Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 1 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
M iiiisaanka Tallllaabada Geella
Lagjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo been'e
Oo weliba laasima intay lib isku moodaan'e
An'se wax'aan u laaqimahayaa tix'ay ku luuqshaan'e.
—— Salaan Carrabeey
GORDHOW AY'AAN MAQLAY war iga yaabshay. Nin ustaad ka ahaan jiray
Kulliyaddii Luqadaha ee la oran jiray Axmed Nuur, ayaa "Lagjar Faranji" ku dhiibay, in
nin geeljire ahaa uu ka bartay hooriska ah: " Hooyalayay hooyaalayey hoyalayey
hooye, alla hooya hooyaalayee hoyalayeey hooyee "—hannaanka
uu geelu u saanqaado!
Gabyaagii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay, sidaas awgeed na, uu halkaas uga dayday,
jilay na socodkii geela! Kulliyada ba, gole geel ayay
iska ahayd; ustaadku na geeljire ayuu
iska ahaa. Nin xertii, ustaadka isaga ah, berigaas
ka mid ahaan jiray ayaa iiga sheekeeyay
sheekada iyada ah. Ardaygiisii ay'aan ka codsaday:
Hal tusaale oo arrintaas qiri kara, ama ba caddayn kara, bal in uu iga siiyo?
Wiil sidii geela dheer na w'uu ahaa, runtii. Ardaygii inta is goday, is tooxay, hongod
na isu yeelay ayuu hore isu tuurtuuray sidii geel sii cadceedsanaya! Tallaabo kasta ee
uu qaadayay na, " Hoyaalayeey, Hooyaalayeey … " ayuu ku luuqeynayay; sida askarigii
Karkadeey [i] ahaa ee joogi jiray
Xeradii Xalane ( loj[ii] Bootiko, ama Ottogrubbo)
ee gaardiga lagu jaangooyn jiray hoojisyadiisii laqanyada badnaa: "Koooowy, Laba',
koooowy, Laba ' … dibuhjaaaaaaaaaangso'… Koooowy, Laba'!
Koooowy, Laba'! Jhaags'oh!"
Halkaas ku jar gaardiga geela,
ama militeriga. Warkii oo kooban, ardaygaas, maanta,
waa tifaftire caanbaxay!
Eeg, hadda ba. Raamsiga uu geelu miciyaha isku
riiqo, doobbinta geela, ama cabaadka
geela
ayaa " Hooyaaley" laga hiddoraacay haddii uu
ustaadku oran lahaa, waa mid aan qaadan
kari lahaa. 'Yaanan ku talaxtegin. Ogow , maansada Soomaalidu,
waxa ay ahayd mid
weligeed ba geela si aad ah ugu soo xirnayd:
"Asaxaabihii hore ba w'ay ku
intifaaceen'e/Aakhiro nimaan geel lahayn la ma amaanayn'e " gabyaa yiri, ayaa
hore jiray!
WAA MAXAY MAANSO?
ODHAAHYO LA tibixqaaray [iii]—hawraarro—la halabuuro ee ka kooban dareen
qofeed ee sadarro lagu dhigo ama tuducyo lagu laaqimo: waa ogaal guud oo ay dad badan
maansada ku qeexaan. Maansadu waa dareen ama
fiirooyin ka kooban ereyo
iskudhafan ama
ba " tixo", kuwaas oo aalaaba leh luuq, habdhac,
iyo xarafraac dheellitiran.[iv] Ma ku
deeqday warcelintu? Haddii ay warcelintu kugu filnaan weydo, waxa aad u baahan tahay
M IIIISAANKA TALLAABADA GEELA
Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 2 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
in aad kordhisid aqoontaada, si aad uga feejignaato oo aadan ugu dhicin godadka badan
ee maansada hadoodilan. Tolow, wax kasta oo
jiib, jaan iyo
miisaan leh waa maanso, miyaa?
U fiirso meerisyada hoose maxay ka hadlayaan:
Aaminow sanduuq furatooy
Aabbehaa dhark'ow dhaqaa
Hooyadaa bunk'ay dubtaa
War naga tag waridkaa la cadaab
War soo gal genber waa kaanaa!
HADDII AY MAANSO tahay iyo haddii kale ba, waxa ugu weyn ee hees carruureedda
laga dheegi karo, waa in odaygu uu duqda dharka u dhaqo— baarrigaas oo
kale maanta ma
noola ! Marka se qarruuddu doonayso saygeeda in ay korka u subagto, carruurta
waa la
kala eryaa. Foolbaxsiga kadib na, wixii "hooddi" soo yiraahda ba, waa la soo dhoweeyaa,
fadhiga na looga kacayaa. 'Yaa kuu og se sanduuqa
gabadha Aamina ah ay furato, wax ay
ka raadiso?
MAANSADU WAA in ay wax u kedisaa sida inanta ay hooyadeed ula baxday
Quruxley ; ama se ba hooyada wiilkeedii Dalnuurshe
ahaa oo kale. Labadaas qofkood oo
siijeedka wacan —hubqaadka iyo tamashlaha na lala cajabo; dabadeed na,
inta aad
faduulisay kugu soo jalleecay weji ka sii fildaran foolkii waraabahii Miirroon. Sid'oo
kale, waa in ay maansadu ku irkataa— filawaa.
Xiise badan ma yeelato haddii ay ka
hadasho dhanka muuqda ee ina soo xiga uun; waa in ay inoo " jeedaalisaa" soojeedkii
inanka ama inanta, barbarkii kale, barbarka-islaankii quruxda, muuqa, malaha, colaadda,
nabadda, … iwm —dhanka cillan ee naga daahsoon.
Gedda ferenferka uu dhulka ciidda uga
soo fago, maansadu na waa in ay soo quftaa dareenka ku jira qotooyinka hoose ee
gabyaaga. Si duwan, si lamafilaan na ah, weli ba na la yaab leh: " hadba mid
aynu moog
nahay ", waa in ay si uun uga soo "mudh" tiraahdaa qeyb ka mid ah tixihii maansada.
Geyigii maansada waxa ka oogsan doono, ma aha wax ugub ah; bal se waa wax "duug ah"
oo si " ugub ah" oo kale loo dhalanrogay. Erey,
erey kale u yeelay ujeeddo kale; iyo waa
in ay ka soo dhexcurataa, ujeeddo abuurayso,
ujeeddo kale. Wax'aas weligay ba w'aan
ogaan jiray —w'aan arki jiray, maqli jiray, urin jiray, dhadhamin jiray
oo taaban jiray ee
sid'aas ba hoos ugu ma sii eegi jirin,"— waa in uu is yiraahdaa goor kasta
na, markii
dhageystahu uu wax ogaado ama ba la ogeysiiyo . Hadda na maansadu waxa ay ka
hadli karaysaa waxyaabo sooyaal ahaa; waxyaabo aad ogayd; asii aad hadda na si uun
aad u moogan'ayd.
MEYMUUN B IIIYOW, laashimey
la oran jiray; si aad ah na looga aqoon jiray Dhica
Berriga Geed-Gaab (Deexda) , iyo waxa ruun carramadow ah ee ka tirsan gobolka
Shabeelle
Dhexe—gaar ahaan buulada la yiraahdo Maaggaay.
Maalin maalmaha ka mid ahayd, ay'uu
Meymuun nin ugu yimi beer ay falaysay ( limeysay);
isla jeer ahaan na, xodxodasho u galay.
Isla goor ahaan na, waxa ay ilqoor ka aragtay saygeedii oo iyadii meel dhabarkeedii ku
beegneyd is soo taagay. Labada rag se isu ma ayan jeedi kareyn; see tubaal bal
ahayd ayaa
ku kala aaddanayd. Si aan uu duqeedu u maseerin(hinaasin); labada dibi na ayan iskugu
daanjebin ; barbarkii uu ninkeedii ka jiray iyada oo eegaysa, ay'ay tuuggii ku
tiri:
Ar ballankii horeeto beenteyd'i waaye;
Iska soo banaanbax:
Beer ninkeedii joogo bal ka dhiibi maayo!
M IIIISAANKA TALLAABADA GEELA
Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 3 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
Meymuun— naag garaadkeedu in'uu aad u sarreeyay ay dadku ku sheegi jireen—sheekadii oo
idil waxa ay u rogtay sitaahoo ninkii doolka ahaa uu iyada ka codsanaayay bal
uu siciisa
daajiyo ! Sida aan ka wada baxan nahay, meesha shukaansi
ayaa ka soconayay. Balka
aysan dhiibi karaynin, max'uu yahay, hadda ba?
Bal u fiirso: macneha uu u sammeynayo
dhegeystaha (innaga),
shukaansadeha, iyo naagta beerreyda ah; iyo
macne duwan ee uu u
sammeynayaa ninka ay u dhaxdo beerreyda; saaygu waxa uu ka dammoon yahay
ujeedda ay naagtiisu ka hadleyso. Nin ba si ay'ay wax u tiri; ninkood ba na si wax u
garay! Sow la ma oran karo in maansadu ay gabyaaga ugu deeqdo odhaayo isla hadda na
ka dabuub duwan oo hadda na u yeesha— maansadiisa—ujeeddo kale ee ka duwan
asalkii ujeeddadii ay sameyn karayeen ereyada qayaxan?
Gabyaagu haddii uu si uun wax
u yidhaahdo, waa in aan loo qaadan uun sidii uu wax u yiri; waa in loo qaataa si kale ee
" duwan". Balka, laga hadlayo halkaan ma ahan "bal" qayaxan; waa xubin ka mid ah
xubnaha dheddigoodka. Kalatagnaanta u dhexeysa, ku na saabsan sida saayga naagta
uu
u qaadanayo isla halkii erey ( bal), iyo sida
ay iyadu uga jeedday ayaa la yiraahdaa
legaaddo —si gaar ahaaneed, midda tan waa—leegaaddo tiraabeed. Legaaddooyin dhowr
ah ayaa jira. Mar kale ayaan ka hadli doonaa. Hadd'uu Eebbe yiraahdo. Beerta uu bal
ku
yaal oo aan na ahayn beertaadii, in aad sacaaga daajiso cadaab, iyo cudur ayaa lagu
mutaa. Ragow na, taa ha la ogaado!
MA OG TAHAY MAANSADU in ayan ahayn wax la iska yiraahdo uun? Sidaas
darteed na, gabayaagu waa in uu " farriinta"
u gudbiyaa siyaabo ay ujeeddo ku dheehan
tahay; dareenkiisa na uu ku tebiyaa xul ka kooban ereyo abuuri kara muqaal cusub—
garasho ugub ah; halka muuqaalku na ka ujeeddo duwanaan, ka na ilwaad qurxoonaan
doono—gebi ahaan, isla ereyadii qayaxnaa ee isaga ba abuuray. Ereyadu waxa ay
maansada ku arradtiraan ujeeddooyin ugub ah.
EREYADU WAA sidii alaabta iyo qalabka dhismaha loo adeegsado oo kale.
Fuundiga ayaa la baxa dhagaxaanta, qoryaha, biraha iwm. Isaga ayaa hadba sid'uu
doonayo qoriga iyo dhagaxa ba u qora, birta na u diisa si uu u taago aqal u ekaan doono
isla midkii hindisaha uu hore ugu sii qorsheystay— hore uu maanka ugu sii
hayay.
AYAANDARRI AYAA haysato maanseeye Soomaaliyeed oo badan. Abwaanku
waxa uu wax u qoraa, wax na u diisa
isla gedihii uu ka dhaxlay awooyeyaashii hore.
Maansadoodii na waa sidii ilmo mataano ah oo aan too na lagu kala garan
karayn muuqa ama ba maqalka . Ereyadu waa xubno ka mid ah maansada; si kale
haddii aan u iraahdo, maansadu ereyo ay'ay ka dhisantaa. Dhismaheeda weeye waxa
mutaysan kari doono tayooyinka loo guuxo. Sida
la wada og yahay na, daaro laga wada
dhisay alaabo isku mid ah ayaa mise na ka la qurxoon; negaanta iyo ku noolaanshaha na
ku ka la roon. Ma jiri karo miyaa qaab aan ka ahayn sida gabay, salsal, geerar,
baraanbur … iwm.? Ma jiro karto miyaa maanso aan tibixqaarreyn? Maanso ka jiib, iyo
jaan duwan?
GABYAAGA Soomaaliyeed, haddaba, isaga oo aan luminayn hiddihii iyo dhaqankii
awooweyaal, waa in muuqii " aqalkoodii" uu ekaysiiyaa
mid u dhigma lagu na dhererin
karo dhismooyinka dhaadheer ee " caadleefta"
ah. Gaadiidkii awoowe, "gammaankii
fardood " iyada oo'n la qaayatirayn: "loolkii
iyo rogaalkii" lagu geli jiray, la na xiisanayo, loo
na hiloobayo hilinkii lagu dhigi jiray ee " haloosiga ahaa";
farriinsidahu na, si uu uga
nabadgalo halistii waddooyinka loo naqi jiray " hayaalkii ducooyinka"; abwaanka maanta
M IIIISAANKA TALLAABADA GEELA
Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 4 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
waxa laga doonayaa in uu gadiidka berriga, gadiidka badda iyo gadiidka cirka, " cirka
wax
lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona ", ka na dheereeya "fardihii
awoowe"; waa in uu ku
dalxiisiyaa gabadha Quruxley ah, iyo wiilka Dalnuurshe ah ; balse waa in uu uga
duceeyaa shilalka lagu dhinto, iyo burcadda afduubta socotada. Miyi iyo magaalo,
labadu ba waa dalkaagii. Waa se wax la la anfariro, hadii adiga oo magaalo ku nool in
aad ammaanto miyiga tayooyinka u gaar ah uun; adiga'oo iska indhatirahaya tayooyinka
kale oo ay magaaladu ba iskeed u leedahay. Ereyadan aad hadda kicinayso ma aha
" dhambaal" faras nin saaran uu waddo kula soo
dhacay; waa dhambaal kii hore la cag ah;
bal se lagu soo tebiyay tabo cusub— interneet—ee
uu mardhow aadanuhu sameeyay.
Goortii Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan uu lahaa, " Xuseenow hubqaadday'e hadd'aad
naga
hagaagayso "; adigu na haddii aad sidiisii oo kale yeeshid, gabyaa ay'aad tahay
nool, beri'
uu aadmigu aad u ilbaxay, aad na u horaymary; ogow se ay maansadiisu se tahay mid ay
dib jirto— dambeyso. Gacalkayow, gabyaagow, si leexsan ha ii garan. Kugu oran mayo,
uga ma na jeedo in maansadaadu ay tahay maanso uu tiriyay qof dibjir ah! Kolkii la is kiin
barbardhigo adiga awoowe se:
isagu waxa uu ii soo baxayaa nin noolaa waayihiisii, nin ka mid ahaa raggii
Soomaalidii shalay ugu ilbaxsanaa—rag isbedellada waagoodii jiray dadkooda ku
wacyigelin jiray.
adigu waxa aad tahay nin jooga qarnigii 21aad; gabyaa aan indhoba u lahayn—laga
soo qaado cirka, lagu na keeno dhulka: waxa hortiisa ah,
waxa gadaashiisa ah, waxa
korkiisa ah , iyo wax hoostiisa yaal—degaanka ku xeeran! Indhoolkii bakeylaha mar
uun la tusay, sidiisii oo kale, ha noqon! Maansada, tii gole geela, tii noloshii
aayda duurka uun ha la meeldhigin , ha na ku
dhererin!
EEG GABAYGAN HOOSE sida Ismaaciil Mire, waagiisii, uu u la qabsaday
ilbaxnimadii dalka la keenay. Ma ahan hayin la rarayo, ama ba socoto la gurreynayo,
iyo
awr la garqaadayo. Waxa uu ka hadlayo waa baabuur(gadiid uu mardhow gaalku keenay),
raritaanka , rakaabka,
dabakafuulka, shufeerka, waditaanka … iwm. Weli ay'aad ku arki
karaysaa dalkeennii, muuqaalka sooyaalka ah:
sida Ismaaciil Mire, gabyaagu, uu ugu
kaydiyay maansada hoose, ugu na sawiray ereyada:
Baabuurka tegayow haddii tacab laga buuxsho
Ninkii too muraad u leh haddii lagugu sii taaro
Wiil tabtaada laasimay hadd'uu tumanka kaa fuulo
Tartarrad'iyo feedhaha hadii teneg lagaa saaro
Tawil gaabsha miihide haddii lagu tamuunsiiyo
Tuujaha' haddii lagugu dhego talel hinjiinkiiye
Oo toogo qumiyow sidii wadhaf laguu tuuro
Tafeennada' adoo boodh ku leh, iyo taabsinnada shaagga
Wax'aad hilinka taahdaba haddii suuqa lagu taago
Tumbul baa idiin iman markaad tigirka aastaane …
Allow, jecliyaa maansada kore! Erey kasta oo
ka mid ah waxa u iska leeyahay soohdin
isaga u gaar ah. Dhowr ereyo, haddii sidii awrtii dhaanka la isugu xiriiyo, waxa soo
baxahaya waa muuqaal cusub—muuqaal hayin qura
aan uu iskii u yeelan karayn. Hadda
ba, xiriirinta eradyada maansadu waxa ay la halmaalaan tixaha—ama dheh hawraarrada.
Diilin kasta ee maansadii ka mid ah na waa xiriirkii oo sii fiday oo kale. Haddii " erey
ba
eray " kale saynta loogu dhafo, "tixo ba tixo" kale lagu dhafo, waxa meesha ka soo baxaya
M IIIISAANKA TALLAABADA GEELA
Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 5 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
waxa ay noqon " ereyo leh ujeeddooyin cusb",
"tixo leh ujeeddooyin cusub", iyo "maanso
leh
ujeeddooyin cusub "—"xiriir cusub", "muuqaallo cusub", "jabaq
cusub", "dhadhan cusub" …
iwm.
Dhaanku ceel loo raro, iyo dhul uu ku hirto ay'uu beegsadaa. Maansadu na waa
in ayan
noqon sidii awrtii—koodii horjiray, iyo koodii u dibjiray—caynaankii awrka ugu
horreeyay lagu xiray seyntii ratigii xiriirka
ugu wada dammbeeyay; dabadeed na, uu raggii
na yidhi: " Allow ur u bixi"! Ha iska daba miriqshaalleyso! Haddii hadda ba "shiririqowga"
laga dheegi karo ifafaale u baahan in la tibaaxo, ma xuma; markaas hadde waa in ay
maansdaadu soo ifbixisaa wacdaraha ku sidkan
ee u baahan in dadka la tuso, la na baro
… iwm. Haddii kale, maansadu ba waxa ay u dhuran oo
qura: iska dabowareeg aan
dhaafsiisnayn iska dabawareeg uun . Taas na ma jecli. Ma garanayo; ku na wareeray
waxa uu
uga jeedo ustaadkii qoray tiraabtan hoose:
Maqal. Ma jeclaan lahayd in aad gabaydo? Mase og tahay in aan abwaannimada loo dhalan uun ee la
sameyn karo? Waxba ha la yaabin. … waxa been ah inaan qofkii rabaa aanu noqon karin abwaan.
Waxaad iska raariddaa in wixii qof sammayn karaba aad adigu na sammayn karto. … Hase ahaatee
anigu Soomaali ku barimaayo. Waxa aan kuu dhigayaa habka loo gabyo iyo shuruudaha la doonayo
in aad fuliso …. (Barwaaqo,
Taxanaha Dhaxalreeb, I/2006)
MAANSADU KA FACWEYN wax ku go'an oo qura jiib iyo
jaan—iyo "godaka
labalaabma iska giiji shaqallada ". Waa na legaaddahadal
oo kale, in uu isaga qudhiisa yahay
maanmaal jiro gadaal . See waxa uu isu tusiyay in qofkii barta "miisaanka maansada", af
Soomaaliga na si wanaagsan u yaqaan, in uu maanseyn kari doono. Anigu si weyn
ay'aan
uga soo horjeedaa qabka ustaadka. Waxa kale
oo gef ah dadka in aan loo tusin waxa laga
hadlayaa in ay yihiin suugaan; in aysan ahayn
uun—"Axyaa Miisan! Yaa Soomaali
yaqaan ! Maansooy soo deg!" Brofessor Gaarriye, hal tusaale ha i siiyo looga gabay
fiicnaan karo: Salaan Carrabeey, ina Cabdulle Xasan, Qaasim, Qammaan Bulxan,
Faarax Shuuriye, iyo in kale oo badan oo aan wada jecel nahay, aniga iyo isagu ba?
Taxanaha sheekada suugaanta Soomaalida ma mudna in la qalmaroojiyo, qoorta na la
jebiyo! Kuwaas ma isaga ayaa wax ka bartay; ma se isaga ayaa waxbaray? Ha i sheego,
hal arday oo dusha ka wada qeybay " miisaankiisa"
ee tirshay maansooyin haallaasi ah oo
ka qurux badan maansooyinkii hore.
MIISAANKA " Gaarriye" iyo qaafiyadda,
labadu ba, waa waxa gabyaaga
Soomaalida xoriyadda ba ka qaaday . [Arrinkan
waxa uu u baahan yahay qoraallo kale ee
isaga u gaar ah .] Qalbigaagu 'yuu jabin. Miisaan la'aan, ma ahan maansola'aan.
Haddii
uu jiro miisaan, miisaanku waa isla gabyaaga laftiisa . Sida aadan adigu qudhaada
ugu ekeyn Gaarriye, waa in maansadaadu na ka duwanaataa, maansooyinkiisa. Ku oro:
" Miisaan na ima saari karo qof i maleeyaa'ye!"
U sammee maansadaada, siyaabo u duwan, si
aan uu weligii ruux Soomaali ah ku haweysan in uu maansadiisa u dhiso. Maansadaadu
waa in ayan ka duwanaan maansooyin duug ah; bal se waa in ay noqotaa wax ugub
ah—wax run ahaantii cusub oo aan hore ba u soo jiri jirin—mid aan uu Gaarriye weligii
miisaanka ba saarin!
MAANSADA SOOMAALIDA aad ay'ay u qiimo badan tahay; haddii ay
dheellitiran tahay, iyo haddii ay tahay mid dheellinayso.
HOBALKII LOO GARAACO darbuugadii Cabdallooni,
fooridii Xuseen Baajuuni, iyo
cuudkii ina Xudaydi , in ayan taas cod maacan dhuuntiisa ka yeersiinayn waa wax
la hubo;
haddii aan Alle ku manneysan dalqadii iyo dhuuntii ina Mooge Liibaan oo kale, iyo
M IIIISAANKA TALLAABADA GEELA
Author: A. M. Yusuf Email: wayeel@operamail.com
Words #: 2,739.00 Page: 6 of 6 Printed: 05/20/06 12:19 PM
heesaaga aan halkaan lagu soo koobi kareyn. Tusaale kale, habdhicii gaardigii
Karkadeey
saanqaadkiisii na, ma dhaqaaq jira midka ugu wada qurxoon baa! Liicliici laafyahii
Quruxleey , bal taas ka warran! Maanso, ma ahan wax la cabbiri karo, ama la beegi karo.
Adke, iyo dareere too na ma ha; sida kale se waa " dareen ereyeysan", kaas oo saameeyn ku
yeesha dareensideyaasha. Haddii ay ka abuurmi lahayd durduro geel,
ama ba ay ka dhalan
lahayd doobbin geel; maansado, ka fog, wax qof
barbarad ah, uu tuducyo "horweyn" ah
" ku soo shubi" miisaankii
Gaarriye oo "haawad'oo madhan".
Runta aan la xididdo siibi
karin waxa ay tahay: Gaarriye, cid na maanseeye ka ma dhigin, kama dhigi karo, kama na dhigi
doono—tagto, joogto, ama timaaddo ba !
Gefka Barfassoorka kulliyadda wax ka dhigi jiray ayaa iska leh: Maxaa ustaadkii laga
dhaxlay? Hawshiisii meeday? Dhowr iyo soddon sano, iyo dheeraad soo socotay?
Maxay ardaydiisii soo kordhiyeen? Anii doogys ma gorothaaw—ustaadka
afkiisa garan
maayo! Waa Ilaahay mahadii. Eed, iyo anigu kala fogin—abidkay ustaad ma noqon!
L LAA SSOOCCOO QQEEYYBBAAHHAA SSOOOO SSOOCCDDAA ……
i
Waa askarigii uu ina Mooge Liibaan Jaalle Siyaad uga ashtakooday: " Ma og tahay, askari jaahil'aan ka amarqaataaye? "
Karkadeey waxa uu ahaa nin hannaanka gaardiga loo hibeeyay ayuu ahaa. Nin dusha ka wada qeybay, xeerarka askarta
ayuu ahaa.
ii
loj = loo oqoon jiray
iii
Seid Abdi, " Abla-ablaynta Af Soomaaliga". Eeg boggan: http://www.somalipress.com/link.asp?TOPIC_ID=1186
Ereybixnta ku saabsan qaafiyadda ee Md Seid ku ugu waqlalay "tibixqaar";
waxa kale ee xusid mudan in uu jiro
rag kale ee ugu magacdaray " xarafraac":
Maxamed Daahir Afrax. " Rural Imagery
In Contemporary Somali Urban Poetry: A Debilitating Carryover In
Transitional Verbal Art". Eeg boggan: http://www.soas.ac.uk/soaslit/issue1/AFRAX.PDF
iv
Afrax, imke (isla meesha ka eeg). ibid
|