Home | SOMALILAND.ORG | DUGSI SARE GAMBOOL | HIMILO | somalipress | horseed | jaamacadda garoowe | allpuntland | somaliweyn | SOMALITALK | PUNTLANDPOST | SOMALIDUCATION | AGABSO | AFTAHAN

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA

TAAWO


Marka hore Nabadi Guudkiin Dhamaan Xubnaha Golaha Suugaanta ee Hadraawi.Marka xiga ereybixintu waa tab afeed jira, maxaa se keena?-Waxaa keena baahi loo yeeshay in lagu sheego macne(Non-abstract meaning)ama micne(abstract meaning)jira oo lagu soo kordhinayo afka ereygu ka dhimanaaday.

Af-Soomaaliga oo ah af ka hanaqaaday xaga suugaanta ayaa misna ah af ka soo koraya xaga soobaanta(The language other than the literature).Kolol badan ayaad isu weydiinaysaa erey aad ku aragtay af kale waxa uu af-Soomaali ku noqonayo, lama waayo haddii tab loo leeyahay lana garanaayo tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga.Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigayaa tubaha ereybixinta ee af-Soomaaliga:

1-DOOYEYSI:Tubta 1-aad;waxa la dooyeystaa erey afka ku sii jiray oo lahaa macne hore -si macne labaad oo uu yeesho loogu qabatimo.Tusaale:

-GUJISKA BADA; ereyga gujis marka hore waa bahal ka mida bahlaha miyiga ku nool,hasehaatee waxa macne labaad loogu dooyeystay si uu ugadhignaado ereyga SUBMARINE oo ah macne nagu soo kordhay.Tubtan koowaad marka marka ereybixin lagu hidinayo waxay qofka uga baahan tahay inuu ereyada af Soomaaliga hodan ka noqdo,si uu ugu soo helo ereyga ku soo kordha ereyga u dhigmaya.Tusaalayaal ereybixineed oo sidaas oo kale ah waa kuwan:

-Theme=Dabuub -Term=Tiraab -Phrase=Tibaax -Email/Mail/Post=Dhambaal -Dialect=Laqan -Bank Account=Qandi -Bank=Deni -Instrument=Daab -Bachelor=Yood -Master=Yahan -B.A.=Taawo-Yood -B.Sc.=Kasmo-Yood -M.A.=Taawo-Yahan -M.Sc.=Kasmo-Yahan Haddii tubta koowaad lagu hidin kari waayo ereybixinta waxa loo dhurtaa tubta labaad oo ah sidatan.

2-LADHKAB:Tubta 2-aad ee ereybixinta waxaa la isku ladhkabaa laba erey oo ku jiray afka oo kala lahaa laba macne,si ay u soo ifbixiyaan macnaha cusub ee markaas la maaganaaday.Tusaalayaal:

-Bir+Lab=BIRLAB=Magnet -War+Faafin=WARFAAFIN=Broadcasting -War+Baahin=WARBAAHIN=Mass-Media -War+Geys=WARGEYS=Newspaper -War+Baan=WARBAAN=Sentence -Biiraa+Leh=BIIRAALE=Magazine -Qor+Ool=QOROOL=Library -Mash+Dhac=MASHDHAC=Music -Beeg+Qaab=BEEQAAB=Format -Or+Og=OROG=Colloquial -Gar+Eef=GAREEF=Grammar -Hal+Ged=HALGED=Subject

Sidoo kale haddii erey lagu hidin kari waayo tubta koowaad iyo ta labaad waxaa loo gudbaa tubta kale ee jirta sida tubta seddexaad.

3-NUDUBSI:Tubta 3-aad ee ereybixinta waxa la adeegsadaa nudubada afka(The Prefixes and Suffixes).Erey jira oo macne la yaqaan leh ayaa macne kale oo ay is-xigaan ka soo baxayaa marka lagu nudbo nudubada jira.Qofka tubtan yaqaanaa waxa uu astaan u yahay af-aqoodnimo(Is a Linguist)maxaa yeelay waa tubta ugu adag ee erey lagu soo bixitimiyo iyadoo Erey lagu hordarayo ama dibkarayo nudub,ereyga markaas la bixitimiyaa waa inuu yeeshaa beeqaab jira.Tusaalayaal:

-Qor+Aal=QORAAL=A Book/A Writ -Cur+Is=CURIS=Composition -Gur+Aab=GURAAB=Slang -Tub+Aab=TUBAAB=Mathematics[Waxay isku beeqaab(FORMAT)yihiin Hiraab,Tiraab] -Dal+Ti=DALTI=Nationalist[Waxay isku beeqaab yihiin Murti,Marti] -Odh+Ni=ODHNI=Oral[Waxay isku beeqaab yihiin Shacni] -Qor+Ni=QORNI=Written -Tal+Ni=TALNI=Government -Cur+Iye=CURIYE=Element

4-SOOGAABSI(Abbreviation):Tubta 4-aad ee ereybixinta waxa min erey laga soo qaataa ereyada waxa sheegani ka kooban yihiin habkaas oo keena erey cusub.Tusaale: -Aqoonsi Haybeed-Waxa laga soo qaadanayaa A iyo H, oo isku noqonaya AH.Waxa hadalka la dhahayaa AH-diisa ama AH-deeda.(Show me your ID!)=(I tus AH-daada!)-waxa sidaas oo kale ah ereyga Ingiriisiga ah ee AIDS oo ka kooban afar tibxood oo laga soogaabshay afar erey.

Sidaas iyo Nabad Seid Abdi


Enter content here

Enter supporting content here