintii galeen. Cilmigii diinta markii ay dhameeyen ayaa labadii wiil mid yidhi, "Waar cilmigii dhamaynaye aynu degmadii ku noqono." Markaas ayuu kii kale yidhi. "Waar anigu ilaa aan cilmiga siyaasadda barto tegi maayo." Markaas ayuu iskaga tegay oo degmadoodii ku noqday.

Ninkii sii socodkii ayuu sii maray beeshii boqorka jaahilka ahi xukumi jiray. Salaadii jimcaha oo boqorkii tujinayo ayuu la tukaday. Markii salaadii laga baxay ayuu boqorkii khudbad jeediyey. Ileen waa jaahile wuxuu doono ayuu ku hadley. Ninkiii cilmiga diinta soo bartay ayaa is hayn kari waayey oo intuu kacay khudbadeeyey. Wax alaale wixii uu boqorku ku hadlay ayuu baabah ka dhigay. Boqorkii askar ayuu ku dalbaday. Ninkii inta masaajidkii laga qabtay ayaa lagu riday god madow.

Laba sanadood ka dib ayaa inaadeerkii oo cilmiga siyaasada soo bartay beeshii boqorka, jaahilka ah soo dhex maray, isaga oo aan ogeyn in inaadeerkii la xidhay. Sidii ninkii ka horeeyey ayaa salaaddii jimcaha la tukadey. Markii salaaddii laga baxay ayuu boqorkii sidii oo kale khudbadeeyey. Markuu dhameeyey ayuu ninkii cilmiga siyaasada soo bartay gacanta taagay. Boqorkiina wuu u ogalaaday in uu hadlo. Ninkii wuxuu yidhi. "Maxaa boqorkiina xikmad loo dhiibay." Markaas ayuu boqorkii amaaney oo qurxiyey. Wuxuu amaanaba wuxuu yidhi, "Aduunyada waxa ugu nasiib badan ninka boqorkaa afar jimce la tukada, waxaase ka sii nasiib badan ninka tin madaxiisa ka goosta dadkii intay jiboodeen ayey boqorkii dhakada kaga boodeen oo timihii ka rifeen. Ileen waa masaajid dhane markii dusha looga baxay ayaa boqorkii naftii ka booday. Beeshii ayaa ninkii cilmiga siyaasadda soo bartey boqratay. Markaas ayuu inadeerkii oo raamaystay godkii ka soo saarey.

 

° ° ° ° °

 

Dulucda sheekada:

Cilmi kastoo la bartaa maalin ayuu ku anfacaa

Enter supporting content here