
AKHRI WARSIDAHA PUNTLAND

TAAWO
-Theme=Dabuub -Term=Tiraab -Phrase=Tibaax -Email/Mail/Post=Dhambaal
-Dialect=Laqan -Bank Account=Qandi -Bank=Deni -Instrument=Daab -Bachelor=Yood -Master=Yahan -B.A.=Taawo-Yood -B.Sc.=Kasmo-Yood
-M.A.=Taawo-Yahan -M.Sc.=Kasmo-Yahan Haddii tubta koowaad lagu hidin kari waayo ereybixinta waxa loo dhurtaa tubta labaad
oo ah sidatan .... sii akhri
|
Afka soomaaligu ma la tartami karaa afafka
kale? Sidee afkeenna looga dhawri karaa erayada doolka ah? Dhibaato intee le’eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan
afkeenna?-------------
C/fitaax cabbaas
sii akhri
|
|
 |
 |
 |
SARBEEBTA EKEEYAHA
Aadanuhu wuxuu ku wada xidhiidhaa tabo leh qaabab kala duwan. Xidhiidhkaasi siyaalaha uu u dhaco waxa ka
mid ah in hadallada la is weydaarsanayo lagu tebiyo si toos ah iyo si aan toos ahayn. Maldihidda iyo muujinta ujeeddada waa
mid ku sugan midhaha maansada, murtida maahmaahda iyo mucda hadalka. Kala gurida hannaanka errayada ama weedhuhu ugu jiraan
afka, labadaa midkood,waxa door weyn ka ciyaara kelmadaha raacsan erayga ama jumladda iyo kaalinta uu ka taagan yahay gaballada
weheliya.
sii akhri
SUUGAAN
Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin si loo fiiriyaba hadal
iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masaal iyo madaddaalo, hees iyo hello, sheeko iyo qorriin iyo qun-u-hadal,
gees loo dayaba waa af hodan ah ee Eebbe Weyne u yeelay murti bad ah iyo miro macaan ka buuxaan , nuxur, qoto dheeri iyo xigmadina
u sii dheer yihiin. Haddaad eegto af-Soomaaliga qaayihiisa, iyo ....
sii akhri
HOOBASHO IYO HALACNIMO
Waa waayada ka mid ah, ayaa la yiri, waxaa degsiimooyinka Soomaalida
ka aloosmay colaado iyo dagaaallo damiwaayay. Xaajo ugub oo dihin ayay ahayd oo gar cadaawo noqotay. Kufsasho, xasuuqid, isirxaaqid,
baqti-gowrac, maataddoox, mooradduug iyo saqiirraddubad ayaa dhacay. Dhiig fara badan ayaa dhulka galay. Falal aad u foolxun,
silloon oo sirgaxan, Muslin daayoo, Masiixi iyo Yahuudba uu ka sarriigto ayaa dhacay.
SII AKHRI
DHAWR
IYO GARGAAR
Nin fiilasoof ah oo magaciisa la yiraahdo
Xirsi Magan Ciise ayaa mar uu ka hadlay gumaysiga wuxuu hadalkiisa ku daray ereyo sidaan ahaa: ”Dadka in ay dad kale
gumaystaan wax uga daran lama arko, laakiin shacabka soomaalida gumaysigii caddaa baa u dhaamey gumaysigii madoobaa”.
Gumaysiga cad wuxuu uga jeedaa caddaankii Yurub ka yaacay oo gumaystey ummado badan, gumaysigii madoobaana wuxuu uga jeedey
jenneraal Maxamed Siyaad Barre, oo ay asaga isku qabiil ahaayeen
SII AKHRI
|
 |
 |
 |
|